Wardal News Agency

Wardal News Agency Aan kuu warramee kaalay

Deg-Deg:- Ciidanka Police-ka Magaalada Boorama ayaa Hadda Xabsiga U Tacaabay Daaciga Weyn ee Sheekh Abu-Sufiyaan oo Habe...
07/01/2024

Deg-Deg:- Ciidanka Police-ka Magaalada Boorama ayaa Hadda Xabsiga U Tacaabay Daaciga Weyn ee Sheekh Abu-Sufiyaan oo Habeenkii iyo Galabtii Wacdi Diini ah Ka Jeediya Suuqa Badhtankiisa,

Sheekha ayaa Habeenadani Ka Hadlaayey Difaaca Badda Gaalada Laga iibiyey ee Lughaya.

Musharax madax weyne ahmad iise awadWuu iskenay
05/01/2024

Musharax madax weyne ahmad iise awad
Wuu iskenay

Musharax madax weyne xasan shire abgaal Wuu isdiwan galiyay
05/01/2024

Musharax madax weyne xasan shire abgaal
Wuu isdiwan galiyay

Musharax madax weyne aadan sheekh doon Wuu isdiwal galiyay
05/01/2024

Musharax madax weyne aadan sheekh doon
Wuu isdiwal galiyay

Musharax madax weyne guuled salah BarreWuu iskenay
05/01/2024

Musharax madax weyne guuled salah Barre
Wuu iskenay

Kenya oo albaabadeeda ballaqday.Dal-ku-gal la'aan ayaad hadda geli kartaa.
05/01/2024

Kenya oo albaabadeeda ballaqday.

Dal-ku-gal la'aan ayaad hadda geli kartaa.

Xaalka hotellada Garoowe, doorashada awgeed.
04/01/2024

Xaalka hotellada Garoowe, doorashada awgeed.

Taageerayaasha  Koonfur Galbeed oo soo bandhigay cududooda
01/01/2024

Taageerayaasha Koonfur Galbeed oo soo bandhigay cududooda

Deg-Deg: Duqii h**e ee Boosaaso, Xasan Cabdalle Xasan ayaa noqday Guddoomiyaha KGM ee Baarlamanka cusub ee Puntland, maa...
01/01/2024

Deg-Deg: Duqii h**e ee Boosaaso, Xasan Cabdalle Xasan ayaa noqday Guddoomiyaha KGM ee Baarlamanka cusub ee Puntland, maadaama oo ahaa odayga u da' weyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in heshiiskii Jabbuuti ku dhexmaray Somaliland iyo DFS uu ahaa 'Heshiis Midnimo'.
01/01/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in heshiiskii Jabbuuti ku dhexmaray Somaliland iyo DFS uu ahaa 'Heshiis Midnimo'.

Garoowe Ciidankii ugu badnaa ayaa Deni soo dhoobay Wadooyinka waa wayn ee Caasumada, kadib markii Xalay Xiligii danbe la...
01/01/2024

Garoowe Ciidankii ugu badnaa ayaa Deni soo dhoobay Wadooyinka waa wayn ee Caasumada, kadib markii Xalay Xiligii danbe lagu dhawaaqay Liiska Baarlamaanka PL.

Fiid wanagsan akhyarta anu bah wadaga nahay 🤚
31/12/2023

Fiid wanagsan akhyarta anu bah wadaga nahay 🤚

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, 31 December, 2023: Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgall...
31/12/2023

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 31 December, 2023: Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka kuwaas oo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Howlgalka h**e oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale howlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Khawaarijta kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah.


-Dhammaad-

DJIBOUTI: Wada-Hadallada DFS iyo Somaliland oo dib u bilowday; iyada oo ay dhexdhexaadineyso DJibouti.
28/12/2023

DJIBOUTI: Wada-Hadallada DFS iyo Somaliland oo dib u bilowday; iyada oo ay dhexdhexaadineyso DJibouti.

WANTED, Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo cawa magalada...
27/12/2023

WANTED, Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo cawa magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabookhad ku dilay laba sarkaal oo police ka qaybta Gobolka Mudug ka tirsana kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar ( Leelkase, Reer Fiqi Ismaaciil ) iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye ( Madhibaan ) sidoo kale waxaa askari ku dhaawacmay
Ciidanka ayaa fulinayay waran loo soo jarey edeysanaha.

Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee boliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.

27/12/2023

War Cusub :Wiil lagu magacaabo Hanad Maxamed ayaa isagoo goobtiisa shaqo kasoo baxay oo Lacag $750 uu kasoo baxsaday mashiinka IBS ayaa waxaa wadada dhinaceeda ku salaamay nin da’diisa tahay 40 jir.

Hanad markaas ayaa wax ogaal ah ugu danbeeyay. Waxa ay ka qaateen $750 dollar, kaarkiisa IBS iyo taleefankiisa oo ahaa iPhone12 iyo saacad uu xirnaa iyo alaab uu Online dad ugu iibiyay oo uu rabay inuu kuwareejiyo.

Muqdisho waxaa ayaantan ka socda Dhac aan wali horay loo arag oo Indha-Sarcaad ah.

Laascanood;- Booliska SSC-Khaatumo ayaa Wareysi la yeeshay nin lagu magacaabo Cabdiweli Cabdiraxmaan kaas oo Tiktok ku f...
27/12/2023

Laascanood;- Booliska SSC-Khaatumo ayaa Wareysi la yeeshay nin lagu magacaabo Cabdiweli Cabdiraxmaan kaas oo Tiktok ku faafin jiray muuqaalo anshax xumo ah isagoo ruux dumar ah iska dhigaya.

Ninkan wuxu sheegan jiray Beesha Qayaad ee Dhulbahante hase yeeshe wareysiga Booliska wuxu ku cadeeyay in ay beentii tahay oo uu hayb ahaan kasoo jeedo Beelaha Raxanweyn.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Booliska SSC gacanta ku dhigeen Ninkan shaydaanku duufsaday ee dumarka iska dhigi jiray isagoo Laascanood maalmahaas yimi.

27/12/2023

Garoowe: Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sheegaya in ay mushahar la'aan ka cabanayaan ayaa saaka xidhay gebi ahaan waddooyinka gala Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Puntland oo dhaca dhinaca woqooyi-galbeed ee magaalada, iyaga oo diidaya in la galo ama laga baxo.

Koonfur Galbeed oo diiday inay ka qeyb galaan Koobka Maamul goboleedyada.Goolhayahooda Ibrahim Fikiri ayaa loo sheegay i...
26/12/2023

Koonfur Galbeed oo diiday inay ka qeyb galaan Koobka Maamul goboleedyada.

Goolhayahooda Ibrahim Fikiri ayaa loo sheegay inuusan ciyaari doonin madaama uu Qaranka matalay

Iyagana waa diidan yihiin inay Ka qeyb galaan

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay...
26/12/2023

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay shirka Banbaxa iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah.

U jeedka banbaxa ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo, daadajinta shaqada hay’adda, waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay'adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.

Maalinta 1-aad ee banbaxa ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo loogana hagaajin karo howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal .

  Xildhibaanada labada Aqal ee Dowladda Fadaraalka Soomaliya ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Musharax Madaxweyne Dowl...
26/12/2023

Xildhibaanada labada Aqal ee Dowladda Fadaraalka Soomaliya ayaa maanta Qado sharaf u sameeyay Musharax Madaxweyne Dowladda Puntland Abdiladiif Muse Nur Sanyare

25/12/2023

Qaraxa wuxuu ka dhacay dhanka agagaarka Hotel Guuleed ee degmada Hilwaa

Boyad shidaal oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo Muqdisho lagu qarxiyey Muqdisho, 25 Dec, 2023 - Gaari kuwa...
25/12/2023

Boyad shidaal oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo Muqdisho lagu qarxiyey

Muqdisho, 25 Dec, 2023 - Gaari kuwa shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta lagu qarxiyey xaafada Waxarcade ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo uu sababay qaraxa laakiin waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeelay booyada iyo shidaalkii ay waday.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood. Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay Hormuud oo ka dhacay isla degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda ku leedahay degmada Heliwaa, halka sidoo kale dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen hawl-wadeeno kale.

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aad usoo batay waayadaan ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyey sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda, dhaawaca hawl-wadeeno kale iyo burbur xoogan oo hatiyadeed.

Ila iyo hada lama oga sababta iyo cida beegsaneysa shirkadda isgaarsiinta mana jirto cid ay laamaha amaanka ay dowlada usoo xireen weeraradaan arxandaradda ah.

