Madasha Hoobaan

Madasha Hoobaan -Madasha Hoobaan: "Waa madal kulmisay dhallinyaro Soomaaliyeed, taas oo turjunta dhiganayaasha iyo qormooyinka.
(1)

Dhallintu waxay ku shaqeeyaan si isxilqaan ah oo aysan kujirin wax faa’iido ama dheef maaddi ah"

Fahan, Dabadeed QaybWuxuu yiri:Maalin ayaan masaajidka aaday si aan salaadda Casar ugu soo tukado. Kolkii aan tukaday ay...
15/10/2024

Fahan, Dabadeed Qayb

Wuxuu yiri:
Maalin ayaan masaajidka aaday si aan salaadda Casar ugu soo tukado. Kolkii aan tukaday ayaan tiirarka masaajidka midkood ag fariistay.

Taleefanka ayaan la soo baxay, waxaanna bilaabay akhrinta wardiga (adkaar) galabtii. Ishaydu waxay qabatay kuray toban jir ah oo albaabka masaajidka kasoo gelaya, hadbana gar daymoonaaya. Inta ii yimid buu isaga oo naxsan igu yiri: sheekhii ma yimid? Sheekhee? Sheekhii ciyaalka Quraanka qaybsiinayey. Anigu macallinkaas uu shaagayo warba k**a hayn. Intaan u dhoollacadeeyey, si bakadku uga baxo, ayaan si hoose ugu iri: may, weli ma iman ee garabkayga soo fariiso; wuu soo fariistay wuxuuna billaabay inuu musxafka hadba baal rogo, waxaan ku hammiyey inaan dhaho suuraddee ayaad rabtaa inaad xifdisid?

Cod cabsi darteed la shigshigaya ayaase weydiintaydii igu celiyey. Wuxuu yiri: “adeer, mar iyo labo suuraddan ma ii marin kartaa si aan qummaati ugu qaybo? Aabbahay fahan xumadayda ayuu ka quustay markastana wuu ka cabtaa oo wuxuu i gayeysiiyey in aan ka xishoodo inaan dhaho quraanka ii akhri. Marka aan sheekhayga u tago een aayadda gefo, caro ayuu igala dul dhacaa, anigu higgaadda kuma fiicni oo erayada qaar ayaa igu adkaada.” Yarkii waan u dhoollacadeeyey, kitaabkii ayaan ka qaaday, soo dhawow baana ku iri… waan u mariyey asna wuu iga dabo qaadayey, rubuc saaco kadib waxaan ka codsaday inuu kaligii akhriyo wuuse kari waayey.
Waxaan soo xasuustay hadal uu sheekhaygii ii sheegay: haddii xifdigu kugu adkaado, marka h**e macnaha aayadaha fahan kadib na qayb; xifdinta aayaduhu waa sidii albaab qafilan oo adiga iyo Jannada idiin dhexeeya, ha isdhiibin hadba fure ku day intii karaankaaga ahna dedaal mar uun buu kuu furmiye.

Kuraygii ayaan mar kale dhugtay mise qajilaad darteed buu farihiisii ku mashquulsan yahay, intaan u dhoollobiray ayaan ku iri: maandhe xifdiga u kaadi e macnaha aayadahan ma garanaysaa? Wiilkii baan aayadihii u fasiray, laba jeer baan u mariyey asna wuu iga daba akhriyey dabeeto waxaan ka codsaday inuu ka baxo.
Aayadihii qaar buu saxay, markii ay ku istaagtaba wuxuu dhahaa qisadeeda ma kuu sheegaa, dhowr isku day kadib sidii faataxadi buu dusha ka qaybay [casharkii oo dhan].

Macallinkii Quraanka baa yimid, ardaydiina way kusoo urureen, kolkaas buu yarkii iga codsaday inuu tago, waxaan ku iri maandhow hal talo maku siiyaa? Inta uu dhoollacaddeeyey buu yiri haa. Gacanta intaan soo qabtay oo dhunkaday baan ku iri: “Maalin baa iman doonta lagu oron doono kaalay hebelow akhri Quraanka, Eebbe iyo malaa'igtiisana ay ku dhegaysanayaan.
Miyaadan u hilowsanayn inaad Alle hortiisa Quraanka ka akhridid oo uu ku dhaho "suurad heblo ka bax". Ka dibna waxaan dhegta ugu sheegay oraah aan jeclaan lahaa in yaraantaydii cidi i tiraahdo: adigu waxaad hadda isu diyaarinaysaa sidii aad Ilaahay hortiis Quraanka uga dareerin la hayd, ha noogin oo ha wahsan hana quusan, xeelad yaridaada haka cabanin waayo buuni kasta oo Quraanka daaya waa Jaahil. Waxaan kuugu hambalyaynayaa dhallinyaranimadaada aad ku bixisay barashada kitaabka Alle. Madaxa ayaa ka shumiyey waxaanna ku iri: orod macallinkaaga u tag Quraankana dareeri sidii adiga oo carshiga harsanaya Eebbana uu ku dhegaysanayo. Waan ku kalsoonahay inaad kasoo dhalaali kartid.

Maalin kasta masjidka ayaan ku kulmi jiray, inta uu macallinkiisa ka imaanayo ayaan Quraanka sii qaybsiin jiray, laba bilood kadib waan sagootiyey, waayo meel kale ayaan u guuray. Maalinkaa ka gadaal isma aanan arag, waxaan kaloo ogaaday in macallinkiisii uu masaajid kale u wareegay.

