Hillaac Media

Hillaac Media Warar iyo Warbixino dheeli tiran.

Madaxweyne Dani  OO MAGACAABAY XEER ILAALIYAHA GUUD  PUNTLAND. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ...
06/02/2023

Madaxweyne Dani OO MAGACAABAY XEER ILAALIYAHA GUUD PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 10 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Maxamed Yusuf (Taaraan), loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntlnad

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

01/01/2023

Madaxweyne Hassan oo ka hadlaya arrimo dhowra

29/12/2022
29/12/2022

gudoomiyah gobalk nugaal

29/12/2022

Juxa

29/12/2022

Qaarkamid dhalinyarada Laascaanood oo dareen hadlay.

28/12/2022

Arday, shaqaalaha dekadda iyo qaybo kalo kamid ah shacabka Muqdisho oo saamayn ku yeelatay imaanshaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

28/12/2022

Xildhibaan Indho Indho oo si kulul uga hadlay xaalka Laascaanood.

Waxaa hadda shir u dhexeeya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Shiikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle uga socda ma...
28/12/2022

Waxaa hadda shir u dhexeeya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Shiikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle uga socda madaxtooyadda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlaya adkaynta xiriirka labada dal , taageerada Jabuuti ee howlgalada ka socda qaybo kamid ah Koonfurta dalka, iyo ballaarinta xarunta Akadeemiyada Afsoomaaliga ee AGAH oo Jabuuti ka dhistay Muqdisho.

Waxaa shirka sidoo kale ka qayb galay wasiiro ka tirsan labada dowladood.

28/12/2022

Dowladda hoose Garowe iyo maamulka xaafadda Halgan oo amaro adag soo saaray.

28/12/2022

Mudaharaad lagu taageerayo shacabka Laascaanood oo Garowe ka dhacay.

28/12/2022

Madaxweyne Jabuuti oo Muqdisho yimi, warbaahinta ayey la hadleen isaga iyo madaxweyne Xasan Shiikh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamtay shidaal laga baarayo Soomaaliland.
28/12/2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamtay shidaal laga baarayo Soomaaliland.

28/12/2022

Waxay la nool yihiin daruufo adag, mana haystaan daryeel dowladeed iyo mid shacab.

Warbixin ka hadlaysa Carruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee Garowe.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho imaanaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele , Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aada...
28/12/2022

Waxaa maanta magaalada Muqdisho imaanaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele , Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale , Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Imaanshooda Wafoodan ka kala socota dalal Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia ayaa ah inay ka qayb galaan xarig jarka xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ee AGAH lagu magacaabo oo magaalada Muqdisho ay ka dhistay Jabuuti.

Xaruntaan ayaa loo dhisay si loo adkeeyo af Soomaaliga iyadoo ay iska kaashanayaan xoojinta af Soomaaliga inta ku hadasha .

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan caasimadda dalka ee Muqd...
28/12/2022

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Hay'adaha ammaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo.

Qof shacab ah ayaa sidaan ku qoray barta facebook-ga .Waxaan ku suganahay Degmada Dongroyo waxaa jira dadaalo ay sameeye...
27/12/2022

Qof shacab ah ayaa sidaan ku qoray barta facebook-ga .

Waxaan ku suganahay Degmada Dongroyo waxaa jira dadaalo ay sameeyeen odoyaasha iyo waxgaradka Degmada dongroyo iyadoo laga hortagayo in xaalad nabad galyo daro laga abuuro degaanka karin dhiig.

Waxgaradka degmada oo galabta utagay wiilasha meesha jooga ayaa usheegay inay khalad tahay inay degaanka foodo ula yimaadaan ayna degaan ahaan la dagaalami doonaan hadaysan ka dulqaadin nabad darada iyo xaalad abuurka.

Karindhiig ma noqon karto degaan xaalad abuur.

Dadka Degmada dongroyo waxay diyaar uyihiin in dalka doorasho ka dhacdo.

27/12/2022

Abaabul dagaal oo Garowe ka socda.

27/12/2022

Shacabka Laascaanood oo gudaha ugalay shirkadda Dahabshiil iyo dad ku dhaawacmay.

27/12/2022

Generaal Odawaa " qofkii isbaaro lagu arko meesha lagu arko baa lagu dilayaa"

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD Cismaan Gamuure ayaa sidaan uga fal celiyey jidgooyada la dhigtay  Karin-dhiig.Wa...
27/12/2022

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD Cismaan Gamuure ayaa sidaan uga fal celiyey jidgooyada la dhigtay Karin-dhiig.

Waxaa i soo gaartay in Ciidamo maleysiya ah la dhigay Karin-dhiig iyadoo la doonayo in ammaan daro la abuuro, si loo curyaamiyo doorashooyinka golaha deegaanka, mustaqbalka ummadana loo hor-istaago.

Sidaas darteen waxaan ka codsanayaa Issimada, nabadoonada, waxgaradka iyo dhammaan bulshada Gobolka Nugaal inay arrintaas wax ka qabtaan.

Haddii laga aamuso oo aan wax laga qaban arrintaan waxay noqobaysaa mid loo dhan yahay.

Mahadsanidin.

27/12/2022

Laascaanood oo dhaawac la gurayo

27/12/2022

Gudoomiye ku xigeenka Laascaanood " War wax iska celiya oo isku tashada reer Laascaanoodoow"

27/12/2022

Halkaan waa Laascaano , mudahaarad ka dhashay Nin xalay lagu dilay magaalada ayaa ka dhacay, ciidanka oo xabado u adeegsaday mudaharaadayaasha ayaa sababay in 3 ruux oo shacab ah ku dhintaan.

