04/10/2020
Hadda ka hor ayaa Jeneral u dhashay Ingiriiska, oo lagu magacaabi jiray Gen Frederick Stanley Maude (24 June 1864 – 18 November 1917), ayaa waxuu tagay degaan ka mida degaannada Carabta. Waxuu la kulmay nin xoolaraacato ah oo wata Eey aad u tababaran, daacadna u ah, xoolahana u qumiya, kana ilaaliya tuugada iyo duurjoogta halista. Jeneralkii ayaa waxa uu ka codsaday tarjamaankii la socday in shakhsiga xoolaha leh uu siinaya hal Gani oo Isterliiniya, haddii uu bireeyo ama gowraco Eeygiisa. Lacagta yar ee la siinayo, waxay u goysaa wax badan oo badan!!!
Qowsaarkii farxad ayuu la dhacay, waxuuna si fudud u soo qabtay Eeygii, ka dibna, waxuu ku horgowracay Jeneralkii Biritishka ahaa. Halkii Gani ayuu siiyey, maadaama uu gowracay Eeygii rabbaayadka u ahaa. Mar kale Jeneralkii waxuu codsaday in uu siinayo Gani kale, haddii uu maqaarka ka wada bixiyo Eeygii uu qalay. Ninkii xooladhaqatada ahaa si degdega ayuu u maqaarsiibay Eeygiisii, sidaasna waxuu ku qaatay Gani kale, isagoo si weyn u sii faraxsan.
Mar saddexaad ayuu Jeneral Stanley Maude waxuu codsaday in uu siinayo Gani saddexaad, haddii uu cadcad u jarjaro Eeyga uu bireeyey. Ninkii xoolaraacatada ahaa, Eeygii ayuu cadcad u jarjaray, isaga oo aad u dhoollacaddeynaya, sidaasna waxuu ku qaatay Genigii saddexaad.
Intaas oo dhan markii uu sameeyey Raacigii, ayuu Jeneralkii iyo ciidankiisii la socday iska tageen. Ninkii xoolaha iyo Eeyga lahaa ayaa ka daba-orday Jeneraalkii, Kuna yiri; "Geni afaraad ma i siineysaa, haddii aan cuno hilibka Eeyga, laakiin, Jeneral 'Stanley' waxuu ugu jawaabay 'Maya', waxuuna ku yiri;" Waxaan rabay in aan si fiican u ogaado dabcigiinna iyo dadnimadiinna.
Waxaad gowracay oo maqaarsiibtay, oo waliba cadcad u jarjartay saaxiibkii kuu gu qaalisanaa ifka, adiga oo dhaafsanaya lacag dhan saddex Geni, waliba waxaad diyaar buuxa u aheyd in aad cunto hilibka Eeygaas, si aad u hesho Geni afaraad. Intaas ayuu ahaa ujeedka aan rabay in aan halkaan ka ogaado oo aan yara baarayey!!"
Intaas ka dib, Jeneral Stanley Maude, waxuu hadal kooban u jeediyey ciidankiisii, waxuuna ku yiri; "Ilaa iyo inta ay jirto caqliyadda sidaas u wada xun, una fekeraysa, waxba ha ka baqina!!"
Dhacdada qisadani, waxay tusmo iyo tusaale ka bixinee in guul iyo gobonnimo aysan ka dhex jiri karin bulsho walba oo u diyaara in wax yar oo basiida ay ka hormariso wax qiima weyn iyo qaaya ugu fadhiya. Sida in qadaadiic yar lagu siiyo, si aad u dumiso maslaxaddaada weyn.
Tusaale: Dal hebel dalkaaga hooyo ka cirdeey ama ka eri, oo xoogaha shilimaada qaado. Sida qofkaas bulshada waxtarka weyn u leh dil, oo shilimaad qaado iyo tusaalooyin fara badan oo maanta ka dhex muuqda dalkeenna hooyo, waana waxa ugu wacan in la kala dhilqiyo heykal walba oo bulsho leedahay, oo noo soo jiiday gumeysiga, gunnimada iyo burburkaan doc walba nooga dhacay.
Qisadani waxay ku qorantahay buugga uu qoray Caalimkii Cilmiga Bulshada ee reer Ciraaq, Dr Cali Al-Wardi. Kitaabka magaciisa la yiraahdo; "لمحات إجتماعية من تاريخ العراق الحديث".
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Cabdicasiis Maxamed Shidane.