Toddoba sano ka dib, aniga oo shaqadii kasoo baxay ayaan masaajid istaagnay si aan salaadda Maqrib ugu tukanno, waan soo galay, waxaan la kowsaday nin dhallinyar ood mooddo gabal dayaxa ka mid ah oo dadka ku leh" safka sima". Wiilka wajigiisu waa iigu yaallay laakiin waan soo dhufan waayey... [salaadda markii uu galay] codkiisu wuxuu ahaa mid raxmadeed oo aad u macaan.
Haddii aanan salaad ku jirin waxaan ka codsan lahaa inuu qirada dheereeyo waayo laxankiisu laabtayda ayuu daweeyey, waxaanse ku kaaftoomay inaan sujuudda ugu duceeyo aniga oo leh "Eebbow barakee".

Markii salaaddii aan oognay ayaan koone fariistay si aan adkaarta salaadda u akhristo. Waxaan ka war helay wiil i dul taagan oo madaxayga dhunkanaya asaga oo igu leh: waxaan Qiyaamaha hor Ilaahay kaaga maragkici sida aan ahay inaad adigu sababteeda leedahay. Waxaan damcay in aan dhaho waa kuma? Hadalkiisii ayuuse sii watay oo igu yiro: “adeer, mar iyo ka badan ma ii akhrin kartaa si aan suuradda u xifdiyo… aabbahay famhad xumadayda ayuu ka quustay markastana wuu ka cabtaa…” Asaga oo indhihiisa ay illin ka dareerayso ayuu igu yiri: hadda ma i xasuusatay? Hab buu i siiyey oo yiri: Quraankii waan dhammeeyey, ijaaso ayaanna qaatay, hadda aniga ayaa macallin ah... hambalyo adeer taajkii karaamada guddoon.

Si kalgacal leh ayaad iila dhaqantay, qalbi xaarnaantaada ayaa i deeqday, Quraanka ayaad iiga dhigtay waxa aan dunida ugu jeclahay adiga oo aan dareemsanayn. Aniga oo ay igu cakiran tahay baan ku soo ciirsan jiray adna waad i caawin jirtay. Hambalyo, Guulle haku guddoonsiiyo ajarka intaan anigu xifdisanahay iyo intaadaba. Mahadsanid, waayo markii cid walba iga rejo dhigtay baad adigu igu kalsoonaatay.”

W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca: https://rattibha.com/thread/1315999857341939713?lang=en

QULQULKA ADDUUNKA EE AFRIKA & QORSHE LA'AANTA SOOMAALIYA.Sannado badan Afrika fiiro gaar ah laguma bixin, qaar ayaaba ug...
04/10/2024

QULQULKA ADDUUNKA EE AFRIKA & QORSHE LA'AANTA SOOMAALIYA.

Sannado badan Afrika fiiro gaar ah laguma bixin, qaar ayaaba ugu yeeray qaaradda la ilaaway. Marka loo fiiriyo caalami ahaan istaraatiijiyadda bulsho iyo midda deegaan siyaasadeed ee ay sidato; qaaraddu waxay noqotay mid hoos u dhac weyn samaysay. Magaceedu na waxa uu noqday mid lagu halmaalo macaluul, fowdo siyaasadeed, dagaallo sokeeye, musuq iyo dib u noqosho.

Markii maalgashadayaasha iyo hal-abuurrada ganacsi oo caalamiga ahi ay ka wada hadleen mashaariicda maalgelinta kuwooda dhow iyo kuwooda dhaadheer ee la xiriira tamarta, is-gaarsiinta iyo waaxaha socdaallada ama ba xaddiga heerkiisu aadka u weyn yahay ee isticmaalka [qaybahaas] ee gudaha Koonfur-bari Aasiya, [qaaradda] Afrika waxay noqonaysaa mid loo tixgeliyo goob aanan wax fursad ah lahayn.

Si-kasta ba, arrimahaas oo iyagu haatan isbeddelay, qaaradda na ka-dhigay mid kamida bar-go’yada maalgashi ee ugu haboon ee ay dhoofiyeyaal badan oo caalami ahi u dan-leeyihiin sidii ay suuqeeda u geli lahaayeen, iyaga oo weliba noqonaya maalgashadayaal madani ah.

Xagaagii u dambeeyey qaaraddu waxay aad ugu mashquulsanayd samaynta suuqaq iyo soo-dhaweynta qaar kamida madaxda dowladaha ugu awoodda badan dunida. [Tusaale ahaan]…Dhamaadka bishii Agoosto, qaaradda waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha Shiinaha, Baraasiil, Turkiya, Hindiya, Arjantiina, Boqotrooyada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Koonru Kuuriya iyo Raashiya.

[Sidoo kale] Bartamihii Maarso ee sanadkaan madaxwaynaha Faransiiska ayaa noqday madaxwaynihii u horreeyay ee dalkaas ee booqda Keenya, halkaas oo uu ku saxiixay heshiisyo [maalgashi oo] ku kacaya in ka-badan $2 bilyan oo doollar.

Hoggaamiyayaashaasi waxay safreen xilliyo kala duwan, waxay na u kala safreen ujeeddooyin kala duwan oo ay kamid tahay: ka qayb-gelidda shirar wejiyo badan, furidda safaarado cusub, iyo xarig-jarka maalgashiyo cusub oo waaweyn.

