Puntland News

Puntland News Hadi Aad so Boqato page Profile kayga Plz. Follow me���. One love somali Pple

Dawlada Puntland Waa inay doorkeeda kaqaadata dagaalka kasocda Galgaduud.Alaha unaxariisto shuhadadan saraakiisha ah iya...
08/06/2024

Dawlada Puntland Waa inay doorkeeda kaqaadata dagaalka kasocda Galgaduud.

Alaha unaxariisto shuhadadan saraakiisha ah iyagoo dalkooda difaacaya ayay shahiideen

Degmada ceeldheer khawaarijta ayay gacanta ugashay laba isbuuc kahor ayuu xasan sheekh tagay.

Dagaalkaan waa bilaa qorshe waa in budlaan saraakiil ciidan u dirto si cadowga loga wada guulaysto

Wararka, ka imaanaya bariga Gobolka mudug, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kooxda alshabab, oo ka yimid deegaanka sha...
27/05/2024

Wararka, ka imaanaya bariga Gobolka mudug, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kooxda alshabab, oo ka yimid deegaanka shabeelow oo kasoo gudbay inta u dhaxaysa wisil iyo gawaan ciidamadaas oo soomaray miyiga tuulooyinka kala ah xeero dhagaxlay ceeldibir xingod aakhirkiina waxay soo Gaareen tuulada qoryo weyn oo xaduuda puntland u dhaw,

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta dowladda somalia ayaa Goordhawayd shaaciyay in xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ah ay Gaareen xaduuda puntland, horayna waxaa loo hayay inay tuulada qoryo weyn soo Gaareen xubno ka tirsan kooxda alshabaab, Dowladda puntland waxaa laga sugayaa inay ka howl Gasho kooxahaan argagiso ee ku soo wajahan deegaanada puntland ciidanka puntland ee jooga degmoyinka tawfiiq iyo jariiban wa iney ka howl Galaan dulaankaan ku so wajahan.

14/05/2024

Siciid deni oo firdhiye kuxanaaqay Kadib marku xamar aaday🤣

WAR FARXAD LEH TALIYIHII SALDHIGA JEELKA WAYN GAALKACYO AADAN NUURQAAL OO SHAQADII LAGA JOOJIYEY MAXKAMADNA LASOO SAARAY...
06/05/2024

WAR FARXAD LEH TALIYIHII SALDHIGA JEELKA WAYN GAALKACYO AADAN NUURQAAL OO SHAQADII LAGA JOOJIYEY MAXKAMADNA LASOO SAARAYO

Maalmo kahor ayaan Halkaan Kubaahinay in aadan nuurqaal uu sii daayey maxaabiis dad laayey sidoo kale khamriga ku iibiyo jeelka dhaxdiisa taas oo keentay in askarta jeelku dilaan maxabuus iyagoo cabsan

Dhawan ayaa lafilayaa in dambiyadaan oo dhan lagu qaado dambiile aadan nuurqaal oo dawlada buntlaan darajooyinkii ka xayuubisey shaqadiina kajoojisey

Gudoomiyaha Gobolka mudug Faysal Sheekh Cali Jifo jabsade oo gaaray Magaalad BallibusleXaalka ballibusle waa in gurmad l...
04/05/2024

Gudoomiyaha Gobolka mudug Faysal Sheekh Cali Jifo jabsade oo gaaray Magaalad Ballibusle

Xaalka ballibusle waa in gurmad lala gaaro biyaha magaalada booyada looga dhaamiyo shacabka qaxay marokaneecooyin iyo bustayaal lalagaaro

Magaalada cuduro halis ah ayaa kadhalankara biyaha hadaan degdeg looga saarin.

Jibriil qoobeey oo Reer Cabdulle Faarax Ah Ayaa Sidaan Yiri"Amiirka maradaa ka dhacday,waana ceeboobay xaqiiqdii Ilaa iy...
04/05/2024

Jibriil qoobeey oo Reer Cabdulle Faarax Ah Ayaa Sidaan Yiri

"Amiirka maradaa ka dhacday,waana ceeboobay xaqiiqdii Ilaa iyo hada Cabdiwahaab Maxamuud Gurey Cod iyo faro midna lagama hayo,waana Caaqilka Fuustadan Islaanka lagu weerarayo soo dilindileeyay oo ku cad goosanaya,isla markaana ugu danbayn wax ku badalandoona.
Amiirka waa laga badiyay Ciyaarta,waana la dhex istaajiyay.

