Sahan Radio & TV

Sahan Radio & TV Sahan Radio and TV are subsidiary companies of Sahan Media.

31/12/2025

✨ Hambalyo Sanadka Cusub 2026 ✨

Maamulka iyo shaqaalaha Sahan Media waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan daawadeyaasha, dhageysteyaasha, akhristayaasha iyo taageerayaasha nagu xiran meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan idiin rajeyneynaa sanadkan cusub nabad, caafimaad, horumar, midnimo iyo guulo waaweyn. Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida iyo garab istaagga aad nagu taageerteen sanadihii la soo dhaafay.

Sanadka 2026 ha noqdo mid aan wadaagno run, wacyigelin, adeeg bulsho iyo horumar warbaahineed.

Sanad Wacan – Hambalyo 2026
— Sahan Media

Abdi Jaamac, oo ah hoggaamiye bulsho Mareykan ah oo u ololeeya arrimaha sharciga ee agagaarka Seattle ayaa bil ka hor bi...
28/12/2025

Abdi Jaamac, oo ah hoggaamiye bulsho Mareykan ah oo u ololeeya arrimaha sharciga ee agagaarka Seattle ayaa bil ka hor bilaabay inuu ka jawaabo su’aalo ay weydiinayeen xubnaha bulshada, markii madaxweyne Donald Trump uu dadka Soomaaliya ku tilmaamay “qashin” oo uu sheegay inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Kadib Trump ayaa mar kale si xun u aflagaadeeyay Soomaalida mar uu khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad todobaadkii h**e, isagoo si weyn ugu eedeeyay inay yihiin bulshada dambiyada wax isdaba marinta.

Habeenimadii Isniinta siminaar loo qabtay Soomaalida South Seattle oo loogu magac daray “Ogow Xuquuqdaada” ayaa ka dhacay magaaladaas waxaana ka soo qayb galay soomaali aad u tira badan oo waydiiyay su’aalo ku saabsan weerarrada socdaalka iyo in Trump uu ka xayuubin karo dhalashada Mareykanka.

Washington waxaa daggan in ka badan 16,000 oo qof oo asalkoodu Soomaali yahay tirakoob la sameeyay 2020,
Ku dhawaad ​​100 sarkaal oo laga soo doortay Washington, oo ay ku jiraan Gov. Bob Ferguson iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Nick Brown, ayaa saxiixday bishan bayaan ay ku cambaareynayaan hadalka Trump ee Soomaalida Mareykanka, ayuu xusay Maxamed.

Sida dadka kale ee Washington daggan, Soomaalida Maraykanka ayaa maalin walba gacan ka geysta qaybaha dhaqaalaha ee gobolka, nolosha, dhaqanka iyo waxyaabo kale oo badan, hadalada waxyeelada leh waa kuwa aan la aqbali karin waxay khatar geliyaan badbaadada dadka oo “meelna kuma laha dimuqraadiyadayada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Aqoon-is-weydaarsiga sharciga ee Isniintii, doodayaashu waxay yiraahdeen”Waa inaan si adag uga hortagnaa nacaybka nooc kasta oo ay tahay.

In kasta oo maamulka Trump uu hakiyay oggolaanshaha magangalyada, hadana waraysiyada magangalyo doonka ayaa wali dhacaya, ayay yiraahdeen. Trump ayaa ku baaqay in la soo afjaro “sharci ku meel gaar ah oo ilaalinaya una ogolaanaysa in Soomaalida qaarkood ay ku sugnaadaan Maraykanka, laakiin taasi waxay saamaynaysaa dad tiro yar, ayay yiraahdeen xubnihii doodaha ka qaybgalay.

Saraakiisha socdaalka way soo garaaci karaan albaabkaaga, laakiin maaha inaad u ogolaato inay soo galaan ilaa ay haystaan ​​amar uu garsooruhu saxeexay, khubarada aqoon iswaydaarsiga ayaa sidaas sheegay.

Caqabadda ayaa ah in la isku dheellitiro khaladka iyo saxa, runtii Waxaan u baahanahay inaan midowno.”

26/12/2025

Kumannaan Soomaali ah oo Yemen ku nool ayaa daggan guryo ka sameysan cooshado oo aan lahayn waxyaabaha aasaasiga ah meeshaas oo ay u bixiyeen Muqdisho yar.

