14/04/2024
Natiijada weerarkii Iran?
Ma la gaaray yoolal dhab ah, kaddib weerarkii xalay?
Maxay tahay faa’iidada uu ku qabo Netanyahu?
Sidaan h**ey u sheegay, Israa’iil ugama aysan tegin Iran wax dookh ah oo aan ahayn inay weerar ka soo qaaday dhulkeeda,markii ay Israa’iil duqeysay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Suuriya, maaddama dhismayaasha diblomaasiyadda loo tixgeliyo qayb ka mid ah dhulka waddanka ay diblomaasiyiintiisa ku shaqeeyaan.
Israa'iil waxay u diyaar garoobeen weerarka bilawgii h**e, iyo sidii aan horayba u sheegay ee ku saabsan fursadaha Iran ay weerar ku soo qaadi karto inay adeegsan karto;
•Gantaalada Ballistic-ga
•Gantaalada Cruise
•Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxaan xalay aragnay muuqaallo muujinaya Iran oo qaaday weerar isugu jira diyaaradaha aan duuliyahan lahayn iyo gantaallo , waxay ugu horreynba weerarka ku bilowday diyaaradaha is qarxiya oo lagu qiyaasayo inay ka badan yihiin 200 , marka ay diyaaradaha gaareen hawada Israa’iil iyo ka hor inta aysan galin, waxaa isugu tagay si ay u joojiyaan; Mareykanka , Ingiriiska iyo Israa’iil oo ay difaacayeen, laakin waxaa xigtay boqollaal kale oo gantaal oo ay u suragashay tiro badan oo ka mid ah inay gudaha u galay dhulka Israa’iil, waxay ahayd fikrad laga arkay kooxaha iska caabinta Qasa, markii ay qaadeen weerarkii 7 Oktoobar, waxaa xataa isla fikradan adeegsadan dhowaan Ruushka.
Qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa ku guuleystay in ay dhaafaan nidaamka difaaca Israa’iil oo ay ku ku dhacaan goobo ku yaalla Israa’iil.
Maraykanku wuxuu u dhaqmay sidii difaac horumarsan oo kale, nidaamkiisuna waxa uu soo riday daraasiin diyaarado iyo gantaallo ah ka hor intii aysan gaarin hawada Israa’iil.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israa'iil, waxaa jiray burbur yar oo soo gaaray kaabayaasha saldhigga ee ciidanka cirka ee Negev, kaas oo lagu garaacay gantaallo.
Maxaa dhacay kaddib?
Sida laga soo xigtay wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay," Ma jiri doono dagaal u dhexeeya Iran iyo Israa’iil… Weerarka Iran waxa uu la mid ahaa is difaac sida uu dhigayo qodobka 51-aad
kaddib markii Israa'iil ay duqeysay dhismayaal diblomaasiyadeed— halkaa ayayna ku dhammaatay.” Wuxuu intaa ku daray; Laakiin haddii Israa'iil ay khalad kale gasho, Iran waxay ku jawaabi doonta weerar ka xooggan kan.
Maxay tahay faa’iidada sirta ah?
Xaqiiqdii, Netanyahu wuu ku faraxsanaa weerarkan...Ma garanaysaa sababta?
Sababtoo ah arrimuhu waxay u dhaceen sidii uu qorsheeyay, wuxuuna ku guuleystay inuu dabin u dhigo Iran sidii uu qorshihiisu ahaa!
Waa maxay sababta?
Qof walba oo si dhow ula socday xaaladda ay maalmihii u dambeeyay wajahaysay Israa’iil, wuxuu arkayay inuu Netanyahu lumiyay taageerradii xad-dhaafka ahayd ee Mareykanka iyo xitaa wakiilada ugu dhow ee Congress-ka ee sida weyn u taageeri jiray Israa’iil. Waxa aan sheegay dhowaan, sida ay suragal u tahay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo inay ka dhici karto Israa’iil , taa oo haddii la qaban lahaa qofka u horreeya ee laga saari lahaa xafiiska uu noqon lahaa Netanyahu . Mareykanka illaa siyaasiyiinta mucaaradka Israa’iil ayaa doonayay inay ku ciqaabaan Netanyahu fashilka uu dhexda uga jiray;
•Dagaalkii 7 Oktoobar
• Inuu istaagay dagaalkii Qasa oo lagu guul-darraystay 6 bilood dagaalka socda in lagu soo furto hal maxbuus ama xataa la gaaro heshiis cusub.
