AFDUB MEDIA

AFDUB MEDIA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from AFDUB MEDIA, Media/News Company, Addis Ababa.

Waa warbaahin madax banaan oo dhaxdhaxaad ah kalasoco warar iyo barnaamijyo ku saleeysan Run & Raad Raac ku xirnoow marwalba & meel walba oo aad dunida kajoogto afdub media

28/06/2024
25/06/2024

16/06/2024

wanaagsan dhamaan umadda muslimiinta gaar ahaan bulshada soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Saraakiisha beelweynta reer ciise iyo odayaasha dhaqanka beesha ee dagmada buula barde ayaa sagootin heer...
10/06/2024

Qaar ka mid ah Saraakiisha beelweynta reer ciise iyo odayaasha dhaqanka beesha ee dagmada buula barde ayaa sagootin heerkeeda sareeyo u sameysay ugaaska beesha Ugaas Abuukar Imaam Osman Imaan Salaad iyo nabadoonka guud ee beesha Nabadoon Abukar Axmed Nuune oo malmahaan ku sugnaa dagmada buula burte ee gobalka hiiraan.

10/06/2024

Marka salad subax lagu kiciyo adigoo hurdo macani ku hayso , oo diraca walasha aad umalayso khamiiskaagii 😅😅

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii ay heshay 179 cod.Golahan oo ...
06/06/2024

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii ay heshay 179 cod.

Golahan oo lagu gorfeeyo arrimaha waaweyn ee Caalamka ayay Soomaaliya ka mid ahaan doontaa tan iyo sannadka 2026 ka.

Maahmaahyadii iyo Murtidii Muuse-cawl.“Taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawima’e“ af-qallooc  Af-Soomaaligu waa af aa...
02/06/2024

Maahmaahyadii iyo Murtidii Muuse-cawl.

“Taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawima’e“ af-qallooc

Af-Soomaaligu waa af aad u ballaadhan, oo hodan ku ah murti iyo maahmaaho badan. Maahmaahda ama murtidu waxay ku timaadaa dhacdo ama arrin qofka qabsata oo uu shaqsigu isagoo dhacdadaa ka duulaya uu hadal miid ah oo ku cabbiro dareenkiisa, hadalkaas oo u badan mid sarbeeban ama maldahan. Odhaahda murtiyeysani ma hanaqaaddo dadkuna aad uma hadal hayo haddii aanay ku qotomin dareen dhab ah oo maskaxda qofka xoodaamiyey
Inta badan maahmaahyada iyo murtidu sida ay ku baxeen iyo ruuxii yidhiba aad looma yaqaano amarka alle se murtidaasi haddii ay tahay mid dareen ku qotanta waa ay faaftaa oo waxay noqotaa mid goobaha fagaaraha ah hadalka lagu qotamiyo si kor ka haadin ahna u jeedka loogu saafo.

Halkan waxaan kusoo qaadanaynaa maahmaahyo kooban oo la yaqaano abkooda iyo qisadoodaba lagana hayo Caaqilkii muuse guuleed xildiid faarax barkad ahaa oo loo garan ogyahay muuse-cawl,

Muuse cawl waxaa la sheegaa xiligiisii inuu ahaa ninkii carro ogaadeen oogu caqliga garnaqsiga murtida iyo maahmaahda badnaa waxuu ahaa nin tol iyo sokeeye jecel in ay ka fursan waydo mooyee aan colaadda doonin oo nabaddoon iyo caaqil ah xiliyo, goobo, iyo dhacdooyin kala duwan ayuu ka yidhi hadalo murti iyo maahmaahyo caan ah noqday soomaaliduna aad u adeegsato, guuleed xildiid oo aabaha muuse-cawl dhalay ah wuxuu ka mid ahaa raggii xiligiisii oogu xoolaha iyo ragga (wiilasha) badnaa jilibkiisa habarceli (makaahiil) gaar ahaanna muuse gumcadle wuxuu kaloo ka mid ahaa odayaashii guurtida ahaa ee saldanaddii ogaadeenka oo xiligaas la sheego inuu hayay ugaas warfaa-aar ugaas magan, jifaddisana hogaanka u hayay.
Muuse-cawl oo gurigaa guryaha ka soocnaa ka dhashay ayaa booskii madaxtinimo ee aabihii galay haase yeeshee ragganimo dheeri ah, deeqsinimo aan hagrasho lahayn, tol isku wad iyo murti faaftay dheeraaday oo guri walba oo ogaadeen, daarood ama soomaaliyeedba hadalkiisu gaadhay sokeeyaha wuu u xeer dhigan jiray shisheeyaha ama colkay is hayaanna ma uusan maaggi jirin ayaantase tolkii lagu daqaqamo sida lasheegay wuxuu ahaa geesi kolkaba senguhu u heenseeya, hootada iyo warranka midigaysta, taas oo sababtay in nin kastoo tolwaynaha ah oo meeqaamka guud iyo marxaladihii adkaa ka hadlaya uu noqdo ninka koobaad ee uu magaciisa ku muusanaabo oo inta maankayga xusuusta yar kusoo dhacday ay ka mid yihiin

