SDN

SDN Somali Daily News Is an Independent
Somali-owned online news portal based in the
Somali regional state in Ethiopia.

Our primary
and secondary aims are delivering UpToDate
and reliable news stories about the region and
the country to your news feed.

Shirwaynaha labaad ee Xisbiga Barwaaqo waxaa lagu go'aamin doonaa Go'aano Waawayn"Mudane Aadan FaaraxMadaxwayne Kuxigeen...
27/01/2025

Shirwaynaha labaad ee Xisbiga Barwaaqo waxaa lagu go'aamin doonaa Go'aano Waawayn"Mudane Aadan Faarax

Madaxwayne Kuxigeenka Xisboga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyada, lehna Darajada Raysal Wasaare Kuxigeen Mudane Aadan ayaa Sheegay in Shirwaynaha labaad ee Xisbiga barwaaqo lagudajin doono Jihooyinka mustaqbal ka ee Xisbiga iyadoo laga Soosaari Doono Go'aamo waawayn.

Shirwaynaha labaad ee Xisbiga Barwaaqo ayaa qabsoomi doona inta u dhaxayso 23 ka ilaa 25 ka bisha Tir 2017 Tirsiga Taariikhda Itoobiya, kaaso halku dhig looga dhigah " Fikir ilaa dhaqan"

Mudane Aadan Faarax Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ayaa Sheegay in lasoo gabagabeeyay howlaha u diyaarga shirwaynaha labaad ee Xisbiga Barwaaqo oo kaqabsoomi doono Magaalada Addis Ababa.

Shirwaynaha labaad ee Xisbiga Barwaaqo waxaa kasooqaybgali doona 15 Xisbi siyaasaded oo ka kala socda dalalka Caalamka.

Mudane Aadan Faarax ayaa kacodsaday Shacabka in garab istaagii iyo taageeradoodii looga bartay ay sii wadaan inta shirka uu kadhamaanayo.

Xisbiga Barwaaqo ayaa ah Xisbi leh Xunbo kor u dhaafaya15.7 Milyan.

Xili lagu gudo jiro diyaar garowga shirweynaha labaad ee xisbiga PP ayaa maanta oo isniin ah waxaa magaalada Adama ka fu...
27/01/2025

Xili lagu gudo jiro diyaar garowga shirweynaha labaad ee xisbiga PP ayaa maanta oo isniin ah waxaa magaalada Adama ka furmay tababar ay ergooyinka xisbiga ee codka lihi ay ugu diyaar garoobayaan shirweynaha xisbiga, tababarkan ayaa socon doona ilaa maalinta jimcaha waxaana ugu dambeyn furmi doona shirka xisbiga kaas oo la rajaynaayo in lagu soo buuxiyo boosaska banaan ee dadka geeriyooday iyo kuwa boosaska xisbiga ee xukuumada baneeyay.

Warar hoose oo ay heshay bahda SDN ayaa xaqiijinaaya in la buuxin doono boosas ay kamid yihiin booski golaha dhexe ee Allaha u naxariiste Juweria Subcis oo lagu badalaayo qof ku kooto ah sidoo kale waxaa la sheegayaa in la badali doono Mohamed Abdi Wade oo ahaa wasiirki xafiiska jidadka, Xafiiska Macdanta iyo Shidaalka iyo xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ee h**e oo horay looga qaaday xilka wasiirnimo booskan oo gobolka Shabeelle ka soo galaayay golaha dhexe iyo beesha Cowlyahan ayaa warar hoose sheegayaan in lagu badali doono wasiir Xuseen Qaasim oo ah gobolka Jarar.

Golaha dhexe ee xisbiga PP laanta soomaalida ayaa tiradooda guud lagu sheegay 23 xubnood gobolada 11-ka ah ayaa lagu qeybsaday iyadoo 11 ka gobol min 2 xubnood heleen halka gobolka Faafan uu 3 xubnood helo, Hadii ay dhacdo in Mohamed Abdi Wade lagu badalo Xuseen Qaasim taas ayaa ka dhigan in gobolka Jarar uu helay 3 gole dhexe halka gobolka Shabeelle uu heli doono kaliya 1 xubin oo gole dhexe ah.

