26/12/2022
Xayow maxamadow laga was waas xaalka reer
muduge
Waa meel aan la xasuusanayn xaga aakhiro
Waa meel xasarad fool xun iyo xume ku beermeen
Waa meel xakamada sharciga la xaqirayaa
Waa meel seedi xurmo weyn la xaragaysiin
Waa meel xariim wada dhashiyi xididba eedeen
Waa meel xigaal kaa tihiin xaasid kuu yahay
Waa meel xiriirkii tolnimo xariga loo goyn
Waa meel xilkii laga tagoo laga xishoonayn
Waa meel xaqiiqadii dhuntay oo xaqa la sheegayn
Waa meel xaaraantu tahay sida xalaashii
Waa meel xad gudub joogo iyo xila fur beeneed
Waa meel xifaalo iyo danbi iyo xani ka buuxdaa
Waa meel ninkii xoog yaraa xadan ku joogaa
Waa meel xaraas iyo dhib iyo xoogsi la hayaa
Waa meel xayaatiyo dadnimo ka xad fanaadeen
Waa meel midkaa xor u tiqiin xabash ka liitaa
Isku ekaa.maalintii la tiriyey gabaygaan iyo maanta xaalka reer mudug