Celi baa xukuma muuse-cawl, ceebsanaa hadalku
-yuusuf colaad
Dhulkanna muuse-cawl kuma ogi miriyo joofeey
-dhoodaan
Muuse-cawl hadduu noolyihiyo nuur ugaas maganba
-cabdi saahid
Goofkii muuse-cawliyo hadduu raaskii garan waayo
-ina cilmooge

Haddii aan intaa kaga soo gudbo tilmaanta shaqsiyadeed ee muuse-cawl, waxaa laga hayaa weedhahan murtida iyo maahmaahda halku dhigga noqday iskugu jira ee hoos ku taxan waxaan isku dayi doonnaa inaan wax uun ka sheegno dhacdooyinkii ay murtidani ku timid.

1. Waxaa la yidhi Muuse cawl ayaa lagu yidhi oday hawl markaa taagneed gala ayaa loo baahanyahay deedna wuxuu yidhi
“ ma waxgarad baa loo baahanyahay mise oday”
taasoo ka dhigan inaan garashadu da’da ku xidhnayn.

2. Waxaa la yidhi muuse cawl ayaa heer meel dagan soo martiyay sidii dhaqanku ahaa ma aysan sooryaynine waa ka seexdeen oo habbeenkii asagoo qatan ayuu jiif u galbaday. Waabarigii h**e ayuu ninkii reerka lahaa Ku yidhi sadex xaalo oon leeyahay hadaad ogaan lahayd ima aadan qadiseen.

Quudhis ogidayda
Qaadis yaridayda
Iyo qatin dherarkayga

Taasina hal ku dhig sadexleey ah oo raggu isku tilmaamo iyagoo malahayga ka galaya faan halkiisa oogu saraysa ayay noqotay.

3. Muuse-cawl ayaa nin ay ilmo adeer yihiin oo fagaase sacdi la odhan jiray oon dadka garnaqsiga ku fiican ahayn iyo ninkale ayaa Hal isku qabsaday waxay doodii dheerataba markii dambe ayaa geedka la isla yimid muuse ayaa ku yidhi war aan garta kuu galoo hasha kuu dhiciyee hawsha banaanka iiga mar ninkii ay ilma adeerka ahaayeeni malaha waxay ula muuqatay yasid kadibna wuu diiday oo “ AF JOOGA LOOMA ADEEGO “ ayuu ku tiraabay gartiise kuma uusan guulaysan oo waa laga gar helay

Muuse-cawl ayaa maqlay arrinkii kolkaasuu u yimid ugaaskii ogaadeen waydiiyayna

“ ugaas tiisa ma mahadiye,
Taada ma yeele
tuu falaaba ku qabsatay,
Sidee loogu taliyaa “

Ninkii garta goynayay oo ay dadka qaari sheegaan inuu ugaas nuur cubudhiye ahaa ayaa ugu jawaabay:
“muusoow waa la iska daba eedaa “ Kolkaasuu yidhi: Hadaba ugaas gartii hasha ii celi, waan daba eedayaaye “ sidiibaana gartii loogu celiyay kuna dhacsaday hashiisii

4. Nin ay isku jilib ahaayeen ayaa muuse-cawl ku eedeeyay in gogosha uu ka garamo ay tahay midda xigaalkii ama ehelkii oo uusan jifada uu madaxda u yahay isku si wax u dhicintooda iyo gar-u-naqidooda uusan isku si ugu hagar bixin muuse-cawl isma uusan dhibine wuxuu oogu jawaabay

• TALO NIN LEH BAA U GALGASHA, TOLNA WAA U GURMADAA “
jawaabtaasina maahmaah bay noqotay.

