AARAN TV

AARAN TV Warar, Warbixino, Wareysiyo iyo Barnaamijyo arrimaha Bini'aadanimada kala soco Aaran Tv đź“ş

08/06/2024

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka ayaa jilibka u dhigay kooxda khawaariijta ah oo damaacisay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Khawaariijta ah jab xoogan ayaa lagu gaarsiiyay,waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka u suuragashay in ay wiiqaan argagaxisada.

Si buuxda waxaa gacanta uga haayo Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta

Taliyihii Ururka 3aad ee Daraawiishta Booliska Soomaaliya ee gobalka Sh/dhexe oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe.
03/06/2024

Taliyihii Ururka 3aad ee Daraawiishta Booliska Soomaaliya ee gobalka Sh/dhexe oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa Saciid Cali Maxaamuud u magacaabay Taliyaha Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ee Go...
02/06/2024

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa Saciid Cali Maxaamuud u magacaabay Taliyaha Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ee Gobalka Benaadir {Taraafikada}.

01/06/2024

Taliyihii Saldhiga Degmada Berdaale ee Gobolka Baay iyo Saraakiil kale ayaa Ku Geeriyootay Dagaalka qaraar oo ilaa haatan ka Socda Degmadaasi.

Dagaalkan oo saaka bilowday ayaa u dhaxeeyaa maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo ciidanka Koonfur-Galbeed, waxaa jira qasaaro dhimasho iyo dhawaac leh oo kala gaaray labada dhinac.

Sida ay ilo deegaanka ah xaqiijiyeen dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay saaka magaalada soo weerareen maleeshiyo beeleedka.

Safaaradda dowladda Jarmalka ayaa been abuur ku tilmaantay qoraal lagu faafiyay Baraha Bulshada 24 saac ee la so dhaafay...
31/05/2024

Safaaradda dowladda Jarmalka ayaa been abuur ku tilmaantay qoraal lagu faafiyay Baraha Bulshada 24 saac ee la so dhaafay

Qoraalka waxa lagu sheegay in caqabad dhinaca luqadda ah ay jirto marka lala macaamilayo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed.

Safaaradda Jarmalka ayaa barteeda X soo dhigtay qoralkan "Safaaradda Jarmalka waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in "qoraalka" lagu sheegay inuu ka yimid xafiiskeenna uu yahay been-abuur. Qofka magaciisa ku xusan "qoraalka" wuxuu safaaradda ka tagay sannado ka hor."

Qoraalka ayaana lagu soo gabagabeeyey mahdnaq loo jeedinayay saaxiibada Jarmalka.
"Waxaan dhammaan bah-wadaagta uga mahadcelineynaa wadashaqeynta."

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliska Degmada Hodan ayaa soo xiray Asmar Daahir Faarax oo ku...
29/05/2024

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliska Degmada Hodan ayaa soo xiray Asmar Daahir Faarax oo ku eedeysan falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay na soo gaarsiiyaan xogta halka ay ku suganyihiin shakhsiyaadka ku kaca falalka anshax darrada ah, si aan u wada badbaadino mustaqbalka jiilka soo koraya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Soomaaliya.

28/05/2024

Midowga Yurub ayaa wax Iska weydiiyey sidii cuna qobateen loo saari lahaa Israa'iil, haddii ay diiddo go'aanka Maxkamadda ICJ oo faray in ay dhaqso u joojiyaan duulaanka Qasa gaar ahaanna marinka Rafax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ku-s...
28/05/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna mudane James Swan.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

28/05/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii afaraad muddo labo bil gudahood ku tagay magaalada Nairobi.

27/05/2024

Mudanayaasha barlamaanka 12aad ee waddanka Iran ayaa lagu daah furay dhambaal ugu yimid hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaasi Sheekh Ayatullah Sayyid Ali Khamenei.

Hoggaamiyaha ayaa dhambaalkiisa ku sheegay muhiimadda ay leedahay sii joogtaynta iyo xoojinta dimuquraadiyadda, iyadoo aan la baalmarayn diinta iyo ku dhaqankeeda.

Ayatullah Khamenei ayaa sheegay in xubin kasta oo ka tirsan baarlamaanka ay tahay wakiil ka socda guud ahaan qaranka taas oo la macno ah in shaqada ugu weyn ee xildhibaanada ay tahay ilaalinta danaha dalkaasi.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay in DFS ay howlgal amni ka fulisay deegaanadeeda.
27/05/2024

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay in DFS ay howlgal amni ka fulisay deegaanadeeda.

Manchester United oo ku guuleysatay koobka FA Cup-ka, ayaa xilli ciyaaredka soo aadan ka ciyaari doonta tartanka UEFA Eu...
25/05/2024

Manchester United oo ku guuleysatay koobka FA Cup-ka, ayaa xilli ciyaaredka soo aadan ka ciyaari doonta tartanka UEFA Europa League.

Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cada...
24/05/2024

Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib).

Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidanka Qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan.

Fartuun Nuur Maxamed ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu helay kicin bulsho i...
23/05/2024

Fartuun Nuur Maxamed ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu helay kicin bulsho iyo inay madaxda dalka Aflagaadeysay.

