DrYahye Said Ileeye

DrYahye Said Ileeye kusoodhowadda mudanayal iyo marwayoyin pagegan waxad kaheli doonta faaiiddoyin badan oo khuseya ca

Diagnosis and Rx.....
29/06/2023

Diagnosis and Rx.....

 Dawadda clomiphene ama clomid horay ma u maqashay  Bal wax ka ogow Dawadda clomiphene waa dawo lagu daweeyo dhalmo la'a...
25/02/2023



Dawadda clomiphene ama clomid horay ma u maqashay Bal wax ka ogow

Dawadda clomiphene waa dawo lagu daweeyo dhalmo la'aanta (inferitilty) waa dawo lagu qarxiyo ukxaanta xilliga gabdha ay dhali weyso in muddo ah,

Sidoo kale waxaa lagu daweyaa poly cystic o***y syndrome dawaddan waxay ka tirsan tahay raxanta la yiraado Selective estrogen receptor modulators waxay ku kor shaqeysaa furaha (Receptor) hormoonka Estrogen.

Takhatiirta dunidda waxay u yaqanaan dawaddan,dawadda mattaanaha sidaas waxay u leeyihin waxay kor u qaaddaa fursad lagu heli karo mattaanaha haddii uu allaah subxana wattacala siinayo qofka

Maxaa lagu daweyaa dawaddan ?

Sida aan kor ku soo xusay dawaddan waxaa lagu daweyaa

1-Dhalmo la,aanta qaasatan dumarka (inferitilty)
2-Polycysitc o***y syndrome (buro biyood minka ka soo baxa) halkan ka daawo annigoo sharxaya
3-Ninka shahwadiisa hooseyso low s***m

Maxay cillad leedahay dawaddan (Side effect)

Mid aan ogaano dawo kasta oo la liqo ama la isku duro waxay leedahay cillad u keeni karta jirka lakiinse dawooyinka wey kala cillad baddan yihin.

Dawaddan cilladaha lagu arki waxaa ka mid ah ?

1-Calool xanuun
2-Gumaar xanuun
3-araga indhaha oo yaraado,aad bey u yaryahay dawada in lagu argo calaamaddan
4-jir kuleel xilliyada la cuno dawaddan qofka waxaa lagu araki karaa olol iyo dhidid badan
5-Madax xanuun iyo lalabo joogta ah

Clomiphene waxa laga qattaa afka (oral intake), waxaana la qattaa xilliga ugu danbeysa bisha ee ay ku beegan tahay dhiiga caadada.

Ragga shahwaddooda hooseysa iyagana waa loo qoraa clomiphen halka gabadha shan ilaa sadax berri ka qaddanayaan

Lakiinse ragga waxay qadanayaan in ka baddan sadax bilood la tasho dhakhtarkaada ka hor inta aadan billaabin dawada.

:Haddaba dawo aan dhakhatar ku qorin ha isku cunin ee la tasho dhakhtarkaada ama dhakhtarka kugu dhawo waxaa kaloo muhiim ah qoraalkan in aadan raacin ee la xariir goobaha cafimaadka ee kugu dhawo.

Dawadda clomiphene ama clomifene

Classification of Bacteria
25/02/2023

Classification of Bacteria

25/02/2023

· Dhiig-karku waa maxay ?

· Dad lagu qiyasay 1 bilyan iyo 280milyan sida ay soo xigatay hayadda

·caafimaadka aduuku(who} dadkas oo da,doodu u dhaxayso 30-79 sano jir

· Oo u dhiganta dadka aduunka kunol 21% ayaa la il daran cudurka

Dhiigkarka

lagu garto

1. · madax xanuun
2. · sanka oo dhiig ka yimaado
3. · araga oo isbadalkudhaco
4. · guuxa dhegaha

mark ay xumato waxa kuso kurdha

· tabar yari iyo labalabo, matag, culayska xabadka iyo murqa xanuun
d
· dhiigarku keena

1. · { angina pector}
2. · Wadna xanuun
3. · Wadnaha oo shaqdisa gabo
4. · Wadnaha oo garaacisa isbadalo
# Kahurtaga

Cusbada oo la yareeyo

khudradda iyo fakihada oo labadsado Habdhaqanka nolosha cafimad oo la jooteeyo

20/12/2022
Normal lab value
04/08/2022

Normal lab value

04/08/2022
Plasma vs serum
07/07/2022

Plasma vs serum

Dhiigaagu waa noocma:-?Group A🩸Group B🩸Group O🩸
05/07/2022

Dhiigaagu waa noocma:-?