Yaman lafteedu maaha meesha ay tahriibaan balse waa marin ay u maraan dadka ka tagaya bariga Afrika iyagoo rajo ka qaba inay gaaraan wadamada khaliijka kuwaasoo ka shaqaysta dhismaha ama shaqaale guri. Iiyadoo ammaanka xuduudaheeda la adkeeyay, dad badan ayaa ku dhibtooda sidii ay Yemen uga bixi lahaayeen.

Si ay nolol maalmeedkooda u daboolaan, qaar badan ayaa raadsada shaqooyin aan fiicnayn si ay naftooda iyo qoysaskooda u quudiyaan. “Maalmaha qaar waxba ma cunno ayuu yiri Abdullahi Omar, oo ah 29 jir Soomaali ah oo afar carruur ah ku haysta magaalada Cadan.

Sanad ka hor, Cabdullaahi Cumar waxa uu go’aansaday in uu ka faa’ideysto fursadiisa, isaga oo 500 oo doolar siiyay mukhalasiin si ay doon ula raacaan qoyskiisa isaga oo rajaynaya in ay Soomaaliya ka baxsadaan xasillooni darrada ka jirta awgeed iyo in ay helaan nolol dhaanta tan tan Soomaaliya, laakiin Yemen waxay noqotay darxumo kale.

Si uu u noolaado, Cumar wuxuu dhaqi jiray baabuurta, isaga oo ka helaya lacag u dhiganta dhowr dollar maalintii.

“Halkan waxba kuma hayo,” ayuu yiri, isagoo sharraxayay go’aankiisa ku aaddan inuu iska diiwaan geliyo barnaamijka Qaramada Midoobay ee u gogol xaarayay dib ugu soo laabashadiisa Soomaaliya. waxa nahaysta waa”Shaqo la’aan, lacag la’aan iyo dugsi iyo iskuul la’aan carruurta ah.”

In kasta oo ay xaaladdu liidato hadana ku dhawaad ​​17,000 oo Afrikaan ah ayaa yimid Yemen bishii Oktoobar, badidood waxay ka yimaadeen Jabuuti iyo Soomaaliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Soomaalida ayaa 63% ka ah 61,000 oo qaxooti ee magangalyo doonka ah oo Yemen ka diiwaangashan, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad ​​19.5 milyan oo qof oo ku nool Yemen – in ka badan kala bar dadkeeda – ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo, oo ay ku jiraan 4.8 milyan oo barakacayaal ah, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay horaantii 2025.

Nabadda caasimadda Muqdisho sannadihii la soo dhaafay waxay ahayd xasillooni waxayna keentay in ay dhisanto magaalada oo faa’iido badan laga helo.

“Qaxooti badan ayaa doonaya in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, balse ma awoodaan in kuwa wax tahriibiya ay lacag siiyaan ama tigidhada diyaaradaha iska bixiyaan,” ayuu yiri Oweis al-Azzan, oo ah kormeere madaxa barnaamijka dib u noqoshada iskaa wax u qabso ah ee Qaramada Midoobay, kaas oo caawiya muhaajiriinta.

Barnaamijkan wuxuu qoysaska siiya gaadiid bilaash ah iyo lacag caddaan ah si ay uga caawiyaan fududaynta xilliga kala-guurka marka ay dalka ku soo laabtaan.

QM ayaa sanadkan dib u celisay in ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, waxaana la qorsheynayaa in dhamaadka sanadkan ay samayso saddex duulimaad oo ay qaadaan ku dhawaad ​​450 qof oo kale.

Xisbiga Republican ka ah iyo Madaxweyne Trump oo isu bahaystay in ay xasaanadda ka qaadaan walaasheen Sen. Ilhan Omar. I...
22/12/2025