Tusaale ahaan, RW-ha Hindiya, Narendra Modi ayaa booqday Yugaandha, isaga oo ku dhawaaqay furitaanka 18 safaaradood oo qaaradda ku baahsan; halka isla-bishaas [uu] MW-ha Turkiga iyo midka Arjantiina ay ka qayb-galeen kulankii Koonfur Afrika ee BRICKS (Brazil, Russia, India, China, South Korea, South Africa). Si-kastaba, dhamaan hoggaamiyayaashaasi waxay wadaageen hal yool oo ah horumarinta isku-xir dhow oo lala sameeyo Afrika —si aanan loo lumin fursadaha dihin ee qaaradda. Inta badan hoggaamiyayaasha dunidu na waxay arkeen in barwaaqadooda iyo horumarka mustaqbalkoodu na uu ku xiran-yahay [hadba sida looga faa’iidaysto] Afrika.

Tan iyo 2000-kii, markii uu Shiinuhu sida rasmiga ah u shaaciyey xiriirkiisa ganacsi ee tooska ah ee Afrika, Danaynta qaaraddu way sii koraysay. Korriimadanina tan iyo 2010-kii waxay [qaaradda u keentay] danaynta caalamiga ah. In-kastoo Shiinuhu uu yahay dalka helay manaafacada u weyn [sida ay ka dhawaajiyeen] ka-faalloodayaasha warbaahinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Dalal kale oo kamida saaxiibada qaraamiga ah iyo tartamayaal cusub ayaa kordhiyey joogitaankooda qaaradda.

Intii u dhexeysey 2010-kii ilaa 2017-kii, 65 dal ayaa ballaariyey ganacsiga ay la-leeyihiin Afrikada saxaraha ka hoosaysa. Dalalka Aasiyada-bari sida Thailand iyo Indonesia, marka lagu daro Shiinaha, ayaa iyagu si xad-dhaaf ah u kordhiyey ganacsigooda [kala dhexeeya] qaaradda [Afrika].

Tusaale ahaan, Raashiya, si lamid ah dhowr ka tirsan dalalka Yurubta-bari oo ay ku jiraan Bulgaariya iyo Seerbiya ayaa laba-jibaaray ganacsiga ay la-leeyihiin gobolka; halka Hindiya ay 2016-kii noqotay saaxiibka labaad ee u weyn ee qaaradda Afrika la-leh xiriirka ganacsi.
Marka intaa lagu sii daro, ganacsiga sii badanaya, iyo guntanka diblomaasiyadeed waxaa la arkay koror degdeg badan. Tan iyo 2010-kii, in ka-badan 150 safaaradood ayaa laga furay dalalka saxaraha ka hooseeya.

Turkiga iyo Qadar ayaa hoggaaminaya tartanka, iyaga oo furtay 16 iyo 12 safaaradood oo cusub, siday u kala horreeyaan. Intaa waxa sii dheer, dowlado dhowr ah in ay daahfureen siyaasado cusub oo gobolka ka dhan ah, isla-markaa na ay kulanno joogta ah la sameeyeen hoggaamiyayaasha qaaradda.

Tusaale ahaan, Hungary waxay 2015-kii asaastay siyaasaddeeda “Koonfur u furanka”. halka Poland ay 2013-kii shaacisay siyaasaddeeda “Aad Afrika”. Indonesia waxay bishii Abriil ee sanadkii h**e ay shir la qaadatay [dowladaha] Afrika, shirkaas oo ay kasoo qayb-galeen 500 oo wefdiyo ah oo iyagu ka kala socday 46 dal oo Afrikaan ah, jaalka horumarinta iyo ururro caalami ah. Dhanka Indonesia waxaa uga qayb-galay 200 oo matalayaal ah oo isugu jira saraakiil dowladeed iyo laamo madani ah. Si lamid ah, Kuwait ayaa iyana 2013-kii qabatay fadhigii 3-aad ee Carabta iyo Afrika; halka ay Jabaan dabayaaqadii Agoostadii hadda dhaaftay qabatay kulankii 7-aad ee iyada iyo Afrika u dhexeeya.

[…Qodobka u weyn ee] Soo-jiidashada Afrika maahan oo keliya soo-saarista macaadinteeda, se aayatiinkeedu waxa uu ku xiran yahay kobaceeda dhaqaale, kororkeeda bulsho ahaaneed iyo dalabka macaamiileed ee aanan horay loo arag. Dhaqaalaha Afrika waxa uu u korayey si xawli ah. Lix kamida tobanka dal ee dunida ugu korriimada badan [dhaqaale ahaan] waa dalal Afrikaan ah.Dhaqaalaha dalalka saxaraha ka hooseeyaa waxa uu 2016-kii kordhay celcelis dhan 3.5%. Isaga o noqday lambarka labaad, markii laga tago Aasiya.

Haayadda IMF-tu na waxay saadaalisay in uu sanadka 2020-ka naaxi doono 4.3%. Intaas waxaa ku sii darsamin kororka bulsho oo isna aad u dhakhsiya badan. 2050-ka na dadka deggan waxaa lagu qiyaasi 2 bilyan oo qof. Halka ay dhamaadka qarnigaan ka gaari doonaan 4 bilyan oo qof. 62% oo dadkaan kamid ahi waxay ka yar-yihiin da’da 25 sano jir. Sidoo kale, 2034-ta waxaa lagu qiyaasay in ay yeelan doonto xoogga dadka shaqeeya ee dunida ugu badan, kuwaas oo gaaraya 1.1 bilyan oo qof. Dadkaa sida degdegta badan u badanayaa waxay u baahan yihiin in la quudiyo, dhar loo xiro, la socdaaliyo, la daweeyo oo weliba wax la baro. Taas oo la macne ah isticmaalku na aad buu u bullaalinayaa.