Group A🩸
Group B🩸
Group O🩸

23/04/2022

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝗻𝗮𝗱𝗶𝗶𝗳𝗶𝘆𝗮𝗮 𝗛𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮

Maanta waxaan raba inaan ka hadlo dhibatada ka haysta dumarka haaraha wajiga, kuwaasoo runtii hablo badani isoo waydiin waxa goyn kara, waxan jeclaysatay inaan u yar faahfaahiyo si ay oga faaiidaystaan dumarka oo dhan.

Hadaba haarahan ayaa ah kuwa ku dhaca dumarka aduunyada oo dhan 70% , kuna yimaada xaaladao kala duwan, sida dumarku markay uurka leeyihiin haraahaas oo loo yaqaano (melasma) , ama qofka oo xanuusada, cadceeda oo disha jidhka, iyo qarkale, se maxaa sababa weeye suaasha meesha taala?

Jidhkeenu wuxuu u qaybsamaa laba lakab oo loo yaqaan (Epidermis and Dermis)

Jidhka loo yaqaano (Epidermis) oo ah lakabka ugu sareeya jidhkeena, ayaa waxaa ka hooyseeya unugyo loo yaqaano (melanocyte) unugayadan oo sameeya wax iyagana loo yaqaano (melanin) oo ah unugada jidhka dadka biniaadamka siiya midibka timaha, jidhka iyo indhaha. Unuguyadani waa kuwa la shaqeeya ilaa maskaxda?

Unugayadan oo loo yaqaano (melanin) ayaa aad ugu badan dadka jidhkoodu madawyihiin, halka dadka jidhkeedu cad yihiin ay aad ugu yaryihiin, ama (European people).

Hadaba haraahani waxay ku dhaacaan dumar ka uurka leh, dumarka aan uur lahayn iyo raga qaar, waxana loo yaqaana Harahan (melasma & the mask of pregnancy) kuwaasoo ka dhasha (melanin) oo ku badata jidhka, ka bacdina, cad ceedu dhibato soo gaadhsiiso jiidhka. Dumarka uurka leh way ka tagaan harahani markay umulan ka bacdi hadii anay wax khaldan marsan!

Dumarku markay uurka leeyihiin waa dadka ugu badan ee ay ku dhacaan haarahani, waayo dhiigeedu wuu ka badan yahay ka dadka caadiga ah, (hormones) kooduna wuu Is badalayaa, markaa jidhkooda hadii anay ilaalin dhibato way soo gaadhaysaa wajigooda. Jidhkan markay cadceedi ku dhacdo runtii way sii badisaa waxa loo yaqaano (melanin) dhibatina way gadhsiisaa. Markaa waxaa muhiima ah in gabadhu wax cadceeda ka ilaaliya ay marsato, aadna u ilaaliso wajigeeda?.

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗮𝗮?

Dumarku markay uurka leeyihiin, had iyo jeer waxay arkaa marka h**e casaan yar yar oo ku soo dhigma wajiga dhinacyadiisa sare kaasoo loo yaqaano (melasma), casaanka yar yar ayaa ah markay haaruhu soo bilaabmayaan, runtiina waxaa sababaya markay is badalaan (hormones) ka qofku .

Haaraha ku dhaca dumarka caadiga ah waxay ka dhashaan caafimadarada, ama waxaa loo yaqaano (stress), iyo qaar ku dhaca da?da aadka u wayn markay dumarku gaadhaan. Haarahan ayaa ku tagi kara uun, creams- u gaara ama qalab casriya oo loogu tala galay in lagu baabiiyo oo loo yaqaano (micordermabrasion), qalabkan ayaa jeermiska galay jidhka ka saara, inta ka bacdi qofku jidh cusub oo cafimad qaba ayuu yeesha, haruhuna way tagaan.

Hadaba walalao qofkasta oo haaraha wajiga dhibaato ka haysato waxan kula talin lahaa inaanu wax kasta iska marin, waxad arkaysaa dad odhanaya dhawr qof baa igula taliyay creams-kan somalidu iska marsato ee qaar halisa yihiin, waxad ogaataan haarahani maaha jidhkan dushiisa uun ee hoostay ka soo bilaabeen waxana baabiin kara uun wax logu tala galay ama jidhkaasoo qof yaqanaa wax u gaara ku sameeyo qofkaas oo isticmaalaya qalabkii loogu tala galay????.!!

Waxaa qabaa in la ilaalin karo oo laga hortagi kari, hadii qof uu sameeyo waxyabaha ka ilaalinaya oo dhan waxan ka mida:
1. Cuntooyin ay ku jiraan (Vitamin C & E)

2. Khudrada oo la badsado

3. Wajiga oo saliida badan ee ka soo baxaysa markay (hormones) ku is badalan la ilaaliyo oo had iyo jeer la nadiifiyo, qofkii awoodaa inuu isticmaalo (facial scrubs & facial Cleanser) kuwana dila jeermiska ku dhasha jidhka….

