14/04/2024
Maxay Israa'iil u duqaysay dhisme diblomaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay Suuriya?
Suurtagal ma tahay in Iran ay ka jawaabto ciidan ahaan oo ay gasho dagaal ballaaran?
Maxay tahay sirta ku jirta ka bixitaanka ciidamada Israa'iil ee Qasa, tanise ma waxay xiriir la leedahay dagaal ballaaran oo ay Israa’iil la galayso Xisbullah iyo Iran, mise Israa'iil ayaa dhab ahaantii isu diyaarinaysa inay weerarto Rafah?
Halkan waxaa ku jira taxane militari iyo fallanqeyn siyaasadeed oo arrintan ku saabsan;
14-kii sanno ee ugu dambeeyay, Israa’iil waxay dishay tiro badan oo jeneraalo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo saynisyahanno u dhashay Iran. In kasta oo Israa’iil ay si rasmi ah u qaaday hawlgallada qaar, haddana Iran k**a ay jawaabin weerarradaas oo kaliya waxaa ka jawaabay wakiiladeeda, halka mararka qaarkood ay iska dhego tirtay, waxa ku dhacaya. Si kastaba ha ahaatee, howlgalkii ugu dambeeyay oo ay fulisay Israa’iil dhawaan ayaa ahaa dilkii Jeneral ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, Mohammad Reza Zahedi, waxaa kalo isla duqeynta lagu dilay 7 sarkaal oo darajo sare haystay, waxaana markiiba weerarka loo qaatay midkii khasaaraha ugu badan gaarsiiyay Iran.
Ugu horrayntii, weerarkan waxaa ka horreyay, marka loo xisaabiyo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa, labo weerar oo muhiim ah oo Israa’iil ku beegsatay saraakiisha Iran, weerarrada h**e waxaa lagu dilay; la-taliyihii Ilaalada Kacaanka, Major General Reza Mousavi — midka kale wuxuu ahaa dilka sarkaalkii sirdoonka ee ciidamada Qudus ee Iran u qaabilsan sirdoonka dibadda, howlgallada, tababarka kooxaha iyo hubayntooda kaaso ahaa , Sadiiq Caamid iyo ku xigeenkiisii Xaaji Ghulam, iyadoo lagu duqeeyay dhismo ku yaalla Suuriya.
Midda labaad, weerarkan ayaa yimid kadib markii ay Iran indhaheeda ku aragtay dhowr qarax, oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo rayid ah, intii lagu guda jiray xuska dilkii Qassem Soleimani, kuwaaso ka dhacay dhulkeeda. Iran ayaan ka waaban in ay Israa'iil ku eedayso duqeymaha, iyadoo ay taasi jirto, jawaabta Iran ayaa ahayd mid aad u liidata, maaddaama ay jawaab aargoosi ah ka qaaday dhulkeeda, laakiin jawaabtu ma ahayn dhulka Israa’iil, balse waxay kaga jawaabtay duqayn Pakistan, kaddibna duqaynta Erbil, halkaas oo ay sheegtay in ay ku bartilmaameedsatay goob ay Mossad ku leedahay Erbil.
Marka saddexaad, weerarkii ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid halis ah, maaddaama Israa’iil ay ku xad gudubtay xeerarka caalamiga ah, ayna duqeysay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Suuriya. Arrintan ayaa loo arkaa inay xadgudub ku tahay heshiisyada caalamiga ah, isla markaana weerarkan ayaa loo arkaa mid si toos ah iyo mid guud loogu bartilmaameedsanayo Iran. Si rasmi ah weerarka wuxuu uga dhacay dhulka Iran, sababtoo ah sida ku cad heshiisyada caalamiga ah, dhismayaasha diblomaasiyada waxaa loo tixgeliya dhulka ka tirsan waddanka uu calankiisa suranyahay.
Marka la soo koobo, Israa’iil waxay Iran uga tagtay farriin ah , inaysan ku soo jawaabin wax kale oo aan ahayn inay si militari uga jawaabto, sababtoo ah haddii aysan jirin wax jawaab ah markan, dabeecadda Iran , waxay luminaysa kalsoonida xitaa taageerayaasheeda gobolka.
Haddaba sidee ayay Iran uga jawaabi doontaa weerarkan halista ah, mase laga yaabaa in arrintu isu beddesho dagaal ballaaran?