Sida warar hoose sheegayaan beesha Afdheer iyo Koonfurta Shabeelle deggan ayaa arintaas ka muujisay cabasho iyadoo lagu xasuusto la dagaalanki argagixisada Afdheer soo gashay sadex sano kahor oo sida Taliyaha ciidanka deegaanka uu qoray ay ula dagaalameen si qabiil ah oo ay ahaayeen gacanta midig ee lagula dagaalamay argagixisada.

Adiga Maxay kulatahay?

26/01/2025

Wasiirka Xafiiska Biyaha ee DDS Sheekh Xasan Daadhi cuqubo inuu qabo waxaa kuugu daliil ah dadkan shacabka ah ee masaakiinta ah, xoolihii ay ka ooman yihiin ayuu maalin walba saas uga oohiyaa.

Odayaasha dhaqan-ka Labada dagmo ee guunagado & Dig waxay cabasho ka yihiin dhibaato ay ka tirsanayaan xafiiska biyaha ee dds , dhowr jeer oo h**e ayaa balan qaad aan la fulinin loo balan qaaday.

Share gareeya.

Dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed ina Salmaan, ayaa ku qaabilay guri uu tago xilliga Jiilaalka oo ku yaalla gobolka...
26/01/2025

Dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed ina Salmaan, ayaa ku qaabilay guri uu tago xilliga Jiilaalka oo ku yaalla gobolka Madiina inanta raysal-wasaaraha ka ah dalka Talyaaniga Giorgia Meloni.

Nogob iyo ERAR Golaha dhexe ee PP waxay ku leeyihiin hal xubin Faafan kaligeed na 4 xubin cadaalad miyaa mise sinaan?
26/01/2025

Nogob iyo ERAR Golaha dhexe ee PP waxay ku leeyihiin hal xubin Faafan kaligeed na 4 xubin cadaalad miyaa mise sinaan?

26/01/2025

Abiye Ahmed, ayaa qaybo Deeganka Oromiya kamid ah lagusoo dhaweeyay, isagoo mashaarico xadhiga ka jaray.[Magaaloyin Jima ku jirto ayuu tagay]

 : Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa casumaad rasmi ka helay Imaaraadka Carabta Diyaarad khaas ayaana qaaday.
26/01/2025

: Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa casumaad rasmi ka helay Imaaraadka Carabta Diyaarad khaas ayaana qaaday.

 :-Puntland oo laga mamnuucay Tuugsiga iyo  Ajaanibta aan sharciga lahayn.
25/01/2025

:-Puntland oo laga mamnuucay Tuugsiga iyo Ajaanibta aan sharciga lahayn.

25/01/2025

Xamaas ayaa bartamaha Qasa ku soo bandhigtay 4 askari oo haween ka tirsan ciidanka Israa’iil oo lagu soo qabtay howlgalkii 7 Oktoobar, kuwaasoo maanta lagu beddelanayo 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ku xiran xabsiyada Israa’iil oo ay ku jiraan 120 h**ey loogu xukumay xabsi daa’im. Gabadha la sii deynayo uma muuqda kuwa maxaabiis ah waxaa laga arkaya dareen aan ka duwanayn inay tartan ku guuleysteen, tan oo la xiriirta habdhaqanka iyo xaaladda ay ku jireen inta ay Xamaas gacanta ku heysay.

Imam jama

Alle ha unaxriisto Macalin Muxumed Maxamuud C/laahi oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga, kadib markii shalay lagu soo bo...
25/01/2025

Alle ha unaxriisto Macalin Muxumed Maxamuud C/laahi oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga, kadib markii shalay lagu soo booday, oo uu kooma galay.

Wuxuu ahaa macalin weyn oo waayo badan, arday badan soo baray, cilmiga Physicska sidoo kalena wuxuu ahaa xirfadle (Consultant)

Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa nin af gaaban oo Alle ka cabsibadan isla markaana bulshada u adeegi jiray.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan bahda macalimiinta ee uu kabaxay. Alle ha u naxariisto, Jannada ha ka waraabiyo..