4. Creams-ka loo yaqaaan (sun cream) oo qof ku markasta ka marsado cad ceeda

5. Liin dhanaan oo meelaha casaanka sameeya la mariyo malintii laba jeer

6. Khalka tufaaxa iyo biyo la isku qasay oo la mariyo meelaha haaraha leh kadibna markay qalalaanna biyo diirran la iskaga maydho


Mahadsanidin walalyal

Usheer gareey walaalahaa (SHARE)

 (Gaas calooleedka)Caabuqa Calooleedka :Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ...
23/04/2022

(Gaas calooleedka)

Caabuqa Calooleedka :

Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ash*to markii ay jirto daciifnimo ama dhaawac soo gaadha lakabka difaaca ee darbiga gudaha ee caloosha oo sababa barar caloosha, caabuqaasina Waxay keentaa astaamo ay ka mid yihiin calool xanuun daran iyo dhibaatooyinka dheef shiidka.

kiisaska badankood waxaa sababa infekshinka bakteeriyada H. pylori. Waxa loo qaybiyaa laba nooc, tan koowaad waa mid daba-dheer, astaamuhu waxay socdaan muddo dheer, tan labaadna waa tan daran, astaamaha waxaa loo diiwaangeliyaa muddo gaaban oo u dhexeysa dhowr maalmood oo keliya.

Cudurka Gaastiriga

Infekshanka jeermiska bakteeriyada caloosha (H. pylori).
Adeegsiga qaar ka mid ah daawooyinka sababa waxyeellada dhinaca caloosha, sida asbiriin ama ibuprofen, gaar ahaan markii la isticmaalo wakhti dheer.

Xaaladaha qaarkood ee la xidhiidha walaaca daran.
Infekshanka fayrusyada loo yaqaan 'CMV' ama 'Herpesvirus' (HSV).
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee cabitaanka khamriga .
Infekshannada cudurrada iswada (Autoimmune). Mar-marka qaarkoodna waxaa keena quraac la'aanta aroortii.

gaaska

Rabitaanka cuntada oo yaraata,
Miisaanka o yaraada.
Labalabo iyo matag
Xanuun caloosha ah .
Midab saxaro oo isbeddela oo mararka qaarkood dhiig leh saxarada.
Matag joogto ah, oo mararka qaarkood dhiig la socdo.
Shuban.

( cudurka )

Kadib marka la ogaado astaamaha, Baaritaanka dhiiga iyo saxarada ah waa in la sameeyaa si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.
Baadhitaan shaybaadh oo saambalka laga soo qaaday bakteeriyada si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.

Baaritaanka endoscopy ee qaybaha sare ee mindhicirka.
Baadhitaanka shucaaca ee sawirka raajada ee qaybta sare ee dheef-shiidka.
kamirada afka lagaliyo,dhiig qaadista iyo
saxaro baadhista.

gaaska

Daawooyinka yareyn kara aash*tada caloosha oo ka mid ah
Omeprazole (omeprazole)
Esomeprazole (esomeprazole) Pantoprazole (Pantoprazole)
Famotidine (famotidine)

Daaweynta jeermiska caloosha oo lagu daaweeyo antibiyootiga, waxay kuxidhantahay nooca bakteeriyada keenta
(Erythromycin) Erythromycin (Ciprofloxacin) Ciprofloxine
(Amikacin) Amikicin
(Amoxicillin) amoxicillin
(Cefixim) Cefixim
(Doxycyclin) Doxycyclin
dhibaatooyinka uu qofka u keeno .Mahadsanidin....

, si uu iga faaidaysto walaalkaaga kale ee aan arkin qoraalkan.

𝐃𝐢𝐢𝐝𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐚𝐬𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 waxa sababo waayo-aragnimo xun oo jirto, sida cadaadiska madaxa laga saaro 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚  ama isbeddelka ...
23/04/2022

𝐃𝐢𝐢𝐝𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐚𝐬𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 waxa sababo waayo-aragnimo xun oo jirto, sida cadaadiska madaxa laga saaro 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 ama isbeddelka dhadhanka caanaha tusaale ahaan. haddii ay jirto caabuq ku dhacay Naasaha hooyada .

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐮 𝐣𝐚𝐪𝐢 𝐝𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐍𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚?

