Gaylan media

Gaylan media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gaylan media, Media/News Company, puntlnd, Garowe.

Saddax Sacadood Kadib Mashxaraddii Qalin-jabinteeda tiiyo Dharka Qalin-jabinta siibinba Waxaay heshay Wax kor u dhaafaya...
07/03/2023

Saddax Sacadood Kadib Mashxaraddii Qalin-jabinteeda tiiyo Dharka Qalin-jabinta siibinba Waxaay heshay Wax kor u dhaafaya 20-shaqo oo banaan.

Dumarku waa cajiib.

Deeganka markasta waxaa lasoo iibiyaa gaadidka gurmadka ee Ambalaasta.Haddana Degmoyinka waxay ugu dayacan yihiin dayac ...
05/03/2023

Deeganka markasta waxaa lasoo iibiyaa gaadidka gurmadka ee Ambalaasta.Haddana Degmoyinka waxay ugu dayacan yihiin dayac tir la'aan ama shidaal la'aan.
Shaqaallaha Degmoyinka lacag badan ayaa gaadidkan looga jaraa.Waxaa kaloo jirta lacag shidaal oo xarruumaha caafimadka loo qoondeyo.

Miisaniyadii Degmada ee qaybta Caafimadka ayaa intaas u dheer oo aan xisaabta ku jirin.Siddaas oo ay tahay Degmooyinka dadka gaadidka gurmadka adeegisa u baahda waxaa laga qaada lacago xad-dhaafa oo shidaal iyo abal darawal lagu sheego.Meellaha qaarkood waxaad arkaysa bukaan liitay oo lacag toban kun ka badan, sidda dhacdadii Lagahida ee maanta warinaynay.

Dadkeenii waa xoollo dhaqato abaaro iyo sicir barar saameyen,haddana iyagoo gurmad u baahan ayaa lacago lagaga furanayaa.Dad badan ayaa adeegan u waaya dhaqaalle la'aan.Qofku waa inuu lacag haysto oo kharash iska bixiyo, ama waa in garab haysto oo ay maamulka laftoodu shidaal ugu shubaan.

Xukuumaddu waa inay qorshe dejiso, waa in lacagaha gaadidkan loo jaro, iyo lacagaha kalee shidaalka loo qoondeyo gaadidkan lagu maarreyo.Xukuumaddu waa inay arrintan warreegto kasoo saarto, oo ay Degmooyinka kula xisaabtanto.

Gaadidka raaxada ee maamulka shidaal looma waayo,iyagoon shaqo muhiima hayn ayay markasta dhaansan yihiin.Gaadid gurmad oo qof sakaraadda qaadi lahaa, siddee lacago loogu xujayn? Gaadidkii gurmadkee Dowladda haddii 10kun oo bir lagu bixiyo, muxuu kaga duwanaan gaadhi ganacsato oo la kireystay?

Xafiiska Caafimadka ee Deeganku hadduu doorkisii gabay, waa in xukuumaddu faragaliso.

nogob media

Xuska Maalinta Xasuuqa Ogaadeenya Oo Boosaaso Lagu Qabtay. Waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu qabtay ...
26/02/2023

Xuska Maalinta Xasuuqa Ogaadeenya Oo Boosaaso Lagu Qabtay.

Waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu qabtay Xuska Maalinta Xasuuqa Ogaadeenya oo si isku mid ah looga xusayo gudaha Ogaadeenya iyo dunida inteeda kale ee ay ku sugan yihiin xubnaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO).

Munaasabaddan oo ay si heer sare ah u soo qaban-qaabiyeen Midawga Dhallinyarada iyo Ardayda Ogaadeenya ee OYSU faraciisa Gobolka Bari, kana soo qayb-galeen masuuliyiinta xubnaha JWXO ee jaaliyadda Halgan, faraca Boosaaso, xubnaha Ururka OYSU ee Gobolka Bari ayaa daarranaa dib u milicsiga xasuuqyadii kala dambeeyay uu gumeysigu u gaystay shacabka Soomaaliyeed ee bari-ma-gaydada ah!

Munaasabaddan oo uu hadal ka jeediyay Guddoomiyaha xubnaha JWXO ee faraca Boosaaso, Naftii-hure, Maxamed Muxumed Sigad ayaa sheegay in ay si aad ah u qiiro-gelinayso ka soo qayb-galka munaasabaddan ay dhallinyaradu soo qaban-qaabiyeen ee lagu xusayo gabood-falladii arxandarrada ahaa ee loo gaystay dadka Soomaaliyeed ee ku hoos ku jira xukunka Gumeysiga Itoobiya, wuxuuna guddoomiyuhu dhallinyarada kula dardaarmay in ay bartaan taariikhda dalkooda.

Gagabadii munaasabaddan oo laga akhriyay taariikho kala duwan oo lagaga sheekaynayo xasuuqyadii aan kala joogsiga lahayn ee geestay Shacbiga Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, laguna barayay da'yartii ka soo qayb-gashay oo ay si aad u taabatay taariikhdaa xanuunka lihi ayaa ku soo idlaatay si guul ah.

ONA, Boosaaso, Soomaaliya.

19/02/2023

Dhacdo xanuun badan wiil arday ah oo lagu dilay muqdisho dhexdeda. Sida ay no shegeen dad goob jogayaal ah.

02/02/2023

Gabdhaan may dhantaynaysa mise wa niiko agah
Warbal fikirkada ka dhiibo

15/01/2023

Ina cagjar oo xilka laga qaday🤣🤣

12/01/2023

Dhanto cusub maad aragteen part 2

11/01/2023

Cidanka degaanka somalida oo uso dhamatay tobabarki u socday

Kumanaan ka tirsan cidamada liyu Boliska degaanka somalida Ayaa maanta so gaba gabeeyey tababar ay muddo wadeen
10/01/2023

Kumanaan ka tirsan cidamada liyu Boliska degaanka somalida
Ayaa maanta so gaba gabeeyey tababar ay muddo wadeen

Sadex Sano ayaa maanta lagu xukumay siraaj adan oo ahaa Siyaasi ka hadla Arimaha DDS.Maxkamada Gobalka ayaa saxde sano k...
09/01/2023

Sadex Sano ayaa maanta lagu xukumay siraaj adan oo ahaa Siyaasi ka hadla Arimaha DDS.

Maxkamada Gobalka ayaa saxde sano ku xukuntay siraaje

in lasii daynayo ayaa lo Badinayaa Abdi Maxmauud omar (ilay) oo mudo shan sano ah kuxidhan Xabsiga Kaliti ee Adis ababa....
06/01/2023

in lasii daynayo ayaa lo Badinayaa Abdi Maxmauud omar (ilay) oo mudo shan sano ah ku
xidhan Xabsiga Kaliti ee Adis ababa.

Sidee u aragtaa si daynta abdi ilay

05/01/2023

ALI DHANTO DHANTO CUSUB

05/01/2023

DHANTO CUSUB{ away badrolkaygii }

04/01/2023

Dhanto kaldeeq
Ma xasusataa dhantadan 🥰

29/12/2022

Hadal Cajiib
Ina cagjar🤣🤣🤣🤣🤣🤣

Address

Puntlnd
Garowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaylan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share