Taladayda?

In uu iscasilo,ayaa ufuran Saakay Wado kale uma banaana si Beeshu dib ugu samaysato Nabadoon guud oo ay ku midaysan tahay.

Waa ilhaamo Codadka la wareejinayo

XOG SUGAN BALIBUSLE.Daadad ayaa soo galey caawa 7- dii fiidnimo marka ey aheyd,daadku wax khasaaro nafeed ah magaysan ba...
03/05/2024

XOG SUGAN BALIBUSLE.

Daadad ayaa soo galey caawa 7- dii fiidnimo marka ey aheyd,daadku wax khasaaro nafeed ah magaysan balse khasaaro hantiyeed ayaa jira bakhaarada Magaalada oo biyo kakormareen

Dadkii ayaa magaalada banaanka uga baxey badankood sidoo kale waxaa go,dey shirkadii isgaarsiinta ee dadku badankiis isticmaalayeen ee Golis waxaase shaqeyneysa somtel.

Eebe ha u sakhiro.

03/05/2024

Ballibusle mudug caawa Xaalkeeda waa sidaan 🥲🥲

Fatahaadii ugu waynayd Roobab culus Ayaa kusoo rogamaday

Dhamaan Anteenada shirkada golis iyo somtel mashaqaynayaan.

Garaad Jaamac Ciise Xirsi Waa isimka kaliya ee mudug ee tagay laascaanood Halgankii gobolka sool isagoo Guutooyin ciidam...
03/05/2024

Garaad Jaamac Ciise Xirsi Waa isimka kaliya ee mudug ee tagay laascaanood Halgankii gobolka sool isagoo Guutooyin ciidamo ah wata.

Garaad jaamac Mudada uu garaadka aha shaqooyin wax ku ool ah ayuu dalka iyo dadkaba u qabte.

Guul garaadka guusha ee beesha cabdi ciise

Xurmadle Garaad Jaamac Garaad Ciise Garaadka Guud Beeshe Cabdiciise Isxaaq cumar maxamuud.Garaadku Maantay Umada reer mu...
30/04/2024

Xurmadle Garaad Jaamac Garaad Ciise Garaadka Guud Beeshe Cabdiciise Isxaaq cumar maxamuud.

Garaadku Maantay Umada reer mudug waa u hiiliyey Waxa uun kadigay Damaca Guracan ee Kooxda xaraash qaran damul Jadiid kusoo Qaadeen mashruuca dekada Garacad inay Fashilayaan

Garaad kugu maalnay gobonimo

MAXAA KADHACAY XABSIGA GAALSHIRAHA MAGAALADA GAALKACYO EE XUKUMO AADAN NUUR QAAL.Askartii Ilaalada ahayd oo cabtay khamr...
30/04/2024

MAXAA KADHACAY XABSIGA GAALSHIRAHA MAGAALADA GAALKACYO EE XUKUMO AADAN NUUR QAAL.

Askartii Ilaalada ahayd oo cabtay khamri aad u badan ayaa laysey maxaabiistii jeelka kujirtay taas oo Keentay inuu mid dhinto midna dhaawacmo.

Dhanka kale Taliyaha jeelka Aadan nuurqaal ayaa lasheegay in Uu dhaqaalo ama Lacag Kaqaatay Maleeshiyaad Beeleedyo Doonaya inay Xabsiga Kudhex dilaan Rag lagu eedeeyey inay gacan kudhiiglayaal yihiin kuwaas oon wali Maxkamad Lasoo saarin.

Aadan nuurqaal waxa uu sidoo kale h**ey u fasaxay dambiilayaal qaarkoodna wuu fakiyey isago mar walbo arintaas sameeyo khamri siiya askarta jeelka ilaaliso

Kudhawaad 40 sano ayuu Aadan nuur qaal haystaa Jeelka Gaalshire Eee gaalkacyo

28/04/2024

Hadaljeedintii:- Gudoomiyaha Guddiga Deeganka Iyo Khayraadka Dabiici-ga Ah Ee golaha Wakiillada Puntland Xildhibaan Yasiin jama Cumar (Taakilo) Ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa Ka jeediyey Toddobaadka Dhiraynta Puntland.

“Marka kowaad waxaa soo dhaweynaya bogaadinaya Xuska dhiraynta, ahmiyad weyn ayay innoo leedahay in wax lataro deegaankeena, nolasheenu waxay ku tiirsan tahay geed. Waxan dhiirigelinayaa hal abuurkii lasoo bandhigey iyo cilmibaaristii jamacadaha............"