Marka loo fiiriyo xarunta McKinsey Global Institute, isticmaalka Afrika waxa uu kor u kacayay celcelis gaaraya 5%. Sanadkii 2015-kii na waxa uu ba kor u dhaafay dunida inteeda kale. Korriimada isbeddelladanna waxaa la saadaaliyey in ay sii socdaan, ilaa ay 2025-ka garaaci doonaan $4 tiriliyan oo doollar.

Xaqiiqo ahaan, kolkii la dhowro korriimada dhaqaale ee dalalkaa, kharashaadka quutayaashu dalalka saxaraha ka hooseeya waxa uu u taagan-yahay 50-60%. Sida ku cad Bangiga Horumarinta Afrika.

Kororka isticmaalkan waxaa shidaalinaya sare-u-kaca dabaqadda dhexe ee bulshada qaaradda, kuwaas oo sanadkii 2018-kii lagu qiyaasay in ay gaaraan $330 milyan oo doollar, sanadka 2060-ka na lagu wado in ay gaadho 1.1 bilyan (42% oo tirada dadweynaha ah). Tani waxay bulaalisay dareenka sharikaadka dalalka isaga tallaaba iyo sahmiyayaasha dhaqameed ee suuqa gobolka. Tusaale ahaan, suuqa Maraykan ee Wal-Mart oo ah noociisa midka u weyn dunida oo iibiya badeecadaha tafaariiqda ah ayaa suuqa Massmart ee Koonfur Afrika ku maalgashaday $2.5 bilyan oo doollar. Taasi keliya Wal-Mart k**a dhigayso mid Afrika ku xira shabakadda dhaqaale ee u weyn [dunida], balse marka loo dhowro falanqaynta, waxay kaloo boos adag dhaxalsiin doontaa 13 dal oo saxaraha ka hooseeya.

Ayaandarro, si-walboo ay dhamaan dalalka saxaraha ka hooseeyaa u wadaagaan dabeecado isku mid ah oo fiirada dunida kusoo jiiday, misana dhammaantood k**a faa’iidi doonaan fursadaha soo-aaddan, Soomaaliya na waxay noqon doontaa midda u horreysa ee laga tegi doono. Intaa marka lagu sii daro, nabad-darrida, xasillooni la’aanta ay weheliyaan kaabayaashii bilowga ahaa ee dhaqaalaha, dowlad-xumo iyo xasillooni-darro siyaasadeed oo maalgashadayaasha dalka ka weeciyay. Soomaaliya waxay wajahaysaa hurgumooyin kale oo ka yareeya fursadaha ay maalgashiyada kusoo jiidan-karto.

Mid kamida hurgumooyinkani waa xirfad yarida baahsan ee dalka ka jirta, in-kastoo ay jaamicaadkiisu na sii badanayaan. 70% dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka hooseeyaan da’da 30 sano jir. Saddex meelood laba dalool na waa shaqo la’aan. Xirfad la’aantu waa qayb-weyn oo shaqo la’aanta dhallinyarada kamid ah, hannaanka waxbarashadu na maahan mid arrimahaas buuxinaya.

Jaamacadaha Soomaaliya waxay soo-saaraan qalanjebiyayaal naaqus ah, kuwaas oo isu-haysta aqoonyahanno, aananna doonayn in ay qabtaan shaqooyinka caadiga ah. Dhan-kale na aanan diyaarin karin warqad-yar. Ujeeddada jaamacaduhu waa in ay badiyaan dad cusub, iyaga oo aanan dan ka-lahayn tayadooda. Sanad-walba 50,000 oo arday ayaa ku biira jaamacadaha, 30,000 oo arday ayaa na iskuulaadka ka qalanjebiya. Taasi waxay ka dhigan-tahay toban-kumaad arday ah oo aanan dugsiga sare dhamaysan ayaa sanad-walba ku biira jaamacadaha. Tani waxay si waalli ah u wiiqaysaa tayada waxbarashada, isla-markaa na ay si taban u saamaynaysaa kalsoonida ay loo-shaqeeyayaashu u hayaan ardayda soo-qalanjebisa.

Intaa waxaa sii dheer, waxaa jira is-qaadan-waa ba’an oo u dhexeeya xirfadaha loo baahan yahay e dalka iyo waxa ay jaamacaduhu hayaan. Tani waxay ku qasabtaa in qolyo badan oo loo shaqeeyaa ay xirfadlayaal diyaarsan ka soo daabushaan dalalka deriska ah. Tusaale ahaan, shirkadaha dhismaha, oo iyagu ah qaybta ugu korriimada dheeraysa gudaha Soomaaliya, waxay keensadaan Injineerrada madaniga ah, sahmiyeyaal tayo wacan iyo xirfadlayaasha farsameeya agabka dhismaha ayey iyagu ka keensadaan Keenya, Bangaaladish, iyo Hindiya. Sababtoo ah dadka xirfadahaan lihi gudaha Soomaaliya aad bay ugu yar-yihiin.