Xisbiga Republican ka ah iyo Madaxweyne Trump oo isu bahaystay in ay xasaanadda ka qaadaan walaasheen Sen. Ilhan Omar.
Ilhaan todobaadyada soo socda waxay wajihi doontaa maalmo aad u adag iyadoo lagu bartilmaameed-sanayo in ay dalka ku timid sifo qaldan.
Waxaa isku soo bahaystay sedex dhinac oo kala ah:
1) Xisbiga Republican ka oo uu ka tirsan yahay madaxwaynaha dalka mareekanka Donald Trump oo isku raaci raba in mooshin xasaanad ka qaadis ah laga keeno Sen. Ilhan Omar.
2) Dadka cadaanka ah oo ay madaxmartay cunsuriyada.
3) Golaha ay ku midaysan yihiin Yahuuda dalka mareekanka ee hantiilayaasha ah ee jaangooya siyaasada iyo cida Madaxwayne ka noqonaysa dalka Mareekanka.
QORSHAHA MUXUU YAHAY?
In Ilhan Omar laga hor istaago doorashada xisbiyada sanadka dambe (2026), in Xasaanada laga qaado ka dibna si dhaqsi ah loogu masaafuriyo dalka Somalia.
Qolooyinkan kala duwan ee isku bahaystay cadaawadda Ilhan Omar ayaa is tusay inay sahlan tahay midaa iyagoo u maraya nidaamka Dowladnimada.
Marka laga soo tago in Ilhan Omar ay tahay muwaadin mareykan ah iyo Congresswoman hadana, Ilhan waa gabar nugul sababta oo ah Waa gabar madow, Qaxooti ah, hadana Islaam ah.
Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Democrats oo si wayn ugu jabay doorashooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxba u qaban Karin maadaama looga badan yahay Golaha Congress ka iyo Golaha Senate kaba.
Haddan nahay warbaahinta Sahan Média, Soomaalida Maraykan ka waxaan ka codsanaynaa in Soomaalinimada haloo hiilliyo.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa mar kale bilaabay baacsashada maraakiibta ganacsi ee mara badweynta Hindiya. Saraakiisha ...
18/12/2025

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa mar kale bilaabay baacsashada maraakiibta ganacsi ee mara badweynta Hindiya. Saraakiisha amaanka ee Maraykanka iyo kuwa gobolka ayaa ka digaya in kooxaha burcad-badeedda ah ay la shaqeeyaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto iyo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.

“Qaar ka mid ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa qalab GPS-ka iyo hub ka helay Xuutiyiinta Yemen ee isbaheysiga la ah,” ayuu yiri Maxamed Muuse Abulle, oo ah agaasime ku xigeenka sirdoonka ee ciidamada badda Puntland. ” Waxaan aaminsanahay inay xitaa tababar ku qabteen Yemen.”

Masaafada u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya waxa ay dhawr boqol oo mayl u jirtaa badda cas. Biyahan ayaa weli ah kuwo muhiim u ah ganacsiga ku xiran Maraykanka iyo gaadiidka saadka militariga.

Dec, 12, ciidamada badda Puntland, oo ah koox ka tirsan amniga gobolka ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in ay qabteen markab yar oo doonayay inuu soo geliyo kiimikooyinka loo isticmaalo walxaha qarxa. Ciidamada Badda Puntland ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag u kala dhashay dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, waa urur argagixiso oo Maraykanku u aqoonsaday inay yihiin dhaqdhaqaaq Shiico Zaydi ah. Inkastoo ay kala aragti duwan yihiin kooxda ayaa xiriir cusub la sameysatay ururo Sunni ah oo xag jir ah oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee gobolka.

Soo noolaynta burcad-badeedda Soomaalida waa qayb ka mid ah ololaha ballaaran oo lagu xoojinayo xasillooni-darrada gobolka iyo dagaalka aan tooska ahayn ee Xuutiyiinta ay ku doonayaan inay ku horumariyaan wakiilo cusub oo Afrika ah. Bishii December ee sanadkii 2023, burcad badeeda Soomaalida ayaa markii ugu h**eysay gacanta ku dhigay markab ganacsi, howlgalladaaas ayaa ku soo beegmay xilli ay Xuuthiyiintu bilaabeen weeraradii ugu h**eeyay ee ay ku qaadeen isu socodka gaadiidka badda cas.

Inta uu socday weerarka, markabka Hellas Aphrodite oo sitay calanka Malta waxaa rasaas ku furay burcad badeed Soomaali ah oo ku hubaysnaa baasuukayaal iyo hub kale ah.

Shaqaalihii ayaa dib ugu gurtay dhufeyskii markabka, qol adag oo ammaan ah oo ay ka buuxaan cunto iyo biyo loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqaalaha ilaa iyo inta gargaarka badda laga helayo.

Galabnimadii xigtay, markabka Isbaanishka ee ESPS Victoria, oo la shaqeeya NAVFOR, howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda, ayaa qabtay markabka. Kadib markii ay soo bandhigeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, ayaa waxaa la sheegay in burcad badeeda ay isaga dhaqaaqeen markabka, iyadoo aanay waxba gaarin shaqaalihii la socday.

