02/01/2023
Dhawaan Dawlada USA waxa ay ku dhawaaqday Istiraatijiyad cusub oo la dhaho oo ku wajahan wadamada Afrika ee ka hooseya saxaraha lana dhaho (US Strategy Towards Sub-Saharan Africa) sida oo kale bishii December waxaa magaalada Washington DC ku kulmay madaxweynaha US Biden iyo in ka badan 49 hogaamiyeyaal Afrika ka socday.
US waxaa ay xoojinaysa xidhiidhka ay la wadaagto Afrika- waxaana shirkaas lagaga dhawaaqay in US siin doonto Afrika
- 55 billion USD - saddexda sano ee soo socda
- Sida oo kale wadama G7 ayaa ku dhawaaqay qorshe loogu talo galay kabayaasha dhaqaalah (infrustructure) oo ay ku baxayso 600 billion -
- Middowga Yurub ayaa isaguna ku dhawaaqay dhaqaale aad u badan oo Afrika lagaga caawiyo dhanka dhaqaalaha, kabayaasha dhaqaale iyo tamarta.
- US waxa ay h**e u wadeen qorshayaal ay kamid ahaayen
1. Power Africa ( oo ah mashruuc tamarta nadiifta ah)
2. Prosper Africa (oo ah mashruuc dhanka ganacsiga ah)
3. Feed Africa ( oo ah mashruuc dhanka beeraha, iyo wax-soosaarka cuntada ah)
Hadaba Dalka Soomaaliya oo hada qarka u saaran in laga dhaafo deyntii lagu laha muddada dheer - isla markaan hada xidhiidh fiican la leh dalka US - muxuu ka faaidaya dhaqaalahan iyo mashaariciidan.
1. Soomaaliya markii kobaad waxay awoodi doonta in ay qaadato deymo cusub, si wax looga qabto dhanka dhaqaalaha iyo dhismaha kabayaasha dhaqaale
2. Soomaaliya waxay qayb ka helaysa deeqaha iyo kaalmada US, EU iyo dalalka kale bixinayaan ee la xidhiidha tamarta, dhaqaali dhisida iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale.
3. Soomaaliya waxa ay sida oo kale xaga h**e ka galaysa wadamada aadka dhanka dhaqaalah u liita ee u baahan taageroyin gaar ah.
Dhanka Soomaaliya waxaa muhiim ah in dawladu u diyaar garowdo in ay si fiican u maamusha dhaqaalaha laga helaayo beesha caalamka, isla markaan la diyaarsho hayadaha dawliga ah ee maamulaya mashariicdaas.
Soomaaliya ceeb iyo dib u dhac ayay ku noqonaysa hadii dhaqaalahaasi lumo ama la musuq-maasuqo, waxaa muhiim ah in si weyn loogu dhugo yeesho habka loo maamulayo iyo meelaha uu galaayo.
Dhanka kale dalka China ayaa isaguna dhaqaale badan ku bixinaaya Africa - waxaana muhiim ah in laysku miisaamo xidhiidhada labada dhinac ee ku tartamaaya Africa.