Gunaanadkii, dalalka dunida oo dhami waxay u tartamayaan sidii ay saami uga heli lahaayeen fursadahan sii xoogaysanaya ee Afrika, halka dal-kasta oo saxaraha ka hooseeyaa uu ku dadaalayo sidii uu u samayn lahaa fursadahan kuwooda ugu badan. Dalalka qaar, sida: Itoobiya iyo Nayjeeriya, iyagu si fiican bay yeeleen si ay usoo jiitaan maalgashayaasha shisheeye ee waaweyn. Se dalalka qaar ayaa laga tagay, waxaa na u sabab ah [oo la haray] nabadgelyo la’aan iyo sidoo kale la’aanta kaabayaasha dhaqaale —kuwooda seeska ah.

Si-kasta ba, suququrka xirfadaha iyo la’aanta xoogga shaqaalaha ee diyaarsan ayaa ah hurgumada u weyn ee horumarka aayaha Soomaaliya. Maadaama soo-saarista khayraadku ayan sinna ba ku ahayn kobciyeyaasha dhaqaalaha Afrika; [se] khayraadka dadka ayaa ah nuxurka ugu quruxda badan ee waaxyaha horumarka.

Sidaas awgeed, si loo soo jiito maalgashadayaal, oo loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada, loona dhiirrigeliyo kuwa shaqeeya; dedaallo [horumarineed] dhinacyada dhan walba khuseeya ayaa muhim ah [ina la sameeyo]. Dowladdu waa in ayan keli ku ekaan waxbarashada heerka sare ah, ee waa in ay samaysaa dib-u-qaabayn muhiimaddeeda leh, isla-markaana ay horumarisaa siyaasadda waxbarashada sare, taas oo la saf ah istaraatiijiyadda horumarineed ee dalka iyo dalabka suuqa ba.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
W/T: Madasha Hoobaan

30/09/2024

Maalinta 9/30 ayey Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay "Maalinta Caalamiga ah ee Tarjumaadda".

Maalintaan waxaa laga dheegtay maalinta ciidda ah ee Geeruum, mutarjimka kitaabka Injiilka ah.

Sida ay baahiyeen TAC iyo UNESCO, dunida waxaa jooga 640,000 qof oo wax tarjuma ayadoo la adeegsanaayo 7000 oo af.

Dunida ciddii ugu horreysay oo tarjumidda aqoon ka dhigtaa waa Giriigii h**e, halka ciddii ugu horreysay ee ka dhigta xirfad lagu shaqaystaa ay ahayd dowladdii Cabaasiyada.

"Waxaa ku beegmaaya 4 dhigane halkii malyan oo Caraba, Isbaanishka halkii milyan waxaa ku beegmaaya 920 dhigane, halka 519 dhigane uu ku beegmaayo halkii malyan oo qof oo u dhashay Haangari"
Waxay kamid ahayd xog ay siidaysay UNESCO.

Dadkeenna Soomaaliyeed xog lagama hayo, balse inay liidato waa sababta isu keentay dhallinyarada Madasha Hoobaan ee Turjumidda, si afka Soomaaliga loogu soo tarjumo aqoonta [baahida weyn loo qabo ee] afafka kale ku qoran.

Dagaalka Qasa waxa uu Bannaanka keenay Munaafaqadda Maraykanka-----------------------Waxaa amakaag leh madaxweynaha Mara...
12/04/2024

Dagaalka Qasa waxa uu Bannaanka keenay Munaafaqadda Maraykanka
-----------------------
Waxaa amakaag leh madaxweynaha Maraykanka, oo lagu sheego hoggaamiyaha dunida xorta ah, in uu u duulay Israa’iil si uu u siiyo taageero millateri oo dheeraad ah rajiim aan u aabbayeelayn in uu qurgooyo ba’an u gaysto rayidka Qasa ku nool. Bixinta taageerada millateri ee dheeraadka ah, taas oo qiimaheedu ballaayiin doollar tahay, ee madaxweyne Biden siinayo Raysalwasaaraha Israa’iil ee Netanyahu kali ah walaac qotodheer kuma aha Falasdiiniyiinta reer Qasa ee kumannaanka looga dilay hubka Maraykanka, ee sidoo kale waxa ay walaac ku haysaa malaayiin dadka [caalamka ah] iyo hay’ado badan oo kuwa xuquuqul-insaanka u dooda ah, kuwaas oo aaminsan in falalka Israa’iil ee ay Qasa ka fulinayso in loo xisaabin karo xasuuq.

Si uu boogaha u sii danqiyo, Biden waxa uu ugu yaboohay lacag yar oo boqol milyan ah, taas qayb yar ka noqonaysa xaddiga taakulada millateri ee Israa’iil, in ka badan labo milyan oo reer Qasa ah kuwaas oo guryahoodii la duqeeyay, haatanna ay dowladda gumeystaha ah ee Israa’iil ay asaasiyaadkii u diidday, sida: cuntada, biyaha iyo korontada. Arrintani waxa ay bannaanka keentay ahmiyadaha Maraynkanku halka ay yaallaan.

Waxa uu madaxweynaha Maraynkanku ku guuldarraysay in uu garto waa inaan Falasdiiniyiintu u baahdeen gargaar bini’aadannimo, haddii aysan Israa’iil go’doomin ku samayn Qasa. Aragtida quursiga ah ee dowladda Maraykanka (iyo dabcan warbaahinta reer Galbeedka ee u muuqata in ay makarafoon u noqotay dicaayaadda Maraykanka iyo Israa’iil) ee ku aaddan laynta ka socota Qasa, waxa ay si cad u muujinaysaa in ay jirto kala sarrayn u dhaxaysa dhibbanayaasha dagaallada adduunka. Sidaa darteed, waxaa jirta naxariis qotodheer iyo taageero loo hayo reer Yukrayn oo Ruushku duqeeyay isla markaana hoy la’aan ka dhigay, balse Falasdiiniyiinta la dilay isla markaana loo diiday cuntada iyo biyaha waxaa loo arkaa in ay u qalmaan caqiiqadooda darteed.

