Kooshin Media

Kooshin Media Kooshin Media Waxad Ka Helaysaa Warar Sugan Warbixino dheelitaran Iyadoo Deegaankaga Kagasoo Waramay

 : Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa saaka weerartay oo burburisay guri uu Garoowe ku lee yahay sarkaal ka tirsan C...
01/03/2024

: Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa saaka weerartay oo burburisay guri uu Garoowe ku lee yahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Weerarka ayaa waxa ku dhintay hal ruux halka uu ku dhaawacmay mid kale waxaana dowladda hoose xabsiga dhigtay sarkaalkii guriga lahaa iyo dadkii la joogay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maydka qofkii ku dhintay weerarka aan weli la aasin oo uu tallaagad ku jiro.

Dowladda hoose ee Garoowe weli k**a hadlin sababta loo dumiyay guriga sarkaalkaas oo kamid ah saraakiishii h**e ugu dhaawacnay difaaca Puntland.

Abdoulrahman Isse

01/03/2024

PUNSAA oo degmada Burtinle ku qabatay kulan dood wadaag ah oo u dhaxeeyay maamulka degmada burtinle iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

29/02/2024

29 Feb 2024: Dalladda Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA waxay magaalada burtinle ku qabatay kulanka hormarinta go’aan gaaris loo dhanyahay,isla xisaabtan iyo daahfurnaan oo u dhaxeeyay dawlada hoose ee degmada Burtinle iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kulankaaas oo u jeedadiisu ahayd sidii ay bulshada iyo maamulka degmadu uga wada hadli lahaayeen hormarinta adeegyada ay bixiso dawlada hoose ee burtinle

29/02/2024

Arooskan oo aad loosoo Agaasimay ayna ku aqal galeen Mahdi Cabdi yare iyo caasho cabdulaahi shire ayaa ka dhacay miyiga Barooran,deegaanka jalam ee Degmada Burtinle.

28/02/2024

Beelaha iyo Gobollada ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub ee Puntland uu Caawa MD Deni magacaabay.

1.Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Maxamed Cabdiwahaab Axmed Mudug.R.Bicid yahan.

2.Wasaaradda Amniga Ibraahima Cartan Xaaji Bakiin Bari.C.Saleebaan.

3.Wasaaradda arrimaha Guddaha iyo Dimuqraadiyaynta Cabdi Faarax Juxa.Nugaal Ciise Maxamuud.

4. Wasaaradda Maaliyada Maxamed Faarax Maxamuud.Mudug.Leelkase.

5. Wasaaradda Qorshaynta Daa’uud Maxamed Cumar.Sool.Dhulbahante Bah Ararsame.

6. Wasaaradda Waxbarashada Fu’aad Abshir Adeer.Mudug Cumar Maxamuud.

7. Wasaaradda Caafimaadka Siciid Jaamac Cali Qoorsheel.Sanaag.Warsangeli.

8. Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Faarax Cawad Jaamac.Sool.Dhulbahante.

9.Wasaaradda Dekedaha Shaakir Maxamed Guuleed.Sool.Dhulbahante.

10. Wasaaradda Duulista Hawada Cabdullahi Bile Nuur.Bari.Dishishe.

11. Wasaaradda Haweenka Maryan Axmed Cali. Sool.Dhulbahante.

12. Wasaaradda Warfaafinta Maxamud Caydiid Dirir. Sool.Dhulbahante.

13. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire Siciid.

14. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad. Mudug.Cumar Maxamuud.

15. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole . Nugaal.Ciise Maxamuud.

16. Wasaaradda Kaluumaysiga Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa. Bari.Sawaakhroon.

17. Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle. Bari.Ugaar Saleebaan.

18. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Boqor. Bari.Cismaan Maxamuud.

19. Wasaaradda Gargaarka Ubax Cabdirishiid Maxamed Xirsi. Mudug.Leelkase.

20. Wasaaradda Beeraha Maxamed Cabdiqaadir Saalax. Sanaag.Warsangeli

21. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hodon Siciid Xasan..Sanaag.Warsangeli

28/02/2024

Jariiban iyo balibusle
2 wasiir mardhw,

SAWIRO■ Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa manta magaalada Buurtinle Ku soo Xirtay tababarka xalinta khila...
28/02/2024

SAWIRO■ Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa manta magaalada Buurtinle Ku soo Xirtay tababarka xalinta khilaafaadka iyo wada xaajoodka .tababarkaas oo ka soo qabygaleen 50 xubnood oo ka kala yimid dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida ururada dhalinyarada, ururada haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, iyo wakiilo ka socday maamulka degmada Burtinle oo ay ka mid yihiin xubno ka socday golayaasha deegaanka, maxk**adaha, iyo booliska.

