Ceel-cad News

Ceel-cad News War lahelaaba talo lahel

Itoobiya oo war ka soo saartay Wada-hadallada Turkiga ka dhacay: "Annaga iyo Soomaaliya waxa aan isla go'aaminay in aan ...
02/07/2024

Itoobiya oo war ka soo saartay Wada-hadallada Turkiga ka dhacay: "Annaga iyo Soomaaliya waxa aan isla go'aaminay in aan si nabad ah ku dhammayno khilaafkeenna... annaga oo ku ballannay sii wadista wada-hadallada."

DEG DEG : Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahal uga furmayo Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.Wasiirka Arrimaha D...
30/06/2024

DEG DEG : Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahal uga furmayo Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, halkaasoo ugu qeybgali doonaan wadahadal ay la galayaan Wafdi ka socda Itoobiya kaasoo ay dowladda Turkiga dhexdhexaadinayso.

Dowladda waxay sheegtay inay ka go'antahay difaaca dalka madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo amnigiisa qaranka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Buq ee gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu ka socda dagaal beeleed, iyadoo la soo sheegayo in...
30/06/2024

Wararka ka imaanaya deegaanka Buq ee gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu ka socda dagaal beeleed, iyadoo la soo sheegayo inay gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo saaka bilowday ayaa wali socda. Buq waa deegaan 5 km u jira degmada Towfiiq.

Maxaa ka cusub goobihii shalay dirirtu ku dhex martay beelaha Muumin Aadan iyo SacadWafdi balaaran oo ka kala socday Pun...
28/06/2024

Maxaa ka cusub goobihii shalay dirirtu ku dhex martay beelaha Muumin Aadan iyo Sacad

Wafdi balaaran oo ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray goobihii shalay dirirtu ka dhacday, safarkaan ayaana ujeedadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa laba beelood.

wafdiga ayaana la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay iyagoona xooga saaray sidii loo joojin lahaa xabbada iyo dhiiga daadanaya.

Kulamo gooni gooni ah ayay laka qaadanayeen maamulada gobolka Puntland iyo Galmudug, horjoogayaasha cidamada hogaaminayey, Odayaasha dhaqanka labada beelood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambayntii wafdiga ayaa ku guulaystay inay labada dhinacba ku qanciyaan xabbad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya
● Maxay kula tahay?

DEG DEG:-Allaha Unaxariistee waxaa goor dhow la xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Max...
28/06/2024

DEG DEG:-Allaha Unaxariistee waxaa goor dhow la xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Pror Jawaari ayaa kamid ahaa dadka tirada yar ee lahaa fikirka wanaagsan ee hanaqaadka nidaamka hufan ee Sharciga iyo Dowladnimada,isagoo 15-kii sano ee lasoo dhaafay si weyn uga dhex muuqday isbadalka Dowladnimada Soomaaliya.

27/06/2024

Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda deegaano ku yaala galbeedka gobolka mudug, kaas oo u dhexeeya labo beelood oo dega deegaanadaas, Dagaalka ayaa saaka ka bilaamay dhowr jiho oo kala ah Jiic-boor, Laamaha Dhuxusha, iyo Laamo Aribiib.

Address

Gaalkacyo
252

Telephone

+252905173704

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ceel-cad News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share