Munaafaqadda dowladda Maraynkanku haatan waa waadax la wada arki karo. Sidee falalka Putin ee Yukrayn loogu xisaabin karaa danbiyo dagaal, balse duullaanka Qasa (xabsiga ugu weyn dunida ee korka ka furan) iyo diidmada cuntada, biyaha iyo korontada ee dad dhaqdhaqaaqooda oo dhan ay Israa’iil maamusho aan loo arkayn ciqaab wadareed, taas oo sidoo kale ah danbiyo dagaal? Sida qof Twitter adeegsada uu xusay, ugu dambayn adduunku wuu arkay wajiga dhabta ah ee dowladda Maraykanka –waxa ay lumisay damiirkii ay adduunka ugu wacdin jirtay xuquuqul insaan iyo dumuqraadiyad.

In kasta oo aan ficillada Xamaas la aqbali karin (dilka shacabka Israa’iil iyo afduubashadooda waa danbiyo dagaal), dhinaca Maraykanka juhdi yarna lama galin in la fahmo sababta dad muddo dheer dulmanaa ay uga horyimaadeen dadkii dulminayay? Waxaa jira iskudayo yar oo looga garaabayo Falasdiiniyiinta oo dhulkoodii ay qaxooti uga dhigtay dowladda Israa’iil. Sidoo kale waxaa jira iska-indho-tirid weyn marka ay timaaddo in la dalbado la-xisaabtanka Israa’iil, taas oo dad badani ku qeexaan “dowlad gumeysi”.

Xitaa ka hor dagaalka hadda socda, dadka reer Qasa gacanta kuma ay hayn maamulka biyahooda iyo korontadooda, oo Israa’iil ayaa xak**aha u haysay. Falasdiiniyiintu si xor ah uguma ay socon karaan dhulkooda, dibaddana uma safri karaan. Waxaa xusid mudan dadka Yuhuudda ah, kuwaas oo la kulmay tacaddiyo aan laga sheekayn karin xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa haatan tacaddi lamid ah dhibtii gaartay ku samaynaya dad aan Yuhuud ahayn. (Waxaa muhiim ah in la qiro in tiro badan oo Yuhuud ah oo gudaha Israa’iil iyo dibaddeeda jooga ay si cad uga soo horjeedaan ficillada Israa’iil ee Qasa.)

Falasdiiniyiintu waxa ay lumiyeen [ama laga lumiyay] xuquuqdoodii muwaadinnimo si rasmi ah. Waxaa lagu ciqaabay in ay dalbadeen xorriyad iyo karaamo. Dhinacaan aan ka eegno: Haddii dhibbane lagu gabboodfalay uu dilo qofkii dulmiyay, ma waxaa loo aqoonsanaa gacan-ku-dhiigle mise maxk**addu waxa ay xukumaysaa in ay isdifaacid ahayd? Haddii addoomadu ay sameeyaan gadood ka dhan ah dadka leh, ma waxaa lagu eedaynayaa amardiiddo? Marka dadka la gumeysto ay qoryohooda qaataan si ay ugu dagaallamaan in ay helaan xorriyad, ma argagixiso baa mise halgamayaal xorriyadeed?

Waxaa intaa ka sii xun, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaas oo la asaasay 1945 si uu uga hortago dagaalladu in ay dhacaan ama baahaan, ilaa haatan ma uu awoodin in uu meel mariyo qaraar Israa’iil ku cambaaraynaya ficilladeeda, isla markaana ku baaqaya xabbad-joojin, sababtana waa [diidmada] Maraykanka –oo ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka leh, isla markaana bixiya 20% miisaaniyadda Qaramada Midoobay. [Maraykanka] ayaa codka qayaxan ku diiday qaraar [xabbad-joojin] oo la soo jeediyay, iyada oo waliba badi xubnaha Golaha Ammaanka ay ansixiyeen. Su’aasha ay lamahuraan tahay in aan isweydiino haddii aan nahay beesha caalamka waa: Maxay tahay sababta lahaanshaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay haddii aysan ka hortagi karin dagaallada?

W/Q: Rasna Warah
W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca Maqaalka Asalka ah: https://www.theelephant.info/opinion/2023/10/27/war-on-gaza-has-exposed-the-hypocrisy-of-the-us/

Waa kuwee hoggaamiyeyaasha ugu caansan ee kooxda Xamaas?--------------------------Tan iyo markii ay Xamaas, Yuhuudda ku ...
05/04/2024

Waa kuwee hoggaamiyeyaasha ugu caansan ee kooxda Xamaas?
--------------------------
Tan iyo markii ay Xamaas, Yuhuudda ku qaadday duullaankii ay muddada ku taamaysay, weydiimo badan ayaa ka dhashay maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhimashada badnaa.
In badan oo kamid ah ragga caynaanka u haya ee kooxda Qasa gacanta ku haysa ayaa ah kuwo aanan aad loo aqoon, halka qaarkood ay waqti badan oo cimrigooda ah ku qaateen ka-baxsashada iskuday-dil ooy Israa’iil ku layso.