Ujeedada tababarku waxay ahayd in ka qaybgalayaasha lagu baro xirfadaha lagama maarmaanka u ah xallinta khilaafaadka iyo wada xaajoodka,oo ay ka mid yihiin wada hadalaka heshiisiinta ,dhexdhexaadinta iyo dhagaysiga waxtarka leh. Iyada oo xoogga la saarayo ka hortagga khilaafaadka ku soo noqnoqda bulshada dhexdeeda,

Tabarkaan ayaa Waxaa soo Xiray Gudoomiyaha Degmada Burtinle ahmed abdirisaq dheereeye
Isagoona bulshada kafaa'iidaysatay ugu baaqay in ay Dadka uga faa'iideeyaan Cilmiga ay Barteen.

 : Waxaa Degaanka Damala-xagare saakay lagu dilay sheikh Cali Siciid Ducaal oo ahaa gudoomiyaha Degaanka Damala-xagare, ...
28/02/2024

: Waxaa Degaanka Damala-xagare saakay lagu dilay sheikh Cali Siciid Ducaal oo ahaa gudoomiyaha Degaanka Damala-xagare, Welina faahfaahin sugan lagama helin wararka ku saabsan dilkiisa.

Ilaahay haw naxariisto

27/02/2024

Sidee Gabdhaha Gobalka Nugaal Ariga uraacaan

انا لله وانا اليه راجعون،Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe waxay tacsi tiiraanyo leh k...
27/02/2024

انا لله وانا اليه راجعون،
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan geerida ardayad Ubax Yaasiin oo ka mid ahayd ardayda kulliyadda ganacsiga iyo maamulka.
Ubax waxay ku dhimatay gacan ka xaqdaran iyadoo ku siijeeday gurigeeda.
Waxaan si wadajir ah lawadaagaynaa tacsidaas waalidkeed, walaaleheed iyo asxaabteedii waxbarasho.
Ilaahay ha u naxariisto Ubax, jannada Firdowsana Allaha ugu bishaareeyo.

Cabdiraxman Rooble iyo Ubax Yaasiin Cali oo ka mid ahaa ardayda reer Puntland ayaa lagu kala dilay xalay iyo galabta Gaa...
27/02/2024

Cabdiraxman Rooble iyo Ubax Yaasiin Cali oo ka mid ahaa ardayda reer Puntland ayaa lagu kala dilay xalay iyo galabta Gaalkacyo iyo Garoowe.

Labadooda waxa la sheegay inay dileen rag hubaysan , kuwaas oo mudooyinkii dambe ay cabasho ka muujinayeen shacabka magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dhacdooyinkan xanuunka badan ee rajo beelka ku ah ubadka soo koraya iyo dhallinyarada mas'uuliyiinta dowladda wali k**a hadlin.

Rabbi ha u wada naxariisto.

Booliiska gobolka Nugaal oo sheegey in ay gacanta ku hayaan nin ku eedaysan dilka gabadh ardayad ahayd
27/02/2024

Booliiska gobolka Nugaal oo sheegey in ay gacanta ku hayaan nin ku eedaysan dilka gabadh ardayad ahayd

Allaha u naxariistee Ubax Yaasiin Cali Aar oo dhigan jirtay mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Garowe ayaa galabta lagu...
27/02/2024

Allaha u naxariistee Ubax Yaasiin Cali Aar oo dhigan jirtay mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Garowe ayaa galabta lagu dilay Garoowe

Ubax ayaa la sheegay in uu dilay mid ka mid ah saddex nin oo ku labisnaa tuutaha ciidamada kuwaas oo goobta dilku ka dhcay ka baxsaday, waxaana xabadda ay u geeriyootay kaga dhacday madaxa.

X/G Puntland Post

SAWRO■ Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA waxay magaalada Buurtinle ku qabatay tababarka xalinta khilaafaadka i...
27/02/2024

SAWRO■ Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA waxay magaalada Buurtinle ku qabatay tababarka xalinta khilaafaadka iyo wada xaajoodka .tababarkaas oo ka soo qabygaleen 50 xubnood oo ka kala yimi dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida ururada dhalinyarada, ururada haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, iyo wakiilo ka socday maamulka degmada Burtinle oo ay ka mid yihiin xubno ka socday golayaasha deegaanka, maxk**adaha, iyo booliska.

27/02/2024

Dallada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA waxay magaalada Buurtinle ku qabatay tababarka xalinta khilaafaadka iyo wada xaajoodka .tababarkaas oo ka soo qabygaleen 50 xubnood oo ka kala yimid dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida ururada dhalinyarada, ururada haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, iyo wakiilo ka socday maamulka degmada Burtinle oo ay ka mid yihiin xubno ka socday golayaasha deegaanka, maxk**adaha, iyo booliska.

