Warqaad Tv codka Magaalada Muqdisho

Warqaad Tv codka Magaalada Muqdisho Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Warqaad Tv codka Magaalada Muqdisho, Broadcasting & media production company, Mogadishu.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, Safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo Boqortooyada Ingiriis...
09/02/2023

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, Safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaalia ayaa si wada jir ah u daah furay Mashruuc gargaar cunto deg deg ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Gargaarkaan oo ay ku yabooheen Dowladaha Saudi Arabia iyo UK ayaa waxay soo marsiiyeen hay’adda King Salmaan ee ka shaqaysa arimaha gargaarka, mashruucaan gargaar ayaa waxaa raashin la siin doonaa 97,585 halka 34,964 oo qoysna Lacaga la siin doono.

Gudoomiyaha hay’adda, Safiirrka Dalka Sacuudiga u fadhiya Soomaliya iyo madax ka sacota safaradda UK iyo qaramada midoobay ayaa qayb ka ahaa furitaanka mashruucaan gargaar.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dadkii kudhaawacmay dagaalka Laascaanood usoo qaaday Muqdisho. 20 qof ayaa saaka laga soodejiy...
09/02/2023

Xukuumada Soomaaliya ayaa dadkii kudhaawacmay dagaalka Laascaanood usoo qaaday Muqdisho. 20 qof ayaa saaka laga soodejiyay garoonka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo barordiiq ugu q...
09/02/2023

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo barordiiq ugu qabtay dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

Kulankaan Ducada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xiseen Jimcaale (Madaale) iyo Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Tacsi u diray dhamaan shacabka iyo Dowladda Turkiga, asigoona allaha ugu baryay dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi in uu jannada ka waraabiyo kuwa kale ee ku waxyeeloobayna eebe caafimaad deg deg ah siiyo.

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYABISMILAAH…….GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFS XILDHIBAA...
15/11/2022

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

BISMILAAH…….

GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFS
XILDHIBAANADA BARLAMAANKA JFS
MARTI SHARAFTA KALE
MUDANEYAAL IYO MARWOOYIN,
Waxaan dhammaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASCWRWB:

Isla markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shacabkeena taagta daran. Waxa aan qaaday tallaabooyin aan u arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama xalka dhibaatooyinkaasi uu ku jiro “Soomaali Heshiis ah”

Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga isugu geyneysaa hiigsiyada soo socda:
• Soomaaliya Sharcigu Sarreeyo.
• Soomaali Heshiis Ah.
• Soomaali Dunida Heshiis La Ah.
• Soomaaliya Isku Filan.
• Soomaaliya Cagaaran.
• Dhisidda hay’ado Tayo Leh oo Bixin Kara Adeeg Hufan.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaan boggaadinayaa howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii h**e, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda. Sidoo kale inaad dhisteen guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii idinku matali lahaa barlamaanada caalamka.
Waxaan sidoo kale, bogaadinayaa xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed ee u istaagay inay iska xoreeyaan khawaarijta. Waxaad shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqoteen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka.

Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena.

Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan Dalka oo dhan aan uga xoreyn laheyn cadawagaas.

Dib-u-xoreynta Dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sareeyo; waxaad ogsoon tihiin in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ay ku baaraarugeen dhagarta cadawga iyaga oo garowsaday in Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin Khawaarij ka been sheegaya diinteenna suuban kuna dhiirraday in ay iska dulqaadaan dulliga iyo heeryada KHAWAARIJTA ku soo gabatay diinteena. Abwaan Soomaaliyeed ayaa horay u yiri:

• Nin dayoobay soo noqay markuu waagu daalaco e
• Dadweynahii la lumiyaa mar uun bay dowga helayaan

Dowladdeydeena, iyada oo aan muddo badan xafiiska joogin, waxay garatay in kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed uu kaalin mug leh ku leeyahay sidii Khawaarijta Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa annaga oo aaminsan in Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidankooda oo is kaashanaya ay ku guuleysan doonaan dib-u-xoreynta deegaannada ku haray gacanta cadawga Khawaarijta. Tusaale bilaw ah waxaa noogu filan dagaallada ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeellaaha Dhexe, iyo Galgaduud.

Waxaan shaki ku jirin in maadaama aan dagaal ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka aan waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday.

Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta meelmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay.

Xildhibaanada Soomaaliyeedoow Walaalayaal,

Aniga oo maanka ku haya in la helo jawi siyaasadeed oo xasilloon kaasi oo saamaxaya in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimaha masiiriga ah ee u baahan heshiisyada siyaasadeed.

