Garowe media Inc

Garowe media Inc Journalism

UPDATE: Senetarrada Puntland ku metela Dowladda Federaalka oo sannad kadib dib ugu soo laabtay halkii laga doortay [Garo...
15/06/2023

UPDATE: Senetarrada Puntland ku metela Dowladda Federaalka oo sannad kadib dib ugu soo laabtay halkii laga doortay [Garoowe] ayaa ilo ka-agdhow xajiijiyeen in ay u socdaan; xal u helista khilaafka xukuumadda Deni iyo Xukuumadda Xamar iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Waxa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda Puntland, Isimmada dhaqanka iyo Bulshada rayidka, ayna la hadlaan dadweynaha.

15/06/2023

Puntland ayaa ka digtay xaaladda Gobalka Gedo in xoog laysku dayo in lagu dhibaateeyo shacabka, loona gacan-galiyo Jubbaland, iyadoo aysan dhicin Dibu-Heshiisiin rasmi ah, welwelna ka muujisay dagaalada, meelo kamid ah dalka ka socda ee ciidamada Amniga oo qabiileysan dhexmaraya.

Garowe iyo maanta
15/06/2023

Garowe iyo maanta

15/06/2023

Madaxweyne Dani " waxaan dareenka laqaybsanaya Boqolaal Caruuraha oo ku Agoomomay Duqaynta Laascanod ay kawado Somaliland..

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Gen.Cabdullahi Axmed Ilkajiir iyo Xildhibaanada labada Gole ee  Barlam...
13/06/2023

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Gen.Cabdullahi Axmed Ilkajiir iyo Xildhibaanada labada Gole ee Barlamaanka JFS ku metela Gobollada Sanaag iyo Highland ayaa martiqaad sare u sameeyey Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ee ku sugan Muqdisho - iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda guud ee gobollada Sool iyo Sanaag.

WAR DEG DEG AH: Maxk**adda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ayaa xukun ku riddey shan nin oo dhallinyaro oo ku eedey...
13/06/2023

WAR DEG DEG AH: Maxk**adda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ayaa xukun ku riddey shan nin oo dhallinyaro oo ku eedeysan in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen kana duubeen muuqaal, iyaga oo handadaya, todobaadkii h**e.

Maxk**adda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali [Ina Xaliimo Xaaji, 18 jir ah] ku xukuntey lix sanno oo xadhig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xadhig ah. Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.

Si guud waa xadhig ilaa lix sano ah iyo ganaax $25,000 oo doollar ah, guud ahaan.

Maxk**addu waxa ay sheegtey in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.

Gudoomiye Timacadde ayaa qado sharaf gurigiisa ugu sameeyey isimadda dhaqanka SSC-khaatumo oo ku sugan magaalada Muqdish...
12/06/2023

Gudoomiye Timacadde ayaa qado sharaf gurigiisa ugu sameeyey isimadda dhaqanka SSC-khaatumo oo ku sugan magaalada Muqdisho. Kulan oo ahaa is xogwaraysi iyo sagootin ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid xildhibaannada SSC.

Guddiga 33 ka ee SSC ayaa 72 saac kaliya u qabtay in ay iscadeeyaan isna-Casilaan Maayarada Xuddun, Widhwidh, Taleex, Is...
12/06/2023

Guddiga 33 ka ee SSC ayaa 72 saac kaliya u qabtay
in ay iscadeeyaan isna-Casilaan Maayarada Xuddun, Widhwidh, Taleex, Isuduwayaal iyo Shaqaale Hoosaadka kale ee aan Wali is cadeyn islamarkaasna qaarkood wali lala Xidhiidhinayo maamulka Hargaysa, Waxaana Guddigu u qabteen 72 Saac iney go’aankooda ku Cadeeyaan.

Waxaa Xusid Muddan Masuulkii Sheega inuu dadkiisa la dareen noqda waxaa la marin doona dhaar.

11/06/2023

DEG DEG: “Waxaa iska casiley Xilkii gudoomiyaha Baarlamaanka SL , Xubinimadii golaha xisbigi Wadani ee aan ka tirsanaa”Gudoomihii h**e ee Baarlamaanka Somaliland C/Risaaq Khaliif i.