25/01/2025

Degmada Gunagado oo ay ka jirta xaalad Biyo la, aaneed oo daran ka dib markuu Wasiirka Xafiiska Biyaha ee DDS Sheekh Xasan Daadhi ka fadhiisiyay Mashruucii waraabinayay Degmooyinka Gunagado, Marsin, DIG iyo Gaashaamo dhamaan Degmooyinka as oo dhul aad u balaadhan ku fadhiyo waxaa la daristay xaalad Biyo la, aaneed oo aad u daran.

Masuuliyadaas waxaa Ilahay maalinta qiyaame waydiin doonaa Madaxwayne Mustafa Omer oo Shacabka as maalinta Dakhliga laga soo qaado uu Xasan Daadhi qaab tuugo nimo ah ku qaadanayo.

Jamhuuriyaddii burburtay ee Soomaaliya labadeeda qaybood (Koonfur iyo Woqooyi), ragga siyaasadda kasoo muuqday burburkii...
24/01/2025

Jamhuuriyaddii burburtay ee Soomaaliya labadeeda qaybood (Koonfur iyo Woqooyi), ragga siyaasadda kasoo muuqday burburkii kaddib ee waliba xilalka qabtay labadan nin oo kaliya ayay iiga muuqatay sifo hoggaamineed iyo aragti ummadeed. Dhab ahaan tiina, waa laba nin oo ka kaad-duwan turuqyawaynta kale ee siyaasadeedda Soomaaliya (political elite).

Waa laba nin oo ay ka muuqato in ayna siyaasadda usoo galin tolaysi, tuugaysi, iyo u tabcanaan shisheeye; laakiin laga dhex arkayo hinaase iyo qiira ummadeed iyo in ayna ku qanacsanayn sida uu yahay xaalka dadkooda iyo dalkooda sidaa daraadeedna ay doonayeen samaynta isbaddal tusaale u noqda siyaasiyiinta kale. Hayeeshee, in kasta oo ay laba xil oo kala duwan, kalana heera qabteen isla markaana laba duruufood oo kala duwan ku shaqeeyeen, laba hab oo kala duwana lagu soo doortay haddana waxay wajaheen caqabado isku mida iyo lagu dadaalkoodii lagu abaal-dhaco.

Muqdisho habeen uma soo dhixin nabsigii Farmaajo, Hargaysa way helidoontaa nabsiga Ina Mooge. Si guud na, waxa aan labadaa nin iyo sida loola dhaqmay ka ogaaday sababta ummadan loogu salladay madaxda khariban in ay mudankooda tahay oo ay sanboor iyo laab-jeex ka qaadayaan qofkii wanaagsan.

Ismaaciil Cali Ismaaciil

24/01/2025

Qofka qof Muslima Dilkiisa ku farxa. || Sheekh Mustafe.

Share | Like | Comment

| SOMALI DAILY NEWS
‐------------------
Ku xidhannow Somali Daily News (SDN) si aad ula socto wararka Soomalida, Geeska africa, Bariga dhexe iyo Dunida, sidoo kale kala soco barnaajimo kala duwan.

Dacawaleey, Odayaashii Jigjiga ka tagay ee nabadda ku dhawaaqay ee yidhi Jabhadda meesha fadhida annagaa metela oo xidha...
24/01/2025

Dacawaleey, Odayaashii Jigjiga ka tagay ee nabadda ku dhawaaqay ee yidhi Jabhadda meesha fadhida annagaa metela oo xidhaheeda ah, markay Laanqayrta tageen sankaa xabbad laga galiyay, waxaana lagu yidhi "nabadda aad waddaan fu**da iska galiya". Waynu sugi waxay kusoo dhammaato; laakiin sidaan marar h**e xusay arrinta meesha taallaa maaha arrin oday dhaqan ka go'da.

Mw Mustafe Omer ,ayaa Saaka oo Jimca ah gaadhay Ismaamulka Magaalada Diridhaba oo lagu qaban doono kulan lagu soo dhaway...
24/01/2025

Mw Mustafe Omer ,ayaa Saaka oo Jimca ah gaadhay Ismaamulka Magaalada Diridhaba oo lagu qaban doono kulan lagu soo dhawaynayo Xeerka Ciise ee Dhawaan lagu daray UNISCO.