5. Muuse-cawl ayaa nin ay kaftan is wadaag ilmo adeer ah oo sku hayb ah kalase jifo ahaayeen waa suldaan zfooleey aadan hareeri e ayaa ku yidhi muusoow intaynu ood wadaagta ahayn maxaad dhaliil ah ood ii haysaa ?
Intuu kor iyo hoos u dhawray buu xasuustay inuusan salaadda tukan kabo la’aanna yahay oo cava cadyahay kolkaasuu aayar ku yidhi :

“Aduunkana u kabo li’id
Aakhirana u salaad li’id “

Muuse ayaa markiisii waydiiyay anigana maxaad igu haysaa oo dhaliil ah ?
fooleeybaa oogu jawaabay “WAAD SAMIR XUNTAHAY oy sababtu tahay intaad boqolle iga dishay baad hal magteed isoo doonatay “

6. Waxaa la yidhi: Muuse Cawl baa subax qaabbilay niman Ogaadeen ahaa oo ka yimid Ximan iyo Galguduud, sidii dhaqanku ahaa soo dhawayn iyo marti-soor ka dib waa la is waraystay
Kolkii axwaasha iyo xaaladaha la is dhaafsaday ayay u xan warameen ooy ku yidhaahdeen,
“war muuse-cawloow qolyihii aanu soo marnay waa Marreexaan’e baan geedkoodii shirka oo aan tagnay kaa caayayey”

Kolkaasuu halkay ka sugayeen inuu yidhaahdo maxay la haayeen buu ku yidhi : “Maxay ii caayaan col baan nahaye” weedhaas oo maantaa ka dib noqotay hal-ku-dhig ay soomaalidu u adeegsato kolkuu nimaan is haysaan wax kaa sheego, sida muuqatana waxay ka turjumaysaa in ruuxaad colawdeen aadan cay iyo ceeb uusan lahayn u raadin waana xeer nin raggeedka qabta.

7. Muuse- Cowl wuxuu kaloo yidhi;

“Ninkii Reer Fiqi Cismaan ah ee laga maqlo Boocle, wuu dhaadanayaaye ha la dilo.
Kii Reer Saleebaan ah ee laga maqlo Booclena wuu dhaaranayaaye ha la dilo”
Halkaas ayaana lagaga baaqsaday godob iyo colaad dabo dheeraata.

8. Jeer kale Waxaa la waydiiyay muusoow dadka yaa kuugu darran ?
Isagoo u daliishanaya jixin jix la’aanta iyo calool adayg ka sal ah niman ay hayb wadaagaan ayuu ku tilmaamay inay uga shisheeyaan hayb kale oo ay jifadiisa col ahaayeen “Wuxuuna ku war celiyay;

“Sokeeyana Marreexaan baa iigu daran, shisheeyana Abraahiin “

9. dhawr jeer oo gogol la iskugu yimid ayay nimankii ay is hayeen ku yidhaahdeen walba waxaas iyo waxaas baad noo tahay oo ay malahayga isaga ku calool dabacsanayeen dharaartii dambe ayuu yidhi

“Marreexaan waxaad u tahay buu yaqaannaaye, wuxuu kuu yahay ma yaqaanno” waxbaad noo tahaydii af-jigidda ahaydna sidaas bay ku hadhay

10. Jeer Kalaa loo sheegay in reer aadan samatar oo ah niman jifadda muuse gumcadle ah isku uusan wax maslaxo ka talin ah dhac, dil iyo qaad moooyee in xoolo ay soo dhaceen ay celiyeen arrinkii ayaa muuse ka dagi waayay isla kobtii asagoo fadhiya ayaa Loo sheegay inay xoolihii ay celiyeen iyo kuwo lagu darayba soo dhaceen kolkaasuu yidhi baa la yidhi isagoo muusoonaya.
“Aadan samatar qalooc arkaya, qumani muxuu ku fali “ weedhaas oo maalintaa ka dib noqotay mid qoyskii kolkay wax gaystaanba loogu maahmaaho

Bal aan intaas kusoo afmeero murtidii iyo maahmaahyada muuse-cawl een laga gayoon karin halkana aanan kusoo idlayn karin.
Adigu maxaad ka haysaa murtidii abwaan muuse-cawl hoos nagula wadaag ?