Wasiirka Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad yusuf Dhuux ayaa maanta Qado-sharaf ugu sameyey Beerta Xoriyadda...
25/04/2024

Wasiirka Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad yusuf Dhuux ayaa maanta Qado-sharaf ugu sameyey Beerta Xoriyadda Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Farah oo ku sugan magaladda Garowe, ee Caasimada Dowlada Puntland.

Islaan Bashiir Islaan Anbdulle ayaa ka Yimid Wadanka Saudi Arabia oo uu u aaday gudashada Cimrada iyo Citikaafka tobankii beri ee ugu dambeeyey Bisha Ramadaan allaha ka aqbalee.

Qarasharafta waxaa kasoo qaybgalay, Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray, Wasiiro, xildhibaano, Agaasimayaal, Ganacsato,Nabadoono iyo Dhalinyaro.
Wasiirada Waxaa ka mid ahaa, Wasiir Omar Abdisamad Yusuf Dhuux oo isagu qado sharafta Sameeyey iyo Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed.
Xildhibanada Waxaa kamid ahaa Xildhiban Abdikafi Abdi Abshir iyo Xildhiban Yasin Taakilo oo labadaba laga soodoorto Gobolka Mudug.

Agaasimayaalsha waxaa ka mida ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Mohamed Isse Osman
2.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Maax.
3.Agaasimaha Xiriirka Golayaasha Ee Madaxtooyada Puntland Mudane Asad Heello
Ganacsatada ayaa waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Shirkada Wadaagsan ee gacanta ku haysa Dhismaha Dekeda Garacad iyo Maareeyaha Dekeda Garacad Mudane Abdisaid Faadi.

Waxaa kaloo shirka kasoo qaybgalay nabadoonada iyo dhalainyarada Deegamada Mudug iyo Nugaal ee Beesha Islaan Bashiir Isimka u yahay.

Sool waxaan usoo qaadanay 2 taangi waxaan kalasoo laabanay 4 taangi xisaab h**e ayaa jirtay tukaraq 2018kii Taangi ayaa ...
23/04/2024

Sool waxaan usoo qaadanay 2 taangi waxaan kalasoo laabanay 4 taangi xisaab h**e ayaa jirtay tukaraq 2018kii Taangi ayaa u galay ciidankii mahad cambaashe.

Hada anagaa ku hogaaminayno 2 iyo 1 Ciyaarta.

Maxaa dhacay Tukaraq 2018kii Taangiga madagaal ayaa lagu Qabsaday mise khalad kale ayaa jiray

Dagaal culus oo bilowdey 14kii may 2018 waxaa dhacday in maalintaas saldhig ay kadagaalamayeen Ciidanka jimcaale lagu xoogijiyey Taangi Balse waxaa dhacday in ciidankii jimcaale kaguuray saldhigii Darawalkii taangigi waxa uu arkay isagoo dhextaagan Saldhigii oo ay haystaan ciidanka mahad cambaashe waxaa yaab Noqotay in ragii taangiga saarnaa kasoo dagteen oo iyagoo isleh qaabka dagaalka iyo meesha xabadu kaculustahay kagala ay u yimaaden talilayaashii somaliland markaas ayaa rasaas ooda looga qaaday waxaanka kabadbaaday hal wiil oo markii dambe taangiga u kaxeeyey maadama aysan jirin cid markaas taangiga wadi karta oo lasocday ciidank somaliland.

Taangigaas waxaa shirqool u dhigay ciidankii jimcaale ee xerada kaguuray Balse maantay Guul ayaan Jooga oo 2 taangi ayaan kahaystaa somaliland.

Garowe:- Xurmadle islaan bashiir islaan Cabdulle oo ku maqnaa cimrada ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe.So...
23/04/2024

Garowe:- Xurmadle islaan bashiir islaan Cabdulle oo ku maqnaa cimrada ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe.

