15/01/2024
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
_______________________
๐๐ง๐ข๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ง ๐ก๐๐ฅ๐ค๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐๐ข ๐ค๐๐ซ๐ข๐ง ๐ฌ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ค๐, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ง ๐ข๐ง ๐ฒ๐๐ซ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐๐๐ง ๐จ๐จ ๐ข๐ง๐ญ๐ฎ๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐๐ ๐ฆ๐๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ซ๐ฌ๐๐ฆ๐ (๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ซ๐) ๐๐๐ง ๐ก๐๐ฅ๐ค๐๐ง ๐ข๐๐ข๐ข๐ง๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐๐จ.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Garaad Mashqare wuxuu ku dhashay meesha la yidhaahdo Damallagub oo dhabbada Buuxiso ku baxdo ee Boocame iyo Tukaraq u dhexaysa, sannadku
markuu ahaa 1962-kii. Marka iyadoo markaa 2 sano Soomaaliya xor tahay.
Garaad Mashqare hooyadii waxaa la odhan jirey Sahra Aadan-shafey Shilin Gadhxiir Muuse Faarax Cali waa (Nuur Axmed waa Faarax Cali) Sahra hooyadeed waxaa la odhan jirey Faadumo Cabdi-farjar Xuseen Cirroowe Cumar Cali Naalaye waa (Naalaye Axmed waa Bihi-darays) Faadumo hooyadeed waxay ahayd (Nuur Axmed waa Faarax Cali waa Bihina Maxamuud waa Ismaaciil Faarax waxay is xigaan Reer Siigaale oo waa Geeldabar walaashii)
Markaa garaadku yaraantiisii muddo 12
sannadooda buu miyiga ku gaadhay oo halkaas buu Qur'aanka ugu dhigay Aabbihii Cismaan Warsame Muuse oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee wax bara intuu yaraa garaadku.
1974-kii wuxuu bilaabay barashada aas aasiga ah ee cilmiga iyo maadigaba muddo hal sana ah oo 1975-kii. Markaa wuxuu u wareegey Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelada Hoose oo wuxuu ka galay Dugsigii farsamada gacanta ee ugu horeeyey oo ku qaatay
waxbarashada Dhexe ilaa uu ka gaadhay Dugsiga sare ee Soomaliya.
1983-kii Garaadka waxaa loo baddeley magaalada Hargaysa, isagoo markaa ka
qayb qaadanaya mashruucii shaqa qaran oo waxa uu ka noqday macallin dugsigii
Biyadhaca. Markaa halkaas buu in muddo ah ka wadey shaqada macalinimada muddo hal sano ah.
1984-kii Garaadku waxa uu ku biiray Iskuul Boolisiyadii ciidamada Soomaaliya halkaasna wuxuu ka qaatay derejada ๐๐๐ฒ๐ฅ๐ข ๐ฌ๐๐ซ๐ค๐๐๐ฅ ee ciidamada oo
waagaa ardayga la bari jirey siduu dhan walba uga dhisnaado.
1985-kii Garaadka waxaa loo bedeley magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxaana uu xoghayntiisa khaaska ah noqday Taliyihii Booliska ee Gobolka Gen Maxamed Cabdi Geelle โ๐
๐จ๐ฎ๐ญ๐๐ฒ๐งโ halkaas ayuu ka shaqaynayey
ilaa burburkii Soomaaliya oo ku sugnaa muddo dhawr iyo toban sana ah.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Xilligii burburku dhacay garaadku wuxuu soo maray meelo badan oo kala dudduwan. Haddii aan waxka tilmano garaadku 1994-kii waxa uu ka mid noqday ardaydii Mac'hadkii ๐๐ฎ๐๐๐ oo in muda ah dhiganayey. Markaa 1997-kii ilaa 2000, wuxuu garaadku ku noqday magaalada Burco oo halkaas uu ka bilaabay barashada Caafimaadka in mudo ah wadey oo wuxuu ka furay goobo caana oo dadka loogu adeegi jirey sida, Pharmacy
๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข-๐ฐ๐๐ฒ๐ง iyo shirkaddii dawooyinka keeni jirtey ee ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐.
