Qaran Media agency

Qaran Media agency Warder

Dawladda Djibouti ayaa dayax gacmeed ay leedahay hawada udirtay marki ugu horaysay.
12/11/2023

Dawladda Djibouti ayaa dayax gacmeed ay leedahay hawada udirtay marki ugu horaysay.

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgalaya gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degaano hoos yim...
30/09/2023

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgalaya gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degaano hoos yimaada Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

Ciidamada ayaa qabtey isagoo wata mooto laba lugooleey, xili uu dadka beeraleyda ka qaadayey lacag baad ah.

Dhagarqabaha yaa kooxda uga biiray degaanka Ufuroow ee gobolka Baay.

Caasimada gobolka shabeelle ee Godey gacalo   DDS.๐Ÿ“ธ HHashi gureeygHashi gureey
29/09/2023

Caasimada gobolka shabeelle ee Godey gacalo DDS.

๐Ÿ“ธ HHashi gureeygHashi gureey

28/09/2023

Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb.

Ciimada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka h**e ee magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Galmudug.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka juba...
27/09/2023

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka jubada hoose .

Deegaannada howlgalka ka dhacay ayaa kala ah buulo hajji ,beernasi iyo cusbo oo kawada tirsan degmada badhaadhe ee gobolka jubada hoose .

Hay'adda Lacagta aduunka oo war 'farxad leh' kasoo saartay deyn cafinta SoomaaliyaHay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa w...
23/09/2023

Hay'adda Lacagta aduunka oo war 'farxad leh' kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya

Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa warbixin ay kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan ku sheegtay, in deynta Soomaaliya lagu lahaa ay kasoo haraysa oo kaliya $600 milyan oo doolar laba bilood ka dib, halka awal ay ka ahayd $5.2 bilyan oo doolar

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed๐—ฅ๐—ฎ'๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—•๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ปNew York, 22 Sebtember, 2023: โ€“  Ra...
22/09/2023

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed๐—ฅ๐—ฎ'๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—•๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ป

New York, 22 Sebtember, 2023: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

DHAMMAAD

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Ciidamada xooga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa wabiga jiinkiisa Shabeellada dhexe ka wada howlgal  lagu burburiyay fa...
22/09/2023

Ciidamada xooga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa wabiga jiinkiisa Shabeellada dhexe ka wada howlgal lagu burburiyay fariisimo khawaarijta ay ku leheed deeganada Wabiga jiinkiisa ah ee Mahadaay hoostaga.

Dagaal ka dhacay deegaanada Ciid Ciidka, Oobaale iyo kuwa kale ayaa waxaa lagu dilay maleeshiyaad khawaarij ah iyadoo ay halkaas ku goโ€™doomiyeen tiro dhagar qabeyaal ah.

Beerta cagaaran ee godey oo wajigi 1aad ladhameeyay.
21/09/2023

Beerta cagaaran ee godey oo wajigi 1aad ladhameeyay.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibe...
21/09/2023

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

19/09/2023
SNA RADIOCadow Xasan Cabdi Cali Oo kamid ahaa khawaarijta, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida koonfur G...
18/09/2023

SNA RADIOCadow Xasan Cabdi Cali Oo kamid ahaa khawaarijta, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool, Waxaana uu lasoo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Cadow ayaa Argagixisada kaga biirey 2013 Degmada Xudur isagoo tababar ku qaatay Galgaduud, Waxaana uu kamid ahaa qeybta jabhada. isaggoo ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay Gobolada Dalka.

Waxa uu sheegay in uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isagoona saaxibadiis kale ee khawaarijta ka tirsan ugu baaqay inay isaga soo baxaan.

SNA RADIO

18/09/2023

: Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha difaaca shacabka ee dadka deegaanka ayaa hadda si buuxda ula wareegay magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

18/09/2023

Toogasho ayaa lagu Fuliyay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini).

H**e ayuu Xarar-dheere ugu Dilay Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay military-ga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii Sanadkan.

Maxk**ad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan Dilka ah kula fulisay Xarar-Dheere.

Waa fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka kalluumeysiga XFS Axmed Xasan Aadan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta xoogga d...
17/09/2023

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka kalluumeysiga XFS Axmed Xasan Aadan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta xoogga dalka General Cabdulaahi Aden xuseen Cirro ayaa Kormeeray Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo saaka cadowga laga xoreeyey iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada.

Howlgalka saaka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan khawaarijta tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen.