Kuwani waa hoggaamiyayaasha ugu caansan ee Xamaas:

1. Ismaaciil Haniya

Ismaaciil Haniya, waxaa loo garan-ogyahay hoggaamiyaha guud ee Xamaas.

Haniya, waa xubin caan ah oo dhaqdhaqaaqa katirsan tan iyo 1980aadkii, kaas oo 1989-kii ay Israa’iil sheelada dhigtay muddo saddex sano iyadoo kaga jawaabaysa kacdoonkii koowaad ee Falastiiniyiinta. Dabadeed waxaa 1992dii loo tarxiilay meel waaqlo ah oo u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, isaga iyo tiro hoggaanka Xamaas kamid ah.

Kadib sannad uu dibadwareeg ahaa, Qasa ayuu ku laabtay. 1997-dii ayaa loo doortay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Xamaas. 2006dii madaxwayne Maxamuud Cabbaas ayaa Ismaaciil Haniya u magacaabay raysalwasaaraha Falastiin kadib markii ay Xamaas guulihii u badnaa ka gaadhay doorashayooyinkii qaran ee qabsoomay. Balse sanad kadib xilkii waa laga xayuubshey kadib markii ay qulqulatooyin dhimasho badnaa oo isbuuc socotay ay kooxdu xisbigii Maxamuud Cabbaas (Fatax) ka saartay marinka Qasa.

Haniya wuu iska diiday xil-ka-qaadistii lagu sameeyay isagoo sharcidarro ku tilmaamay, carrabkana ku adkeeyay in dowladdiisu “aanay sinnaba uga tegayn masuuliyadaha qaran ee ay u hayaan shacabka reer Falastiin” iyo inay sii wadayaan maamulidda Qasa.

2017kii ayaa loo doortay madaxa guud ee xafiiska siyaasadda Xamaas. 2018diina, dowladda Maraykanka ayaa ku tirsatay inuu argagixiye yahay, isaga oo Qadar ku noolaa sannadihii u dambeeyay ee ina weydaartay.

2. Yaxye Sinwaar

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee marinka Qasa, Yaxye Sinwaar, wuxuu dhashay 1962dii.

Waa asaasaha kooxda adeegga nabadgelyada Xamaas ee Majdi, taas oo maamusha arrimaha nabadgelyada gudaha, baaritaan ku sameysaa wariifiinta laga shakiyo inay Israa’iil u shaqeeyaan, islamarkaana waa kooxda kabaha la illata sirdoonka Israa’iil iyo saraakiishooda adeegyada amniga.

Sinwaar saddex jeer ayaa la xiray, markii u dambeysayna waxay ahayd 1988dii, isaga oo lagu xukumay afar xabsi daa’in. Si kastaba, wuxuu kamid ahaa 1,027 qof oo maxaabiis Falastiiniyiin iyo Carabta Israa’iil dagta ah ooy Israa’iil sii deysay iyada oo ku beddelanaysa askar Yuhuud ah ooy Xamaas haysatay muddo shan sano ah.

Yaxye Siwaar booskiisii ayuu ku laabtay isaga oo ah hoggaamiye Xamaas oo aad u caan-baxay, waxaana 2017kii loo xushay madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee marinka Qasa. 2015kiina, dowladda Maraykanka ayaa ku darsatay liiskeeda argagixiyaasha caalamiga ah.

3. Maxamad Dayf

Wuxuu calanka u sidaa guutada Cisu-diin al-Qasaam oo ah millateriga dhaqdhaqaaqa Xamaas. Waa nin badan oo Falastiiniyiintu u yaqaaniin inuu yahay nin dhako badan, halka ay Yuhuuddu u taqaan bisadda sagaalka nafood leh.

Maamulka Yuhuuddu 1989kii ayey sheelada dhigeen, kadib markii uu sameeyay guutada al-Qasaam, iyadoo looga golleeyahay qaqabashada ciidanka Yuhuudda.

Siideyntiisii kadib, wuxuu injineerrada kaalmeeyay dhismaha dhuun-dhuleedyada dagaallamayaasha kooxda Xamaas u saamaxay inay Israa’iil gudaheeda galaan.

Dayf, waa mid kamid ah ragga ay Israa’iil ugu raadin badan tahay, iyada oo u haysata qorsheynta iyo korjoogteynta qarax bas oo 1996dii ay ku nafwaayeen tobanaan Israa’iiliyiin ah; iyo kaalintii uu bartamaha 1990aadkii ku lahaa qafaalashada iyo dilka saddex askari oo Yuhuud ah.

Israa’iil 2000 ayey xidhay, balse ilbiriqsiyadii koowaad ee kacdoonkii Falastiniyiinta ayuu baxsaday.

Ilaa xilligaa, raad yar buu reebay, waxaa jira saddex sawir oo qura oo laga hayo. Mid waa taariikhaysan yahay, midna waa afdaboolan yahay, midka saddexaadna waa harkiisa. Iskudaygii shirqool ee noloshiisa ugu halista badnaa wuxuu dhacay 2002. Dayf wuu ka badbaaday balse wuxuu ku waayay ishiisa. Yuhuuddu se waxay tiri cag iyo gacan buu sidoo kale ku waayay, hadalkuna dhib buu ku yahay.

Xoogagga amniga Israa’iil markale ayay ku fashilmeen inay dilaan Dayf, waana 2014kii duullaankii ay marinka Qasa ku qaadeen, asii waxay dileen xaaskiisii iyo labo carruurtiisa kamid ah.