• Ha ku khasbin cunugga inuu naaska jaqo
• Sidoo kale Hana isku deyin inaad ku qasabto afka inuu furo ama hoos u jiido garka canugga - tani waxay ka dhigeysaa cunugga inuu diido.
• Ha qaban madaxa ilmaha
• Ka fogow inaad siiso masaasad
• Ka Eeg ilmaha calaamadaha jirro Ee carqaladeeyo nuugmada, sida nabraha afkaa.
• Geey ilmaha xarumha caafimaadka si loo daweeyo haddii uu buko.
• Habsii oo ha istaabtan jirka ilmaha iyo hooyada
• U oggolow ilmaha inuu isku dayo mid ka duwan
• Sax hab nuujinta ilmha ama boosaska naasnuujinta.

#𝐒𝐡𝐚𝐫𝐞- dheh, si ay bulshada uga faaideystaan.

Mudanayal ama marwoyin waa noocee dhiigaagu?
08/03/2022

Mudanayal ama marwoyin waa noocee dhiigaagu?

  Loo isticmaala Dawadan Hoos ku Xusan.
17/02/2022

Loo isticmaala Dawadan Hoos ku Xusan.

Gram positive vs Gram negative bacteria under microscope
15/02/2022

Gram positive vs Gram negative bacteria under microscope

  malabka La isku cayiliyoWaxa Sanadkaan Aad uso batay isticmalka malab lagu shegay Dabiici o la isku cayiliyo soomaliya...
14/01/2022

malabka La isku cayiliyo

Waxa Sanadkaan Aad uso batay isticmalka malab lagu shegay Dabiici o la isku cayiliyo soomaliya oo dhan gar ahaan waxan kawarhaya puntland oo aan kunoolahay.

hadaba ma isweydiiysay waxa u ka koobanyahay iyo Waxey ku kala Duwanyihiin Malabka Dalkena Iyo malabkaas Laga kenay wadanka Yemen Dad badan o rer yemen ah Dhibaato caafimaad ugeystay malabkas

Malabkaan Lagu sheegay inu yahay dabiici mudo 15 beri lagu cayilayo wa mid aan xaqiiq aheyn ma ahan malab sax ah Wuxu ka koobanyahay Geedo Dhir Ah Balse Waxa jirto arin Sir ah o Muhiim o aysan Ogeyn Dadka malabkaas waxa Kujiro Dawo chemical ah o Aad ubadan Dose keda Mg keda (Cabirkeda) loona yaqaqano Cortisone waxa kalo jiro dawo kale o ay isku group yihiin isku shaqo yihiin ( Prednisàlone) Abuu bariiska dadka ay u garanaayan Daawoyinkaas waxaa liskudhaha GlucoCorticoids Waxa lagu Daaweeya Xanuunada Sida

🔸️Allergy (Xasaasiyada), Asthma(Neefta) , Rheumatoid Arthritis ( Rumatiisam ka ) Skin Allergies iyago Bomatoyin ah waxaa la isticmaala Mudo Cayiman

Hadi ad Isticmaashid Malabkaan in mudo ah waxa ka dhalan karo cudur loo yaqaano ( Exogenous Cushing Syndrome )

Exogenous Cushing Sydrome wa Cudur kaaso sababo In uu bato Xaddiga Hormone ka Cortisol waxaana keena Isticmalka daawoyinka Steroids ka mudo badan iyado aan dhaqtarka qorin

Cortisol Wa Hormone kamid Steroids kaas o Laga so dayo qanjir yar Kilida Korkeeda kuyalo (Adrenal Gland) Shaqadiisuna waxey tahay

✅ wuxuu joogteeya qaabka Cuntada lo burburiyo proteins , Fats , Carbohadyrates ka ( Metabolism )

✅ wuxuu Xakameeya Cadaadiska dhiiga iyo Garaaca Wadnaha ,

✅Waxa lasodaaya qofka marku Dareemo Stress , cabsida, Xaaladaha Degdega Sida
dagalka

✅ Wuxu yareeya unugyada Difaaaca jirka



• ( Centeral Obesity ) Qofka wuxu Kacayila Qeybta dhexe Calosha, Barida, Xabadka, wajiga

( moon Face ) wajiga Sida Bisha 🌙 ookale wareeg U ekaanaya

(Buffalo Humbs) cayil qoorta iyo garbaha

N.B. waxa muhiimka ah e inaad ogaatid ubaahan waxa waye Waxa qofka inu cayilay U ekeesiinyo ma ahan Cayil e waabarar (Water And Sodium Retention ) steroids waxey keenaan jirka inu ceshto biyaha iyo cusbada cayilkas Wa Biyo iyo Cusbo 90% inta so hartay 10 % wa fats

• Irregular Menstrual cycle caadada o ka qaldanto ama gabi ahaan bo Caadada o lawaayo ( Amenorrhea) Glucocorticoids waxey Hoos udhigaan Hormoneska Taranka Dumarka (FSH & LH)