Masuuliyiinta oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay Magaalada bacaadweyn ayaa sheegay in Khawaarijta kahasaare xooggan lagu gaarsiiyey isla markaana aan looga hari doonin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Xigasho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolk...
07/09/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaanada taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hogaanada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh oo habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta khawaarijta kala wareegay deegaano xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusam...
06/09/2023

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta khawaarijta kala wareegay deegaano xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamareb iyo Ceelbuur kuwaa oo dagaalo ka dhacey khawaarijta looga furtay hub, isla markaana looga saarey goobo muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Ceel-lahelay oo aheyd goob in mudo ah ay dadka Shacabka ah ku dhibayeen.

Madaxwaynaha Galgmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobaha la xoreeyay qaarkood sida sinadhaqo ku booqday Ciidamada ku sugan, iyagoo bogaadiyey guulaha dardarta leh ee ay soo hooyeeen mudo kooban gudohood.

Xigasho Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Aadan-yabaal: 06, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo furimaha h**e u j...
06/09/2023

Aadan-yabaal: 06, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo furimaha h**e u jooga dardargalinta dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah iyo dhiirigalinta qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa maanta Degmada Aadan-yabaal kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka yaaq dabay...
26/08/2023

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka yaaq dabayl ee gobolka jubadda hoose .

Howlgalkaan qorshaysan ayaa waxaa hoggaaminyay taliyaha ururka 5 -aad Carab Dheeg Axmed waxayna ciidanku halkaasi ku bur buriyeen fariisimihii khawaarijta ku lahaayeen deegaanka yaaq dabayl ee gobolka jubadda hoose , waxaana deegaankaasi khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan , iyadoo ciidanku halkaasi ay ku dileen 47 ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta , sida uu warbaahinta ciidmada qalabka sida u xaiijiyay taliyaha ururka 5-aad ee kumaandooska danab G/lecarab dheeg axmed oo howlgalkaan hoggaaminyay .

Ciidanka kumaandooska danab gaar ahaan ururka 5-aad ayaa howlgallo sifayn ah kawada gobolka jubadda hoose , howlgaladdas oo dhulka howdka ah looga saarayo khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa si looga hortago dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka soomaaliyeed.

XARUNTA HOWLGALINTA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEEDMadaxweyne Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh o...
22/08/2023

XARUNTA HOWLGALINTA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED

Madaxweyne Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa Ciidamada Xooga Dalka u jiheeyay shaqadoodii qaran, waxaana iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka Argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga h**e ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Xigasho Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Golaha Fulinta ee DDS ayaa ansixiyay laba bayaan. Bayaannada la ansixiyay ayaa kala ah:1. Bayaanka xuska maalinta Deegaa...
21/08/2023

Golaha Fulinta ee DDS ayaa ansixiyay laba bayaan. Bayaannada la ansixiyay ayaa kala ah:

1. Bayaanka xuska maalinta Deegaanka Soomaalida oo noqon doonta 23 January 1993 oo ah maalinkii baarlamaankii ugu h**eeyay ee Deegaanka Soomaaliddu uu fadhiistay ee uu doortay madaxweynihii koowaad ee Deegaanka, fadhigaas oo lagu ansixiyay dastuurka ku meel gaadh ah laguna doortay Madaxweynihii ugu h**eeyay ee Deegaanka.

2. Bayaanka wax ka badalka luuqada baris-barashadda ee Dugsiga Dhexe (Fasaladda 7aad iyo 8aad). Laga bilaabo sanadkan lagu jiro ayaa luuqada wax lagu baranayo ee Dugsiga Dhexe laga dhigi doonaa af Ingriis. Waxaa kale oo la goโ€™aamiyay in Faysalka 1aad laga bilaabo maadooyinka la baranayo lagu daro luuqada Af Carabiga. Goโ€™aankan ayaa ka mid ah qorshayaasha kor loogu qaadayo tayada Waxbarashadda ee Deegaanka.

Xigasho SRTV Somali

21/08/2023

Deg deg
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow lawareegay degaanka Wabxo ee gobolka Gal-guduud.

Guutooyinka Danab iyo Cali Binu Abii Daalib ayaa khawaarijta kala wareegay magaaladaasi iyagoona haatan wado baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada sida uu kusoo waramayo wariyaha warbaahinta ciidamadda Carafaad Axmed Nuur.

Xoghayaha guud ee Ururka Muslimiinta Adduunka,Mohammed bin Abdulkarim Al-Ciise oo booqasho ku jooga Itoobiya ayaa ku dha...
21/08/2023

Xoghayaha guud ee Ururka Muslimiinta Adduunka,Mohammed bin Abdulkarim Al-Ciise oo booqasho ku jooga Itoobiya ayaa ku dhawaaqay hindise lagu dhisayo Masjidka Al-Nejashi ee ku yaal Negash, gobolka Tigray. Wuxuu ka mid yahay shanta musjid ee ugu daโ€™da weyn adduunka.

