Horusocod media

Horusocod media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horusocod media, Media/News Company, shaariqa, Garowe.

Permanently closed.
22/05/2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru Ku-xigeeno .

Garoowe: 22 May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland


Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

22/05/2020

Sucuudi Careebiya wuxuu ku dhawaaqay in berri ay tahay Soon isla markaasna Axadda la ciidi doono.

Insha

03/04/2020

Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa xaqiijisay 2 kiis oo cusub oo coronavirus ah, 1 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 7
Tirada bogsatay: 1
Tirada dhimashada: 0

02/04/2020

Madaxwayne ku xigeenka puntland mudane axmed cilmi axmed karaash ayaa maanta xerada xorgoble magalada qardho tababar ugu soo xiray 600 oo askari oo mudo halkaas tababar uga socda puntland ayaa waday mudadaan tayaynta ciidanka puntland

31/03/2020

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in laba qof ayaa laga cudurka Corona Virus gudaha Somaliland.

Laba qof ayaa kala ah nin Shiinaha u dhashay oo Berbera jooga iyo nin reer Burco ah oo UK ka soo laabtay.

Hassan galayr

27/03/2020

Magala ganacsiga puntland ee boosaso oo saaka nabad iyo horumar ku jimcaysatay

Shere

27/03/2020

Casumada puntland ee garoowe

Ayaan jimca wangsan idin ka soo le yahay

Shere

27/03/2020

Casumada umada somaliyeed ee muqdisho

shere

26/03/2020

War deg deg ah muqdisho oo qofkii labaad laga helay cudurka corona varus sida ay xaqiijisay wasiirada wasaarada cafinaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus, muwaadin ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo la hayay

22/03/2020

Halkaani waa dekada garacad oo maraya meel wanagsan

waxana la qiimeyay in 3 bilood ka bacdiii doonyaha iyo maraakiibtuba ay ku soo xiran karaan

hadana waxa la gaaray 300 mr ugu yaraana waxa la raba in la gaaro 1500 oo mitir taas oo ka dhigan deked caalami ah oo aad u wayn inay noqoto

Hadaad ku faraxsan tahay horumarka dekeda garacad

Shere dheh

21/03/2020

Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada somalia mudane cabdirahman bayle ducaale ayaa ka hadlay dayn cafinta somalia iyo wax u qabsoomay meesha wax marayaan

21/03/2020

Daawo oday qabe dusaaye oo u jawaabay nabadoon cabdullahi maxamed jibriil

21/03/2020

Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa maanta ka so degtay garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Ethiopian Airline ayaa baaqatay maalintii khamiistii ee la soo dhaafay mana ay sheegin sababta ay u baajisay safarkaasi.

Wasiirrka arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa la sheegay in uu gacan ka gaystay sidii Ethiopia Airline u sii wadan lahayd shaqadeeda garoonka Hargeysa inkasta oo aan faahfaahin rasmiya soo bixin.

21/03/2020

Madaxtooyada puntland ayaa beenisay waraaq fake ah oo la so geliyay baraha bulshada

21/03/2020

War deg deg ah dowlada somalia ayaa mudo 2 maalmood ah fasaxday diyaraha ka imaan jiray dalalka ka baxsan somalia dowlada ayaa sheegtay in muwaadinin somaliyeed ee ku xaniban garoomada caalamiga ah ay 2 maalmood ku yimadaan dalkooda hooyo

20/03/2020

Magaalada Jigjiga waxaa maanta ka gudbay gaadiid dagaal oo tiro badan, iyadoo la sheegay in ay u socdaan dhanka Soomaaliya.

Gaadiidkan waxaa dusha kaga qoran AU (African Union), laakiin taarikada numberkoodu waa Itoobiyaan.