Dhacdo kale ayaa si gaar ah isla maalintaas uga dhacday badda Soomaaliya markii markabka LNG ee Al Thumama ee Qatar laga leeyahay uu arkay doon laga shakiyay oo ku soo dhawaatay taas oo markii danbe markabka u saamaxday inuu kabaxsado isagoo isticmaalaya xawaarihiisa

18/12/2025

Wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay dilka Vadym Davydenko oo u dhashay Ukrain kaasoo lagu dawaynayay cisbitaalka magaalada Dublin.

Soomaaligan 17 jirka ah ayaa mar kale ka soo muuqday Maxk**adda Carruurta ee Dublin Ireland

Vadym (17) ayaa la tooriyeeyay subaxnimadii Oktoobar 15-keedii iyada oo ay ku wada jireen xarun dhallinyaro muddo 24-saac ah oo ku taal Donaghmede.

Dhegeysiga dacwadda eedaysanuhu wuxuu codsaday cafis wuxuuna ku andacooday in dukumeentigiisu been abuur yahay. Qareenkiisu waxa uu sheegay in shaki ku jiro da’diisa. Warbixinta dhimirka ayay maxk**adu dalbatay. Garsoore Kelly ayaa xustay in madaxda safaarada Soomaaliya aysan wali ka jawaabin su’aalaha Booliska.

Eedeysanaha lama magacaabin magaciisa intii ay dacwaddu socotay iyadoo lagu salaynayo inuu yahay qof aan qaan-gaar ahayn. Maxk**adu waxay go aamisay lagu sii hayo xabsiga ilaa Isniinta inta laga helaayo amarrada Agaasimaha Xeer Ilaalinta (DPP).

Eedeysanaha ma codsan in damiin lagu siidaayo laakin wuxuu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro reerkiisa oo aan cafis weydiisto wiilkaas.”

Qareennada DPP iyo Tusla, oo ah hay’adda carruurta iyo qoyska, ayaa ka soo qayb galay dacwadda.

Markii loo sheegay dukumentiga taariikhda dhalashadiisa, Somaliga waxuu ku jawaabay “waxa ku qoran dhalashada dukumentiga sax maaha maaha, wuxuuna raaciyay qof kasta wuu samaysan karaa dukumeenti inuu 17” jir yahay .

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Mareykanka (ICE) ayaa xirtay wiil ay dhashay gabadha laga soo doortay ...
15/12/2025

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Mareykanka (ICE) ayaa xirtay wiil ay dhashay gabadha laga soo doortay xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota Ilhaan Cumar, sida ay sheegtay haweeneydan Ilhaan oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, xilli ay sii kordhayaan baaritaannada lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.

“Shalay wiilkeyga waxaa jiiday wakiillada (ICE),” ilhaan ayaa ku tiri wareysi ay siiyay CBS Minnesota.

“Markii uu awooday inuu soo saaro aqoonsigiisa baasaboorka, way ku sii daayeen,” ayay raacisay, iyadoo xustay wiilkeeda “mar walba wuu sitaa isaga haddii ay dhacdo in la jiido.”

Cumar wuxuu sheegay in wakiilada ICE ay wadaan ” isir nacayb iyagoo raadinaya niman dhallinyaro ah oo u eg Soomaali oo ay u malaynayaan inaysan sharci haysan.” ICE k**a aysan hadlin dhacdadan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro ku qaaday Soomaalida iyo Ilhaan Cumar, isagoo sheegay inuu si joogto ah u joojinayo socdaalka dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada ayuu Trump ku sheegay in Soomaalidu “waxba naguma soo kordhinayaan”, isla markaana ku daray inuusan rabin in ay joogaan Mareykanka.

“Waddankoodu ma fiicna sabab. Dalkoodu wuu urayaa, mana rabno inay dalkayaga joogaan,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Waxaan mari doonnaa waddo khaldan haddii aan sii wadno keenista qashinka dalkeena.”

Jimcihii, Ilhaan Cumar wuxay warqad u diray Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem iyo Ku-simaha Agaasimaha ICE Todd Lyons, iyadoo ku eedeeyay ” isir nacayb bareer ah” iyo oo xoog aan loo baahnayn.”

14/12/2025

Askartan iyo diyaaradda ayaa waxaa gacanta ku dhigay dowladda millatariga ee Burkina Faso, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen hawada dalka Sahel.

