Maragmaal Media Inc

Maragmaal  Media Inc Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maragmaal Media Inc, Media/News Company, Garoowe.

Garaad jamac garaad ali Garaad mukhtar garaad ali 🇸🇴🇸🇴
04/02/2023

Garaad jamac garaad ali
Garaad mukhtar garaad ali
🇸🇴🇸🇴

Diyaar garowga soo dhaweyn lta Degmada Tukaraq ee Garaad C/Laahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .
24/01/2023

Diyaar garowga soo dhaweyn lta Degmada Tukaraq ee Garaad C/Laahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

Madaxweynaha puntland siciid cabdilaahi deni ayaa maanta furay kalfadhiga baarlamaanka puntland ee 51 aad . madaxweyne d...
25/10/2022

Madaxweynaha puntland siciid cabdilaahi deni ayaa maanta furay kalfadhiga baarlamaanka puntland ee 51 aad . madaxweyne deni aya jeediyey khudbad uu si weyn ugu muujiyay sida ay oga oga,an tahay inuu puntland ka hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah.
himiladan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda siyaasiyiin u badan kuwa ka soo jeeda magaalada caasimada ee garoowe.
dhawaan ayay ahayd markii madaxweynihii h**e puntland senator faroole iyo wasiirkii h**e maaliya xasan shire soo gaareen magaalada garoowe xubnahan ayaa ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda nidaamka doorasho ee qof iyo cod

waxaa maanta xadhiga laga jaray dekeda garacad iyadoo ay ka sooqaybgaleen madax ka kala socotay wadamada geeska afrika.d...
22/10/2022

waxaa maanta xadhiga laga jaray dekeda garacad iyadoo ay ka sooqaybgaleen madax ka kala socotay wadamada geeska afrika.
dekedan ayaa ah mid lagu dhisay maalgalin ganacsato soomaliyeed iyo bulshada deegaanka.

Raysal Wasaarihii h**e ee Dalka Japaan Shinzo Abe, ayaa toogasho lagu dilay xili uu ku jiray olalihiisa Doorashada ee Da...
08/07/2022

Raysal Wasaarihii h**e ee Dalka Japaan Shinzo Abe, ayaa toogasho lagu dilay xili uu ku jiray olalihiisa Doorashada ee Dalkaasi.

Ninkan oo kamid ahaa Raysal Wasaarayashi ugu mudada dheere ee Dalkaas wuxuu kamid ahaa Madaxda Caalamka ee sida wayn loo yaqaano.

Maragmaal Media Inc

07/07/2022

Puntland ayaa xukumo kala duwan ku riddey rag ku eedaysnaa dilka Allaha u Naxariistee Taliyihii Saldhigga dhexe ee degmada Qardho Dhamme Cumar Hiirad Kaatun

Maragmaal Media Inc

Boris Johnson oo maanta iscasilaya, ka dib markii ay wasiiradiisii Is Wada Casileen.
07/07/2022

Boris Johnson oo maanta iscasilaya, ka dib markii ay wasiiradiisii Is Wada Casileen.

Baarlamanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey qaraar ay ku diiddeen dib-u-magaacbista Hoggaanka Maxkamadda-...
07/07/2022

Baarlamanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey qaraar ay ku diiddeen dib-u-magaacbista Hoggaanka Maxkamadda-sare oo dhowr beri ka hor markii la ansixin waayey uu dib-u-magacaabay Madaxweyne Deni.

Goluhu waxay sharci-darro ku tilmaameen in madaxweynuhu soo saaro waeeegto; iyada oo aan loo gayn qoraalka rasmiga ah ee kalsooni-kalanoqoshada Maxkamadda-sare.

Qaarka golaha oo ay u codaysay 30 xildhibaan, 3na diidey 7 kalena ka aamustay waxa kale oo ku jira in aysan shaqayn karin xubnahan Maxkamadda-sare.

Mas'uuliyiinta Maxkadadda-sare oo ku jiro Guddoomiyaha Mr.Taaraan ayaa bilo ku shaqaynaya xasaanad la'aan.

