06/10/2023
W/Q: Jama Ali Dirir
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐ค๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ก๐๐๐๐ ๐ฅ๐๐๐ค๐ข๐ง ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ค๐๐ฌ๐ญ๐ ๐ค๐ก๐๐ฌ๐๐๐ฒ.
Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, waxaa maanta oo taariikhdu tahay 6-Octobr-2023 ka socdaalay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali - Fradhiye, weftiga oo ka kooban shan xoghaye, laba lataliye oo uu kamid yahay Profesor Cabdiramaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ergayga arrimaha gargaarka aadanaha, saxaafada iyo masuulinyiin kale.
Marka la eego qaabka soodhaweynta Dowladda Federalka Somaliya Mogadishu ugu samaysay weftiga uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha SSC-Khatumo iyo hadal jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federalka muddane Axmed Macalin fiqi waxay daaha ka rogaysaa in dowladda Federalka soomaaliya markan garowsatay, ayna qabashay markan maamulka dadka SSC.
Socdaalka hoggamiyaha SSC-Khaatumo ee Mogadishu wuxuu daaha karogayaa in dhinacyo badan oo huursanaa markan madaxkeenaan, dibadanna arragtidooda keenaan, jahwareer xooggan ayaa samayn doona golayaasha Federalka Soomaliay. xildhibaanada iyo Masuuliyiinta somaliland ka soojeeda ee xamar jooga waxay in badan si hoose iyo sitoos ahba dagaal ugu qaadeen in dadka SSC-Khaatumo marna in an maamul noqon, laakin hadda waxaa la isugudhacay difaacii ugu danbeeyey oo Mogadishu ah.
Madaxweyne Firdhiye wuxuu sidaa, huwan yahay, xanbaarsan yahay, matalayaa arragtida dadka SSC oo muddo dheer udagaalamayey arragtid ah in aan somalia lakala goyn. Maant wuxuu xamar geeyey calankii Somaliya isagoo sida kanna keenay qayb kamid ah gobolladii waqooyi . Sida muuqata Xamar waa loowada arroori laakin sahanada iyo socdaalada ayaa kala duwanaan doonna, ayaamaha iyo wakhtiga ayaa cidwalba bannaanka keeni doona.