MYM TV

MYM TV MYM TV the independent television and was founded in 2022.

18/04/2024

Shacabka caasimaada Jigjiga oo dhiigooda ugu deeeqaya dadka u baahan.

MYM TV

17/04/2024

Ardayda ka qayb gelaysa Kediska Arday Group E (KH) MYM TV

17/04/2024

Ardayda ka qayb gelaysa Kediska Arday Group D (X) MYM TV

17/04/2024

Ardayda ka qayb gelaysa Kediska Arday Group C (J) MYM TV

17/04/2024

Ardayda ka qayb gelaysa Kediska Arday Group B (T) MYM TV

17/04/2024

Ardayda ka qayb gelaysa Kediska Arday Group A (B) MYM TV

17/04/2024

Barnaamijka Su’aalaha Caafimaadka iyo MYM TV

Hooda Maxmed Cabdi Baynax

Markale MYM TV waxa uu idiin wadaa KEDISKA ARDAR, Xafiiska Waxbarashada DDS ayaa ardayda helay kabka waxbarashada kuna x...
16/04/2024

Markale MYM TV waxa uu idiin wadaa KEDISKA ARDAR, Xafiiska Waxbarashada DDS ayaa ardayda helay kabka waxbarashada kuna xeraysan Jaamcadda Jigjiga u qabanaya Tartanka Kediska Arday, balanteena waa maalinta axada 21/04/2024.

16/04/2024

Maxaa keena caajiska iyo daalka badan.

MYM TV

Israa'iil ayaa laga yaabaa inay si dhaqso ah uga jawaabto weerarkii Iran ee Sabtidii, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo...
15/04/2024

Israa'iil ayaa laga yaabaa inay si dhaqso ah uga jawaabto weerarkii Iran ee Sabtidii, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah.

Laakiin saraakiisha ayaa sheegay in Maraykanku aanu ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo caynkan oo kale ah, Maraykankuna uu ku riixayo Israa’iil in aanay samayn wax kasta oo keeni kara colaad balaadhan oo ka dhacda gobolka Bari dhexe.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa yiri: "K**a qayb qaadan doono weerar kasta oo ka dhan ah Iran."

Wall Street Journal

15/04/2024

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay heer kulka.

11 jaamacadood oo Afrikaan ah ayaa lagu daray liiska (QS World) ee jaamacadaha ugu wanaagsan cilmiga nolosha iyo caafima...
15/04/2024

11 jaamacadood oo Afrikaan ah ayaa lagu daray liiska (QS World) ee jaamacadaha ugu wanaagsan cilmiga nolosha iyo caafimaadka sanadka 2024.

Jaamacadaha waxaa loo qeybiyay Koonfur Afrika, Masar, Uganda iyo Nigeria, waxaana kaalinta koowaad iyo seddexaad galay, Jaamacadda University Cape Town iyo Jaamacadda Stellenbosch ee Koonfur Afrika, waxaana kaalinta labaad gashay Jaamacadda Qaahira ee Maser.

MYM TV

Madaxweynaha Ukraine ayaa ka codsaday isbahaysiga nato iyo wadanada taageeraba  nidaamka difaaca hawada, sida Israiil oo...
15/04/2024

Madaxweynaha Ukraine ayaa ka codsaday isbahaysiga nato iyo wadanada taageeraba nidaamka difaaca hawada, sida Israiil oo kale uga tageereen.

Donald Trump ayaa sheegay in weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil uusan waligiis dhici lahayn haddii uu Madaxweyne ahaan...
14/04/2024

Donald Trump ayaa sheegay in weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil uusan waligiis dhici lahayn haddii uu Madaxweyne ahaan lahaa.

MYM TV

Wafdi ka socda Sacuudiga, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla, ayaa booq...
14/04/2024

Wafdi ka socda Sacuudiga, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla, ayaa booqan doona Pakistan Isniinta iyo Talaadada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu kobcinayo iskaashiga dhaqaalaha, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan safarka ayaa ku soo adaya iyadoo ay xaladaha bariga dhexe cakiran tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waxaan deriskayaga ku wargelinay weerarrada 72 saacadood ka hor inta aan lagu qaadin Isr...
14/04/2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waxaan deriskayaga ku wargelinay weerarrada 72 saacadood ka hor inta aan lagu qaadin Israa'iil.

Waaxda duulista waxa soo food saartay dhibaato dhab ah oo ka dhalatay xiisada juquraafiyeed ee ka dhacday, Bariga Dhexe ...
14/04/2024

Waaxda duulista waxa soo food saartay dhibaato dhab ah oo ka dhalatay xiisada juquraafiyeed ee ka dhacday, Bariga Dhexe xalay taas oo sababtay in wadamadu hawadooda xidhaan, dhawr shirkadood oo diyaaradeed ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay, wax laga bedelay lana joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalalka ku dhaw aagga colaadeed ee u dhaxaysa Iran iyo Israa'iil.