Kalfadhiga kan xiga oo ah bisha October ayaa xubnaha mar kale ay hor-iman karaan Baarlamanka balse su'aashu waxay tahay inta horraysa yaa qabanaya shaqadii Maxkamadda-sare?

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaaash ayaa Maanta Shir-guddoomiyey Sh...
05/07/2022

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaaash ayaa Maanta Shir-guddoomiyey Shir heer Wasiiro ah oo ku saabsan ka hortaga Nafaqa darada.

Kulanka oo ah mid 6 biloodle ah ayaa looga hadlay, udiyaar garowga iyo ka hortaga macaluusha ay keeni karto Abbaaraha daba dheeraaday, dibu eegista shaqooyinkii qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii Mashruuca loo daadajin lahaa.

Maragmaal Media Inc

Saakay magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamid ah macalimiinta ugu caansan caasimada muqdisho, Waxaana la dilay is...
05/07/2022

Saakay magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamid ah macalimiinta ugu caansan caasimada muqdisho, Waxaana la dilay isagoo taleefankiisa laga dhacayo

Macalin Osman Ahmed Macow kooxa hubeesan ayaa Saakay nafta dhaafiyay kaliya taleefankiisa oo laga dhacayay.

Wuxuu kamid ahaa Macalimiinta ugu wanaagsan ee wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaal Muqdisho.

Maragmaal Media Inc

Gudoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu cadaalad heli doono "Roobow gardaro...
05/07/2022

Gudoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu cadaalad heli doono "Roobow gardaro ayuu ku xiran yahay..."

Garowe Online

Maragmaal Media Inc

04/07/2022

DEGDEG:Madaxweyne Deni oo dib u mahacaabay Maxkamadda-sarw oo goordhaweyd ay diideen Baarlamanka Puntland:
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan
Waxaa kale oo la magacaabay
B. Keydka
1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
T. Xubno Guddi
1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa Caawa shir gaar ah ku kulansan Xarunta M...
03/07/2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa Caawa shir gaar ah ku kulansan Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Karaash ay ka tashanayaan mas'uuliyiin cusub oo dhowaan la magacaabi doono kuwaas marar kala duwan dib u dhac ku yimid.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale Madaxweynuhu safar aan la shaacin ugu bixi doono waddanka Imaaraatiga Carbeed isagoo sii mari doona dalka Kenya.

Puntland Post
Maragmaal Media Inc

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad ras...
03/07/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.
Maragmaal Media Inc

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdii Barre  ayaa magacaabay qaar ka mid ah agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaar...
03/07/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdii Barre ayaa magacaabay qaar ka mid ah agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay sar...
03/07/2022

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.

Maragmaal Media Inc

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliyeyaal sarsare oo k...
03/07/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliyeyaal sarsare oo ka qeyb qaata dhiraandhirinta howlaha hortebinta leh ee dowladda.

02/07/2022

Alle Ha U Naxariistee Waxaa Caawa Magaalada Hargaisa Ku Geeriyootay Fanaanadi Qaran ee Khadra Daahir Cige Oo Dhawaanahan ku Xanuunsaneysay Hospitalka INTERNATIONAL HARGAISA .

Fananada ayaa Dhawaan Shaacisay in Ka Fariisatay Fanka Somalida.
Maragmaal Media Inc

12/06/2022

Daawo: Wariye Abdisalaan Herari Ayaa Markii ugu H**eysay ka Hadlay Wareysigii xiisaha badnaa ee uu ka qabtay Nin Burcad badeed ah.

Maragmaal Media Inc

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Ceerigaabo ee Gobolk...
12/06/2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in uu wada-hadal la furo hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beesha Warsangeli ee degta dhulka ugu ballaaran Gobolka Sanaag.

Wararku waxay sheegayaan in Wada-hadalkaas uu ka dhici doono magaalada Ceerigaabo inkastoo aan weli faahfaahin laga helin qodobada ay si gaar ah uga wada-hadlayaan labada dhinac.

Dhowaan sidoo kale waxaa Ceerigaabo lagu qabtay shir u gaar ah Beesha oo sida la sheegay ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta qaarkood.