Talaadadii, dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Nigeria oo siday 11 askari lagu qasbay in ay ku degto dalkeeda Isniintii ka dib markii la sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen mas’uuliyiinta Burkinabe “ay iftiimiyeen maqnaanshaha ogolaanshaha in lagu dul duulo dhulka Burkina Fasoi.”

AES waxay dhaleecaysay dhacdada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbanaanida, iyadoo sheegtay inay “si adag u cambaaraynayso xadgudubkan hawadeeda iyo madax banaanida Dawladaha xubnaha ka ah.”

Iyagoo ka falcelinaya dhacdada, ciidamada cirka Nigeria ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa diyaaradda C-130 ee ku degtay Bobo-Dioulasso, Burkina Faso, ay bad qabaan oo ay si wanaagsan ula dhaqmeen mas’uuliyiinta Burkina Faso.

Diyaaradda oo ku sii jeeday Portugal, ayaa si taxadar leh u degtay ka dib markii shaqaaluhu ay ogaadeen walaac farsamo wax yar ka dib markii ay ka soo kacday Lagos 8-dii December 2025.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha iyo Warfaafinta, Air Commodore Ehimen Ejodame, shaqaaluhu waxay u weecdeen garoonka diyaaradaha ee ugu dhow iyada oo la raacayo nidaamka badbaadada caadiga ah iyo borotokoolka duulimaadyada caalamiga ah.

Dowladda Nigeria ayaa tan iyo xilligaas billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu sii daayo askarta iyo diyaaradaha Nigeria.

07/12/2025

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa xirtay toddobo kale oo dambiilayaal sharci-darro ah, oo ay ku jiraan xubno burcad ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada” intii lagu jiray Hawlgalka Metro Surge ee Minneapolis.

Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha (ICE) ayaa Jimcihii ku dhawaaqday liiskeedii ugu dambeeyay ee dadka la xiray, iyadoo dembiilayaasha ay ka kala yimaadeen Soomaaliya, Venezuela, Ecuador, Dominican Republic iyo Guatemala.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku jiray Cabdi Geelle Maxamed iyo Sahal Cismaan Shidane oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay DHS sheegtay in lagu helay dambiyo la xiriira xadgudub faraxumayn ah.

Mukhtaar Maxamed Cali, oo sidoo kale ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa lagu helay dambi ah dhac iyo faraxumayn, sida ay sheegtay DHS.
Xarigga ayaa yimid ka dib markii ay DHS sheegtay Khamiistii in ay Minneapolis ka aruurisay ugu yaraan 12 muhaajiriin sharci darro ah, oo ay ku jiraan shan qof oo Soomaali ah, lix ka yimid Mexico iyo mid ka yimid El Salvador.

Waaxda cadaaladda ayaa sidoo kale toddobaadkan dacwad federaal ah ku soo oogtay Cabdimahat Bille Maxamed, oo 28 jir ah, oo lagu xukumay dambiyo faraxumayn ah isagoo ku sugan gobolka Minnesota, kaasoo lagu eedeeyay inuu afduub iyo kufsi kula kacay haweeney uu kula kulmay Snapchat bishii Sebtembar.

Waxa lagu xukumay bishii May laba kiis oo faraxumayn galmo ah oo kala duwan, laakiin xaakimku waxa uu u ogolaaday in aanu wax xabsi ah galin markii uu saxiixay heshiis qirasho ah.

04/12/2025

Trump ayaa maanta martigelin doona hoggaamiyeyaasha Congo iyo Rwanda heshiis lagu soo afjarayo colaadda bariga Kongo.

Heshiiskaan Madaxweynayaasha Felix Tshisekedi ee Kongo iyo Paul Kagame ee Rwanda ayaa daba socda dadaallo nabadeed oo bilo socday oo ay wadeen Mareykanka iyo la-hawlgalayaashooda, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Qatar, waxayna soo gabagabeynayaan heshiis h**e oo la saxiixay bishii June.

Wadanka Congo ayaa waxaa tobanaan sano ka socday dagaallo ay kula jiraan in ka badan 100 kooxood oo hubeysan, waxaana ugu awoodda badan jabhadda M23 ee ay Rwanda taageerto. Colaadda ayaa cirka isku sii shareertay sanadkan, iyadoo M23 ay si aan horay loo arag u qabsatay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Goma iyo Bukavu, taasoo uga sii dartay dhibaatada bini’aadantinimo oo horay u ahayd mid ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka oo malaayiin ay ku barakaceen.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in heshiiska Khamiista sidoo kale aan la fileynin inuu si dhakhso ah u keeno nabad maadaama heshiis nabadeed oo gaar ah u dhexeeyo Kongo iyo M23.