• Wadno Garaac zaaid ah iyo Daal Fara badan
• Murqaha Xanuuno iyo inu qofka Shaqo bdan qaban karin

• stretch marks striae skin Maqaarka o dil dilaaco Ama jeexdin yeesho Xabadka Iyo meelaha Laab laabka Sida Kil kisha, caloosha waxa badanaayo burburinta protein ka la layiraahdoo Colagen kaaso keenayo inu dildilaaco maqaarka jileec u noqdo

• Qofka dabeecadiisa o isbadasho kacsanaan joogta ah , xanaaq badan , Baahi badan



1- Hypertension dhiig kar Hadii u jirka Kabato cusbo Biyo waxa ka dhalan karo in u cadaadiska dhiiga Bato

2- Hepatic and Renal Toxicity Maadoyinkas Herbals ka ah waxey sababi karaan inay ay ku sumoowan beerka iyo Kilyaha kadib dhaawac so gaaro shaqadooda neh yaraato

3- Pre- Diabatic Sokorow glucocorticoids ka Waxey Beerka ku amryaan In Sokor badan O cusub laso saaro ( Gluconeogenesis) kadib neh Waxa badanayao Xadiga Sokorta e dhiiga kujira qofka wuxu U nuglaanayan In u Sokorow kudhaco

4- Osteoparosis lafaha O daciif Noqdo Ama Burburo glucocorticoids ka waxey yareenayan In curiyaha Calcium Ta laga Nuugo Dheefshiid ka calcium waxey muhiim utahay Sameysinka lafaha qofka wuxu unuglaanayan In Lafaha Kajabo

5- Immunecompromised Daawoyinka Glucocorticoids ka waxey hoos udhigaan Unugyada difaaca jirka Kadib neh qofka wuxu unuglaanayaan Infectionska hadii mel dhaawac jirkiisa gaaro neh bogsashadeda wey ku adkaaneysa

6- Jirka qofka o kala daato murqaha neh daciiif noqdo

7- Infertility Dhalmo la"aan Rag iyo dumar ba Glucocorticoids ka waxey hoos udhigaan in laSo saaro (s*x Hormones ka ) Sida Testestarone FSH , LH

hadii uu jiro malab lagu cayilaayo Kan dalkeena aya lagu cayili laha

Iska ilaali isticmaalka malabkaas Beenta ah Hadii aad isticmaashay O calaamadahas isku aragtay Booqo Dhaqtar si lo Check gareeyo Caafimaadkada Kilyahada iyo beerkada iyo Cortisol level ka.

Inta badan goobaha ama xarumaha dhakhatiirto jogan way kawacyigaliyan in aan la isticmalin hala qaato wanadda iyi wacyi galin dhakhatiirta

Usii Share gareey Bulshada somaliyed Si ay ugu badbaadaan Halista malabka like sar pageka.

14/01/2022

Asc dhaman asxaabta kala duwan ee kuxiran pagekan.
waxan idin karaali galin inti aan khadka kamaqna oo anan waxba soodhigin pagekan.

Xushmad iyo karamo ayan idin haya walal sharafi korkina ha'ahaato❤🙏

  this blood grouping👎🌍  nooca dhiig uuyahay dhiigaan hoos kaaga muuqda👎🌍    and   the page👍🌍❤
27/06/2021

this blood grouping👎🌍

nooca dhiig uuyahay dhiigaan hoos kaaga muuqda👎🌍

and the page👍🌍❤

  maanta casharkeenu kusaab sanaan doonaa kana hadlidoonaa waa maxay kiniinka loo yaqaan bariiska ama gabdhaheena soomaa...
22/06/2021

maanta casharkeenu kusaab sanaan doonaa kana hadlidoonaa waa maxay kiniinka loo yaqaan bariiska ama gabdhaheena soomaaliyeed ulabexeen qurxiye afka qalaadna lagu yiraahdo maxay tahy dhibaatada uu leeyahy kiniinkani originally ahaana kiniinkan maxaa loogu talagalay in loo isticmaalo👇👇

??💊👇

*thexamethasone ama kiniinka soomaalidu utaqaano bariiska waxa uu kamidyahy daawoyinka loo yaqaan oo loo isticmaalo daawaynta dhibaatooyinka lafaha tiro kamida xanuunada maqaarka xasaasiyada daran, neefta, xanuunada sambabada kudhaca iyo kuwo kaloo badan;