DOORASHADA PUNTLAND: Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland qaar kood oo war ka soo saaray go'aanka bixitaanka SSC-Khaatum...
24/12/2023

DOORASHADA PUNTLAND: Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland qaar kood oo war ka soo saaray go'aanka bixitaanka SSC-Khaatumo, waxa ay yidhaahdeen;

•Waxaa lama-huraan in la helo heshiis kala-guur, si SSC-Khaatumo uga baxdo Puntland, waana in aan la soo xulin xildhibaannada SSC ka hor 31 December, inta laga heleyo heshiis loo dhan yahay.

Dhinaca kale waxa ay walaac ka muujiyeen hannaanka xulista xildhibaannada Baarlamanaka; iyaga oo ku eedeyey Madaxweyne Deni in uu 'isagu xulanayo' waa sida hadalka u dhegeene.

Musharrixiintu waxa ay dalbadeen in meesha laga saaro warqadda denbi la'aanta CID ee lagu xidhayo qof xildhibaan raadinaya iyo in la helo isimmo korjoogto ah oo hannaanka xulista xildhibaannada Baarlamanka lixaad ee Puntland la socda.


.

Bal ila arka . Haddii h**e aad u ogayd mashruuca A&B ee bajaajta hadda waxaa hadana timid Balqiisa Quality oo bajaaj kas...
24/12/2023

Bal ila arka . Haddii h**e aad u ogayd mashruuca A&B ee bajaajta hadda waxaa hadana timid Balqiisa Quality oo bajaaj kasta ka rabta $27 .

Darawalkii aan wadan warqadan waxaa ka mamnuuc ah inuu shaqeysto. Xamar si kasta ayaa ilmahacaanahooda loo raadinaya tan ayaana ugu daran .

Balqiisa biilka waa saxatey laakiin sidee ku qaban kartaa shaqadii W/gaadiidka?

24/12/2023

Diyaarad siday in ka badan 300 oo tahriibayaal ah oo gacanta lagu dhigay.

DOORASHADA PUNTLAND:Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa maanta kulamo ka yeeshey bixitaanka SSC-Khaatumo iyo hanna...
24/12/2023

DOORASHADA PUNTLAND:

Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa maanta kulamo ka yeeshey bixitaanka SSC-Khaatumo iyo hannaanka xulista xildhibaannada Baarlamanka lixaad, iyada oo macluumaadka laga helayo kulamadan ay tilmaamaan in siyaasiyiintan ay isku afgarteen in ay soo dhoweeyaan go'aanka SSC-Khaatumo ay qaadatay ee ah in aysan ka qayb-gelin doorashada madaxtinimo - Hayeeshee waxa la sheegayaa in xubnaha Guddiga Doorashada Baarlmamanka ku meteleyey Sool iyo Cayn ay weli wataan shaqadoodii, ayna jiraan araaji h**e oo ay qabteen balse isimmada SSC-Khaatumo waxa ay go'aamiyeen in aysan sinnaba uga qayb-galayn doorashada Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ayaa dhinaca kale walaac ka muujinaya hannaanka xulista xildhibaannada Baarlmanka oo hadda la xuley tiradii ugu badnayd.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo isna musharrax ah habeennada soo socdana shaaca ka qaadata in uu mar kale tartamayo ayaa weli ka aamusan bixitaanka SSC-Khaatumo, isaga oo xalay arrintaasi kala shirey dad kala duwan - sida ilo kala duwan tilmaamayaan.

Ka sokow loolanka Madaxweyne iyo xildhibaanno doonista waxa isna si dardar leh ku bilow loollan ay gobolada Bari, Mudug iyo Sanaag ugu jiraan Madaxweyne ku-xigeenka ay Sool banaynayso.


24/12/2023

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ka qabtay eedaysane ka soo baxsaday Dalka Kenya oo lagu eedeyey in uu dil u gaystey muwaadin Soomaaliyeed......

- Wardal News Agency

24/12/2023

Ciidanka Xoogga dalka oo AS ka saaray deegaano hoos taga Magaalada Caad ee Koofurta Mudug.....

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lala eegtay qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee Ka howgala Degmada He...
24/12/2023

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lala eegtay qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee Ka howgala Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

- Wardal News Agency

Address

Garowe

Telephone

+252906553848

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wardal News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share