Wadani

Wadani Wadani

21/06/2022
04/06/2022
19/05/2022
18/05/2022
17/05/2022
17/05/2022
B O Q O R K I I    I Y O   S E D D E X D I I   W A S I I RMaalin maalmaha kamid ah ayaa nin boqor ahaa u yeeray seddex w...
17/12/2021

B O Q O R K I I I Y O S E D D E X D I I W A S I I R

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin boqor ahaa u yeeray seddex wasiir oo kamid ahaa wasiiradiisa, waxaanu wasiir kasta faray inuu soo qaato jawaan( kiish) oo ay tagaan beerta qasriga, qof kastana jawaanka uu sito uu ku buuxiyo miraha, iyo dallagyada beerta, wuxuuna boqorka codsaday in cidna aan garab lagu siin karin hawsha loo igmaday.

Wasiiradii baa la amakaagay arrintan uu la yimid boqorku, mid kasta wuxuu qaatay jawaankii,wuxuuna u dhaqaaqay xagga beerta.

Wasiirkii koowaad oo markasta jeclaa inuu raaligeliyo boqorka ayaa jawaankii uu sitay ku guray noocyada miraha ugu wanaagsan, ilaa jawaankii uu ka buuxsamo,
Wasiirkii labaad ayaa isku qanciyay in boqorku uusan u baahnayn miraha, wuxuuna gudagalay isagoo caajisan uruurinta miraha isagoon kala saarin kuwii xumaa, iyo kuwii kale,
Wasiirkii seddexaad ayaa isaguna ku fekeray in boqorku uusan dan ka lahayn miro, wuxuuna jawaankii ku buuxiyay qashinka, iyo caleenta geedaha.

Maalinkii xigay boqorkii ayaa faray askartiisa in ay xabsiga dhigaan seddexdii wasiir, mid kastana farta laga saaro jawaankii uu buuxsaday muddo seddex bilood ahna aan cunto la siin.

Wasiirkii koowaad wuxuu si deggan u cuni jiray mirihii wanaagsanaa ee uu soo gurtay ilaa 3dii bilood ay dhamaadeen,

Wasiirkii labaad wuxuu seddexdii bilood ku noolaa nolol ciriiri ah, isagoo ku tiirsanaa mirihii u fiicnaaday,

Wasiirkii seddexaad wuxuu u geeriyooday gaajo darteed intaan la gaarin muddadii loo cayimay.

Bal adigu isweydii seddexdan wasiir midka aad tahay.
Adigu haatan waxaad ku jirtaa beerta adduunka, waxaad fursad u haysataa inaad samayso camal wanaaagsan iyo mid aan wanaagsanayn,

Laakiin berri marka uu faro boqorka boqoradda in qabriga lagugu soo xiro, xabsigaas ciriiriga ah, ee mugdiga ah, maxaa ku anfici kara?
Dabcan camalkaaga oo wanaagsanaada ayaa ku anfici kara.

Dulucda sheekada:
Inta aad nooshahay ku dadaal inaad acmaal wanaagsan meel dhigato, si ay berri sahay kuugu noqdaan.

Ku salliya Rasuulka sallalaahu calayhi wasallam.

Xigasho:abdurrahman caqiil

03/12/2021

Aaway hawiye ?
Aaway daarood ?
Aaway isaaq ?

Way noolyihiin, laakiin wax ay galaan ayaa iska yar.

Rooble, C/racmaan c.shakuur, Xasan sheekh & Xasan cali kheyre ayaa Shuute waxay siiyeen Lacag $500.kun ah si kiiska ikra...
18/09/2021

Rooble, C/racmaan c.shakuur, Xasan sheekh & Xasan cali kheyre ayaa Shuute waxay siiyeen Lacag $500.kun ah si kiiska ikraan ay dusha uga saaraan madaxweyne farmaajo & fahad yasiin,

Jabuutina waxay siiyeen $1000,000. Hal milyan oo dolar iyadoo heshiisku ahaa in fahad yaasiin loo gacan galiyo saraakiil imaaraad ah oo garoonka ku diyaarsanaa kadib la dilo fahad si kiiska ikraan ee uu fahad cadeymaheeda hayo halkaas ku soo xirmo,

Balse way ka fashilantay nasiib wanaag dagaal aad u xun ayey dowladda la galeen iyaga iyo dowlado shisheeye oo ilaa 8 wadan ah balse dagaalkoodii guuldaro ayey ka qaadeen walle khaain wuu dhiman
Soomaaliya ha noolaato 🇸🇴💪

Sidda xaqiiqada ah, Somalia waa mid kamid wadamada ugu halista badan dunida, Waana mid kamid ah wadanka ugu faqiirsan ca...
10/09/2021

Sidda xaqiiqada ah, Somalia waa mid kamid wadamada ugu halista badan dunida, Waana mid kamid ah wadanka ugu faqiirsan caalamka, Dadka soomaaiyeed oo dhan dibada ayey qaxooti ku yihiin si walaalahooda dalka ku nool dhaqaale ay usoo geliyaan, Sababtoo ah lacagta wadanka laga isticmaalo waa lacag ajanabi ah, Laazim waa in banaanka dad ay inooga keenaan, Dal isaga oo dhan siddaan ah halkii looga baahnaa waayeel ilaa canug in gacanta ay is qabsadaan, Ayey mowduucyo aananan waxtar u lahayn, Sidda siyaasi la camabaareeyo, Mid xilka laga tuuro iyo waxyaabo aan fa'ido lahayn ayey dadkii oo dhan ku dawaqsan yihiin, Faqiiriin aanan xaalkoodii la socon innaga ka hor dunida lama arag ayaan u maleynaaa?