Shirkadda Emirates Airlines ayaa sheegtay in shirkaddu ay joojisay duullimaadyadii qaar, qaarna ay dib u wareejisay kaddib markii dhawaan la xiray hawada, waxaana afhayeen u hadlay shirkadda Emirates Airlines uu ku macneeyay in shirkaddu ay si dhow ula socoto xaaladda.

Shirkada EgyptAir ayaa joojisay duulimaadyadii qaar halka qaar kalena ay u weecisay kadib markii dhawaan la xiray hawada sare.

Etihad Airways ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv iyo Amman, kaddib markii la xiray hawada gobolka.

Austrian Airlines waxay joojisay dhammaan duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv, Erbil iyo Amman iyadoo si degdeg ah loo dhaqangelinayo illaa berri.

FlyDubai ayaa sheegtay in xiritaanka ku meel gaarka ah ee dhowr hawo oo ku yaalla gobolka ay saameysay qaar ka mid ah duulimaadyadeeda.

MYM TV

Madaxa Ciidamada Iran: Weerarkeenu wuu dhammaaday mana rabno inaan sii wadno, laakiin haddii taliska Israaiil uu ka jawa...
14/04/2024

Madaxa Ciidamada Iran: Weerarkeenu wuu dhammaaday mana rabno inaan sii wadno, laakiin haddii taliska Israaiil uu ka jawaabo, hawlgalkeenna xiga wuxuu noqon doonaa mid aad u weyn.

Afhayeenka Shirkadda Diyaaradaha ee Emirates:Shirkaddu waxay baajisay duullimaadyadii qaar, qaarna dib bay u wareejisay ...
14/04/2024

Afhayeenka Shirkadda Diyaaradaha ee Emirates:
Shirkaddu waxay baajisay duullimaadyadii qaar, qaarna dib bay u wareejisay ka dib markii dhawaan hawada la xidhay.

Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda waxaanan sameyneynaa dadaal kasta si aan u hubinno in macaamiisha ah intii suurtagal ah.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Faransiisku uu ka mid yahay dalalka ka qayb qaadanaya d...
14/04/2024

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Faransiisku uu ka mid yahay dalalka ka qayb qaadanaya difaaca weerarrada ay Iiraan xalay ku qaadday Israa’iil.

Waxa uu intaa ku daray: "Faransiiska waxa uu leeyahay tignoolajiyad aad u wanaagsan, diyaarado iyo raadaar, waxaana ogahay in ay ka qayb qaadanayeen ilaalinta hawada," sida ay sheegtay Reuters.

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in aanu faahfaahin sax ah ka haynin in diyaaradaha Faransiisku ay soo rideen mid ka mid ah gantaallada ay Iran ridday.

Iran ayaa weerar ku qaaday fiidnimadii Sabtida, iyadoo boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha laga soo riday dhulkeeda, kuna wajahnayd Israa’iil, waxayna sheegtay inay jawaab u tahay duqeyntii qunsuliyadda ay ku lahayd Dimishiq.

MYM TV Kala Soco xaalka Bariga dhehxe

14/04/2024

Qaf aan wax baran ma shaqaysan karaa, waxa MYM TV waxa ka waydiisay qaar kamida shacabka magaalada jigjiga.

Yaasmiin Ahmed Muse

Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun ayaa ka gaabsaday in uu cambaareeyo xadgudubka Iiraan ay ku soo xadgudubtay hawada da...
14/04/2024

Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun ayaa ka gaabsaday in uu cambaareeyo xadgudubka Iiraan ay ku soo xadgudubtay hawada dalkiisa saacadihii la soo dhaafay, waxa uuna kaliya sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo ammaankiisa iyo madax-bannaanidiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Urdun.

Sida ay ku waran tahay New York Times|. Dadka reer Iran ayaa xalay saqdii dhexe ku soo qulqulayay kaalmaha shidaalka iya...
14/04/2024

Sida ay ku waran tahay New York Times|. Dadka reer Iran ayaa xalay saqdii dhexe ku soo qulqulayay kaalmaha shidaalka iyaga oo argagaxsan saqdii dhexe ee xalay, gudaha Tehran iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida laga soo xigtay muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada.

Wasaaradda Shidaalka Iiraan ayaa shacabka u xaqiijisay in aysan jirin shidaal yari, isla markaana aan loo baahneyn in la buuxiyo haamaha shidaalka.