“Weli dagaal ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Amani Chibalonza Edith, oo ah 32 jir deggan magaalada Goma, ee bariga Kongo ee muhiimka ah oo ay qabsadeen fallaagada horaantii sanadkan. “Nabad ma jiri karto ilaa inta jiidda h**e ay firfircoon yihiin.”

Heshiiska Khamiista maanta ayaa sidoo kale lagu dhisi doonaa Qaab-dhismeedka Is-dhexgalka Dhaqaalaha Gobolka oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay qeexi doonaan shuruudaha iskaashiga dhaqaale ee ay ku lug leeyihiin saddexda waddan sida lagu heshiiyey bishii November.

Trump ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho labada hoggaamiye ee Kongo iyo Rwanda ka hor wadahadal saddex geesood ah oo uu daba socdo saxiixa la qorsheeyay in uu ka dhaco machadka nabadda ee Mareykanka ee Washington. Madax badan oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan saxiixa.

Rugta Ganacsiga ee Mareykanka ayaa sidoo kale martigelin doonta maalinta Khamiista munaasabad kulmisa hogaamiyayaasha ganacsiga Mareykanka. Wafdiga Kongo iyo Rwanda ayaa diiradda saari doona fursadaha maalgashi ee macdanta muhiimka ah, tamarta iyo dalxiiska, sida uu sheegay Yolande Makolo, oo ah lataliye sare oo Kagame ah.

Goma oo ay fallaagadu gacanta ku haysay, oo ay ku noolaayeen ku dhawaad ​​2 milyan oo qof, isla markaana ahayd xudunta gobolka ee hawlaha ammaanka iyo bini’aadantinimada ka hor intii aanu sannadkan dhicin dagaalladu, waxaa weli xiran garoonkii diyaaradaha ee caalamiga ahaa, adeegyadii dawladda sida hawlihii bangiyada ayaan weli dib u bilaabmin, dadka deegaankana waxa ay sheegeen in ay kordheen dambiyada iyo qiimaha badeecadaha.

Labadaba Kongo iyo Rwanda, ayaa dhanka kale ku tilmaamay ku lug lahaanshaha Mareykanka inay tahay tallaabo muhim ah oo loo qaaday nabadda gobolka.

Colaadda ayaa la tilmaami karaa wixii ka dambeeyay xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994-kii, halkaas oo maleeshiyaadka Hutu ay ku dileen inta u dhaxaysa 500,000 ilaa 1 milyan oo qawmiyad Tutsi ah, iyo sidoo kale Hutu iyo Twa oo qunyar socod ah, oo ah dad asal ah. Markii xoogaggii Tutsi-ga hoggaaminayay ay dib u dagaalameen, ku dhawaad ​​2 milyan oo Hutu ayaa u tallaabay Congo, iyagoo ka baqaya aargoosi.

Mas’uuliyiinta Rwanda ayaa ku eedeeyay Hutu-ga ka soo qaxay inay ka qeyb qaateen xasuuqa, waxayna ku eedeeyeen in canaasiir ka tirsan ciidamada Congo ay difaaceen. Waxay ku doodeen in maleeshiyaadka ay samaysteen qayb yar oo Hutus ah ay khatar ku yihiin dadka Tutsiga ee Rwanda.

Dowladda Congo ayaa sheegtay in aysan jiri karin nabad waarta haddii Rwanda aysan kala bixinin ciidamadeeda iyo taageerada kale ee M23 ee gobolka. Dhinaca kale, Rwanda ayaa shuruud ku xirtay xabbad-joojin joogto ah oo lagu sameeyo Congo oo lagu kala diro maleeshiyo maxalli ah oo ay sheegtay inay ka kooban yihiin Hutu-ga, ayna dagaal kula jiraan milateriga Congo.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 3,000 ilaa 4,000 oo ciidamada dawladda Rwanda ah ay ku sugan yihiin bariga Congo, kuwaas oo ka barbar dagaallama kooxda M23. Rwanda ayaa diiday taageeradaas, balse waxay sheegtay in tallaabo kasta oo ay u qaaday dhinaca colaadda ay tahay mid lagu ilaalinayo dhulkeeda.

02/12/2025

Address

Mogadishu
99

Opening Hours

09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Radio & TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category