“Somaliland Waxaan u hayey laba gaadhi oo midi yaallo Hargeisa , midina Laascaanood , Kii Hargeisa yaala waxaa la geynay...
11/06/2023

“Somaliland Waxaan u hayey laba gaadhi oo midi yaallo Hargeisa , midina Laascaanood , Kii Hargeisa yaala waxaa la geynayaa beri xarunta Baarlamaanka , Kan Laascaanood ma waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo ”
Gudoomiyihiii h**e ee Baarlamaanka Somaliland C/Risaaq Khaliif .

Waxa ay ahaayeen laabda mas'uul ee ugu sarreeyey ee ay doorteen dadweynaha Gobolka Sool, iyaga oo haya xilka Somaliland,...
11/06/2023

Waxa ay ahaayeen laabda mas'uul ee ugu sarreeyey ee ay doorteen dadweynaha Gobolka Sool, iyaga oo haya xilka Somaliland, Guddoomiye Baarlamaan [Cabdirisaaq Khaliif] iyo Maayirka Laascaanood [Cabdiriin Cali] ayey la dareen noqdeen dadkooda oo iska diidey xukunka Somaliland, ugu danbayna waxa ay caddeeyeen in ay ka bexeen SL.

DEGDEG: Cabdirisaq Khaliif Axmed: “Waxaa aan iska casiley Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinnimadii Golah...
11/06/2023

DEGDEG: Cabdirisaq Khaliif Axmed: “Waxaa aan iska casiley Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinnimadii Golahaasi iyo xisbigi Waddani ee aan ka

Faysal Cali Waraabe: “Laascaanood waad aragtaan waxay haa-haabanaysaa in laga dhigo gobol hoos yimaada Dawladda Federaal...
11/06/2023

Faysal Cali Waraabe: “Laascaanood waad aragtaan waxay haa-haabanaysaa in laga dhigo gobol hoos yimaada Dawladda Federaalka, Burco wax baa ka taagan, waad aragteen Berbera iyana waxba ka taagan, Hargeysa u dambeysay xalay dad ba is dilay… waad aragteen Cabdirisaaq Khaliif arrintiisa - horta waddanka waa caynkaaso, waxaa caddaatay in aynaan dowlad shaqaynaysa haysan."

Taliyaha ciidanka kumaandoosta Danab Puntland  S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa maanta lagu soo dhaweeyay degmada Dang...
10/06/2023

Taliyaha ciidanka kumaandoosta Danab Puntland S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa maanta lagu soo dhaweeyay degmada Dangorayo iyo degaanno ka tirsan oo ay ku jiraan Dalsan iyo Xaajikheyr.

Taliye Jimcaale ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la yeeshay bulshada ku dhaqan degaannadaas waxaana uu uga mahadciyay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

02/06/2023

PUNTLAND: Guddiga Doorashooyinka ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aaddan ku dhawaaqaan Liiska Xildhibaannada Deegaanka ee Rasmiga ah ee ku soo baxay doorashada golayaasha deegaanka ee soddonka degmo ee qabsoontey 25-kii bishii Maay.

Dhinaca kale todobaadkan ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka; Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo, iyada oo la arkayo ciidamo door ah oo dowladdu soo gelisey caasimadda.

Inkasta oo waxgaradka Gobolka Nugaal ay go'aamo ka soo saareen khilaafka xukuumadda Deni iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah, haddana weli ciidamada diiddan doorashada qof iyo cod ee Nugaal ka soo jeeda, waxa ay joogaan duleedada Garoowe - Mana cadda sida ay wax isu beddeli doonaan.

Haddii ay qabsoonto doorashada saddexda degmo ee Nugaal ka hadhsan, waxa jira warar tibaaxaya in ay la qaban doono doorashada golaha wakiillada oo qof iyo cod ah - laguna soo dooranayo heer gobol.

Madasha Mucaaridka Puntland oo ka hortimid go'aamadii DFS iyo Dowlad-gobleedyada ayaa sidoo kale dhaliishey Madaxweynaha...
30/05/2023

Madasha Mucaaridka Puntland oo ka hortimid go'aamadii DFS iyo Dowlad-gobleedyada ayaa sidoo kale dhaliishey Madaxweynaha Puntland, iyada oo tidhi: "Waxa aan cambaaraynaynaa in Madaxweyne Deni ka maqnaado kulamada looga doodayo dowlad dhiska iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Deni uu bilowgii qayb ka ahaa go’aankan baal marsan dastuurka. Madashu waxaa ay walaac ka muujinaysaa wada shaqayn la’aanta sii xumaanaysa ee u dhaxaysa dowladda federaalka iyo Puntland."