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Sida la weriyey garaadku wuxuu guursadey Saddex haween ah oo kala ahaa islaanta weyn oo beesha Maxamed Hartiya (Majeerteen) iyo labada islaamood oo kale ahaa beesha
Siciid Hatriya (Dhulbahante). Oo waxay u kala dhaleen mid Shan caruura oo wadarta guud ahaa 15 qof oo kala ahaa, 6 wiil iyo 9 hablood.
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
Markii beesha ๐๐๐๐๐ฒ๐ฌ ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ deristey oo xaajada rog rogtey baa beeshu ku qanacday in ciddii xilkaa qaban lahayd uu Maxamuud Cismaan Mashqare yahay. Markaa waxaa lagu xushay dhawr qodob oo ahaa inuu Shiikh diinta Illaahay yaqaana yahay, inuu nin codkara oo haddana dadwadeen ah yahay laysugu markhaati furay oo reerka hoggaamin kara. Markaa sidaas baa tolweynaha Ugaadhyahan Siyaad iyo Maxamuud Garaad loogu dudbiyey oo lagu wada qancay inuu ๐ ๐๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ noqdo. Markaa waxaa la xidh xidha dooxada caanka ah ee ๐๐ข๐๐ก๐๐๐ฆ๐จ oo Carrooley ku soo biya shubta afkeeda hoose xilli barwaaqa ah.
Markaa caana shubkiisii waxaa laga inta u dhexaysa Laascaanood, Xuddun, Taleex, Garoowe iyo deeganada u dhaw dhaw oo waxaa laysugu yimi ๐๐๐ซ๐ซ๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฒ oo 115km Laascaanod u jirta galabnimo Isniina oo waxaa subaxii dambe oo Talaada ah 29/10/2002 lagu ๐๐๐๐ง๐ ๐ฌ๐ก๐ฎ๐๐๐ฒ meel aad looga shaqeeye oo waxaa la qalay 50 ๐ซ๐๐ญ๐ข iyo tiro ๐๐๐ก๐ข๐ฒ๐ oo waxaa dabbaal degaya 20 faras oo wiilal bawda haari hadba dheeg u dhigayaan. Ugu dambayn hadda meeshii waxaa loo bixiyey ๐ ๐๐ซ๐๐๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ค๐.
๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Garaadku wuxuu ahaa ruux aad u run badan oo isla markaana hadalkiisu cadyahay oo wixii lagu balamo oofiya oo aan ka lababayn oo wuxuu ahaa nin aad ugu dheereeya islaaxa dadka dhexdiisa marka hawli taagan tahay oo mar walba heegan u ah wixii loo doortay oo bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus kuleh.
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Marka intaa laga yimaado garaada wuxuu ahaa nin aad wax barashada u daneeya oo meeshii aqoon kororsi ay taallo u deg dega oo wuxuu 2004-tii noqday ardaydii ugu horeysey ee ๐ฃ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ ee magaalada Laascaanood waxka barba illaa uu ka qalin jebiyo.
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐2
Garaadku wuxuu ahaa raggii hormuudka u ahaa Jamhaddii la magac bacday
SSC oo 2009-kii lagu asaasay magaalada Nayroobi oo isimadii hormuud u ahaa ka mid ahaa. Iyadoo markii dambe la dhisay Maamulkii Khaatumo1, Khaatumo2 iyo Khaatumo3 oo Taleex lagu asaasay
bishii Janaayo 2012-kii.