Jacfar Salari Nasab, oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Shidaalka ayaa warbaahinta dawladda u sheegay Waxaa jira shidaal ku filan, kaalimo shidaal iyo haamaha kaydka shidaalka, mana jirto sabab ay dadku uga welwelaan inay shidaal helaan.

Iran ayaa weerar diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku qaaday bartilmaameedyo ay Israa'iil leedahay, taasoo jawaa...
14/04/2024

Iran ayaa weerar diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku qaaday bartilmaameedyo ay Israa'iil leedahay, taasoo jawaab u ahayd weerar ay Israa'iil ku qaadday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Tiro ka mid ah dalalka gobolka ayaa ku dhawaaqay xiritaanka hawada iyadoo la eegayo xiisadaha sii kordhaya iyo khatarta, oo ay ku jiraan Urdun, Ciraaq iyo Lubnaan.

Tiro diyaaradeed ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama ay ku mari jireen dalalka xirtay hawadooda.

Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in Iran ay u dirtay Israa'iil in ka badan 100 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Channel-ka 12-aad ee Israel ayaa sheegay in Iran ay ilaa 100 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo gantaalada Cruise-ka ah ku garaacday bartilmaameedyada Israa'iil fiidnimadii Sabtida ilaa saacadihii h**e ee Axadda, waxaana uu sharraxay in qaarkood lagu soo riday Suuriya iyo Urdun.

Aqalka Cad ayaa ku celiyay inuu si buuxda u taageersan yahay Israa’iil, wuxuuna ku dhawaaqay shir ay isugu yimaadeen Biden oo uu la qaatay la-taliyayaasha amniga qaranka si ay uga wada hadlaan xaaladda Bariga Dhexe.

Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in falkan milatari ee Iran uu jawaab u yahay gardarada Israel ay ku qaaday xarunta diblomaasiyadeed ee Iran ee Dimishiq.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in saldhiga ugu muhiimsan ee ciidamada cirka ee Negev ee koonfurta Israa’iil la gaadhsiiyay “khasaare xooggan” kadib markii lagu garaacay gantaallo ay Iiraan leedahay.

Israa’iil ayaa codsatay kulan degdeg ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareeyo Iran.

Afhayeenka ciidamada Israel: Iran ayaa in ka badan 300 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday Isra...
14/04/2024

Afhayeenka ciidamada Israel: Iran ayaa in ka badan 300 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday Israa’iil.
Tiro yar oo gantaallo ah ayaa galay hawada Israa'iil
Iran waxay ku guuldareysatay inay burburiso saldhigayada militari ee Israa’iil.

Shabakadda Radar ee duulimaadka ayaa muujinaysa joojinta isu socodkii hawada ee Ciraaq, Urdun, Suuriya iyo Israa'iil.
13/04/2024

Shabakadda Radar ee duulimaadka ayaa muujinaysa joojinta isu socodkii hawada ee Ciraaq, Urdun, Suuriya iyo Israa'iil.

War deg deg ah| Diyaaradaha dagaalka ee Britain ayaa ka duulay Qubrus si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha laha...
13/04/2024

War deg deg ah| Diyaaradaha dagaalka ee Britain ayaa ka duulay Qubrus si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada laga soo riday Iran ee ku wajahan Israel.

Masar ayaa muujisay walaaca ay ka qabto xiisadda Iiraan iyo Israa’iil waxayna ku baaqday in ay is xakamayaan labada dhin...
13/04/2024

Masar ayaa muujisay walaaca ay ka qabto xiisadda Iiraan iyo Israa’iil waxayna ku baaqday in ay is xakamayaan labada dhinacba.

Ilo militari oo Israa’iil ka tirsan ayaa ABC News u sheegay: Iran waxa ay bartilmaameedsatay oo kaliya goobaha militarig...
13/04/2024

Ilo militari oo Israa’iil ka tirsan ayaa ABC News u sheegay: Iran waxa ay bartilmaameedsatay oo kaliya goobaha militariga, goobaha rayidka lama bartilmaameedsan.

Diyaarad laga leeyahay dalka Qatar oo ka soo duushay magaalada London kuna sii jeeday magaalada Doxa ayaa u bedeshay hal...
13/04/2024

Diyaarad laga leeyahay dalka Qatar oo ka soo duushay magaalada London kuna sii jeeday magaalada Doxa ayaa u bedeshay halkii ay ku sii jeeday magaalada Istanbuul xaalada taagan awgeed.

Address

Ahmed Gurey
Jijiga
00251

Telephone

+251777751505

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MYM TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MYM TV:

Videos

Share


Other Media/News Companies in Jijiga

Show All

You may also like