Sida aad la socotaan, jawaabtani waxay u baahan tahay jawaab ka timaada Iran lafteeda, oo aan adeegsan wakiillo, tani waxay la macno tahay in Iran aysan haysan wax kale oo aan ahayn inay hawada u isticmaasho si ay ugu jawaabto Israa’iil
Haddii hawada loo isticmaalo in laga jawaabo, waa maxay fursadaha Iran ee ay ku qaadi karto weerarro hawada ah?
Noocyada weerarrada ay qaadi karto Iran , waxay noqon karaan;
•Diyaaradaha dagaal.
•Gantaalada Ballistic-ga.
•Gantaalada Cruise.
•Diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ee is qarxiya.
> Hadii aan dhahno Iran waxay adeegsan doontaa diyaaradaha dagaalka si ay ugu jawaabto Israa’iil si la mid ah oo ay duqeyso dhulkeeda, markaas militari ahaan fursadda ay diyaarada Iran kaga badin karaan diyaaradaha Israa’iil ay heysato ee F35 waa wax aan macqul ahayn, kuwaaso hawada loo diri karo mar kasta oo ay oggaadaan in diyaaraddo dagaal ay soo galeen hawada Israa’iil, waxaana dhacaysa markaa in la burburiyo diyaaradaha Iran oo ay ku dhacaan gantaalada F35!
> Sida aad ogtihiin dalka Iran waxa uu ka mid yahay waddamada ugu horumaray dhanka warshadaha gantaalada ballistic-ga,waxana ay haysataa gantaalada riddada dheer oo gaari kara Israa’iil, isla markaanna burbur u gaysan kara bartilmaameedyada dhulka Israa’iil.
Laakiin dhinaca kale, Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah nidaamyada difaaca hawada ugu casrisan ee ka hortagga gantaallada ballistic-ga ah (Nidaamka Arrow) waxayna ku jirtaa kaalinta labaad ee adduunka marka laga reebo Mareykanka.
Maxaa faa'iido ah oo ay u leedahay ka-hortagga Iran haddii ay riddo boqol gantaal oo ballistic ah oo Israa'iil ay wada qabato iyaga oo aan gantaal ku soo dhicin dhulkeeda?
Taas beddelkeeda, arrintan waxaa loo aqoonsan doonaa guul-darro weyn oo Iran gaartay, waxaana halka ku gaaraysa fadeexad.
>Hagaag, haddii Iran ay go'aansato inay isticmaasho gantaalada cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya.
Dabcan, habkani waa mid aad waxtar u leh, gaar ahaan gantaalada ay xambaaraan diyaaradaha ismiidaaminta, sababtoo ah hubka noocan oo kale ah wuxuu isticmaalaa nidaamka meelaynta caalamiga ah si loogu dhufto bartilmaameedkiisa si sax ah.
Laakin ma xasuusataa warkii faafay maalmo ka hor oo ku saabsanaa Israa’iil oo adeegsatay tignoolajiyada aad u horumarsan si ay u jahawareerto nidaamka tilmaamaha iyo khadadka caalamiga ah GPS?
Jahwareerkani wuxuu gaashaan u noqday Israa'iil oo wuxuu gaaray xataa Jordan, Qasa, iyo badda Mediterranean-ka, taa oo la macno ah in Israa'iil ay isticmaashay taxaddar si ay u xaqiijiso jahwareer ku yimaada hagista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada cruise-ka haddii ay dhacdo in weerarro lagu soo qaado.
Sidaa darteed, waxaan dhihi karnaa Iran waxaa u haray laba doorasho oo waxtar leh oo kaliya si ay ugu jawaabto Israa’iil.
• Iran waa inay aadaa wakiilladeeda oo ay u diyaarisay hab ay u qaadi karaan weerarro aargoosi u noqon kara , khasaaraha iyo fadeexaada ka soo gaartay duqeynta dhismaha qunsuliyadda Suuriya.
• Midda labaad waa inay Iran weerarta xarumaha Israa’iil ee dhismayaasha diblomaasiyada oo ay ku leedahay adduunka.
Kaarka ugu muhiimsan uguna xoogga badan ee Iran ay ku dhibaateyn karto Israa’iil waa Xisbullah oo bilowda in ay dagaal ballaaran ku qaado Israa’iil.
Iran ma yeeli doontaa taa…?