Markii dambena wuxuu ahaa dadkii dhidibada u aasay dhismaha dawladdii Soomaaliya 2012-kii ku meel gaadhka ka baxday. Garaadku wuxuu ahaa nin guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay jeceshahay gaar
ahaa Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn uu ku abtirsado oo ahaa isimada ugu mudan
marka xaajo timaado.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Garaadku wuxuu in muda wuu xanuunsanayey dhawrkii sano ee u dambeeyey oo dhaw jeer dibaddaa caafimaad loogu qaaday oo ugu dambayn garaadku isagoo dhulyaala wuxuu ku geeriyoodey Hospital dalka Turkiga ah
habeenimo Sabti ah 01/Ramadaan/1443h oo ku beegan 02/April/2022-kii.
Markaa Hindiya waxaa laga soo qaaday subax Talaada ah 04/Ramadaan/1443h oo ku beegan 05/April/2022-kii waxaana laga soo dejiyey Caasimadda Muqdisho oo garooka ๐๐๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ lagu tukadey, isla markaana tallaagad baa la geliyey oo habeenkii uu Muqdishuu u hoydey.
Subaxnimo oo Arbaca ah 05/Ramadaan/1443 oo ku beegan 06/April/2022-kii baa waxaa lasoosaaray diyaarad oo garoonka ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ee Garoowe baa laga soo rogey oo Salaadda janaasada mar labaad lagu tukadey Garoonka dhexdiisa oo jamaaco
Madaxweyne ku xigeenka ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง hormuud u ahaa oo Isimo, Cuqaal, Qurba joog, Xildhibaano labada aqal ee Federaalka ah iyo Wakiilada Puntland na ka mid yihii ku tukadeen oo inta Ambalaas Garoowe laga soo saaray baa boqolaal gaadhiyi meydkiisa soo gelbiyeen waxaa loosoo jahaystey Carrooley oo xabaashiisu ka qodantahay, isla markaana diyaar loogu yahay martidii ka soo qayb gashay oo kumanaan qof oo bulshada qaybaheeda kala duwana sida, Isimo, cuqaal, siyaasiyiin, Wasiiro, Ganacsato, Nin garbood, iyo Haween sidaa loo safan yahay oo xilligaa goorsheegto waa 8:20 qadiiqo oo
Jawigu ma fiicna oo dadku waa murugaysan yihiin oo waxaa lagu jiraa bishii khayrka lahayd ee ๐ฌ๐จ๐จ๐ง oo qorraxdu
daruurta kuma jirtoo, hadan waa toos misna kulayl maleh oo Illaahay baa addoomihii u naxteexeeyey.
Markii lagu tukadey baa howgiisii aakhiro ee dhabta ahaa oo loo diyaariyey la dhigay 10:30 subaxnimo, oo markaa ciidda lagu rogey oo dadkoo dhami xaadaa xaqu Allaahi ay leeyihii oo qofkastaa wuu murugaysan yahay oo garaadka qofba wuxuu ka yiqiiney iyo kuwii la soo shaqeeyey ay ka sheekeeyey sifooyinkiisii wanaagsanaa iyo sooyaalkiisii nololeed oo waxaa laysku raacay inuu ahaa addoon Illaahay jeclaa oo markuu Ifka joogey Aakhirana Illaahay jannadiisa u baryeen aamiin
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
MarkiI habeenkii Carrooley la joogey baa subaxdii dambe oo Khamiisa 06/Ramadaan/1443 oo ku beegan 07/April/2022-kii ayaa tolkii wuxuu u baxay geedka shirka o Jiif Caaqil Cabdirashiid Caaqil Cabdi-aabi hormuud u yahay oo wax taladii la rog rogaba waxaa layku raacay inuu booskaa Cabdiraxmaan Garaad Maxamuud Cimaan Mashqare uu noqdo Garaadka ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐ฌ ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ oo halka hawahii lagu soo af jaray oo waxaa hadda ku simaya ๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ค๐๐ซ๐ข๐ข๐ง ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ๐ซ (๐จ๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐
) waa Billaahi Towfiiq.
๐๐๐ ๐ช๐๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข-๐ฆ๐๐๐ซ.