💊👇

*inbadan waxaan arkay dhalinyaro gabdho ubadan oo isticmaalya kiniinkan iyagoona u isticmaalya inay kor ugu qaadaan miisaanka jirkooda yacni isku cayiliyaan mana aha cayil ee waa barar iyo xanuun halka kuwo qaar ay ulabexeen magaca qurxiye ama wanaajiye mana oga saameyntiisa caafimaad iyo wax yeelda uu ugeysto jirka aadamaha
hadaba walaal aan kuu nasteexeeye ha isticmaalin kiniinkan hanaku hungoobin cayil xanuun kadameeyo ee isticmaal wax yaalha dabiicigaa ee lagu kordhiyo miisaanka jirka sida

1:ukunta 2:hilibka iyo cuntooyinka lagahelo protenka;

💊👇

Daawadani waa daawo aad iyo aad halis badan uleh waxayna sababta xanuunada qaar sida 1:sonkor,
2:dhiikar,
3:difaacaaga jirka oo baaba,a,
4:lafo bolol,
5:wejiga oo qofka barara,
6: caadada dumarka oo khal khal kuyimaado
7: indho beel
8: wejiga oo goobo noqda

oo calaamadaa marki laysugeeyo waxaa leysku yiraahdaa ( Cushing,s syndrome)

akhriste hadaad kaheshay mawduucaan ama casharkaan and saar pageka saad ugamidnoqoto dadka u h**eeya ee daalacda casharada iyo su,aalha aanu soogelino sidookale
dheh oo gaarsii walaalo badan say uga faa iideystaan casharkaan muhiimkaa mahadsanid 👍👍👍❤❤❤

  dhowaada dhamaantiin   waxaanu ugu talagalnay ama aanu usameynay inaanu ugu, faa iideyno bulshadeena jecel barashada c...
11/06/2021

dhowaada dhamaantiin waxaanu ugu talagalnay ama aanu usameynay inaanu ugu, faa iideyno bulshadeena jecel barashada caafimaadka, khaasatan bahda ama ardada caafimaadka, waxaanu soogelinaa casharo iyo su,aalo isugu jira qeybaha kala, duwan ee barashada caafimaadmka, waxaa hubaal ah inaad kaheli doontaan wax badana aad ka, faa,iidi doontaan

si,aanu kuudhaafin cilmigaasu saar dheh saad marwalba noola socotid👍👍👇👇👇👇❤❤❤❤❤

wanaagsan dhamaan bulshada kan kuxiran iyo umada soomaaliyeedba👍❤

  Sababta Dhiiga Marka Laka Fadhiisiyo Qaybta Plasma du Usareeso Cells Kuna UhooseeYan ?  Page Ka Si Aad NooGu Zoo Biirt...
24/05/2021

Sababta Dhiiga Marka Laka Fadhiisiyo Qaybta Plasma du Usareeso Cells Kuna UhooseeYan ?

Page Ka Si Aad NooGu Zoo Biirto.
Postgan Si Ay Ugaadho Walalkaga Aan Ogeen

  iskuday inaad kadooratid jawaabta saxda ah👇  the correct answer ??  urine is !!!A)Normal B(abnormal  saar     dheh saa...
04/05/2021

iskuday inaad kadooratid jawaabta saxda ah👇

the correct answer ??

urine is !!!

A)Normal
B(abnormal

saar dheh saad noola socotid dheh oo gaarsii asxaab badan👇👇👍❤

  maxay xanuunka looyaqaan qawadka ama "tinea versicolar"??  sababa xanuunkaan??  kugaran karaa inuu ihaayo qawadku cala...
04/05/2021

maxay xanuunka looyaqaan qawadka ama "tinea versicolar"??

sababa xanuunkaan??

kugaran karaa inuu ihaayo qawadku calaamadihiisana maxaa kamida??

igu dhaco xanuunkani maxaan iskaga daweyn karaa??

su,aalo qaar kamida bulshada iswaydiiyan haddaba page,ban kaga hadli doona sikooban 👍👇

. Fadalan pag,ke saar siina garee suu ugaaro asxaab badan mahadsanid.

aan kuhormaro su,aasha ugu h**eysa👇

maxay xanuunka looyaqaano qawadka ama " tinea versicilar"??
*qawadku wuxuu kamida yahay xanuunada ugu caansan ee kudhaca maqaarka bininaadamka caafimaad ahaan waxaa loogu yeeraa (tinea vescolar) "ama" (pitayriasis vescolar)
Mahan xanuun aad udaran ookeena dhibaato balse waxuu wax kabedelaa midabka maqaarka
Wuxuuna uyeelaa meelo goobo goobo ah oo cad---cad ifaaya.

sababa xanuunkaan?
*xanuunkaan waxa keena noolaha ilma aragtadaa ee looyaqaan "Fungas malassezia"

kugaran karaa inuu ihaayo xanuunkani calaamadihiisana maxaa kamida??
*qofka qaba xanuunkaan wuxuu isku arki karaa
maqaarka midabka oo isbedela yeeshana meelo goobo goobo ah oo cad cad, mar marka qaar goobahaasi waxat sameeyaan cun,cun yar.