Waxaan booqasho ku tagay inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan sidoo kale yeelanay saddex kulan Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan ku lafo-gurnay xoojinta hannaanka wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo isla meel-dhigidda qodobbada waaweyn ee ay tahay in xalkooda si mid ah looga shaqeeyo, sida dhammaystirka dastuurka dalka oo wakhti badan qabyatirkiisu soo jiitamayay, dhammaystirka hannaanka amniga qaranka si loo helo hannaan lagu midaysan yahay oo qayb mug leh ka qaata xorreynta iyo la dirirka Khawaarijta; helidda nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay; mudnaan-siinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulsho ee guud ahaan dalka; arrinta xal u helidda Somaliland iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul iyo in-qancin; xoojinta iyo dhammaystirka nidaamka federaalka; dhammaystirka iyo taabbagelinta hannaan garsoor oo madaxbannaan isla markaana hufan.

Maaddaama ay waajib tahay in dowladnimadeennu ay ka tarjunto baahiyaha shacabka loogu adeego, waxa aan sidoo kale shirar kala duwan oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed oo aan ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan arrimaha ay u arkaan in mudnaanta la siiyo inta lagu gudajiro muddo-xileedkayga.

Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu habboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda.

Dhammaan safarradaas waxa aan kala soo laabannay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh, iyada oo aan isu dheelli-tirayno danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu waxa uu la tacaalayaa xaalad adag oo ka dhalatay jiilaalka iyo abaaraha daba-dheeraaday ee ragaadiyay nolosha dadkeenna ku tiirsan dhaqashada xoolaha, kaluumeysiga iyo tacabka beeraha. Saamaynta abaartaas ka dhalatayna ma saamayn keliya dadka balse waxa ay dhaawac u geysatay dhaqaalaha guud ee dalka maaddaama xoolaha iyo beeruhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaheenna.

Si abaartaas looga hortago, dalkana looga badbaadiyo macluul baahda oo gallaafata dadka, waxaan qaadnay Tilaabooyin isagu jira u qareemid uu hormuud u yahay Eragyaga Gaar ka ah ee abaaraha. Waxaan dhisnay Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada taas oo durbaba ka howlgashay sidii loo gaari lahaa Soomaaliya Cagaaran oo deegaankeedu dhowrsan yahay lehna dhammaan siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah maareynta arrimaha deegaanka.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Dowladnimo waxaa udub dhaxaad u ah dhismaha hay’ado ku dhisan sharci oo awoodi kara in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. Hay’adaha noocaan ah waxay innooga baahan yihiin tayeyn joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dadka ka shaqeynaya hay’adaha dowladeena.

Nolosheena, guusheena iyo Qaranimadeena waxaa aas-aas u ah inaan ka shaqeyno Garsoor ku dhisan cadaalad. (وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ). Dib-u-dhiska dowladnimadeenna waxay u baahan tahay garasho, wadatashi, kalsooni dhisid, iyo go’aanno ku yimaada cadaalad iyo garsoor loo simanyahay. Taasi oo sahlaysa inaan dejisanno xeerarka iyo shuruucda hagaya geeddi socodka dowladnimadeennaa.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Ugu dambeyntii, waxaan rabaa in aan hoosta-ka-xarriiqo kaalinta Baarlamaanka Federaalka uu ku leeyahay hirgelinta dhammaan himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan ku shaqeyno dareen iskaashi iyo wada-shaqeyn innaga oo mudnaanta siineyna dejinta dhammaan shuruucda loo baahan yahay iyo fulintooda.

Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiigsigoodu yahay arrimaha aan soo dulmaray.

Walaalayaal, waxaan heysannaa fursad qaali ah oo aan Dalka iyo dadkaba ku samatabixin karno. Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu qof kasta uu ka qaato dadaalka iyo Halganka maanta socda ee dowladnimadeena u baahan tahay.

Xildhibaanada Soomaaliyedoow walaalayaal,
Gebogabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa abayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay tariikhda xusi doonta. Sidaas daradeed, hogaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanen fursadan ina seegin.

Haddaba, aniga oo gudanaya waajibkeyga dastuuriga ah sida ku cad Qod.90aad (g) ee Dastuurkeena, waxaan ku soo gebagebaynayaa hadal-jeedinteyda, “Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inoo furan yahay.”

Soomaaliya ha midowdo!