Xigaasho Puntland Post

11/06/2022

Daawo: Xogtii ugu muhiimsaneyd ee uu bixiyo Taliyii H**e ee Haayada Nisa Fahad yaasiin Xaji Daahir kaas Oo Uu Kaga Hadlayo Kiiska Yaa dilay ikraan Tahliil ?

Maragmaal Media Inc

"Markii aan noqday Taliyaha ciidanka qaranka oo ahayd 2005 ciidanku Burco xaggaas uma uu dhaafsiisnayn halka uu imminka ...
11/06/2022

"Markii aan noqday Taliyaha ciidanka qaranka oo ahayd 2005 ciidanku Burco xaggaas uma uu dhaafsiisnayn halka uu imminka Garoowe u jiro 50KM wax ka yar"

Jeneral Nuux Ismaaciil Taani.

Warar Hoose oo Ay heshay Shabakada wararka MARAGMAAL MEDIA  Ayaa sheegaya in khilaafkii u dhaxeeyey Sacid dani iyo ahmed...
30/05/2022

Warar Hoose oo Ay heshay Shabakada wararka MARAGMAAL MEDIA Ayaa sheegaya in khilaafkii u dhaxeeyey Sacid dani iyo ahmed karaash Uu Wiiqmay iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in Bari Uu Garowe Soo gaari doono madaxweynaha Puntland saciid dani Halkaas oo La filayo in Garoonka Diyaaradaha uu kusoo dhaweyn doono ahmed karaash.

Khilaaf soo Muuqday ayaa Soo kala dhexgalay labada Masuul ee puntland ugu sareeya Bartamihii doorashada Madaxtooyada Soomaliya.

Balse warar Cusub oo La helayo ayaa Muujinaya in uu meesha ka Baxay.
Lama Oga Waxa uu ku dhamaaday Khilaafkii Jirey, balse Wixii warara Eee kusoo Kordha Kala soco Maragmaal Media Inc

sidee ayey u kala codeeyeen xildhibaanada puntland ee gobolada ssc. warar sugan oo heshay shabakada warbaahinta ee marag...
19/05/2022

sidee ayey u kala codeeyeen xildhibaanada puntland ee gobolada ssc.
warar sugan oo heshay shabakada warbaahinta ee maragmaalmedia aya xaqiijisay sida ay u kala codeeyeen , Madaxweynaha puntland ayaa ka helay xildhibaanada ssc sadex cod.

1. xildhibaan cabdilaahi xasan dhooble.
2. xildhibaan cabdiqani maxamuud dhaanto.
3. Senator samiira maxamuud xaaji cawad
4. xildhibaan cabdirisaaq xasan dhookir
dhamaan inta kale ayaa u kala codeeyey farmaajo iyo kheyre.

17/05/2022

Xildhibaanada Puntland ee Barlamaanka Federaalka kuwaasoo aan codka siin madaxweyne Siciid cabdilaahi deni.

Guddoomiye ku xigeen Xildhibaanad Sacdiyo Salaad. ( Xassan Sheekh )

Guddoomiye ku-xigeen Senator Timcadde ( Farmaajo )

Senator Abdirixmaan Faroole ( Xassan Sheekh )

Senator Manjiino ( Farmaajo )

Senator Ugaas Geelle ( Farmaajo )

Senator Seynab Tiinbiye ( Farmaajo)

Senator Sareedo Jeyte ( Khayrre )

Senator Abdisamad Abwaan ( Khayrre )

Xildhibaan Qambi ( Farmaajo )

Xildhibaan Sahra Bundubte ( Khayrre )

Xildhibaan Caynaanshe Camalle ( Farmaajo )

Xildhibaan Cali Xoosh ( Khayrre )

Xildhibaan Faysal Wahaabi ( Farmaajo )

Xildhibaan Xirsi Gaani ( Xassan Sheekh )

Xildhibaan Cali Xaaji ( Sheekh Shariif )

Xildhibaan Cismaan Dheere ( Xassan Sheekh )

Xildhibaan Abdilaahi Bidhaan ( Khayrre )

Xildhibaanad Fardowso Cigaal ( Khayrre )

Xildhibaan Nuux Dheere ( Khayrre )