uga hortegi karaa xanuunkaan?
*xanuun kaan waxaa looga hortegi karaa adigoo quweeyska badsada iska ilaaliya dhididka badan waayo dhididka badan waxaa ku kora funguskaan aanu kor kusoo sheegnay oo ah kan xanuunakaan sababa sidoo kale meelaha kulul oo huurkaa iska ilaali dharkana hala xiran qof xanuunkaan qaba.

igu dhaco qaabkee ufudud oo aan iskaga daweynkaraa??
*fadlan hadii aad isku aragto calaamadaha aanu kor kusoo xusnay oo aay kamid ahayd in maqaarka midabkiisu isbedelo goobo goobo cad cad na yeesho laxiriir dhakhtar si dhakhsaana ugu tag waxa uu kisiinayaa daawoyinka loo yaqaan "antifungul" oo isugu jira boomaatoyin saabuuno kiniiniyaal fadlan ha isticmaalin daa wooyinkaan adoon kala xiriirin ama lakaashan dhalhtar waayo waxay kugu keeni kartaa khatar intaas kabadan mahadsanidiin👍❤❤❤❤👍🤝👍

saar page,ka oo nagusoobiir dheh saad marwalba noola socotid dheh oo gaar sii asxaab badan👍🤝

  of Microscope👇🔬🔬
04/05/2021

of Microscope👇🔬🔬

▶️Isku Day Su,aashan 👇🏾👇🏾  Hab Baa Loo Baara kaadida ( Urine ) ?  Ma Samaysay Urine analysis ?.  WadaaG Fikirkaaga Adoo ...
03/05/2021

▶️Isku Day Su,aashan 👇🏾👇🏾

Hab Baa Loo Baara kaadida ( Urine ) ?

Ma Samaysay Urine analysis ?.

WadaaG Fikirkaaga Adoo Mahadsan.

Page Ka Si Aad Noogu soo Biirto
Post gan 👇🏾 Si Ay Ugaadho Walalkaga Aan Ogeen.,

  iskuday inaad kadooratid jawaabya saxda ah👇  ???A) 130 / 100 mmhgB) 150 / 80 mmhgC)120 / 80 mmhg   saar   hadaad nagu ...
03/05/2021

iskuday inaad kadooratid jawaabya saxda ah👇

???

A) 130 / 100 mmhg
B) 150 / 80 mmhg
C)120 / 80 mmhg

saar hadaad nagu cusubtahay si,aad ulasocotid casharada iyo su,aalaha aanu halakan saacad kasta soogelin mahadsanid👍

dheh oo gaarsio asxaab badan👇👍

  are G.lanbia cyst and trophozite🔬🔬  waa G.lanbia cyst and trophozite waa qeyb kamida protozoa ama microparasite goorya...
03/05/2021

are G.lanbia cyst and trophozite🔬🔬

waa G.lanbia cyst and trophozite waa qeyb kamida protozoa ama microparasite gooryaankani waa nooca ugubadan ee kudhaca dalkeena wuxuu kubadan yahay ciyaalka marki loo eego dadka waa weyn lkn wuu kudhici karaa dadka waa weyna gooryaankan waxa lagu kala qaadaa ( f***l oral) oo mocneheedu yahay inay afkaaga gaato saxaro iyada oo contaminated ku ah cuno biyo ama gacmahaaga gooryaanka waxa loo arkaa marki labaaraayao labadaas nooc oo kala ah iyo qofkasta oo maadada barasitology wax kabartay wuu garan gooryaanakan mahadsanidiin📖🔬💉

iideysi wacan📖📖👍

dheh oo nagusoobiir dheh oo gaarsii asxaab badan tnx👍📖❤

  most common blood tests👇👇  ugaacansan ee lagabaaro dhiiga👇  wuxuu aad u,anfacayaa ardada barata   ama (   )  hadaad ka...
20/04/2021

most common blood tests👇👇

ugaacansan ee lagabaaro dhiiga👇

wuxuu aad u,anfacayaa ardada barata ama ( )

hadaad kaheshay casharkaan saar si,uu ugaaro asxaab badan ookixiran pagken sidookale hadaad nagucusubtahy saar oo nagusoobiir sii dheh si,ay ugafaa iideystaan asxaab badan tnx👍👍❤❤

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته👋👋  kahadlidoonaa maanta hadii rabi inoosuurta geliyo dhibta ay leeyihiin dhagxaanta kely...
19/04/2021