Soo dhaweynta islaanka waxaa ka qayb galay wasiirka xanaanada xoolaha DPL, Xiddhibaan Yaasiin Taakilo oo ah mudane ka Tirsan Barlamanka Puntland, Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Soo dhawoow islaan

Ciidanka difaaca Mudug Saldhiga Godod 2021Yaa ka aqoonsatay Geesiyaashaan
21/04/2024

Ciidanka difaaca Mudug Saldhiga Godod 2021

Yaa ka aqoonsatay Geesiyaashaan

Waa taariikh lasoo maray ciidamada godod waxay ahaayeen lafdhabarta difaaca mudug.Pagekooda waakan ugaarka ah kalasocda ...
21/04/2024

Waa taariikh lasoo maray ciidamada godod waxay ahaayeen lafdhabarta difaaca mudug.

Pagekooda waakan ugaarka ah kalasocda wixii macluumaad ah

Waxaa sidaas Qorey Xildhibaan Muxyadiin Hashi Oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmadda Buurtinle ee ku yimid Codka Dadwayn...
20/04/2024

Waxaa sidaas Qorey Xildhibaan Muxyadiin Hashi Oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmadda Buurtinle ee ku yimid Codka Dadwaynaha.

Ku: Duqa Deg. Burtinle & G/Xigeenka Degmadda Burtinle.
Ku: Xubnaha Golaha Deegaanka Degmadda Buurtinle.
Og: Maamulka Gob.Nugaal.
Og: Wasaaradda A. Guddaha Fed.& Dimoqaridaynta D. Puntland.

Ujeeddo: Ku tumasho Sharciga Dawladaha Hoose ee Low.NO7. Ee Duqa Deg.Buurtinle.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20.04.2024.

Warqaddaha sumammadohoodu kala yihiin Ref.X/G/D/B/40,42,43/2024 kana soo baxay Xafiiska Duqa Degmadda Buurtinle laguna magacaabay qaar ka mid ah Maamulka Xaafadaha Magaaladda Buurtinle. Waxay baalmarsan yihiin Sharciga Golayaasha Deegaanka ee Low No7.
Wuxuuna Guddoomiyuhu ku tuntay Qodobka 39aad.Farqadiisa 3aad kaas oo ay ku caddahay cidda iska leh soo jeedinta dhismaha Guddiyada Degsiimooyinka, Xaafadaha & Tuulooyinka.waana Guddiga Joogtada ah ee Golaha Deegaanka oo aan weli la dhisin.
Awoodda Guddoomiyaha waxaa Qeexaya Qodobka 30aad ee xeerka Low no7. Waana 9 farqadood. kumana jiro mid awood u siinaya Magacaabis Guddiyo Xaafadeed, Degsiimo,Tuulo iwm.
Guddoomiyuhu sharciga ayuu ku xad gubay Golaha dhexdiisa ayaan ugu sheegay in uu sharciga ku soo noqdo. Waana uu ka dhaga adaygay.
Haddaba waxaa cad in ay sharci darro tahay Magacaabista Mayorku sameeyay.
Sidaa darteed Waxaan Gobolka & Wasaaradda ka Codsanaynaa in si dhakhso ah Kalfadhigii noogu furaan Sharcigana nagu tababaraan noona sheegaan in ay ilaalintiisu waajib tahay.

Mahadsanidiin.

14kii october 2004 Col Abdullahi Yusuf ahmed oo Loo doortay Madaxwanaha Soomaaliya Alaha unaxariistee oo soomaalida laha...
20/04/2024

14kii october 2004 Col Abdullahi Yusuf ahmed oo Loo doortay Madaxwanaha Soomaaliya Alaha unaxariistee oo soomaalida lahadlaya ayaa Yiri Hadal Taariikhda Galay.

"Anu wax badan baan dagaal kujiray Markaan Maanta Runta Cadeeyo Dagaalka hubaysan ragii bilaabay madax baan u ahaa.

25 sano kahor jabhadii ugu h**eysey oo hubka qaaday baan madax u ahaa Xabadi waxay Tahay waan Aqaan Xabadi waxay tahay ninkii og dagaal yaqaan baana nabada Qadariya oo Macaankeda yaqaan.

Waxaa loo baahanyahay inaan nabada u guntano.

20 sano kadib wali somalida ayaa sii wada colaadihii sokeeye ee Halkaas Dhigay.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Abdullahi Hersi Tahliil (Col Kirtan) Taliyaha Ciidanka birjeezSawirka Kore Waa 25 tii August Is...
18/04/2024

Gaashaanle Dhexe Maxamed Abdullahi Hersi Tahliil (Col Kirtan) Taliyaha Ciidanka birjeez

Sawirka Kore Waa 25 tii August Isagoo dulsaaran Taangi uu kalaharay Somaliland Tirsanaya Qaniimada.