Ujeedada tababarku waxay ahayd in ka qaybgalayaasha lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah xallinta khilaafaadka iyo wada xaajoodka,oo ay ka mid yihiin wada hadalaka heshiisiinta ,dhexdhexaadinta iyo dhagaysiga waxtarka leh. Iyada oo xoogga la saarayo ka hortagga khilaafaadka ku soo noqnoqda bulshada dhexdeeda.

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) ayaa cambaareeyay go’aankii Puntland ku musaafuriyay  weriye Jamaal Cusmaa...
27/02/2024

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) ayaa cambaareeyay go’aankii Puntland ku musaafuriyay weriye Jamaal Cusmaan iyo soo saare kale, kuwaas oo katirsan telefishinka Channel4.

“Maamulada Soomaaliya miyay qabaan ciil qab ka dhan ah Jamaal Cismaan oo ah weriyaha Afrika ee Channel 4 ? Waa markii labaad oo weriyahan asalkiisu Soomaaliga yahay laga soo musaafuriyo Soomaaliya 14-kii bilood ee la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay RSF.

Allah ha u naxariistee waxaa Caawa Gaalkacyo lagu dilay Abdirahman Rooble oo ahaa wiil dhalinyaro ah, dilka Marxuumka ay...
26/02/2024

Allah ha u naxariistee waxaa Caawa Gaalkacyo lagu dilay Abdirahman Rooble oo ahaa wiil dhalinyaro ah, dilka Marxuumka ayaa la sheegay in ay ka danbeeyen kooxo tuugo ah oo taleefoonka ka furanayay, dilka ayaa ka dhacay aaga Yameyska biyaha

26/02/2024

Aniga ayaa gubay xaaskayga” Eedeysane Sayid Cali oo markii ugu horreeysay hadlay

26/02/2024

Waxaa xalayto ka dhacay degaanka Hanyaale degmada Jariiban ee Gobalka Mudug arooska qarniga oo ay ku aqal galeen Mudane Abdi nuur Cabdi kariim iyo marwo Aamino Cabdi,

Arooska oo loosoo agaasimay hab maqaam sare leh ayaa waxaa ka soo qaybgalay Abwaanin, hal-abuuro bahda hidaha iyo dhaqanka iyadoona halkaasi laga tiriyey suugaanta noocyadeeda kala duwan sida heeso, gabayyo iyo buraanbur waxaana lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaliyeed,

Kooshin Media

Puntland oo Sheegtay iney aad uga Naxday geerida ku timi Mid kamid ah Saddex Haramcad oo laso daristay Xaalad Caafimaad ...
25/02/2024

Puntland oo Sheegtay iney aad uga Naxday geerida ku timi Mid kamid ah Saddex Haramcad oo laso daristay Xaalad Caafimaad darro
====================
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada waxay ka xuntahay haramcad ka dhintay.

Wasaaradda deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada waxay 17.02.2024 Magaalada Galkacyo ka soo badbaadiyay Sadex xabo oo haramacad dhal ah(Cheetah Cubs).

kadib Markii koox reer Miyi ah soo qabsadeen Haramacadkaas dhasha ah kana soo ka xaysteen hooyadood iyadoo u jeedkoodu ahaa inay gataan.

Haramcad kan dhasha ah waxay soo qaateen qiyaastii iyaga oo jira wax ka yar labol asbuuc, xiligan oo kale waa kuwo aad u nugul oo ay sahlan tahay in ay dhibaato soo gaadho, Maxaa yeelay wax caano ah k**a aysan soo nuugin hooyadood.

Waxay Wasaaraddu aad uga xuntahay in sadexdii harmacada ee dhasha ahaa ee la soo badbaadiyay uu mid kamid ah dhintay xalay,Taas oo ay sababtay xaalada harmacadka dhintay oo aad u liidatay caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba, layskuna dayay in la badbaadiyo.

laakin dadaal dheer kadib ugu danbayntii uu dhintay. Waxaa xaalad wanaagsan ku jira labadii haray, iyaga oo Wasaaraddu dadaal ugu jirto sidii loo xanaanayn lahaa. Ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta waa Danbi qaran(Illegal wildlife Trade) cid kasta oo ku howlan waxaan u sheegaynaa in ay howshaan faraha kala baxaan.

Dhamaan xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxay cadaynayaan in aan laga ganacsan Karin dhamaan khayraadka dibiiciga ah ee dalka sida dhirta, iyo dhamaan duurjoogta dalka.
Waxaan ku war galinaynaa dhmaan laamaha amaanka dowlada Puntland in layska kaashado sidii wax looga qaban lahaa Danbiyada la xiriira Deegaanka iyo Duurjoogta.