•Fiiro gaar ah: inta aynu qormadan gaaban ku dhex jirnay waxaad arkaysay magacyo beeleed iyo waxyaalo la xidhiidha oo laga yaabaa in dadka qaar ay si kale ula muuqdaan haddaba waxaan uga soconaa waa taariikh uun waayo taariikhda iyo suugaanta soomaalida badankeed lama garan karo in sidaa reernimada ah loo qeexo mooyee waana sababta aan meeriska xaaji af-qalooc ciwaanka uga dhigay

“Taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawima e
Adoo Male gudaya baad yaqiin, marar ku gaadhaaye
Maankaaga waa inaad taqaan meel waxa yaal e. “

Sawirku kaydinta qormada ayuu qayb ka yahay.

01/06/2024

Qabaa'ilka Baana ee kunool dalka:::::: Ethiopia 🇪🇹
Ayaaa Qaatay diinta islaamka Mshaa laaah ✅
Masha allaah

Waxaa maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada DDS shirkaasi oo ujeedkiisu ahaa sixidda qaladaadka iyo aayo katalinta de...
27/05/2024

Waxaa maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada DDS shirkaasi oo ujeedkiisu ahaa sixidda qaladaadka iyo aayo katalinta deegaanka .

Shirkaani oo la isugu yeeray ururada mucaaradka sida Diil wabi, wslf iyo Feb.
shirka ayaa ka qabsoomay xarunta madaxtooyada DDS.

Agendaha laga wada hadlay galabta ayaa waxaa kamid ah:-

● Qiimaynta xisbiga talada deegaanka haya ee spp.
● Sixitaanka wixii ka khaldan geedi socodka barnaamijyada spp da ee deegaanka.
● ka wada hadalka xaalada deegaanka ee hada.
● ka wada tashiga xaalada deegaanka ee bari.

Waxaa si'wanaagsan u socday maalmahaan xaqiijinta tayada Waxbarashada iyo  diyaar  garoowga ardayda ee dhanka  imtixaank...
22/05/2024

Waxaa si'wanaagsan u socday maalmahaan xaqiijinta tayada Waxbarashada iyo diyaar garoowga ardayda ee dhanka imtixaanka 12-ka ee heer qaran kaasoo dhicidoona maalmaha inagusoo aaddan.

Kormeerkaani oo aay si'wadajir ah u sameeynayeen madaxa Xafiiska Waxbarashada degmada Qallaafe cali cabdi cabdille
Af-hayeenka Baarlamaanka degmada Qallaafe cali cabdullaahi cabdi & af-hayeen ku-xigeenka Baarlamaanka
Kormeeraha dugsiga sare walaal cali yuusuf.

Sidoo kale ardayda ayaa waxaa kamuuqata diyaar garoow wanaagsan ee imtixaanka qaranka kaasoo dhicidoona bisha 10-aad horaanteeda.

  .Waxaan hambalyada Laqebsaneeynaaa    oo Golaha Maamulka Jaamacadda Qudus ay umagacaabeen Guddoomiye ku-xigeenka Adeeg...
20/05/2024

.

Waxaan hambalyada Laqebsaneeynaaa
oo Golaha Maamulka Jaamacadda Qudus ay umagacaabeen Guddoomiye ku-xigeenka Adeegyada Ardayga iyo Diiwaan-hayaha .

Hufnaantaada iyo khibraddaada.
waxaan rajeynaynaa in aad ka soo bixi doonto doorka laguu magacaabey aadna tahay qof qibradeeda leh runtii dhiirigelin u leh.
Waxaan rajeyneynaa saameynta wanaagsan ee aad ku yeelan doonto doorkan cusub ama jagadaan cusub.

