23/07/2024
Naag New Zealand u dhalatay ayaa ninkeedii dhintay, baabuurkiisii Mercedes ka ahaa ayey suuqa gelisay si ay u gado waxay ku dhejisay warqad ku qoran magaceeda iyo number keeda iyo lacagta ay ku gadeyso oo ah $1. Akiid qof walboo ag maro waa fiirinaa markuu lacagta arko wuu ka dhaqaaqa been iyo ula jeedo kale in laga wado ayey u fasirteen. Markii dambe oday waayel ah ayaa number kii wacay si uu uga hubsado arinta inay run tahay iyo inkale, run waaye ay u tiri ciladna ma qabo baaburka wuu fayow yahay hadaad rabtid iska soo baar ay u raacisay, wuu gatay halkii dollar ayuu dhiibay baaburkii ay ku wareejisay, intuu dhaqaaqin wuxuu wareystay sababta ay ugu gaday hal dollar?
Waxay tiri ninkeyga xafiiskiisa gabar ayaa la shaqeyneysey oo hoos jooge u ahayd, gabadhaas iyo asigana xiriir ayaa ka dhexeeyey, marka intuu dhimanin wuu dardaarmay in baaburkaan la gado oo lacagta lagu gadayna gabadhaas la siiyo, anigana dardaarankiisa ayaan oofiyey waa gaday lacagtana waa u geynaa ay tiri๐คฆ๐ฝโโ๏ธ
W/Q :- ENG Hassan kaafi