Dhammaantood waxay doonayeen in Netanyahu kaligii loo ciqaabo khaladaadka dagaalka iyo kaligii inuu qaato cawaaqibka ka dhalan kara haddii uu dagaal ku qaado Rafah.
Laakiin maxaa dhacay weerarka Iran ay xalay qaaday kaddib?
Xildhibaannada ku dhaleeceeyay Netanyahu Congress-ka Mareykanka toddobaadyadii la soo dhaafay, hadda mowqifkooda ayaa la beddelay , farriimo taageero ah ayaa ka yimid dhammaan siyaasiyiinta Mareykanka ee diiddanaa Netanyahu.
Macluusha iyo dhimashada ka taagan Qasa waa la ilaaway, gaar ahaan xasuuqii bishan dhacay ee lagu dilay hal qof oo Maraykan ah iyo saddex British ah oo samafalayaal kale.
Codkii diidmada ee weerar lagu qaado Rafah , hadda waa la aamusiyay. Netanyahu wuxuu ku guuleystay inuu dib u soo celiyo taageerrada Washington.
Maalmo ka hor ,hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Charles Ellis Schumer, wuxuu ku celceliyay inuu Netanyahu is casilo, isagoo ku sheegaya qof fashilmay, laakin weerarkii xalay kaddib, wuxuu u soo baxay isagoo leh, "Iyadoo Iran ay weerar ku tahay Israa’iil, waxaan garab taagannahay Israa'iil iyo dadkeeda… Maraykanku wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu ku taageerayo difaaca Israa’iil.”
Dhanka kale, Wasiirka Hidaha Israa'iil, wuxuu u soo baxay isagoo wax u muuqday inuu ammaanayo weerarkan, isagoo leh;”Maanta Iran waxay noo soo celisay sharciyad caalami ah… Caawa, Israa'iil waxay heshay sharci caalami ah oo ballaaran si ay mar kale u weerarto Iran.”
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa isagana dhankiisa sheegay in Maraykanku kaliya ka codsaday inay ku wargaliyaan ka hor inta aan wax jawaab ah laga bixin weerarka Iran haddii ay doonayaan inay ka jawaabaan.
Aragtidayda, Netanyahu wuxuu u qaaday weerarkii qunsuliyadda Dimishiq, si uu neef ugu shubo ruux-diisa sii dhimanaysay, waayo wuxuu maanta ku guuleystay inuu xasilliyay halka ku cadaadin lahayd inuu xafiiska ka tago, waana Mareykanka oo uu maanta ka dhigay kuwa kaliya ka hadla difaaca Israa’iil, wuxuuna mideeyay codkii taageerrada, isagoo meesha ka saaray codkii isaga diiddanaa.
Waxaa laga yaabaa in aynaan arkin hal dhaleeceyn oo ku socota Netanyahu muddo dheer, xitaa haddii Rafah uu weerarro.
Marna ma dhayalsado waxa Iran samaysay, faalladana kuma sii deyn dareenkayga, haddii ay kugu soo dhacdo inan hoos u dhigay waxqabadka Iran! Laakin maalmaha soo socda ayaa ku filnaan doona inay muujiyaan in waxa aan sheegay ay run yihiin iyo in kale.