HAWLGALKII SOOL IYO CIIDANKA CUMAR MAXAMUUD.25 Febraery 2023  Ayay Ciidanka Beesha Cumar Maxamuud gaareen jiidaha Dagaal...
16/04/2024

HAWLGALKII SOOL IYO CIIDANKA CUMAR MAXAMUUD.

25 Febraery 2023 Ayay Ciidanka Beesha Cumar Maxamuud gaareen jiidaha Dagaalka ee sool. Waxay ahayd Xili aan la qiyaasi karin Guutooyinka Ciidanka Somaliland Waxa Ay Fadhiyeen ilaa dhawr saldhig oo ay halmar baneeyeen waxaan ka mid ahaa

1. Saldhiga Tukaraq oo Go,doon Galay
2. Guriga Gobolka
3. Buurta sayidka
4. Gambadha

Xeeldheerayaasha Dagaalka ayaa kusifeeyey in Somaliland ay lasocotay awooda mudug ka timid iyo ciidankaasi dhibta uu u gaysan karo hadii ay sii fadhiyaan saldhigyadaasi Hadii ay ku adkaystaana dagaalku durba soo afjarmayo.

27 febraury 2023 waxaa dhacay dagaalkii Somaliland looga saaray laascaanood sida uu qiray jeneraalada reer laascaanood hadii ciidanka cumar maxamuud uusan maalintaas gurmad ku imaan Gudaha magaalada kadagaalamin magaalada waa ay lawareegi lahaayeen somaliland balse ciidamo loo qorsheeyey naafaynta cadawga ayaa biritaaray shacabka oo markaasi lamaquunin lahaa.

Wixii kadambeeyey 27kii febraury ciidamada beesha cumar maxamuud waxay fariisteen dhawr goobood iyagoo casharo lama ilaawaan ah u dhigay cadawga.

KAARTADIII GOOJACADE LOOGA SAARAY SOMALILAND

Jeneraal abdirashid Qodhob ayaa loo magacaabay abaanduulaha ciidamada hartiga taas oo keentay in mudo 8 bilood ah saacado gudahood cadawga laga Jafo fariisinkii waynaa ee Goojacade.

QANIIMADII LAGALA WAREEGAY

Beesha Cumar Maxamuud Ayaa dagaalka sool kala hartay iidoor Hub waawayn iyo mid yaryarba oo ay isugu jiraan kaarayaal beebayaal suugag iyo tikiniko badan

Taliyaha guud ee ciidamada cumar maxamuud waa Generaal sacdi bidaar oo lahaa soo dhaqaajinta iyo soo dumida ciidamo iyo saraakiisha guulahaan Ka keentay sool.

Saraakiisha beesha Cumar Maxamuud ee Guulaha soo hoyisey

1. Jeneraaal Sacdi Faarax xasan cade Taliyaha Guud ee ciidamada Mudug Laga diray.

2. Jeneraal madoobe Cabdi sallaan taliyah Taangiyada

3.jeneraal dhagawayne Abaanduulaha guutada Taangiyada

4. Jenaral abdirashid Qodhob abaandulaha Ciidanka ssc xiligii xoreynta goojacade.

5. Kornayl maxamed kirtan taliyaha ciidamada birjeex

6. Taliye duwane gaaciye

7. Taliye cali baalawayne taliyaha ciidanka gamadiid

8.Kornayl xuseen cismaan

Runtii Waa geeri Aad u xanuun alaha u naxariistoo Abwaankii waynaa ee Gobolka Mudug Abwaan Cali Warsame Xasan.Abwaanku w...
14/04/2024

Runtii Waa geeri Aad u xanuun alaha u naxariistoo Abwaankii waynaa ee Gobolka Mudug Abwaan Cali Warsame Xasan.

Abwaanku waxa uu ahaa nin karameed Qaali ah oo dadka iyo dalkaba u shaqeeyey inta uu katirsanaa ciidamada

Waxaan si gaar ah ugu Tacsiyadaynaynaa Qoyskiis Reer Warsame Xasan Gaar ahaan iyo Guud ahaanba Reer Ballibusle.

Rabi janooyinkiisa Ha ugu deeqo Abwaanka

Xildhibaan Yaasiin jama Cumar (YasiinTaakilo) oo katirsan baarlamaanka Puntland ayaa maqaal ka qorey qodoba laga bedelay...
31/03/2024

Xildhibaan Yaasiin jama Cumar (YasiinTaakilo) oo katirsan baarlamaanka Puntland ayaa maqaal ka qorey qodoba laga bedelay dastuurka dalka kaas oo aan heshiis lagu ahayn habraacii loo maray.