Yaa la socday mowqifka Xisbullah tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa? Waxaad oggaanaysa inaysan Xisbullah marna qorsheyn dagaal ballaaran, oo kaliya ay doonayaan weerarro isku dhacyo kooban ah,taa oo ay xata Israa’iil si buuxda u garwaaqsatay.
Sidaa darteed, suurtagalnimada in Xisbullah ay billaabaan dagaal ballaaran oo ka dhan ah Israa’iil xilligan waa mid aad u liidata, gaar ahaan kaddib markii Mareykanku uu ku hanjabay inuu faragelin ku sameyn doono Xisbullah haddii ay weerar ballaaran ku qaadaan Israa’iil.
Laakin ka warran haddii Iran ay go'aansato in ay weerarto safaaradaha Israa'iil ee dibadda?
Aad ayey ugu adag tahay Iran in ay fuliso howlgallo ka dhan ah safaaradaha Israa’iil ee Yurub
sababtoo ah juqraafi ahaan waa ka fogyihiin, taasina waxay u baahan tahay shaqo sirdoon oo weyn, xitaa haddii ay ku guulaysato, waxay ka baqaysaa cunaqabataynta Yurub.
Inkasta oo Imaaraadka iyo Baxrayn ay juqraafi ahaan u dhow yihiin Iran,si kastaba ha ahaatee, suurtagal ma aha in Iran ay halis galiso xiriirka ay la leedahay labadan dal.
Hindiya iyo Shiinahana sidaas oo kale ma ay doonayso inay dhulkooda ku xad-gudubto.
Haddii Iran ay go'aansato inay qaado weerar la mid ah kan Israa’iil oo ay bartilmaansato dhismayaasheeda diblomaasiyada, waxaa laga yaabaa inay beegsato safaaradaha Israa'iil ee ku yaalla;
•Jordan
•Turkiga
•Asarbayjaan
•Waddamada Aasiyada Dhexe
Looma baahna in iyaga lagu beegsado gantaallo ama diyaaraddo aan duuliye lahayn, sababtoo ah haddii aad taas samayso, waxa loo qaadan karaa ku dhawaaqid dagaal. Laakin waxa furan ayaa ah howlgallo sirdoon iyo weerar qaraxyo ah oo ka dhaca.
Waxaa laga yaaba markii horaba inay Israa’iil, xisaabisay inay xaddidanyihiin hababka ay weerar jawaab celin ah ku soo qaadi karto Iran, waana midda ka dhigtay Israa’iil inaysan ka laba-labayn inay weerarto dhismaha qunsuliyada Iran ee Suuriya.
Laakiin waa maxay hadafka dhabta ah ee ka dambeeya in Israa'iil ay sii kordhiso weerarrada ay la beegsanayso Iran?
U fiirsada maalmihii tagay iyo xaaladda ay wajahaysay Israa’iil;
Mudaaharaadyo lagu dalbanayo in xukunka laga tuuro Netanyahu iyo Israa'iil oo qorsheynaysa inay duulaan ku qaado Rafah, waxay ahayd wixii aan ka maqalnay gudaha Israa’iil , waxa xigay khasaare iyo dhimasho badan oo ciidanka Israa’iil lagu gaarsiiyay Khan Yunis, koonfurta Qasa.
Halkan ayuu yaalla, nuxurka ; Israa’iil si arrimahaa oo dhan ay diiradda uga leexiso , waxay qaaday tallaabo ay sare ugu qaadayso xiisadda kala dhaxaysa Iran , taa waxay faa’iido u tahay maamulka Netanyahu, sidaas oo kale ayayna Iran u tahay.
Marka Iran ay ka jawaabto weerarrada ay la kulmayso oo ay beegsato Israa'iil , marka waxay isku dayi doontaa inay ka faa'iideysato dhacdada Israa’iil si ay dib ugu hesho naxariista ra'yiga dadweynaha Yurub. Waxay isku dayi doontaa inay qariso xasuuqa ka dhalan kara weerar kasta oo lagu qaado Rafah
Laakin sida aad ogtihiin waxaa jira mucaarad reer galbeed ah oo kasoo horjeeda duulaanka Israa’iil ee Rafah,sababtan awgeed, Israa'iil waxay u baahan tahay dhacdo caalami ah si ay indhaha uga leexiso dhacdooyinka Qasa. Tusaale ahaan, dagaalka Israa’iil ee Qasa waxa uu indhaha caalamka ka weeciyey dagaalka Ukraine.
