Foolka Fool

Foolka Fool Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Foolka Fool, Broadcasting & media production company, Km4, Mogadishu.
(1)

Madaxwaynaha JFs Dr Hassan Sheikh mohmud ayaa Dib u dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday in uu Beri Fu...
19/04/2024

Madaxwaynaha JFs Dr Hassan Sheikh mohmud ayaa Dib u dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday in uu Beri Furmo iyadoo wararka Qaad ay sheegayan in Maamul Goboleedyada ay ka biya diideen in ay kasoo qayb galaan Qaarkoodna ay shuruuda Ku xireen .

Madaxwayne Sheekh Shariif oo war saxaafadeed Kasoo Saaray Kulankii uu la yeeshay Madaxwaynaha JFS mudane Xasan Sheekh Ma...
12/04/2024

Madaxwayne Sheekh Shariif oo war saxaafadeed Kasoo Saaray Kulankii uu la yeeshay Madaxwaynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxmuud .

09/04/2024

Ciid wanagsan Dhamaan Umada Musliminta Meel walba oo ad joogtaan Farxad iyo Damaashaad Ku ciida

UPDATE: Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa soo saaray tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee la qaaday, kaddib q...
04/04/2024

UPDATE: Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa soo saaray tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee la qaaday, kaddib qaraarkii ka soo baxay shirka golaha wasiirrada oo lagu joojiyay howlgalka diblomaasiyadda ee Itoobiya.

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72-saac gudahood uu uga ambabaxo Soomaaliya.

2. In muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa oo dib loogu yeeray Muqdisho, si wadatashiyo dhammeystiran loola yeesho.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in tallaabooyinkan loo qaaday ilaalinta madax bannaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.Golaha Wasiirada...
04/04/2024

QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markii ay arkeen:
Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;
Markii ay arkeen:
Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;
Markii ay arkeen:
Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;
Markii ay garowsadeen:
In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;

Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:
QODOBKA 1AAD
XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD
XADGUDUBYADA

1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.


QODOBKA 3AAD
DHAQANGALKA

1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY ERGEYGA GAARKA AH EE AARIMAHA CAAFIMAADKA IYO NAFAQADAMadaxweynaha Jamhuu...
01/04/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY ERGEYGA GAARKA AH EE AARIMAHA CAAFIMAADKA IYO NAFAQADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

29/03/2024

Update .Barlamanka 11aad ayaa beri u codeyn doono Dhamestirka iyo wax ka bedalka Dastuurka oo Doodiisa ay socotay Labadii bil ee ugu dambeesay .
Hadii Barlamanka u ansixiyo Berito Wax ka bedelka Dastuurka ,Madaxwayne Hassan sheikh, gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Qaar ka tirsan Xildhibaanada. ayaa Dalka sacuudiga u aadi doono Cimro kadib Marka ay kasoo laabtaan Ayaa waxaa la magacaabi doonaa Rasiul wasaare Kuxigeen labad oo ay qaadan Doonan Digil iyo Mirifle Lana soo magaaci dooni wasirada Banan Sida ay wararku sheegayan iyadoo ay dhici karto in isku Shaandheyn lagu Sameeyo Golaha Wasiirada .

29/03/2024
15/11/2023

Zuuuuu7" Lugetyda ayay ku jirtaa saddexleyda aan uga badin doono g\banaadir.

07/10/2023

Gudoomiyaha Ururka Kubada Cagta KGS Mudane Axmed Cali Xasan oo ka hadley Hormarada laga Sameeyey Ciyaaraha Koonfur Galbeed iyo Hiigsiga Ururka .

17/08/2023

Qaar ka mid ah dadka reer Baydhabo oo saadaalin kala duwan ka bixiyay kulanka Beri ee u dhaxeeya kooxaha H\wadaag iyo Salaamey.

Address

Km4
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Foolka Fool posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies


Other Broadcasting & media production in Mogadishu

Show All