Aragtidayda, run ahaantii waxay ila ahayd inaysan Iran bixin wax jawaab ah xilligan, taa ayaana rajeynayay , gaar ahaan wakhtigan. Fikir ahaanteyda, waqtigu aad ayuu u xun yahay...Iran waxay ahayd inay dib u dhigto weerarka, waxay awooday inay la sugto haddii ciidanka Israa’iil ay billaaban hawlgalka Rafah, waayo hadda Iran waxay adeegsatay weerarkii xalay inay u qaaday is difaac, isla tan ayay dhihi karta, iyadoo ku daraysa waqti kaddib in weerarka uu sidoo kale jawaab u yahay howlgalka Rafah. Waxa xataa badbaada leh waa inay waqtigaa cadaadis ku saari karto Israa’iil inay joojiso duulaanka Rafah.
Tan iyo xalay inta aan tabinayay wararka la xiriira weerarka, waxaan arkayay falcelinta laga bixiyay weerarka ay qaaday Iran , waxaan arkay in loo badna labo aragti ; Midda koowaad waxa dhacay inay yihiin wax lagu heshiiyay! Qaybta labaad ayaa muujinaysay inay aaminsanyihiin Iran inay iska horkeenayso Israa’iil oo si xooggan uga soo horjeedo!
Laakin marka laga eego aragtidayda shakhsi waa wax ka duwan labada aragti. Aan aragno yoolalka laga gaaray weerarka Iran;
Israa'iil waxay bartilmaansatay oo dishay taliyayaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka...Weerarka Iran miyuu bartilmaameedsaday taliyayaasheeda ciidanka Israa'iil tusaale ahaan?
Miyaa laga hortagay weerarkan..?
Israa'iil waxay ku guulaysatay in ay si xariifnimo leh uga xanaajiso Iran iyada oo bartilmaameedsatay dhismaheedii diblomaasiyada. Waqtigan ma jirin wax kale oo aan ahayn in Israa’iil ay raalli-gelin ka bixiso weerarka. Taa haddii aysan dhicin kaliya labo waddo ayaa furan; Magdhawga waa la bixiyaa, oo sida uu qabo shuruucda caalamiga ah, markii la diiddo xataa Iran waxay ku dhawaaqi kartay dagaal ka dhan ah Israa'iil ama waxay kaga jawaabi kartay duqaynta dhismayaasha diblomaasiyadeed ee Israa'iil.
Laakin, waxa aan aragnay ; Jawaabta Iran waxay ahayd nooc ka mid ah soo celinta sharaftii Iran, wax kale lagama fakarin, wax walbana xalay ayay dhammaadeen, arrintuna ma noqon karto dagaal u dhexeeya labada dal, sababto ah daruufaha labada dhinac:
•Marka h**e Iran waxay ku jirtaa marxalad ay ku dhisanayso awoodeeda ciidan, dookha ugu dambeeya ee ay adeegsan kartana waa ku dhawaaqista dagaal.
•Midda labaad, Mareykanka laftiisa ma doonayo in dagaal cusub uu ka qarxo gobolka, sidaan sheegnayna, wuxuu rabaa inuu naftiisa u huro ka hortagga Shiinaha iyo Ruushka.
•Marka saddexaad, xitaa Israa'iil lafteedu ma rabto inay dagaal la gasho Iran.
Tani waa sababta Israa'iil ay u cagajugleysay Iran ... Iran ayaa ka jawaabtay waxa laga doonayay!
Netanyahu ayaa aad ugu farxay weerarkan, waxaana uu sida ugu wanaagsan uga faa’ideysan doonaa in dawladiisa ay u suuq geyso Washinton, isla markaana uu dulmiga Israa’iil markale u suuqa galiyo ra’yul caamka reer galbeedka. Waxa hubaal ah ayaa ah in Netanyahu uu ku guulaystay in uu aamusiyo codadka siyaasiyiintii isaga ka soo horjeeday ee Washington weerarka kaddib!
Laakiin xukuumadda Netanyahu ma ka faa'iidaysan doontaa weerarkan si ay u maydho sumcadda Israa'iil ee ra'yiga dadweynaha reer galbeedka?
Aan sugno oo aragnaa!