Laakiin waxaa jira jahawareer, kaas oo ah haddii Israa'iil ay damacday inay weerarto Rafah, maxay ciidamadeeda ugala soo baxday Khan Yunis iyo Qasa..?
Haddii aan dhahno Israa'iil waxay la baxday guutooyinkaas si ay u dhigto jihada waqooyi ee Xisbullah, sidee ayay caqli-gal u noqon kartaa in la adeegsado ciidamo dagaal adag ku soo galay Qasa oo aad usoo daalay , oo loo galin karaa dagaallo hor leh, iyadoo aad haysato kayd ciidamo aan wali dagaallamin!
Israa’iil ma waxay ciidankeeda ul baxday, khasaare gaaray iyo dhimasho badan oo ay kala kulmeen dagaallada iska caabinta , taana ma waxa ka dhalatay inay lumiyeen awooddii ay ku xakameyn lahaayeen Khan Yunis? Waa suurtagal, laakiin tani lama hubo!
Ciidanka Israa’iil ayaa la baxay ciidamadooda si ay ugu diyaar garoobaan dagaal kale; haddii tani run tahay, sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil, markaas macnaheedu waa inay ciidanka Israa’iil haysato dhibaato la xiriirta tirada khibrada u leh dagaallada inay hooseeyaan, oo markii h**e culeyska oo dhan lagu tuuray Khan Yunis, taana ay qasbayso si loogu diyaar garoobo weerarka Rafah in isla ciidankaa loo helo oo dib looga soo saaro halkii ay ka howlgalayeen, maaddama aysan jirin ciidan kale oo awoodda duulaan kale. Balse, doorashadan ayaa ka dhigan in la daalinayo ciidamadii afarta bilood oo xiriir ah dagaallamayey, waxaana adag in ciidamada ay galaan howlgal cusub.
Intaa waxaa dheer, waxaa jira wax aan gebi ahaanba la fahmi karin ciidan ahaan; ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in sababta ay ciidamadooda ugala baxayaan ay tahay in ay isu diyaariyaan weerarka Rafah.
Hagaag, hadday arrintu sidaas ahayd, maxaa guutooyinkii looga saaray Khan Yunis?
Sababtoo ah haddii guutooyinka ay joogaan Khan Yunus, tani waxay siin doontaa ciidanka Israa'iil weerar jihooyin leh oo natiijo dhalin kara, oo joogitaanka ciidanka ee Khan Yunis waxay bixin lahayd fursad ah inay Rafah weerarro kala kulanto dhanka galbeedka ee badda , dhanka waqooyi iyo koonfurta, laakin hadda sida laga arkayo qorshaha Israa’iil, kaliya waxay Rafah ka weerarri doonaan dhanka bari, markaanna si cad waxay la kulmi doonaan khasaare weyn, maaddama ay siiyeen garoon ay ku dagaallami karaan kooxaha iska caabinta.
Haddii la isku dayo in go’aanka Israa’iil la sharraxo , waxaa soo baxaya aragtiyo badan, mid ka mid ah waa in Israa’iil ay isku diyaarinayso inay aqbasho dalabaadka Xamaas ee shuruud ka dhigtay inay ciidanka Israa’iil ka baxaan Qasa, si maxaabiista la sii daayo, si aan loogu malayn inay dalabka Israa’iil u hoggaansantayna waxay qaaday jiho kale iyadoo sheegaysa inay diyaar garow u baxeen, laakin sidaa ma aha mid h**ey looga arkay hab fikirka Israa’iil.
Waxaa jira aragti kale oo qasbaysa in sharraxada go’aankan lagu soo daro, waa inay Israa’iil doonayso hal jiho inay ka weerarto Rafah , sababta ay Khan Yunis u banaysana ay tahay inay furto waddo ay ku barakacayaan dadka ku sugan Rafah , iyagoo loo furayo waddo ay dib ugu laabtaan waqooyiga Qasa. Waxaana aragtidan xoojinaya in guutada ku hartay koonfurta Qasa looga tagay khadka kala qaybiyo waqooyiga iyo koonfurta Qasa , si aysan dadka ka barakacaya Rafah ugu noqon waqooyiga fog,sidoo kale Israa’iil waxa ay isku dayi doontaa in ay ku qanciso ra’yul caamka caalamka iyo dawladaha reer galbeedka ee ka soo horjeeda hawlgalka Rafah in ay waddo u furtay dadka rayidka ah.
Iman Jama