Anigu waxaan qabaa somalida xaq uma ay lahan ilaa dowlad xoog badan ay ka dhistaan in dhexdoodu ay ismucaradaan, Sababtoo ah mucaraadnimo waxaa loogu talagay dad dharagsan oo amni haysta oo raadinaayo tayadoodii in ay kordhiyaan, İnnaga maxaan haysanaa oo isku mucaraadnaa hal mismaar xitaa ma sameysan karnee😂 Madaxweynaha xilka laga dajinaayo iyo kan imaan doonaba dhalinyarada miyey shaqo u abuurayaan, Amiga dalka miyey soo celin doonaan?, İdiologyada qabiilka miyey la dagaalami doonaan, No way.

Somalia waqti xaadirkaan iyo halka ay ku sugan tahay madaxweyne ama siyaasi waa uun iska magac yeel, Kacdoon xoog badan oo dadka ah, İyo hogaan nidaamsan ayey u baahan tahay, Siddoo kalena waa in somalida dhexdooda far isku fiiqista ay iska dhaafaan, İyo Mowduucyadaan maalayacniga ee waqtiga ay ku dhimanayaan, Qof welibana waa in dalkaas uu leeyahay uu dhistaa, Haddii kale sidda aan hadda ku socono, maallinta dolar ka ina waalayo ee dibada inooga imaanayo la inaga jaro, Laga yaabee in aan hurdada kasoo baraarugno.

DEG-DEG " Warar Soobaxaya ayaa  Sheegaya in Magalada Muqdisho iyo Dhaman Gobolada dalka ay ka dhici doonan Bananbax aad ...
06/09/2021

DEG-DEG " Warar Soobaxaya ayaa Sheegaya
in Magalada Muqdisho iyo Dhaman Gobolada dalka ay ka dhici doonan Bananbax aad u waweyn oo lagu Garab istagayo Madaxaweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo .

Diyaar ma u tahay inaad ka qeyb gasho Bananbaxa lagu garab istagayo Farmaajo ?

Tiraarka Ay Ku Tagantahay Dowlad Nimada Somaliya in Loo Sibo Ayaa Lagu Balaamay Fahad yaasin Waxaa la Dagaalsan Sirdoonk...
05/09/2021

Tiraarka Ay Ku Tagantahay Dowlad Nimada Somaliya in Loo Sibo Ayaa Lagu Balaamay

Fahad yaasin Waxaa la Dagaalsan Sirdoonka Imaaraat, Kenya Maraykanka Ingiriiska Masar.

fahad yaasin Wuxuu Nasiino u Diiday hogaamiye Kooxeedyadii iyo Maxaakiimta Kuwii la Magac baxay

Fahad yaasin Waa Sirdoon rasmi ah una shaqeeya sida sirdoonada caalamka waa weyn.

Fahad yaasin Waxaa lagu heystaa in si toos Ah oo ula shaqeeyo Madaxda ugu Sareyso Dalka oo Waxaa lagu heystaa tuugada maad la shaqeeysatid. Waxaan jeclaan lahaa Dadka Somaliyeed in hurdada Ka Kacaan.

Baruurto Orgiga Ka Weyn

Eid Mohamed Dirie

04/09/2021
03/09/2021
Shalay iyo maanta Ogaada xumaanta dad baa wanagaag u yaqaano beena ma ahan warkaasu
02/09/2021

Shalay iyo maanta

Ogaada xumaanta dad baa wanagaag u yaqaano beena ma ahan warkaasu

20/08/2021

Labad team kala dooro adigoo isticmaalaya caqli saliim ah oo ka fog qabyaalad

Team rabba inuu dalka dhiso

Team raba inuu dalka iibiyo

Jumce Mubarak

Pegka iyo saar siina garee

13/08/2021

Ha niyad jabin

Marka laga hadlayo niyad jabka, waxaynu ognahay waxkasta oo la rabo in la qabto
in laga qabto niyada, sidda "Nabigeena Maxamed (NNKH) inoo sheegay in
camalku yahay niyada, waxkastana lagu qabto niyad".

Haddaba haddii aad niyad jabto ma umalynaysaa in aad rumayn karto riyadaadii, iska ilaali niyad jabka, markasta oo aad dareento niyad jab, kala hor tag dhiiri galin
usoo bandhig naftaada guulihii h**e aad gaadhay, isasoo hor dhig abaalmarinadii lagu siiyay shahadooyinkagu, una sheeg naftaada in ay guulahaa gaadhay, sidoo
kale u sheeg in ayna ahayn xili ay dib usoo noqoto, lahadal naftaada cadawga ha ii jabin ku dheh, horana usoco oo dib hasoo eegin.
Sheekh Mustafe ayaa isaga oo halganka nolasha ka hadlaya waxa yidhi "
Nolashu waa halgan inta halganka lagu jiro dhib, baqasho iyo mushkilad ayaa imanayaysa,
waana in loo sabro oo loo adkaysto loona dulqaato, oo yaan lagu talo galin in xalwad la isku siinayo halganka nolasha ee qofku ku talo galo in uu
dhibaatooyinka u sabro".

Xigasho:- Quddi ciiltire

Pegka fadlan garee mahsanid

13/08/2021

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wadani posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Gaalkacyo

Show All

You may also like