Ciidamada Xoreynta Deganada Duduble

Ciidamada Xoreynta Deganada Duduble Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ciidamada Xoreynta Deganada Duduble, News & Media Website, Ceel-Buur, Garabla, ceep-qooxle, celahekay, Ceelgaras, Mogadishu.

Ceelahelay iyo Geel-garas
11/09/2023

Ceelahelay iyo Geel-garas

Inaalillaah wa inaa illeeyhi raajicuun Alle ha u naxariisto walaalaha kala ah Xil. Abdullahi Ibraahim Shaaciye iy Xil. M...
11/09/2023

Inaalillaah wa inaa illeeyhi raajicuun Alle ha u naxariisto walaalaha kala ah Xil. Abdullahi Ibraahim Shaaciye iy Xil. Mohamed Mahamud Mohamed runtii waa geeri xanuun badan.

Markii Halgan lagu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba waa imaadaan waxa aan rajeynaa in aan calool adeeg muujin doono oo aan rumeyn doono rajada walaalihii ku geeriyooday Halgan-ka.

Sxbada kale ee dhaawaca ahna Alle ha u booga dhayo.

18/10/2021

“U Shaqeynta Shacabka marnaba k**a daalno.”

“Waxaan xili waliba Diyaar u nahay in aan u shaqeyno Shacabkeena.”

Waxaa maanta abarihii duhur nimo fal isku day dil ah ey so malegen arga gixisada All shabaab Ayaa kabad baaday taliyaha ...
14/10/2021

Waxaa maanta abarihii duhur nimo fal isku day dil ah ey so malegen arga gixisada All shabaab Ayaa kabad baaday taliyaha saldhiga Boliska Darusaalam wax garayne ma jiraan

Mana lo hakin doono shaqada qaranka iyo umada somaliyed loo hayo halkas ayaana kasi wadi dona shaqdii aan u heynay bulshada deganDaarusalm ayagana waxaan ka cod sanena iney nagala shaqeyan Amniga iyo nadaafada
wabilahi towfiiq 👨‍👧

Ciidanka Police-ka Deganka Daru salam ayaa cawa ka sameeyay Degankaas Howl-galo lagu xaqiijinayo Amniga Deganka.Howlgalk...
21/08/2021

Ciidanka Police-ka Deganka Daru salam ayaa cawa ka sameeyay Degankaas Howl-galo lagu xaqiijinayo Amniga Deganka.

Howlgalkaan Ayaa waxa hogaminayay Taliyaha Ciidanka Deganka.

Taliska Saldhiga policeka Daaru salaam waxoo bafinaya wiil yar oo lagu magacaabo  salaam: Cabdi fitaax maxamad qaasin da...
26/07/2021

Taliska Saldhiga policeka Daaru salaam waxoo bafinaya wiil yar oo lagu magacaabo salaam: Cabdi fitaax maxamad qaasin dadisuna tahay todobo sano iyo bar
7.5 jira midabkiisu wacadyahay tilmaamtuna isha midigta goonkeeda aya daqar cusub ku leyahay dharka oo watay funaanad cadeeys ah oo bara bara leh iyo surwaal isboortis ah oo madow xegeen ah waxoona kaso lumay xaafada wersheda baastada saagaalka qol waxana u war dambeeysay shalay sideed saac sidii e inoshegen ehelkiisa marka cid alaale cidii mel ku shegto haku so hagaajiyan familkiisa hooyadiisna nuurto iimaan cabdi telkeda 0615382421 iyo.telka aabaha 0615189803 & eedadiis istaahil qaasin 0615709172.Ama ku so hagaaji oo ugu h**eyo taliye telkisa 0614438888

Subaxnimadii Sakay ayaa qaar kamid ah burcad hubeysay oo shacabka ku dhaqan Deeganka Daaru-salam dhac u geysaneysay laga...
18/07/2021

Subaxnimadii Sakay ayaa qaar kamid ah burcad hubeysay oo shacabka ku dhaqan Deeganka Daaru-salam dhac u geysaneysay laga soo qabtay xaaafad lamida kuwa Deeganka.