Qormada Xildhibaanka Oo Kooban Hoos Ka Akhriso.

14/11/2023

Shirka Degmada Tawfiiq ee gobolka Mudug Maalmahan uga socday Beesha Saleeman cabdalle surre, oo War Murtiyeed laga soo saaray ku socda puntland iyo baaq ku ku socda beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay Balibusle.

12/11/2023

Beesha Saleeman cabdalle surre, ayaa shirweyne uga furmay Degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug kaas oo ay uga tashanayaan midnimada iyo aayahooda.

Madaxwaynihii u h**eyay ee Dowlada Puntland Col Abdulaahi Yuusuf Ahmed iyo Taliyihii u h**eyay ee Ciidanka Darawiishta D...
12/11/2023

Madaxwaynihii u h**eyay ee Dowlada Puntland Col Abdulaahi Yuusuf Ahmed iyo Taliyihii u h**eyay ee Ciidanka Darawiishta Dowlada Puntland Gen Abdulahi Cali Mire (Gen Carays)

11/11/2023

Beesha Bahararsame (Dhulbahante) Ayaa Maanta Caasumaad U Fidisey wafdiga sareeyo/gaas Ayuub Abdirizak, Ahmed Foodcade, iyo Abdilahi Balwaan.

Beelwaynta dhulbahante ayaa si Milgo Leh U soo dhawaysey S/gaas Ayuub Oo ka Soo Jeeda Beelwaynta Omar maxamuud. Isaga oo Qayb lixaad leh ka Qaatey Xorayntii Gobolada S.S.C khaatumo.

📸Hubaal Media

Waxaa sidaa Qoray Xildhibaan Yasiin jama omar "Taakilo" oo ka Tirsan Golaha Wakiilada Puntiland.Galkacyo waxay gashay xa...
05/11/2023

Waxaa sidaa Qoray Xildhibaan Yasiin jama omar "Taakilo" oo ka Tirsan Golaha Wakiilada Puntiland.

Galkacyo waxay gashay xaalad deg deg ah. marka koowaad nimco kastaa nusqaanteeda leh, waanu uga xamdinaynaa Alle weyne roobka iyo khayrka uu noogu deeqay.

Waxaan la dareen ahay shacabka duruufaha adag ku sugan ee daadadku guryaha ugu galeen. Mushkiladda daadadka waxaa ka dhalan kara caqabado badan sida waxyeelo caafimaad iyo mid naf iyo maalba.

Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa hay'adaha Dawladda ee ku shaqada leh in ay faro-gelin deg deg ah sameeyaan uguna gurmadaan shacabka daadadku saameeyeen.

Galkacyo waxay u baahan tahay qorshe waxqabad oo dhaw iyo mid durugsan oo waari kara.

Waxaan sidoo kale ka codsanayaa in ganacsatada, culimada, dhalinyarada, gabadhaha, saxaafadda, sama faleyaasha iyo dhammaan shacab weynuhu abaabul wada jira ka gaystaan gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

Dawladda Hoose iyo hay'adaha kale ee ay sida gaarka ah ugu shaqo leh waxaa laga rabaa qorshe iyo hogaamin ku aadan arintaan.

Guul iyo Gobanimo.

1-da bishaan November waxaa Degmada tawfiiq ka dhici doona kulan weyn oo ay isugu imaanayaan dhamaan Beelweynta Saleeman...
29/10/2023

1-da bishaan November waxaa Degmada tawfiiq ka dhici doona kulan weyn oo ay isugu imaanayaan dhamaan Beelweynta Saleeman cabdalle ee surre ku waas oo Gobollo kala dugan isaga imaan doona iyo caasimadda Muqdisho iyo dalka dibadiisa,

GAROOWE: Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beel-waynta Cumar Maxamuud ayaa qado sharaf soo dhawayn iyo duco iskugu jirta u sam...
29/10/2023

GAROOWE: Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beel-waynta Cumar Maxamuud ayaa qado sharaf soo dhawayn iyo duco iskugu jirta u sameeyay Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Taakilo) oo kamid noqdey xubnaha Golaha Wakiilada Puntland.

Address

Wadaagsin
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland News:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Gaalkacyo

Show All