KENYA IYO HAITI_15398359.mp4
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tegay dalka Haiti, halkaasi oo ay joogaan ciidamo ka socda dalkiisa.
Koox dhallinyaro oo caqabad ku noqday Erdogan
Koox dhallinyaro Turkish ah oo loo yaqaan Kun-ka Dhallinyarada ee Falastiin ayaa caqabad xoog adag ku haya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyagoo isticmaalaya baraha bulshada si ay u soo bandhigaan ganacsiga wali uu Turkiga la leeyahay Israel.
Doorasho muhiim ah oo ka dhaceysa Jarmalka
Xisbiga midigta fog ee Jarmalka ee AfD ayaa rajeynaya inuu maanta ku guulaysto doorasho adag oo ay kula jiraan xisbiga hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, taasi oo ka dhacaysa gobolka Brandenburg.
Weriyaha VOA ee London Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaan ka wareysanaya doorashada.
Ciidamada Israel oo galay xafiiska Al-Jazeera
Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay islamarkaana albaabada isugu dhuftay xafiiska Taleefishinka Al-Jazeera ee magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.
Qubanaha VOA
Qubanaha VOA waa Telefishan hawada soo gala 5 maalmood toddobaadkii saacadda Geeska Afrika markay tahay 5:30 pm galabnimo.
Wareysiga Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Maraykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Maraykanka Danjire Daahir Xasan Carab.
Danjire Carab ayaa VOA uga warramaya waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweyne Biden. Sahra Cabdi Axmed ayaa wareysatay Danjire Carab.
Xildhibaan deegaan oo lagu la'yahay Wajeer
Xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka Wajeer ee dalka Kenya ayaa la la'yahay muddo saddex maalmood ah, ayada oo la sheegayo in laga afduubtay magaalada Nairobi.
Wareysiga taliyaha AFRICOM uu siiyey VOA
Taliyaha Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika General Michael Langley ayaa sheegay inu ku kalsoon yahay in Soomaalyia ay maamuli doonto amnigeeda kadib marka ay cidamada ATMIS baxaan dhammaadka sanadkan.
General Langley ayaa warysi gaar ah oo uu VOA siiyay wuxuu kaga hadlay iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada Maraykanka iyo Soomaaliya ee howgallada ka dhanka ah al-Shabaab. Wareysigan waxaa Muqdisho kula yeeshay, weriyayaasheena Muqdisho Cabduqaadir Maxamed Cabdulle iyo Cabdulqaadir Zubeyr, waxaase warbixintan kooban ka diyaariyay Maxamed Colaad Xassan oo Washington ku sugan.
Soomaaliya oo ku biirtay hay’adda IAEA
Magaalada Viena xarunta dalka Austria waxaa toddobaadkan ka qabsoomay kullankii 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA, ayada oo si rasmi ah ay Soomaaliya ugu biirtay hay’adda.
Habka cusub wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada oo la filayay inay dhacaan 17-kii bishan.
Bandhigga VOA: Caqabadaha Abiy ka haysta gudaha xilli ay is-hayaan Soomaaliya
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay hilaafka cirka isku sii shareeraya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo caqabadaha gudaha dalkiisa ka soo wajahaya Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed. Falastiin Axmed Iimaan ayaa soo jeedineysa.
Soo-galootiga Canada oo sharci loo raadinayo
Dibad baxyo lagu dalbanayo sidii dadka soo-galootiga ah ee ku nool Canada sharci loo siin lahaa ayaa ka dhacay magaalooyinka qaar ee dalka CANADA.
Britain oo loogu baaqay in aysan ku daya Talyaaniga
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku boorinaya Britain in aysan min guurin habka uu Talyaanigu isku dayayo in lagu dhimo tirada muhaajiriinta ee imaanaya xeebaheeda.
Henry Ridgell ayaa warbixintan ka soo diray London, Caasha Cuud ayaa soo jeedinaysa.
QM oo eegeysa hindise sharciyeed ka dhan ah Israel
Golaha loo dhan yahay ee QM ayaa eegaya hindise sharciyeed ay soo gudbisay Falastiin Talaadadii shalay, kaas oo Israel ka dalbaya in muddo sanad ah ay ku soo afjarto joogisteeda sharci-darrada ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed.
Xizbullah oo wacad ku martay inay ka aargudato Israel
Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacada maanta ah wacad ku maray inuu ka aargoosan doono Israa'iil, kadib markii boqolaal qalabka fariimaha ee Pager-ka loo yaqaano oo ururka Xisbullaah iyo dadka reer Lubnaan ay adeegsadaan la qarxiyey, ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.
Qubanaha VOA
Qubanaha VOA qodobada ku jira waxaa ka mid ah; Xizbullah oo wacad ku martay inay ka aargudato Israel, Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka gaartay kiiska Sayid-Cali, QM oo eegeysa hindise sharciyeed ka dhan ah Israel, Diyaaradaha Ukraine oo duqeeyey gudaha Ruushka iyo qodobo kale.
Sweden oo lacag siineysa muhaajiriinta si ay uga baxaan
Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday dhawaan inay siinaysoUS$ 34,000 dadka soo-galootiga ah si ay ugu laabtaan wadankii hooyo.
Zimbabwe oo gowraceysa maroodiyaal
Zimbabwe ayaa qorsheyneysa inay gowracdo 200 oo maroodi, si loogu quudiyo bulsho ay soo wajahday abaar darran.
Cabsi soo wajahday muhaajiriinta Springfield, Ohio
Magaallada Springfield ee gobolka Ohio ayaa la joojiyay bandhig dhaqan, kaddib markii Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa ay ku eedeeyeen muhaajiriinta Haiti ka timid ee halkaasi dagan inay cuneen eyda iyo bisadaha halkaasi ku nool.
Xaaladda caasimadda Mali oo kacsa
Xaaladda caasimadda Mali ee Bamako ayaa kacsan kaddib markii koox hubeysan ay weerartay iskuul booliska militariga lagu tababaro. Kooxda Jamaacatul Islaamiga ee ku xiran al-Qaacida oo sheegatay weerarkaas.