Burcada oo gaareysay ilaa Afar ku hubeysan hubka nuucyadisa kala duwan ayaa weerar lagula qaaday xaafad kamida Deeganka Halkaas oo ay sadax kamida ka fakadeeen.

Waxaa hada gacanta Ciidanka Police-ka deeganka gacantooda ku jira mid kamida burcadii oo dhawac ah.

Ciidanka Police-ka Deeganka oo kaashanayo shacab-ka ayaa hada ku raad joogo sidi loo soo qaban lahaa Sadaxda kale ee Burcada ah .

Taliyaha Saldhiga Police-ka Deeganka ayaa shacabka ku dhaqan Deeganka Daru-salam uga Mahad celiyay wada shaqeynta wanagsan ee ka dhaxeyso ayaka iyo Ciidanka.

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam iyo Saraakiil Kale oo Dhamaantood ah saraakiisha Qeeybta Bari ayaa kormeeray De...
13/07/2021

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam iyo Saraakiil Kale oo Dhamaantood ah saraakiisha Qeeybta Bari ayaa kormeeray Deegaanka Daaru-Salaam.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam ayaa Tilmaamay in foojignaan Dheeraad ah la galinaayo Hay’adaha Amniga inta lagu guda jiro Dabaaldaga Munaasabada Ciida carafo ee Fooda nagu soo heysa si looga Hortago qatar kastaa oo dhanka Amniga ah ee la kulmi karaan Shacabka Soomaaliyeed inta ay socto Farxada Ciida iyo Dalxiiska Deegaanka Daaru-Salaam.

Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam oo ay wehliyaan Saraakiisha Qeeybta Bari ayaa Kormeerkan ugu kuurgalay sare uqaadida Amniga Deegaanka Daaru-Salaam ee Gobolka Banaadir iyagoo soo maray Dhamaan wadooyinka Deegaanka laga soo galo iyo kuwa looga baxo.

Saraakiisha ayaa si adag u xaqiijiyey xaaladaha amni ee Deegaanka, iyagoo Ciidanka kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga foojignaan dheeraad ahna ay muujiyaan.

Kormeerka Saraakiisha Qeeybta Bari iyo Taliyaha Saldhiga Deegaanka Daaru-Salaam ayaa ku soo aadaya xili ay fooda nagu soo hayso Ciida carafo oo maalo qura ay naga xigaan iyadoo sida caadada ahayd ay Deegaanka Daaru-Salaam ay maalmahaan ciida u soo damaashaad tagaan Qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaar kamida Saldhigyada Ciidanka Police-ka ee Qeybta Bari Daaru-Salam iyo Heliwaa oo is kaashanaya ayaa caawa waxa ay To...
07/07/2021

Qaar kamida Saldhigyada Ciidanka Police-ka ee Qeybta Bari Daaru-Salam iyo Heliwaa oo is kaashanaya ayaa caawa waxa ay Toogteen Dhagarqabe Soo weeraray Bar kontorool oo lagu hubiyo Baabuurta oo ka tirsan Deeganka Daru-salam, Dhagarqabaha ayaa ku hubeysanaa Qori AK-47, Jaakad Bom Booyin ah iyo Qori Zaban ah .

Taliyaha Police-ka Saldhiga Deeganka Daaru-Salam iyo Ciidankisa ayaa waxa ay bilaabeyn Howl-galo Salaad subaxii ah kuwaa...
06/07/2021

Taliyaha Police-ka Saldhiga Deeganka Daaru-Salam iyo Ciidankisa ayaa waxa ay bilaabeyn Howl-galo Salaad subaxii ah kuwaas oo lagu baacsanayo Burcadda iyo wax waliba oo Amniga Deeganka qal-qal galin karo.

Shacabka Deeganka Daaru-Salam ayaa ciidanka La wadaagay in Burcadu u badatay Subaxdii h**e ayaka oo Dhib ku haayo Muwaadininta Masajidada Salada u soo aado.