DEG DEG: Ka dib 16 saacadood oo la baadi goobayey, waxa la helay maydka madaxweynihii dalka Iran Ibraahin Raiisi iyo was...
20/05/2024

DEG DEG: Ka dib 16 saacadood oo la baadi goobayey, waxa la helay maydka madaxweynihii dalka Iran Ibraahin Raiisi iyo wasiirkiiisi arrimaha dibadda Xuseen Cabdillaahiyayn oo diyaaraddi shalay kula dhacday gobolka bariga Azerbaijan.

Wuxuu ahaa 63 jir siyaasadda ka soo galay dhinaca garsoorka gaar ahaanna del dellaada dadka mucaaridka ku ah dawladda.

Wuxuu ka mid ahaa dadka ugu cad cad ee loo saadaalinayey in ay beddelaan duqa ruuxiga ah ee Ayatullaah Cali Khumayni wuxuuna ahaa nin dalkaas aad looga jecel yahay.

Geeridiisa waxa loo sababaynayaa in aanu ahayn shil iska dhacay balse uu ahaa loollan kursi kala riixasho oo isla gudaha dalka Iran.

Arrimaha la yaabka leh waxa ka mid ah in diyaaradda uu la socday ay ahayd mid duuga waxana lays waydiinayaa sababta uu u raaci waayey diyaaradaha safarka ee aqalka Madaxtooyada!

Xalay lagama seexan Iran dadkuna waxay tubnaayeen shaaricyada iyaga oo u ducaynaya in uu Ilaahay hoggaamiyohooda soo nabad saaro.

Diyaaradda uu Turkigu lee yahay ee AKINCI ayaa qaybta ugu weyn ka qaadatay raadinta Ibraahim Raiisi taas oo muujinaysa in uu Turkigu dhinaca diyaaraddaha kaga horumarsan yahay Iran.

Ol'olaha Khalliinka indhaha ee Qallaafe. Waxaa maalmahaanba kasocday degmada Qallaafe qalliinka indhaha ama (indho fiiq)...
16/05/2024

Ol'olaha Khalliinka indhaha ee Qallaafe.

Waxaa maalmahaanba kasocday degmada Qallaafe qalliinka indhaha ama (indho fiiq) kaasoo laga fuliyay degmada waxaana ka faa'ideeystay dad gaaraya 425 oo isugu jira 160 loosameeyay qaliin .

iyo sidoo kale 265 isugu jira kubo daweyn loosameeyay iyo kubo aay dhinteen indhahooda oo aan wax xal ah laheyn.

Dadkaasi oo la, dhibanaa aragga oo annan awoodin qarashkii aay kutagi lahaayeen goobaha laga helo qaliinka indhaha sida jigjiga ' dira dhaba iwm ayaa fursad u helay in si'bilaash ah loogu fiiqo indhaha iyagoo guryahooda jooga.

Sidoo kale dadka loo fiiqay indhaha ayaa u mahad celiyay dowladda iyo cid kasta oo soo abaabushay howshaani.

Dhaqatiirtaani indhaha ayaa lafilayaa inaay gaari doonaan mustaxiil iyo feer feer si bulshada degmooyiinkaasi ugu fidiyaan indho fiiqa .

Fg. Waxaan bulshada labadaasi degmo ee mustaxiil iyo feer feer ugu baaqeeynaa inaay ka faa'ideystaan fursaddaaij qaaliga ah

  waa warbaahin madax banaan oo dhaxdhaxaad ah kalasoco warar iyo barnaamijyo ku saleeysan Run & Raad Raac ku xirnoow ma...
15/05/2024

waa warbaahin madax banaan oo dhaxdhaxaad ah kalasoco warar iyo barnaamijyo ku saleeysan Run & Raad Raac ku xirnoow marwalba & meel walba oo aad dunida kajoogto afdub media

Waxaa baadhis lagu sameeyay cudurka ku dhacay dalaga beeraha gaar ahaan basasha oo ay maalmahan ka cabanayeen  beeralayd...
14/05/2024

Waxaa baadhis lagu sameeyay cudurka ku dhacay dalaga beeraha gaar ahaan basasha oo ay maalmahan ka cabanayeen beeralayda gobolka Shabeelle .