Dawladda Soomaaliya iyo ta Ethiopia midna k**a hadal ujeedka gaadiidkan dagaal ee la sheegay in ay u socdaan dhanka Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Xigasho : Khaalid Foodhaadhi

19/03/2020

Garoon kani waa Stadium Muqdisho oo la jaan qaadaya garoomada caalimiga ah ee somalia
Sharaftii iyo karaamadii umada somaliyeed waa soo noqotay

Guul iyo gobonimo

Shere ha kala bakhaylin

19/03/2020

Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa beenisay in Soomaaliya uu ka jiro cudurka .

Xigasho khaalid foodhaadhi

19/03/2020

Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Cigaal international ee magaalada Hargeysa kacelisay Diyaarad si sharci darro ah kusoo gashay Hawada Soomaaliya.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa iska dhegatirtay go'aanki Dowladda Soomaaliya, iyadoo dooneysay iney rakaab kaqaaddo magaalada Hargeysa.

Hasayeeshe Hay'adda duulista hawada Soomaaliya ayaa ammar kusiisay iney dib ugu laabato meeshii ay katimid, maaddaama ay fasax la'aan soo gashay hawada Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa u hoggaansantay ammarkaas dibna ugu laabatay Dalka Imaaraadka Carabta oo ay markii horaba kasoo duushay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Dalka uga mamnuucday duullimaadyada Caalamiga ah muddo 15 maalmood ah oo kabillaabaneysa Maanta.

18/03/2020

Qof hor leh oo looga shakiyay Coronavirus oo muqdisho lagu hayo

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Goordhow la wareegtay muwaadin soomaali ah kaas oo looga shakiyay Cudurka Covid 19.

Muwaadinka looga shakiyay cudurkan ayaa saaka tagay xarunta cisbitaalka Digfeer,ka dib markii uu isaga shakiyay cudurkan dadka qabana uu h**e ula soo macaamilay.

Muwaadinkan ayaa sheegay inuu ka yimid dalka UK,mudo dhowr cisha ahna uu ku sugnaa magaaladda muqdisho.

Shaqsigan ayaa ka mid noqonaya muwaadiin dhowr ah oo ay wasaaradda Caafimaadka la wareegtay iyadoo ay ku wado baaritaan la xeriira in cudurka Covid19 ay qabaan.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyaddoo xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday lacag dhan 5milyan oo doolar oo loo qoondeeyay cudurkaasi dalka oo dhan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku howlan natiijadda Baaritaanka shaqsigii ugu dambeeyay ee saaka cudurkaasi looga shakiyay

Xigasho : Omar Mohamed Soomane

17/03/2020

Ceebtii iyo fadeexadii shirkii 3 beri garoowe loo fadhiyay iyo natiijadii ka soo baxday iyo waxa ay umada somaliyeed ka dhul sugayeen

17/03/2020

Go'aammada ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland waxaa kamid ah;

1. In arrimaha dastuurka dib loogu dhigo dowladda soo socota ee 2020/2021.

2. In doorasho qof iyo cod aaney dhici karin sanadkan lana aqbali karin waqti kordhin ku yimaada hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka.

3. In Puntland ay qaadaceyso natiijada haddii aaney qeyb ka noqon wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

4. In dhammaan saamileysa siyaasadda isu yimaadaan oo laga tashto doorasho 2020/2021, Puntland ay kaalin ka qaadato.

Shirka waxaa qayb ka ahaa qaar kamid ah Wasiirrada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

17/03/2020

War deg deg ah shirkii wadatashiga puntland oo galabta la soo gaba gabeyay oo laga soo saaray war murtiyeed dhinacyo badan taabanaya

17/03/2020

Wasiirka Beeraha Somaliya oo ka hadlay shirka wadatashiga Puntland ayaa sheegay madaxda Puntland u matasha Federaalka inay kala fikir duwan yihiin.

