Peace News

Peace News Journalesim

  Waxaa la baafinayaa   cabdullahi Nuur  waa wiil yar 8 jir ah ka soo lumay  degmada Xamar jajab gaar ahaan Isbitaalka M...
19/04/2024


Waxaa la baafinayaa cabdullahi Nuur waa wiil yar 8 jir ah ka soo lumay degmada Xamar jajab gaar ahaan Isbitaalka Martiini cidcidii aragtaa hala soo xariiraan tell:0619314034 Ama 062937702/0615821885/0615484690
Saciid Yuusuf

13/03/2024

Dib inaan u laabano oo Nin walbow deegaankiisa ku laabto yaan laga talilin.

Gabadhaan haddaad qiimayso Isla Xiliga la  wareysanaayey Bal muuqaalkeyda maxaa kaaga muuqda?Mid kamid ah hadalada Nasro...
03/08/2023

Gabadhaan haddaad qiimayso Isla Xiliga la wareysanaayey Bal muuqaalkeyda maxaa kaaga muuqda?

Mid kamid ah hadalada Nasro

Wax walbaa la i dhahaa dhiirigelin Ee ii tahay!

Ani ahaan gabadhaan waa la soo qalday.

Idinkuna Sidee ay Idinla tahay?😮😮

04/04/2023

QASIIDO NABI AMAAN! SCW

Sweden should not expect Turkey's support for its NATO membership after a protest near the Turkish embassy in Stockholm ...
23/01/2023

Sweden should not expect Turkey's support for its NATO membership after a protest near the Turkish embassy in Stockholm at the weekend including the burning of a copy of the Koran, President Tayyip Erdogan said on Monday.

Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii,...
23/01/2023

Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah.

23/01/2023
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriy...
11/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA

Muqdisho, Sipteembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

DHAMMAAD

09/09/2022

One marketplace, millions of professional services. Browse. Buy. Done.

Queen Elizabeth II hadda ayay geeryootay. 70 Sanadood bay ahayd Boqoradda ugu cimriga dheer dunida. Waxay ahayd hoggaami...
08/09/2022

Queen Elizabeth II hadda ayay geeryootay. 70 Sanadood bay ahayd Boqoradda ugu cimriga dheer dunida. Waxay ahayd hoggaamiye naxariis badan oo dhulalkii ay xukumaysay kala soo dabbaalatay duruufo badan. Dorraad ayay magacowday Raisal Wasaarihii 15 aad ee dalkeeda.

17 xukuumadoodna way dhistay. Queen Elizabeth II 🇬🇧.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlah...
08/09/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin muhiim ah ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHOMuqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madax...
07/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO

Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo h**ey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.

DHAMMAAD

Hambaliyo Hor dhac ah Usii hambaliyeey Walaashaa Iqra Goobka Quruxda Gabdhaha Soomaalida  In ay qaato.Sii Share gree Fol...
01/09/2022

Hambaliyo Hor dhac ah Usii hambaliyeey Walaashaa Iqra Goobka Quruxda Gabdhaha Soomaalida In ay qaato.

Sii Share gree

Follow Saar Page hddii nagu cusub tahay.

https://www.facebook.com/107823995299495/posts/130162236399004/
18/08/2022

https://www.facebook.com/107823995299495/posts/130162236399004/

Alle ha u naxariisto Abwaan Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo Ku geeriyowday Magaalada Hargeysa.

Dardaaranka Abwaan Hadraawi Waxaa kamid ah Inta uusan Geeriyownin.

Deyr ma leh.
Iyo Ag joog ma leh.
la dawagalo Naxashkeyga lagu Dado
ima Saarnee yaan la iga sii darin.
duuggaa bilad dahab ah lagu dulin
ii Duceeyow ilaahey ku darajey.
iga Duceystow Dumadaada wayee.

Innaa lilaah waa inaa ilayhi Raajucuun
Allow kuu Naxariisto Abwaan (Hadraawi)

Congress,   Maxamed Nuur, Oo ka qalin jibiyey Bachelor Degree, Cilmigaad baratay Alle hakuu Siyaadiyo, Waxaan lee yahay ...
15/08/2022

Congress, Maxamed Nuur, Oo ka qalin jibiyey Bachelor Degree, Cilmigaad baratay Alle hakuu Siyaadiyo, Waxaan lee yahay H**e u soco.