Qaranku ha guuleysto!
DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQDAY XARUNTA LAGU TABABARAYO  CIIDANKA CIRKA SOOMAALIYEED EE JOOGA ERETERIYAAsmara, Nofeem...
11/11/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQDAY XARUNTA LAGU TABABARAYO CIIDANKA CIRKA SOOMAALIYEED EE JOOGA ERETERIYA

Asmara, Nofeembar 11, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii h**e ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir...
07/11/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Muqdisho, Nofeembar 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...
07/11/2022

Muqdisho, Nofeembar 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARAY XUKUUMADDA IN AY GURMAD CAAFIMAAD OO DEGDEG AH U DIYAARISO DHAAWACYADA QARAXA SOOBBEMuq...
30/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARAY XUKUUMADDA IN AY GURMAD CAAFIMAAD OO DEGDEG AH U DIYAARISO DHAAWACYADA QARAXA SOOBBE

Muqdisho, Oktoobar 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa  Xalay Galinka H**e  booqasho iyo salaa...
28/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xalay Galinka H**e booqasho iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MAGAALADA MUQDISHOMuqdisho, Oktoobar 27, 2022; Madaxweynaha Jamhuu...
27/10/2022

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Oktoobar 27, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya hirgelinta siyaasadda lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saaraya, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirka Golaha ...
27/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Raysal wasaaraha XFS ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in 20% laga jaro mushaaraadka ay qaataan dhammaan wasiiirrada xukuum...
27/10/2022

Raysal wasaaraha XFS ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in 20% laga jaro mushaaraadka ay qaataan dhammaan wasiiirrada xukuumadda, halka shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa aan rayidka ahayn balse qaato gunnada laga jari doono 5% lacagaha ay qaataan.

Muddo saddex billood ah ayaa mushaar jaridaan loo asteeyay sababa la xariira howlaha dib u xorreynta dalka, lana furo akoon gaar ah oo lacagahaas lagu shubayo.

Sidee u aragtaa?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha ...
27/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen,Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta Soo  gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada da...
27/10/2022

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta Soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka halkaas Si uu kaga qeybgalo shirka madasha wadatashiga.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo qodobada kasoo bixi doona shirkan inay wax badan kusoo kordhin doonan shaqooyinka muhiimka ah ee socda isla markana go’aamo wax ku ool ah lagu gaari doono.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jakeeti) aya...
26/10/2022

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa ka qeyb gashay munasabad tababar loogu soo xirayey 100 Haween oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliyeed kaas oo lagu baray la dhaqanka iyo wadashaqeynta Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta k...
26/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho, Oktoobar 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magaca...
26/10/2022

Muqdisho, Oktoobar 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan "Juurile" in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan "Juurile" ayaa h**ey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo g...
26/10/2022

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdule ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Xalada Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soo  gaaray magaalada Muqdisho ...
26/10/2022

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay, Wasiirro, Xildhibaanno, iyo xubno kale.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta magacowday guddiga ka soo t...
23/10/2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta magacowday guddiga ka soo talla-bixiya dib u howlgelinta Somali Airlines.

Guddiga ayaa la faray inay muddo soddon (30) cisho ah ku soo gudbiyaan qorshe dhammeystiran oo horseedaya dib u howlgelinta Somali Airlines.

Wasiirka ayaa shirkii Hay’adda Duulista adduunka ee ICAO oo ay sidoo kale kulamo kula qaadatay madaxda Hay’adda , wasiirrada Duulista iyo Ururrada caalamiga ah ee Duulista , waxay ku soo bandhigtay Soomaaliya inay qorsheynayso dib u howlgelinta shirkadda qaranka ee Somali Airlines.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA ARRIMAHA DEEGAANKA IYO ISBADDALKA CIMMILADA EE JABUUTI.Jabuuti, Ok...
23/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA ARRIMAHA DEEGAANKA IYO ISBADDALKA CIMMILADA EE JABUUTI.

Jabuuti, Oktoobar 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRRADA DALALKA KOONFUR AFRIKA IYO BANGAALADHESHMuqdisho,...
12/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRRADA DALALKA KOONFUR AFRIKA IYO BANGAALADHESH

Muqdisho, Oktoobar 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjire Mninwa ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku dhaqan dalkaas iyo waxtarka ay u leeyahay kobaca dhaqaalaha labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mohammad Abdul Hamid ayaa tilmaamay mudnaanta dalkiisu uu siinayo xiriirka ay la wadaagaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjiraha Cusub ee Banaaladesh Mudane Tareque Muhammad ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay heshiis la ahaato dunida, lana yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan horumar iyo wax wada-qabsi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir...
12/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi.

Ra’iiusl Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadaleen xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Danjire Vacchi ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab taagan tahay Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda argagixasada ee Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga kordhinta taageerada xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada iyo gacan ka geysashada gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaartu saameysay.

Address

Mogadishu

Telephone

+252617388217

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warqaad Tv codka Magaalada Muqdisho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Broadcasting & media production in Mogadishu

Show All

You may also like