24/01/2025

Deegaanka Soomalida ma Maamul xumo baahsan Oo dhanka Nidaamka dawlada ah baa ka jira mise Colaad Qabiil?

 : Dabaqoodhiga vs NGO'leeyda Markii dhinaca musuqa laga fiiriyo, farqi la taaban karo ayaa u dhexeeya nooca musuq ee ra...
24/01/2025

: Dabaqoodhiga vs NGO'leeyda

Markii dhinaca musuqa laga fiiriyo, farqi la taaban karo ayaa u dhexeeya nooca musuq ee ragga dabaqoodhiga kasoo dalaca ee xilalka (wasiir iwm) ka qabta DDS iyo ragga NGO'leeyda ahaan jiray. Qolada h**e (dabaqoodhigu), ma dhargaan, wax badanna ma dhigtaan. Waxbay boobaan, lala boobaa, inta badanna malaha xirfad-sare oo tuuganimo. Waa iska banaan‐ool woxoodu. Laakiin, qolada NGO'leedu, waa rag la yaable! Waxa aynu ku tilmaamikaraa sidii qof aan bisha Ramadaan maalin qudha ka soonin, haddana aan maalin qudha la arag isaga oo afurran, bal'e dadka la suxuurta lana afura!

Dhinaca kale, ninka dabaqoodhiga ah ee iska malaasan (badowga ah) lacagta uu xadaa magaalada iyo deegaanka dhaafi mayso; laakiin ninka NGO'yada kasoo aflaxay, waxa laga yaaba in uusan xitaa beer kabo ah ka iibsan deegaanka! Waayo? Kabaha uu xidhaa maba yaallaan deegaanka.

Si kooban, ninka dabaqoodhiga ah tuugnimadiisa waxaa ogaan kara Islaanta kolayga jaadka ah iibisa; laakiin ninka NGO'leeyda ah waxaa ogaan kara — alle ka sokow (Ilaahay xitaa inay ka dhuuntaan waa isku dayi lahaayeen hadday karaan) — saaxiibadiisii NGO'yada oo kaliya!

Adiga Maxay kula tahay?

Fadliga saliga nabiga {Scw} Saliga nabiga wuxuu kamid yahay acmaasha laqabto kuwa ugu fadliga badan, Wuxuuna yiri raasuu...
23/01/2025

Fadliga saliga nabiga {Scw}

Saliga nabiga wuxuu kamid yahay acmaasha laqabto kuwa ugu fadliga badan, Wuxuuna yiri raasuulku (Scw) bakhaylku waa ka agtiisa la igu sheegay ee aan igu salliyin.

Saliga nabiga (Scw) Waxaa laga helaa faa'iidooyin badan oo ay kamid yihiin, in laguu danbi dhaafo, in wixii aad ilaahay waydiisatay lagu siiyo, in muragada lagaa qaado, in ilaahay kugu saliyo (Saliga alle waa naxariis) iyo in malaa'igtuna kugu saliso ( Alle kuu baryaan )

Wuxuu yiri rasuulku (Scw) Qofkii igu saliya hal mar, ilaahay ayaa ku saliyi 10 jeer, Wuxuu kaloo yiri rasuulku (Scw) majiro qof i salaamaya, haddii uu i salaa-mana, ilaahay ayaa iisoo celiya naftayda si aan uga celiyo(qofkaas) salaanta},

إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِين آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا

"ilaahay iyo Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan”

aan badino Salliga xabiibkeena Maxamed { ﷺ } gaar ahaan Habeenka jimcaha,

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكَ عَلَى سَيِّدِنَا مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِهِ وَصَحْبِهِ

Address

Jijiga
251

Opening Hours

Monday 09:00 - 00:00
Tuesday 09:00 - 00:00
Wednesday 09:00 - 00:00
Thursday 09:00 - 00:00
Friday 09:00 - 00:00
Saturday 09:00 - 00:00
Sunday 09:00 - 00:00

Telephone

+252637440267

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SDN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SDN:

Videos

Share