27/12/2022

Shacabka Laascaano oo mudahaar dhigay kadib markii xalay magaalada lagu dilay Nin.

Bogga weriyaha caanka ah ee Piers Morgan ee reer UK ayaa la jabsaday, iyada oo lagu taageerey midnimada umadda Soomaaliy...
27/12/2022

Bogga weriyaha caanka ah ee Piers Morgan ee reer UK ayaa la jabsaday, iyada oo lagu taageerey midnimada umadda Soomaaliyeed.

Sawirrada lagu baahiyey waxaa kamid ah; Farmaajo, Dabcasir iyo khariiradda Geeska ee Soomaalida, iyada oo la leeyahay "Fadlan aqoonsada dhulkan oo dhan Soomaaliya ayaa leh".

27/12/2022

Duqa degmada Gaalkacyo Xasan Jidka oo ka hadlay mashaariic ay musuq maasuqday Ha'yadda World Vision, kana diiday inay sidaan ku shaqeeyaan ilaa sida saxda ah loo fuliyo mashaariicda.

27/12/2022

Gudoomiyaha gobolka bari "waa in shacabka gobolka bari uu u diyaar goroobo qaadashada kaarka codaynta"

Madaxweyne Dani oo ka hadlay doorashada degmooyinka Puntland iyo wada hadal ay la yeesheen ururada siyaasadda .
26/12/2022

Madaxweyne Dani oo ka hadlay doorashada degmooyinka Puntland iyo wada hadal ay la yeesheen ururada siyaasadda .

26/12/2022

Ganacsatada Qaadka Buuhood oo warbaahinta la hadlay ayaa fariin hanjabaada diray.

26/12/2022

Halkaan waa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, xaalad nooce ah baa ka jirta DAAWO.

Muqdisho: 26 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay M...
26/12/2022

Muqdisho: 26 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda China ee Soomaaliya Fei Shengchao, Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ah sida fursadaha maalgashi, Iskaashiga iyo mashaariicda horumarin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka k...
26/12/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka.

26/12/2022

DAAWO quruxda dalkaaga .

Halkaan waa degmada Isku Shuban ee gobolka bari Puntland Soomaaliya.

Bosaaso:- Waxaa si toos ah magaalada Boosaaso uga socota Xafladda Kulanka Urur Siyaasadeedka KAAH iyo bulshada Magaalada...
26/12/2022

Bosaaso:- Waxaa si toos ah magaalada Boosaaso uga socota Xafladda Kulanka Urur Siyaasadeedka KAAH iyo bulshada Magaalada Boosaaso .

Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu gaddoomay gaarigaan oo ka ...
26/12/2022

Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu gaddoomay gaarigaan oo ka baxay Badhan, Bossasa na ku sii jeeday.

Shilka ayaa ka dhacay meermeerka laamiha dheer ee Bossaso gala, waxaana muuqda burbur xooggan oo baabuurkaasi soo gaaray, taasoo ah midda siyaadisay khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba.

Lama xaqiijin karo sababta gun-dhigga u ahayd dhicidda baabuurkaan, hase ahaatee hay'adaha nabadgalyada waddooyinka ayaa badanka tilmaama waddooyinka iyo wadis xumada darawallada oo is biirsatay in ay qayb weyn ka tahay shilalka baabuurta ee deegaannada Puntland.

26/12/2022

Baarlamaanka labada aqalka oo dood adag ka yeeshay miisaaniyada dalka.

Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa  maanta  ka furmay Madaxtooyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Fed...
26/12/2022

Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay Madaxtooyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Maalinta koowaad ee shirka ayaa ah hordhac iyo is xog wareysi ay sameynayaan madaxdu iyadoo beri la filayo iney dhinacyada ay si toosa uguda galaan qodobada shirka looga hadlayo.

Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Ilhaan Cumar oo katirsan Koongareeska dalka Maraykanka oo maalmahan booqasho ku maraysay Puntland, ayaa beenisay warar a...
26/12/2022

Ilhaan Cumar oo katirsan Koongareeska dalka Maraykanka oo maalmahan booqasho ku maraysay Puntland, ayaa beenisay warar ay qaar kamid ah saxaafaddu faafiyeen oo ku saabsan in laga celiyay safar ay ku tagi lahayd magaalada Boosaaso.

Saxaafadda waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu amar ku bixiyay in Ilhaan Cumar aysan tagin magaalada Boosaaso, si aanay ula kulmin siyaasiyiin iyo madax dhaqameed uu Deni khilaaf kala dhaxeeyo.

Ilhaan Omar oo wareysi siisay BBC Somali waxay ku sheegtay in waqtiga oo ku yaraaday aanay u suurto galin inay booqato magaalada Boosaaso, iyadoo xustay inaysan jirin sabab magaalada Boosaaso looga celin karo inay booqato.

Ilhaan oo dhawaan markii saddexaad kamid noqotay Koongareeska Maraykanka, ayaa safarkeeda Puntland uu la xiriiray inay wax ka ogaato halka ay marayaan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland, waxayna la kulantay Deni iyo qaar katirsan xukuumaddiisa.

Maalintii shalay ayay u safartay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kulmayso masuuliyiinta dowladda federalka Soomaaliya.

Address

Garowe
Garowe

Telephone

+252905399831

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hillaac Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hillaac Media:

Videos

Share