Wuxu kale puntland kula dar daarmay inay dowlada dhexe u dirsato dad la soo xisaabtama waxna la soo qaybsada dowlada.dhexe

Shere

17/03/2020

Halkaani waa janaale oo ay mudo ka ariminayeen kooxda sharwadayasha ah alshabab kana reebeen horumarkii
Ugu danbayntiu ciidanka qaranka somalia ay shalay gacanta ku dhigeen

Shere

16/03/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

16/03/2020

War Deg deg Waxaa Hada Magalada Laascaanood lagu Dilay talyihii Sirdoonka G.sool.ee somaliland

dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan qarax gaarigiisa loogu xiray gudoomiyihi maxak**ada magalada laascaanood

16/03/2020

: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa kala qeybgalay ergooyinka Shirka kulamada gaarka ah ee looga doodayo Qodobada Shirka looga hadlayo.
Dhammaan ka qeybgalayaasha shirka ayaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah:
• Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha
• Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog
• Isimada
• Ganacsatada iyo Cuqaal
• Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan.
Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka doodaya Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob usii kala baxo:
1-Puntland:
- Midnimada
- Amniga
- Horumarka
- Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta
2-Federaalka:
- Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland
- Dib u eegista dastuurka
- Doorashada 2020
- Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka
- Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah
3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland.

16/03/2020

Wasiirada caafimaadka somalia ayaa sheegtay in kiiskii ugu h**eyay ee corona19 laga helay mueaadin somaliyeed magalada muqdisho ee casumada somalia

Wasiirada ayaa sheegtay in qofkaas la karantiilay isla mara haantasna lala tacaalayo dawayntiisa

16/03/2020

Taliyaha ciidanka lugta generaal cabdu xamiid maxamed dirir ayaa gacanta ku dhigay degaanka janaalenee gobolka shabeelada hoose

generaal cabdi xamiid iyo ciidan uu hogaamonayao ayaa gacanta ku dhigay degaankaas oo in muda ay ka ariminayeem kooxda alshabab

Sher page like saar

16/03/2020

DEG-DEG....Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed ayaa Kabiga ku haya Deegaanka Jannaale ee Shabellada Hoose, waxaana la filayaa in ay isla maanta gudaha ugalaan Magaalada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada ay dhawr Jiho ka galeen Jannaale oo 10 sano Shabaab ay Maamulayen

Shere

16/03/2020

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Alsiisi ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu dhex-dhexaadiyo isaga iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo uu kala shaqeeyo xal u helista arrinta biyo-xidheenka ay dhiseyso Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar ayaa ku muransan biyaha webiga Niilka Buluugga ah, ka dib markii Itoobiya ay bilowday dhismaha biyo xidheenka.

Khaalid foodhaadhe

16/03/2020

Guuleed Saalax Barre Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ah ee Puntland "Nidaamka axsaabta badan oo ah arrin mudnaan wayn u leh shacabka iyo dawladda Puntland ba, kana mid ahayd axdiqarameedkii u horreeyay ee Puntland lagu aasaasay, iskudayna la sameeyay, waxaa guddigan la magacaabay Augsht 2019 sameeyay dedaal badan oo lagu doonayo hirgelinta nidaamka axsaabta badan, waxaan booqannay dhammaan gobollada iyo degmooyinka si bulshada loo gaarsiiyo, waxaan rajeynaynaa in aan guul ka gaari doono istiraatiijiyadda guddigu diyaariyay 2019 illaa 2024"
.

16/03/2020

Siciid Xasan Shire Guddoomiyihii h**e Baarlamaanka Puntland "Cid laga yeelayo in Puntland ay dumiso ma jirto, qofkii Puntland wax ka tabanaya si hufan ha usoo bandhigto, wanaag baa looga bartay wayna wadaysaa cidnana xumaan ka yeeli mayso"

16/03/2020

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqey in 15 maalmood la xidhay iskuullada iyo dhammaan goobaha ciyaaraha, cudurka Coronaha awgii.

Address

Shaariqa
Garowe

Telephone

+252907733353

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horusocod media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Horusocod media:

Videos

Share