Dawladda Itoobiya iyo Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa boggaadiyay mashruucan taariikhiga ah, kaasoo ahmiyad weyn u leh ummadda Islaamka iyo shacabka Itoobiya.

Kulanki shalay ee xafiiska Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ayaa sidan kuso idlaadaySHIRKA WADATASHIGA BADQABKA ISGAARSII...
21/08/2023

Kulanki shalay ee xafiiska Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ayaa sidan kuso idlaaday

SHIRKA WADATASHIGA BADQABKA ISGAARSIINTA, ILAALINTA AMNIGA INTERNET-KA IYO BARAHA BULSHADA.

(Muqdisho, 20, Agoosto, 2023).......Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas'uuliyiin ka socday Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.

Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

Xigasho Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Guddiga Olombikada Qaranka oo fulinaya Amarka wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa shaqada ka joojiyey Guddoomi...
02/08/2023

Guddiga Olombikada Qaranka oo fulinaya Amarka wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa shaqada ka joojiyey Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aaden Daahir.

Xigasho Telefishinka Qaranka Soomaaliyeedd

Howgal qorshan oo ay fuliyen guutada 24 aad ee Khalid  binu waliid  ayaa saaka aroornimadii ka dhacay reeydab booroow iy...
28/07/2023

Howgal qorshan oo ay fuliyen guutada 24 aad ee Khalid binu waliid ayaa saaka aroornimadii ka dhacay reeydab booroow iyo Hareeri Culusoow oo ah xadka labada gobol ee shabeelaha dhexe iyo gal-guduud

Howlgalkaan qorshaysan oo uu bar bar socday duqayn dhanka cirka ah ayaa waxa lagu dilay 80 katirsan khawaarijta waxaana halkaasi argagexisada loogu gubay 7 gaari oo nooca dagaalka ah.

Taliyaha Guutada 24 aad khaalid binu waliid ee XDS G/le Aadan Siyaad ayaa warbiihinta codka ciidamada qalbka sida u xiganeeyay khasaaraha gaaray cadwga khawaarijta .

Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed oo halwgal kujira.Guulaysta
28/07/2023

Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed oo halwgal kujira.

Guulaysta

Lammaane ku nool dalka Hindiya ayaa qirtay in ay iibiyeen gabadh yar oo ay dhaleen taas oo jirtay siddeed bilood. Labada...
28/07/2023

Lammaane ku nool dalka Hindiya ayaa qirtay in ay iibiyeen gabadh yar oo ay dhaleen taas oo jirtay siddeed bilood.

Labadan qof oo ku nool Galbeedka Bengal ayaa lagu soo warramayaa in ay lacagtii ilmaha yar laga siiyey ay ku iibsadeen telefoon nooca IPhone ka ah kaas oo ay ugu tala galeen in ay ku duubaan muuqaallada gaagaaban ee baraha bulshada lagu baahiyo.

Lammaanahan ayaa sidoo kale maagganaa in ay iibiyaan ilma kale oo 7 jir ahaa kaas oo lagu qabtay ka hor intii aanay si hoose hawshiisa u dhammayn.

Odaygii reerka ayaa la sheegayaa in uu baxasaday oo lagu raad joogo halka hooyadiina ay xabsi ku jirto.

Xigasho Khaalid Foodhaadhii

Degmada Qalaafo Gobolka shabeelle ee DDS.
26/07/2023

Degmada Qalaafo Gobolka shabeelle ee DDS.

Baabuur kudhacay biriish dumay oo sababay dhaawac.Inta u dhaxaysa Hargeele iyo Doola-baay ayaa gaadhigan oo ay saaraayee...
25/06/2023

Baabuur kudhacay biriish dumay oo sababay dhaawac.

Inta u dhaxaysa Hargeele iyo Doola-baay ayaa gaadhigan oo ay saaraayeen maamulka degmada Goora-baqaqsa uu kudhacay biriishkan oo go'naa kadibna waxaa kudhaawacmay xubno kamida maamulka degmada goorababaqsa.shilka waxaa sababay ayaa lagu sheegay dirawalka oo jidka ku cusbaa,shil halis ah buu ahaa balse dhibwayn k**a dhalanin.

Xigasho Cabdiciid Muxumed

Address

Jijiga
QARANMEDIAAGENCY

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaran Media agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qaran Media agency:

Videos

Share


Other Media/News Companies in Jijiga

Show All

You may also like