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته👋👋

kahadlidoonaa maanta hadii rabi inoosuurta geliyo dhibta ay leeyihiin dhagxaanta kelyaha kusameysma ama waxa looyaqaan ( Nephrolithiasis) iyo sida looga hortegikaro xanuunkan halista badan👇

**e_aan_isla_ogaano_faa_ii_dada_ay_uleeyihiin_keliyuhu_jirkeena👇👇🤾‍♂️🤾‍♂️🤾‍♂️

*kelyuhu waxay jirkeena uqabtaan faa iidooyin aad ufarabadan waana organ aad ugumuhiima jirkeena waayo waa meesha lagukalasaaro cuntada aad cuntid qeybta faa iidada ah ee jirkeenu ubaahanyahy iyo qeybta waskhda ah ee larabo injirka lagasaaro waxaan dhihirkanaa kelyuhu waxay kamidyihiin organiska ugu muhiimsan ee jiritaanka qofaka bini aadamakaa kelyhu waxay inooqabtaan faa iidoyinkaan👇

1: waxay jirkeena kasaaraan wax walba oo wasakha oo aan jirku ubaahneyn waxayna dib ugu celiyaan jirkeena wax walba oo faa iido uleh,

2: waxay dheelitiraan dheecaanada iyo kiimi kooyinka jirkeenu ubaahanyhy,

3:waxay xakumaan cadaadiska dhiiga,

4:waxay xakumaan dheecanada jirka ( hormones) ee sameeya unugyada dhiiga ee cusub,

*Hadaba waxaa jira xanuuno kudhaca kelyaha waxaana kamida mowduuca aanu kahadli doono maanta kaas oo ah ( Nephrolith) amadhagaxa kusameyma kelyaha dad badan baa waxay iseydiinayaan see kelyheena dhagax ugu sameysmi karaa qofku ma wuxuu laqayaa dhagax caadiya jawaabtu ma,ahan sidaas ee dhagxaanta kelyaha waxaa sameeya waa chemicals iyo macdanaha lasocda kaadida sida ( calcium, oxalate and uric Acid) kuwaas oo noqda adke is heysta kabacdi isku urura isuna bedela waxa afka qalaad laguyiraahdo ( crystalis) ama dhagax u ekayaal

??

*Dhagaxaanta kelyaha kusameeysma waxaa sababa wax yaabo badan waxaana ugu muhiimsa kuwaan soo socda👇

1: in qofka biyo cabistiisu yaraato
2: cunida cunooyinka brotinku kubadan yhy
3:adigoo noqda mid cayilan ama buuran
4: dheefshiidka oo khalkhal kudhoco
5: inaad leedahy caabuqa kuudhaca xiidmaha ama barariso

??

1: inaad xanuun kadareento dhabrka dame ama inta hoose
2: inaad xanuun ama gubasho dareento xiliga kaadida
3: markasta inaad umaleyso in kaadi kuheyso adigoo suuliga kusii ordaya hadana aan waxbadan kaa imaan
4: kaadidaada oo aad dhiig ku aragtid
5: lalabo iyo matag daran
6: qandho saa yid ah

??

1: markastoo kaadi badan kaa dido waxaa yaraaneysa fursada ay kelyahaaga ugu sameys mayaan dhagxaan,
2: inaad biyo badan cabto maalntii ugu yaraan 2 litir taas oo kahortageysa in chemicaliska kujira kaadidaad ay isqabsadaan sameeyaana dhagax kelyahana usahleysa inay qashinkaas dibada usaaraan,
3: inaad jimicsi badan sameyso marwalba,
4: inaad ilaaliso miisaankaaga waayo cayilka badani wuxuu sahlikaraa xanuunkan inuu kugu dhaco,

??

1: fadlan hadaad isku aragto calaamadaha aan kor kusoo xusay waa inaad si dhakhsaa u aadaa dhakhtaraka qaabilsan xanuunka jelyaha iyo kaadi mareenka ee looyaqaano ( Urologist ama Nephrologist ),

2: waa inaad biyo badan cabtaa mrkasta waayo biyaha badan waxy kaa caawinayaan in dhaguxu sooraaco kaadidaada,

akhriste hadaad kaheshay qormadaan ama casharkaan aadka muhiimka ugu ah bulshadeena fadlan gaarsii asxaabtaada dheh sidookale dheh casharka su ugaaro dhamaan saaxiibada kuxiran mahadsanid,,👇👇👇👇👍👍👍❤❤❤❤❤

Prepared Dr'ileeye siciid ileeye

Address

Mareysane
Garowe

Telephone

+252907341646

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DrYahye Said Ileeye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DrYahye Said Ileeye:

Videos

Share


Other Digital creator in Garowe

Show All