  Waxaa la baafinayaa    Xuseen      da,deeda lagu qayaasay 20 Jir , waxay Ciddeydi ugu war Dambeysay 27/7/2022, Waxay k...
30/07/2022



Waxaa la baafinayaa Xuseen da,deeda lagu qayaasay 20 Jir , waxay Ciddeydi ugu war Dambeysay 27/7/2022, Waxay ka luntay Degmada wada Jir Maskaxdeydana Waa taam,
Haddaba Ciddii aragto hala soo xiriiraan tell

Amtel 0711020818 Ama Hormuud 0615215312 Ama Pageka Aan Ku leenayahay facebooka.

Caawa waxaa bilaabanaya sanadka cusub ee Hijriga ah ee 1444💗💗Hambalyo ummadda Muslimiinta ah.Allow Kheyrkiisa Nawaafaji.
29/07/2022

Caawa waxaa bilaabanaya sanadka cusub ee Hijriga ah ee 1444💗💗
Hambalyo ummadda Muslimiinta ah.
Allow Kheyrkiisa Nawaafaji.

 Waxaan la baafinayaa   Cabdi   waa Wiil Dhalanyaro ah Oo Dadiisa lagu sheegay 27 Jiro, waxaa ugu war dambeysay 28/7/202...
29/07/2022


Waxaan la baafinayaa Cabdi waa Wiil Dhalanyaro ah Oo Dadiisa lagu sheegay 27 Jiro, waxaa ugu war dambeysay 28/7/2022,asigoo jooga goobtiisa Shaqada ee Astaan laanta Xamar weyn, Miirkiisana waa Taam.
Haddii Aad aragto
Kala Soo Xariir Lambarka Telka/0711020818 Amtelka Ama Hormuud 0615215312 Ama lasoo wadaagan page Facebook

Alle Ha U Naxariisto, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey ( Aadan Siiro) Ayaa Ku Geeriyooday Dalka Hindiya Oo Uu Muddooyo...
14/07/2022

Alle Ha U Naxariisto, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey ( Aadan Siiro) Ayaa Ku Geeriyooday Dalka Hindiya Oo Uu Muddooyonkii U Dambeeyey Xaalad Caafimaad U Joogay.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Farhan Jimale ayaa maanta xilka kala...
14/07/2022

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Farhan Jimale ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii h**e ee Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Mudane Liban Abdi Ali, iyadoo madasha xil wareejinta uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW Mudane Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl Wadeennada Xafiiska Warbaahinta.

Ciidamada Nabed sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgalo ka bilaabay Muqdisho.
12/07/2022

Ciidamada Nabed sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgalo ka bilaabay Muqdisho.

Dawladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgaradyo Labo Geesood ah oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, ...
12/07/2022

Dawladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday Is afgaradyo Labo Geesood ah oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, Iskaashiga bulshada, dhaqanka, deegaanka, Difaaca & amniga.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa saxiixay Is afgaradkan oo dhabaha u xaaraya sii adkeynta xariirka labada dal, iyadoo ay Eritrea gacan weyn ka geysanayso sidii Soomaaliya ay amnigeeda ugu filnaan lahayd.

15/06/2022

Raisulwasaaraha Cusub ee Somaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre

15/06/2022
15/06/2022

Deg Deg wax suga shirka Jaraaid MW J.F.S

Safarada Soomaaliya ee Dalka Kenya oo warqad dacwa ah u dirtay Kenya waxaa ay ku eedaysay in ay  ku Xadgudubtay Madax Ba...
14/06/2022

Safarada Soomaaliya ee Dalka Kenya oo warqad dacwa ah u dirtay Kenya waxaa ay ku eedaysay in ay ku Xadgudubtay Madax Banaanida Soomaaliya.

14/06/2022

Deg Deg wax yar kadib,🔊🔊🔊📢

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sana...
13/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

DEGDEG Nabadoonkii Mahad Salad Soo doortay ayee hadda kooxa hubeesan Muqdisho ku dileen.Warsame Ismail wuxuu ka mid ahaa...
13/06/2022

DEGDEG Nabadoonkii Mahad Salad Soo doortay ayee hadda kooxa hubeesan Muqdisho ku dileen.

Warsame Ismail wuxuu ka mid ahaa eragadii soo dooratay Xildhibaan Mahad balse dhawaan loo magacabay Agaasimaha Cusub ee NISA .

Fahad Yaasiin" Dilka jiraan Tahliil waxaa ka  dambeeyey Raisulwasaare Rooble Iyo Alcadaala Iyo Mahad Salaad.Adiga Makula...
11/06/2022

Fahad Yaasiin" Dilka jiraan Tahliil waxaa ka dambeeyey Raisulwasaare Rooble Iyo Alcadaala Iyo Mahad Salaad.

Adiga Makula tahay Arin taas mid sax ah?

Galyan Media

Address

Moqdishu
Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Peace News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All