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni: "Dastuurkeenna waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqanno inta la helayo dowlad...
30/05/2023

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni: "Dastuurkeenna waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqanno inta la helayo dowlad Soomaaliyeed oo miyir qabta, qaybna k**a nihin waxa socda."

DEGDEG: Madaxweyanaha Puntland oo si adag ugu jawaabay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya - isaga oo ka hadlaya Boosaas...
30/05/2023

DEGDEG: Madaxweyanaha Puntland oo si adag ugu jawaabay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya - isaga oo ka hadlaya Boosaaso, waxa uu yidhi:

"Puntland qayb k**a ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii h**e waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka.

hadii la rabo xasilooni la'aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.

Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay oo mudo haystay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah.

1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danbeeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah hadana sabab loo bedelo ma muuqato.

Ififaalaha uu madaxweynuhu u dhaqmayo waan arkaynay, awalna wuu baabi'iyay xafiiska awood qaybsigga ee raysal-wasaaraha oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiro.

Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay baarlamaankaas in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin dalka, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay.

Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo, Puntland-na qayb k**a aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntlnad iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada"

Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada SSC-Khaatumo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xa...
29/05/2023

Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada SSC-Khaatumo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isimada ka dhegaystay Aragtidooda ku aaddan Xal u helidda Colaadda ka taagan Gobolka Sool.

" Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool " ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay ka qaadato dagaalka Laascaanood si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

DegDeg: Doorashadii Madaxtinimo ee dalka Turkiga waxa markii saddexaad ku guuleystay Recep Tayyip Erdoğan
28/05/2023

DegDeg: Doorashadii Madaxtinimo ee dalka Turkiga waxa markii saddexaad ku guuleystay Recep Tayyip Erdoğan

Doorashadda Dalka Turkiga oo wali ay socoto tirinta doorashadda waxaa 58% ku h**eeya Recep Tayyip Erdogan.
28/05/2023

Doorashadda Dalka Turkiga oo wali ay socoto tirinta doorashadda waxaa 58% ku h**eeya Recep Tayyip Erdogan.

GAROOWE & DOORASHO | Waxgaradka gobolka Nugaal oo go’aamo ka soo saaray shaqaaqo dhowaan ka dhacday Garoowe: “Guddigu wu...
27/05/2023

GAROOWE & DOORASHO | Waxgaradka gobolka Nugaal oo go’aamo ka soo saaray shaqaaqo dhowaan ka dhacday Garoowe: “Guddigu wuxuu go’aamiyey in la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.”

PUNTLAND: Soddonka degmo ee doorashadu ka dhacday iyo sida loo kala heley.~Codadka la kala heley:1. Kaah - 67,8932. Mide...
27/05/2023

PUNTLAND: Soddonka degmo ee doorashadu ka dhacday iyo sida loo kala heley.

~Codadka la kala heley:
1. Kaah - 67,893
2. Mideeye - 48,062
3. Sincad - 28,985
4. Mustaqbal - 15,069
5. Ifiye - 12,864

~Xildhibaanada la kala heley:

1. Kaah - 286 xildhibaan
2. Mideeye - 211 xildhibaan
3. Sincad - 133 Xildhibaan
4. Ifiye - 78 xildhibaan
5. Mustaqbal - 57 xildhibaan
__
Natiijada hordhaca ah, Guddiga Doorashooyinka ka timi.

Dowladda Puntland ayaa Villa Somalia u soo jeedisay in uu kaga dayato dimuqoraaddiyadda islamarkaana hirgeliso doorasho ...
26/05/2023

Dowladda Puntland ayaa Villa Somalia u soo jeedisay in uu kaga dayato dimuqoraaddiyadda islamarkaana hirgeliso doorasho qof iyo cod ah.

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Bari
26/05/2023

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Bari

26/05/2023

Natiijada Doorashada ee Degmada Bosaso Gobalka Bari.