25/02/2024

Mas'uuliyiinta ugu saraysa Hay'adda Islamic Relief qaybteeda soomaaliya ayaa booqday Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal'Si ay kormeer ugu sameeyaan mashaariic ay ka fuliyeen Degmada'Kuwaas oo ay kmaid yihiin ceel biyood dhawaan Hay'addu kasamaysa Buurtinle iyo Biyo galin la gaarsiiyey Qaar kamid ah kaamamka kuyaal banaanka magaalada.

Weftiga Hay'adda waxaa Degmada ku Soo dhaweeyey duqa Degmada Buurtinle
ku xigeenkiisa iyo qaar k**aid ah xildhibaanada golaha deegaanka.

Duqa Degmada Buurtinle Ahmed Abdirisaaq Cali Ayaa mas'uuliyiinta Hay'adda Islamic Relief uga mahad ceshay mashaariicda ay ka fuliyeen Degmada waxa uu sidoo kale uga warbaxshay Ceelal Jaban oo uu kamid yahay ceelka deegaanka Jalam ee gobolka Nugawl'kaas oo ay Hay'addu ballan qaaday dib-udayactirkiisa.

Madaxweynaha Puntland Siciid abdullahi deni ayaa Isku bedel ku sameeyey Wasaaraddaha Beeraha, Arimaha Gudaha, Qorshaynta...
25/02/2024

Madaxweynaha Puntland Siciid abdullahi deni ayaa Isku bedel ku sameeyey Wasaaraddaha Beeraha, Arimaha Gudaha, Qorshaynta, Duulista Hawada, Dekedaha, Maaliyada, Waxbarashada iyo Tamarta Macdanta isagoo ka bedelay beelihii horay u qaadan jiray

Liiska golaha wasiiradda ayaa qorshuhu ahaa inuu saaka siidaayo isagoo la filayo inuu ka dhigo Caawo. 26-ka February 2024.

25/02/2024

Ustaad Nawaal Shariif waa macalimad soo saartay kumaan kaadir oo maanta ku jira haldoorka bulshada waana hablaha fara ku tirska ah ee macalimiinta ka ah Puuntland hadda

waxay hada macalimad ka tahay dugsiga sare Gambool Garoowe.

 :- xubaha ayaa u raadinaya inay kamid noqdaan golaha wasiirada Puntland ee gobalka Mudug ee beesha Cumar maxmud1.Abdica...
24/02/2024

:- xubaha ayaa u raadinaya inay kamid noqdaan golaha wasiirada Puntland ee gobalka Mudug ee beesha Cumar maxmud

1.Abdicasiis Jamac Nugaal oo ganacsade ah, horayna u soo Noqdey duqa Degmada Galkacyo

2.Abdi Xaashi Goley oo ah siyaasi qunyar socod ah ahaa xubin kamid ah guddigii doorashooyinka Baarlamanka Puntland

3.Abdirahman Gablax oo xildhibaan Puntland,

4. Abdirahman Bixi oo ah nin aqoonyahan ah kana tirsan masuuliyiin Hay'ada Interpeace Ahna Xubin Fir-fircoon oo siyaasada Ku Cusub

5.Marwo Xaawo Yusuf oo h**ey uga tirsanayd baarlamaankii 10 aad ee Soomaaliya Sidoo kale horay uga soo shaqaysey haayado Caalami ah iyada oo la filayo in ay ku soo gasho golaha wasiirada Qoondada Dumarka.

Madaxweyne Deni ayaa la saadalinyaa in Saacada soo socda Ku dhawaaqo Liiska Golaha Wasiirada Xukuumadiisa.

Isha Kooshin Media

24/02/2024

Waxaas sidaa u ololayaa waa mustaqbalkaygii"Cadnaan Cadceed

24/02/2024

Beesha Reer Xaamud ee Bicidyahan oo fariin Culus u dirtay dadka Somaliyeed iyo Maamulka DDS.

23/02/2024

xarunta uduga Garoowe Falis Carfoon iyo Ugaasad Ummalkhayr Abdiwali.

Sawiro: Bilicda Qurxoon ee Jasiiradda Koyama, Gobolka Jubbada Hoose📸 Cawaale Koronto
23/02/2024

Sawiro: Bilicda Qurxoon ee Jasiiradda Koyama, Gobolka Jubbada Hoose

📸 Cawaale Koronto

Hambalyo Hambalyo, Waxaan kuugu Hambalyeynayaa sxb inaad gaartey mid kamida hadafyadii aad waqtiga dheer  ku himineysey....
23/02/2024

Hambalyo Hambalyo, Waxaan kuugu Hambalyeynayaa sxb inaad gaartey mid kamida hadafyadii aad waqtiga dheer ku himineysey. Sxb Hambalyo Bilaal Magan

23/02/2024

:- Wiil dhallinyaro ah oo soo Saaray Baskoolad dhacaysa.

Address

Garoowe

Telephone

+252907743306

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kooshin Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like