Xildhibaan Abdulaahi Jigato ( Farmaajo )

Xildhibaan Geesood ( Khayrre )

Xildhibaan Xaange ( Khayrre )

Xildhibaan Ina-Kayse ( Farmaajo)

Xildhibaan Abdi Qowdhan ( Khayrre )

Xildhibaan Siciid Daahir ( Sheekh Shariif )

Xildhibaan Khadro Axmed Oday ( Khayrre )

Xildhibaan Xayle ( Farmaajo )

15/05/2022
Madaxweyne ku xigeenka puntland axmed cilmi cismaan karaash aya maanta soo gaaray magaalada garoowe isagoo ka soo kiciti...
11/05/2022

Madaxweyne ku xigeenka puntland axmed cilmi cismaan karaash aya maanta soo gaaray magaalada garoowe isagoo ka soo kicitimay magaalada boosaaso.
maalmo ka hor ayay wafti ka kooban 11 xildhibaan gaareen boosaaso iyagoo ka codsaday inu yimaado garoowe si looga wada hadlo khilaafka jira.
warar xog-ogaala oo ay heshay shabakada wararka maragmaalmedia aya sheegaya in xildhibaanadan uu abaabulay wasiirka maaliyada xasan shire abgaal iyado ujeedadu tahay in la qaboojiyo xiisadan inta ay dhamaanayso doorashada heer federaal.
khilaafkan ayaa u muuqda mid sii cuslaan doona marka ay dhamaato doorashada heer federaal.

khilaafka u dhexeeya madaxweynaha musharaxa ah siciid cabdilaahi deni iyo madaxweyne kuxigeenka axmed cilmi cisman karaa...
08/05/2022

khilaafka u dhexeeya madaxweynaha musharaxa ah siciid cabdilaahi deni iyo madaxweyne kuxigeenka axmed cilmi cisman karaash ayaa u muuqda mid aan weli xal laga gaarin.
tan iyo intii ay soo baxdey wareegtooyin magacaabid ah ayuu khilaafkani sii xoogaystay.
hadaba maxay shabakada warbaahinta ee maragmaalmedia kala socotaa xaaladan:
siciid cabdilaahi deni ayaa aaminsan in axmed karaash uusan xaq dastuuriyan ah u lahayn magacaabid iyo ka qaadid toona halka axmed karaash uu u arko in uu xaq u leeyahay maadama siciid deni maqan yahay puntland waliba musharax yahay.
maalinimadii shalay wasiirka maaliyada puntland xasan shire abgaal aya amray in ciidan la geeyo inta badan xarumaha dowlada ee magaalada boosaso sida dekeda, xarunta wasaarada maaliyada , bangiga , taliska qaybta booliska iyo meelo kale arinkas aya magaalada boosaaso ka abuuray walaac xoogleh.
waxaa maanta gaaray magaalada boosaso wafti ka koobam 11 xildhibaan heer puntland ah si ay ugu qanciyaan madaxweyne kuxigeenka inuu ku laabto garowe islamarkana la furo dhexdhexaadin.
warar sugan oo helayso shabakada wararka ee maragmaalmedia aya sheegaya in teamka madaxweyne Deni go,aansadeen inaysan marnaba aqbalin dhamaan wareegtooyinka uu soo saaray madaxweyne kuxigeenku.

DEG-DEG: Sh Aadan Madoone Ayaa HoGaaminaya Tirinta Codadka Hadda La bilaabay.Waa Ninka Ugu Cadcad Ee Noqon doona Gudoomi...
27/04/2022

DEG-DEG: Sh Aadan Madoone Ayaa HoGaaminaya Tirinta Codadka Hadda La bilaabay.
Waa Ninka Ugu Cadcad Ee Noqon doona Gudoomiyaha Barlamaanka 11aad Ee Golaha Shacabka Somalia.

Fallow Like Share Maragmaal Media Inc

27/04/2022

Natiijada wareega koowaad ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sidan loo kala helay.
98 Xasan Cabdinuur
74 Sh Aadan Madoobe
33 Black
24 Saransoor
13 Shariif Cabdalla
6 xidig
5 Saadaq.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maragmaal Media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like