Qaar kamid ah Saldhig yada Qebta bari ee Police-ka Gobolka banaadir, karan, heliwaa, yaqshid iyo Deganka Daaru-Salam oo ...
03/07/2021

Qaar kamid ah Saldhig yada Qebta bari ee Police-ka Gobolka banaadir, karan, heliwaa, yaqshid iyo Deganka Daaru-Salam oo is kashanaya ayaa cawa sameeyay roondo lagu xaqiijinaayo Amniga Deganka Daaru-Salam inta Roondadu socotay ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay Nin Burcad ah kana ganacsado waxyabaha maanka dooriyo, kuwaas oo dhibato ku ah Deganka.

Taliyaha Saldhiga Police-ka Deganka Daaru-Salam ayaa Galabta Dhalinyarada Deganka la qaatay Munaasabada Xuska 61 Sano gu...
30/06/2021

Taliyaha Saldhiga Police-ka Deganka Daaru-Salam ayaa Galabta Dhalinyarada Deganka la qaatay Munaasabada Xuska 61 Sano guuradii ka soo wareegatay Maalinta Gobanimada iyo Israaca Midnimada Soomaliyeed.

Taliyaha Saldhiga Deganka Daaru-salam oo Kaashanayo Shacbka ku dhaqan Deganka ayaa waxa uu Maanta Abaara 1:00 PM uu soo ...
28/06/2021

Taliyaha Saldhiga Deganka Daaru-salam oo Kaashanayo Shacbka ku dhaqan Deganka ayaa waxa uu Maanta Abaara 1:00 PM uu soo qabtay 3 Nin oo Burcad ah kuwaas oo xalay Wiil Dhalinyaro ah ka afduubtay xaafad kamida Deganka Daru-Salam.

Taliyaha Iyo Ciidankisa oo ku raadjoogay Burcadaan ayaa waxa ay Maanta ka soo qabteen aga gaarka xaafadii ay xalay ku afduubten Wiilka Dhalinyarada ah ayaka xalay Ku afduubtay Mindi(Tooreey), intaas kadibna ka qaateen Mobile-kii uu watay iyo lacag ugu jirtay Evc pluss

Burcadaan ayaa Taliyaha Saldhiga waxa uu u gudbiyay Laanta Baarista CID-da .

Taliyaha Ciidanka Police-ka Saldhiga Deganka Dar-Salam  iyo Askartiisa ayaa Guul ku tilmaamay Shaqada cawa ay ka qabten ...
27/06/2021

Taliyaha Ciidanka Police-ka Saldhiga Deganka Dar-Salam iyo Askartiisa ayaa Guul ku tilmaamay Shaqada cawa ay ka qabten Deeganka Daru-salam.

Taliyaha Saldhiga iyo Ciidankisa ayaa mahadceliyen Shacabka ku dhaqan Deeganka oo cawa kala shaqeeyay in la badbaadsho Muwadinka Somaliyed iyo Hantidiisa .

Ciidamada Saldhiga Deganka Daru-Salam oo kaa shanaayo Shacabka ku dhaqan Deeganka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Burcad...
27/06/2021

Ciidamada Saldhiga Deganka Daru-Salam oo kaa shanaayo Shacabka ku dhaqan Deeganka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Burcad Soo af duubatay Gaari, ninkii iskalahaa gariga, Mobilo iyo Lacag Shilin Somaliya oo cadadeedu badan tahay.

Ciidamada Deeganka Daru-salam iyo Burcadii ayaa waxaa dhexkaray is rasaaseen waxaana gobta ka fakaday Burcadii , ujeedka Ciidanka Deeganka ayaa ehed in ay badbaadiyaan Muwaadinka iyo Hantidiisa waana ku Guleysteen.

Wixii Xog dheeri Ahna halkaan ayan idinkula wadaagi doona Insha Allah.

26/06/2021

Waxaad halkan kala socon dontan shaqo walbo oo ku sabsan saldhiga policka daaru salaam 🙋‍♂️

Address

Ceel-Buur, Garabla, Ceep-qooxle, Celahekay, Ceelgaras
Mogadishu
0614438888

Telephone

+252614438888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidamada Xoreynta Deganada Duduble posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ciidamada Xoreynta Deganada Duduble:

Share

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All