Sulul media

Sulul media halkan waxaad Ka helaysaa war iyo warbixino ku qotoma xaaladaha taagan

07/06/2023

Booliska Canada ayaa xiray nin la xiriirinayo gabar Soomaali-Canadian ah oo la weysanaa tan iyo 26 bishii May. Sahra Bulle, 36 jir ah ayaa la sheegay inay muddo 19 sanno ah isqabeen ninka loo xiray maqnaashiyaheeda , balse sidda ay ku warramayso VOA-da, gabadhan waa ay geeriyootay , mase jirto warbixin ka soo baxday Booliska iyo qoyskeeda oo lagu xaqiijiyay in la dilay.

Brian Aaron Marbury oo ah ninka u xiran kiiskeeda oo Marekan ah ayaa la sheegay gabadhan oo ahayd ardayday wax ka barata Jaamacadda magaalada Windsor ee gobolka Ontario, 18-kii sanno ee u dambeysay ee ay isqabeen inuu u geysanayay dhibaatooyin sababay in la geeyo xarumaha lagu hayo Dadka ay maskixiyan wax usoo gaareen, sida ay sheegtay habaryarta gabadhan, Ruqiyo Kuusow.

Sulul media

"Xisbiga Barwaaqo wuxuu leeyahay xubno 13.5 Milyan oo qof ah, waxaase jira xubno soo galayti ah'xubno daaqada kasoo gala...
07/06/2023

"Xisbiga Barwaaqo wuxuu leeyahay xubno 13.5 Milyan oo qof ah, waxaase jira xubno soo galayti ah'xubno daaqada kasoo galay',waan nadiiifin doonaa xisbiga "

Abiye Ahmed, ayaa kulankii hoggaaminta xisbiga siddaasi ka sheegay

Sulul media

Geedkii Wardheer oo go'ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey!Geedka Quracle, waxa uu ku yaallaa magaal...
07/06/2023

Geedkii Wardheer oo go'ay, waxa looga naxay sidii oday guurti ah oo geeryoodey!

Geedka Quracle, waxa uu ku yaallaa magaalada taariikhda weyn ee Wardheer oo ah xarunta gobalka Doollo ee DDS.

Odayaashii h**e waxay sheegaan in geedkan uu jiro qiyaastii 300 sanno, waxaa meel u dhow ku yaalla ceel-biyood fac-weyn oo gacan ku qod ah kaa oo lagu magacaabo Quracle, sababta magaca Quracle loogu bixiyayna waa in ceelku ku yaallo meel u dhow Quraca maanta jabay, mudo kadibna isla geedkii ayaa isaguna qaatay magacii dartiis ceelka loogu bixiyay ee (Quracle) wuxuuna kamid yahay ceelasha taariikhiga ah ee magaalada wardheer ku yaalla sida. Jiilaya, Qarandi, Mataan, Camuud, Sonkor, Quracle iyo kuwo kale,

Quraca maanta dhacay wuxuu mar ahaa xaafiis looga taliyo dadka ku nool magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, taariikhda magaalada Wardheer meel wayn ayuu kaga jiray.

Magaalada Wardheer dhanka Koonfur galbeed ayuu ka jiraa marka aad talaalada joogto, waxaa dhiniciisa ku yaalla labo qudhac.

Dadka badan kooda ayaa ku talinaya in geedkaan aan sidaas lagu ilaawin ee aas qaran loo sameeyo maadaama uu yahay mid kamid ah astaamaha ugu caansan Wardheer oo ah magaalo magac iyo taariikh weyn ku leh gayiga Somalida

Sulul media

Address

Jigjiga Street 30
Jijiga

Telephone

+251933306030

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sulul media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sulul media:

Share


Other Media/News Companies in Jijiga

Show All