Xubno ku takhasusay culuumta baadhista cudurada ku dhaca dhirta (plant pathology) kuwaas oo ka kala socday xarumaha cilmi-baadhista heer dal oo ay waheliyaan khabiiro ka soday Wasaarada Beeraha ee dalka iyo Xafiiska Beeraha ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxay badhis ku sameeyeen cudurkan safmarka ah ee ku dhacaya waxsoosaarka basasha si loo helo daawadiisa iyo waxa keenay madaama uu yahay cudur hor leh oo aysan horay u arag beeralaydu.

Khabiiradan ayaa sidoo kale baadhistaasi kadib sheegay in todobaadyo kadib la shaacin doono daawadiisa iyo sidii xal looga gaadhi lahaa.

Waxaa gebi ahaanba istaagay isu socodkii gaadiidka u kala goosha Tuulooyinka Hoosyimaada Degmada qalaafe Taasoo aay saba...
08/05/2024

Waxaa gebi ahaanba istaagay isu socodkii gaadiidka u kala goosha Tuulooyinka Hoosyimaada Degmada qalaafe Taasoo aay sababtay burbur ku yimid buundadii isku xirka u aheyd Tuooyiinka ama qabaleeyada bariga iyo kuba qorraxsinka ee degmada Qallaafe.

Haddaba waxaan xukuumadda dowladda deegaanka soomaalida gaar ahaan xafiisyada ku shaqada leh ka codsaneynaa inaay si' degdeg ah ugaaraan buundadaasi burburka qarka usaaran islamarkaana dayactir ugu sameeyaan bulshadaasi danyarta ah .

Sidoo kale maamulka degmada Qallaafe iyaguna waa inaay kashaqeeyaan sidii loogaarsiin lahaa xafiisyada kushaqada leh arintaani islamar si-degdeg ah wax looga qaban lahaa buundada halista ugu jirta in aay burburto ama dunto.

Iyadoo weliba laga cabsi qabo in wabiga sameeyo fatahaad oo uu biyo saa,id ah uu keenay .

Maareyn xumada kamuuqa kiiska dilka ah ee uu geystay sayid cali macalin .Tusaalaha ugu Fudud ee Cadaalad darida ka jirta...
05/05/2024

Maareyn xumada kamuuqa kiiska dilka ah ee uu geystay sayid cali macalin .
Tusaalaha ugu Fudud ee Cadaalad darida ka jirta Dalka Soomaaliya.
Dal aan caddaalad laheyn dowladi k**a hirgasho xaqiiq .
Haku daalina riwaayadaha idiin daaran.

Hawiye' Daarood' Dirr iwm qabiil dowlad manoqdo.

Waxaa isasoo taraya cabashada kasoo yeereysa beeraleeyda deegaanka gaar ahaan beeraleyda gobalada shabeele iyo liibaan ....
04/05/2024

Waxaa isasoo taraya cabashada kasoo yeereysa beeraleeyda deegaanka gaar ahaan beeraleyda gobalada shabeele iyo liibaan .

Cabashadaasi oo ku aaddan cudur cusub oo ku dhacay dalagga basasha kaasoo aay ku sheegeen bulshada beeraleyda ah kaduudiye ama marooriye basasha islamarkiiba qalajinaya caleenta iyo barida basasha.

Basashu waa waxsoosaarka ugu badan labadaasi gobal waana isha daqliga ka hesho dowladda deegaanka' sidaasi daraadeed waxaan u soojeedinayaa dowladda deegaanka.

gaar ahaan xafiisyada aay quseeyso arimaha beeraha in aay daraasaad kusoo sameeyaan waxa uu yahay cudur kaani ku dhacay basasha nooca uu yahay iyo sidii daawo loogu heli lahaa.

29/04/2024

Qorshaha fog ee oromada aay ku dooneeyso inaay ku qaadato dhulka Soomaalida

27/04/2024

View

26/04/2024


?
maxaase keenay inay qaatiyaan ka istaagaan. Waa yaab dumarkii yaradka laga dhiibi jiray oo rag loo iibinayo maanta.

Address

Addis Ababa

Telephone

+251713470097

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AFDUB MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Addis Ababa

Show All