Madaxweyne Saciid Deni “La Isma maquuni karo lamana is-dardari karo, Dalkaan meesha uu aadayo halaga wada hadlo, Puntlan...
22/05/2024

Madaxweyne Saciid Deni “La Isma maquuni karo lamana is-dardari karo, Dalkaan meesha uu aadayo halaga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi, waxay diyaar u tahay inay garbaxdo”

Saciid Deni ayaa sheegay in aanay suuragal aheyn sharciga marka lagu tumanayo in aanan la isku eegin, isagoo u soo jeediyay Dowlad Goboleedyada muddo xileedka ka dhacay in la helo cid qabato waxa sharci iyo heshiiska siyaasadeed lagu yahay.

Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dawladda Falastiin.
22/05/2024

Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dawladda Falastiin.

Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka w...
21/05/2024

Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka waday degmadaas, kuwaas oo gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado dhaliyey oo khasaare sababay.

Booliska oo soo bandhigay sawirrada dadka lasoo qabtay ayaa sheegay in la horgey doono maxkamad.

21/05/2024

Agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta sameeyay magacaabiddii u horreeyay, Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir ayuu magacaabay Cabdifataax Shaaweey.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Cabdiqaadir Xaayow.

Muxiyaddiin Warbac oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Kaaliyaha Amniga ee hey’adda NISA.

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu shaacinaayay Degmooyinka cusub oo seddax ah,...
19/05/2024

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu shaacinaayay Degmooyinka cusub oo seddax ah, kuwaasi oo h**ey u ahaa Deegaano (Degmada Garasbaaley, Degmada Gubadley iyo Degmada Daarusalaam) waxaana Degmooyinkaan oo buuxiyay shuruudihii Degmonimo xeer kusoo saaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

19/05/2024

Diyaarad wadday Madaxweynaha dalka Iiran Ebrahim Raisi, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Hossein Amirabdollahian iyo xubno kale oo ka tirsan dowladiisa ayaa ku burburtay bariga dalka Azerbaijan. Gaar ahaan magaalada Jolfa oo u dhaw xuduuda labada wadan ee Iran iyo Azerbaijan.

Wararka ayaa sheegaya in cimiladda oo xun ay keentay in diyaaradda ay burburto.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa ka qeyb galayay kullan dublumaasi.

Howl-wadeeno dhinaca gurmadka deg deg ah oo ka socda dalka Iiran ayaa baadi goobaya diyaaradda uu saarnaa Madaxweynaha dalka Iiran.

Booliska qeybta gobolka Banaadir oo soo bandhigay Gabdho caan ka ah Tiktok. Kuwaas oo ay ku sheegeen inay rabshado ka wa...
19/05/2024

Booliska qeybta gobolka Banaadir oo soo bandhigay Gabdho caan ka ah Tiktok. Kuwaas oo ay ku sheegeen inay rabshado ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ru...
18/05/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ay...
18/05/2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kullan soo dhoweyn iyo Isxogwaraysi ah la qaatay Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ee kala ahGaraad Jaamac Garaad Cali, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullahi iyo Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

18/05/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkii saddexaad oo xiriir ah muddo bil gudaheed waxaa uu maanta ku tagayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo todobaad ka hor uu halkaas booqasho todobaad ku dhow qaatay uu ku tagay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xasan Sheekh ayaa bishii h**e ee April labo jeer tagay Nairobi, mid ka mid ah safarkaas wuxuu uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Safarka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku xoojinayaan isbaheysigooda dhanka Gobolka, waxaana arrimaha gaarka ah ee ka wada hadlayaan ka mid ah booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto uu 23 bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

18/05/2024

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shaqaddii garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ayaa tan iyo shalay ha-kad ay ku jirto, ma cadda ilaa iyo hadda sababta arrintaas ka danbeeso.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali oo Maxkamadda sheegtay inuu gubay xaas...
15/05/2024

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali oo Maxkamadda sheegtay inuu gubay xaaskiisa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noq...
15/05/2024

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaa kalo oo uu hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM. wuxuuna h**e u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa si kumeel-gaar ah xilkan u sii haynaya, kaddib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeyn tuugo shacabka ku dhaqan degmada Hiliwaa, Moobileed...
13/05/2024

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta ku soo dhigeyn tuugo shacabka ku dhaqan degmada Hiliwaa, Moobileeda iyo agabka kale ay wataan ka dhaca.

Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaas ayaa maanta lagu Caano Shubay Gobolka Hiiraan. Waxa uu noqonaya...
13/05/2024

Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaas ayaa maanta lagu Caano Shubay Gobolka Hiiraan. Waxa uu noqonayaa Ugaaska 21aad ee Beesha Xawaadle.

10/05/2024

Dab khasaaro dhaliyay ayaa kacay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dabku uu khasaaro gaarsiyay qaar kamid ah ganacsiyo ku yaalla xaafadda Hormar. Iyadoo Dabka uu ka bilowday Kaalin Shidaal.

Address

Mogadishu

Telephone

+393809075028

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AARAN TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to AARAN TV:

Videos

Share

Category


Other Media Agencies in Mogadishu

Show All