4. Marwaan Ciise

Lataliyaha amniga qaranka Maraykanka Jake Sulivan ayaa sheegay in Marwaan ay dileen ciidanka Israa’iil, kadibna warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay inuu ku dhintay duqayn ka dhacday dhuun-dhuleed ku hoos taal kaamka qaxootiga ee Nusayraat.

Taliyahaa sare waxaa sidoo kale loo yaqaan ninka harka ah [ee aanan la arag] ayaa loo arkaa gacanta midig ee Maxamad Dayf. Kahor wararka dhimashadiisa, wuxuu kamid ahaa dadka ay Israaiil oo raadin badan tahay, wuxuuna ku dhaawacmay jeer 2006dii ah oo ay Israa’iil isku dayday inay disho.

Ciidamada Israa’iil ayaa qabtay oo 5 sano xiray intii uu socday kacdoonkii koowaad ee Falastiiniyiinta -doorkii uu hawlaha Xamaas ku lahaa darteed. Maamulka Falastiin ayaa 1997dii xiray, asii kacdoonkii labaad ee 2000 ayaa la sii daayay. Diyaaradaha Israa’iil ayaa gurigiisa labo goor burburiyey intii ay wadeen duullaankoodii Qasa ee 2014 iyo 2021, iyagoo dilay walaalkii la dhashay.

Lama aqoon siduu u ekaa tan iyo 2011, markaa oo uu ka soo muuqday sawir kooxeed la qaaday amin la soo dhaweynayey maxaabiis la isweydaartay. Waxaa loo malaynayaa inuu door shariif ah ka qaatay qorsheynta weerar Israa’iil lagu qaaday, ooy kujiraan weeraradii u dambeeyay.

5. Khaalid Mashcal

Khaalid Mashcal oo 1956dii ku dhashay Daanta Galbeed ayaa lagu tiriyaa asaasayaasha Xamaas. Iyadoo la raacayo awaamiir toos ah oo ka timi RW Yuhuudda ee Natanyaahu ayaa sirdoonkoodu ay 1997dii iskudayeen inay dilaan Khaalid Mashcal oo ku noolaa Joordan.

Wakiillo Mosad ka tirsan ayaa Jordan galay iyagoo sita baasaboorro Kanadiyaan oo bug ah, Khaalid Mashcalna waxay ku dureen sun isaga oo dhabbo maraya. Dowladda Joordan ayaa daaha ka feyday iskudayga dil, waxayna xidhay labo kamid ah xubnihii Mosad. Boqor Xuseenkii dhintay ee Joordan ayaa weydiiyay RW Israa’iil dawada suntan Khaalid Mashcal lagu turqay. Isaga oo cadaadis kala kulmaya MW-hii Maraykanka ee Bill Clinton, RW Netanyaahu wuxuu bixiyey dawadii boqorku weydiiyay ee uu markii h**e diiday. Khaalid Mashcal oo ku nool Qadar wuxuu markii u horreysay booqday marinka Qasa 2012dii. Waxaa qaabilay masuuliintii Falastiin iyo shacab si ay usoo dhaweeyaan.

Xamaas 2017kii ayay hoggaanka xafiiska siyaasadda u dooratay Ismaaciil Haniya inuu beddelo Khaalid Mashcal, sidaas ayuuna Khaalid Mashcal ku noqday madaxa hoggaanka siyaasadda dibadda ee kooxda.

6. Maxamuud Sihaar

1945tii ayaa aabbe Falastiini ah iyo hooyo Masaari ah ku dhaleen Qasa. Waxaa lagu tiriyaa hoggaamiyayaasha ugu caansan ee kooxda Xamaas iyo xubin kamid ah hoggaamiyaha siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa. Dugsiga wuxuu ku bartay Qasa, jaamacaddana Qaahira; dabadeed wuxuu takhtarnimo kaga shaqeeyay Qasa iyo Khaan Yoonis ilaa ciidamada Israa’iil ay shaqada uga eryeen mawaaqiftiisa siyaasadeed dartood.

Maxamuud Sahaar 1988dii ayaa lagu xiray xabsiyada Israa’iil, bilo kadib markii la asaasay Xamaas. Wuxuu kamid ahaa raggii ay Israa’iil 1992dii u daabushay lama dagaan cidlo ah, halkaa oo uu sannad ku qaatay. Guulihii ay Xamaas ka gaadhay doorashooyinkii Falastiin ee 2006dii, Maxamuud Sahaar ayaa noqday wasiirkii arrimha dibedda ee xukuumaddii Ismaaciil Haniya intaanan xilka laga qaadin.

Israa'iil waxay isku dayday 2003-dii inay disho Maxamuud Sahaar, markii ay diyaaradi ku soo tuurtay bambo gurigiisa Qasa kuyaal. Duqayntu waxay u geysatay dhaawac yar, balse waxaa ku nafwaayay wiilkiisii u weynaa ee Khaalid. Wiilkiisii labaad ee Xosaam, oo kamid ahaa guutada al-Qasaam waxa uu ku dhintay duqayn diyaaradeed ooy Israa’iil ka geysatay Qasa 2008dii.

W/Q: Lina Alshawabkeh
W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca Asalka ah: https://www.bbc.com/news/world-middle-east-67103298

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Hoobaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madasha Hoobaan:

Videos

Share

Category

MADASHA TURJUMAADDA EE HOOBAAN

"Ilaa inta laga gaaraayo in afkeenna wax laga turjunto"