Kaah 10392 Cod 9 kursi

Sincad 4936 Cod 4 kursi

Mideeye 15467 Cod 13 kursi

Ifiye 2058 Cod 2 kursi

Runcad 185Cod waxba

Mustaqbal 4758 Cod 4 Kursi
Shaqaalaha 585 Cod 1 Kursi

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟏𝟎-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Gumbax 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟏𝟎-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Gumbax 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟗-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Bareeda 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟗-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Bareeda 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟖-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Murcanyo 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟖-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Murcanyo 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟕-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Baargaal 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟕-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Baargaal 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 6-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Caluula 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 6-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Caluula 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Gardafuu.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟓-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Dhudhub 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 karkaar
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟓-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Dhudhub 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 karkaar

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟒-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Balidhidin 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Bari.
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟒-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Balidhidin 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Bari.

26/05/2023

Sida warsidaha GO ku heley xogo lagu kalsoon yahay waxaa kulamo balaaran oo lagaga xaajoonayo muranka doorashooyinka golayaasha degaanka ka socdaan magaalada Garowe.

Guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa maalintii shalay waxaa isugu yimid dad kor u dhaafaya 500 qof, waxaana lagu xuley guddi gaaraya 44 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal.

Kulan dhexmarey saraakiisha ciidanka komaandooska iyo guddiga laga soo xuley guriga Islaan Ciise habeenkii xalay ayaa lagu heshiisyey in amniga la ilaaliyo inta ka h**eysa inta xal siyaasadeed laga gaarayo muranka ka taagan halka ku wajahan tahay doorashada madaxweynaha Puntland iyo in xilligeeda lagu qabto lagana heshiisyo caqabadaha siyaasdeed ee ku gadaaman.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟑-𝗮𝗮𝗱:: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Buurtinle 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Nugaal.
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟑-𝗮𝗮𝗱:: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Buurtinle 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 Nugaal.

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟐-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂  Rakoraaxo 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 karkaar
26/05/2023

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨:

𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝟐-𝗮𝗮𝗱: 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 𝑯𝒐𝒓𝒖𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝑫𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 Rakoraaxo 𝒆𝒆 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 karkaar

Natiijada rasmiga ah ee doorashadii degmada Bandar-Beyla ee Gobolka Karkaar. 1- Ururka Kaah 1,599 cod (13 Xildhibaan)2- ...
26/05/2023

Natiijada rasmiga ah ee doorashadii degmada Bandar-Beyla ee Gobolka Karkaar.

1- Ururka Kaah 1,599 cod (13 Xildhibaan)
2- Ururka Mideeye 970 cid( 8 xildhibaan)
3- Ururka Sincad 525 cod ( 4 Xildhibaan )
4- Ururka Mustaqbal 197 cod ( 2 xildhibaan)
5- Ururka Ifiye 18 cod
6- Ururka Shaqaalaha 10 cod

Bandar-Beyla , waxaa codad ka helay ururro aan ku jirin tartanka golayaasha deegaanka, kuwaa oo kala ah;
Ururka Dhallinyarada 11 cod
Ururka Horseed 3 cod
Ururka Runcad 2 cod

Guud ahaan codadka laga dhiibtay degmada taariikhiga ah ee Bandar-Beyla, waa 3,335.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo si weyn ugu mahadceliyey warbaahinta Soomaaliyeed.
26/05/2023

Guddiga doorashooyinka Puntland oo si weyn ugu mahadceliyey warbaahinta Soomaaliyeed.

26/05/2023

Gobolka Hayland iyo sida loo kaal heley - Natiijo Hordhac ah:

Degmada Dhahar:

kaah: 9 Xildhibaan
Sincad:9 xildhibaan
Mideeye:8 xildhibaan
Ifiye:4 Xildhibaan
Shqaalah: 2 Xildhibaan
Mustaqabal: 1xildhibaan

Degmada Buraan:
Mideeye: 9 Xildhibaan
kaah: 6 Xildhibaan
Sincad: 4 Xildhibaan
Ifiye: 1 Xildhibaan
Mustaqabal: 1 xildhibaan

Degmada Ceelaayo:
Kaah:5 Xildhibaan
Sincad:6 Xildhibaan
Mideeye: 5 Xildhibaan
Ifiye: 4 Xildhibaan
Mustaqaba: 1 Xildhibaan.

26/05/2023

NATIIJO HORDHAC AH - Boosaaso, Bari:

Mideeye: 15,589 [14 Xildhibaan]
Kaah: 10,013 [9 Xildhibaan]
Sincad: 4,720 [4 Xildhibaan]
Mustaqbal: 3,855 [3 Xildhibaan]
Ifiye: 2,459 [2 Xildhibaan]

Tirada guud ee codaysay qiyaasta hordhaca ah; 35,942 ruux.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garowe media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share



You may also like