Tiigsan Tv

Tiigsan Tv Tiigsan Tv Waa Warbaahin Madax Banan
kala soco Warar Sugan marwalba Channel News

Madaxweynaha Jamhuuriyada SomalilandMudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo  Madaxweyne-ku-xigeen...
27/12/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Danjire Maxamed Cali awcabdi

Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi waxaa uu maanta kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeenadii h**e ee Qaranka Somaliland .

1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,

2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin,

3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,

4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Dhanka kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici)

laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasoo ay Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid.

Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa Gudoomiyihii h**e ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa kulanka wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac,

waxana ay si wada jir ah Alle uga baryeen in uu caafimaad taam ah siiyo.

WAR-SAXAAFADEED  Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab Ayaa Magalada Jigjiga e...
26/12/2024

WAR-SAXAAFADEED

Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab

Ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey

Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah.

Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran,

Waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya,

Xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin.

Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL,

Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali,

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani,

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay'adda Nabadsugida Qaranka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL

Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro  Wareegto Madaxweyne Magacaabid  Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriya...
26/12/2024

Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey:

Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuha u leeyihiin hab-sami u socodka howlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadoodaba, isla markaana ay hanan karaan mas’uuliyaddaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaadaan xubnahan hoos ku qoran La-taliyayaal Madaxweyne.

1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha.

3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka.

5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta.

ALLAA MAHAD LEH

_____________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Warka saaka Hargiesa lagu waaabariistay .Ilaahay ha unaxariistee Magalada hargeysa Waxa saaka loogu soo toosay Laba qof ...
19/12/2024

Warka saaka Hargiesa lagu waaabariistay .

Ilaahay ha unaxariistee Magalada hargeysa Waxa saaka loogu soo toosay

Laba qof oo meyd ah yagoo ku jira gaadhigii ay wateen oo yaala xaafadda shacabka ee magaalada Hargaysa.

Labada qof oo indhahaygu qabteen midkood wuxuu ahaa qof dumar ah,

Mid ka kalana askari ku labisan dirayska ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland wax dhaawac ahna kor kooda k**a muuqan.

Ciidanka Booliska laanta baadhista ayaa gacanta ku haya.

Xigasho Ahmed shimaali

Sawirada XilwareejintaMaanta Madaxwaynihii h**e ee Soomaaliland iyo Madaxwaynaha Dhawaan la doortay Mudane C/raxmaan C/l...
12/12/2024

Sawirada Xilwareejinta
Maanta Madaxwaynihii h**e ee Soomaaliland
iyo Madaxwaynaha Dhawaan la doortay Mudane C/raxmaan C/laahi Cirro

Xilwareejinta Madaxweynahii h**e iyo Caleemo saarka madaxweynaha cusub.
10/12/2024

Xilwareejinta Madaxweynahii h**e iyo Caleemo saarka madaxweynaha cusub.

24/11/2024

“Jaantuska Wadaagayasha Wasaaraddaha iyo hay'addaha madaxabanaan ee dalka” W/Q Cabdirisaaq C/laahi Xaashi (Sigad)

1) Amaanka

1. Wasaradda Gaashandhigga
2. Ciidanka Qaranka
3. Ciidanka Booliska
4. Ciidanka Asluubta
5. Ciidanka ilaalada Xeebaha
6. Ciidanka Laanta Socdaalka
7. Ciidanka Dabdamiska

2) Biyaha

1.wasaaradda Horumarinta biyaha
2. wakaalada Biyaha

3) Caafimaadka

1. Wasaaradda Horumarinta Caafimadka
2. Koomishanka xakamynta AIDs-ka
3. Koomishanka mihnadlayaasha Caafimadka
4. Hay'adda Dhawrista Tayadda

4) Deegaanka

1. Wasaaradda Deegaanka & isbedelka Cimilada
2. Wasaaradda Horumarinta Reer-miyiga
3. Hay'adda Aafooyinka & Kaydka Raashinka

5) Dhaqaalaha

1. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
2.Wasaaradda Qorsheynta Qaranka
3. Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska
4. Wasaaradda Horumarinta Malgashiga
5. Hay'adda Caymiska Qaranka
6. Hay'adda Aagga Cashuuraha ka Caagan
7. Gudida Qandarasyadda Qaranka
8. Kaydka Haamaha Shidaalka
9. Hay'adda Duulista & Hawda
10. Faraca Dekeda Berbera
11. Baanka Dhexe

6) Kaabeyaasha Dhaqaale

1. Wasaaradda Gadiidka & Horumarinta Jidadka
2. Wasaaradda Isgaadhasinta & Technoolojiyada
3. Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka & Guriyeynta
4. Wasaaradda Warfaafinta & Waycyigalinta
5. Madbacadda Qaranka

7) Maamulka

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Wasaaradda Arrimaha Dibada
3. Wasaaradda Cadaalada
4. Wasaaradda Dastuurka & xidhiidka Golayasha
5. Maxak**ada Sare
6. maxak**ada Hoose
7. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
8. Hay'adda Shaqalaha Dawalada
9. Machadka Tababarka shaqaalaha
10. Hantidhawraha Guud
11. Garyaqaanka Guud
12. Koomishanka Xuquuqal insaanka Qaranka
13. Gudida Doorashooyinka Qaranka
14. Gudida dib u habaynta shurucaha
15. Gudida Maamulwanaga & musuqmasuqa
16. Gudida Diwangalinta Ururadda

Tamarta

1. Wasaaradda Macdanta & Tamarta
2. Gudida Tacliinta Sare

9) Waxbarashadda

1. Wasaaradda Waxbarashadda & Sayniska
2. Gudida Tacliinta Sare

10) Waxsoosarka

1. Wasaaradda Horumarinta Beeraha
2. Wasaaradda Xanaandda Xoolaha
3. Wasaaradda Kallumaysiga
4. Hay'adda Cilmi-Baadhista Beeraha

11) Horumarinta

1. Wasaaradda ciyaaraha & Dhalinyaradda
2. Wasaaradda Shaqogalinta & Arrimaha Bulshada
3. Sanduuqa horumarinta Dhalinyaradda

12) Wadagayaasha kale

1. Wasaaradda Diinta & AwQaafta
2. Hay'adda Barakacayaasha & Qaxoontiga
3. Jimciyadda Mujaahidinta Sooyaal

Jaantuska wadagayaasha wasaaradaha & hay'adaha madaxbanaan ee madaxweyne muuse biixi ku shaqeeynayey mudaddii 7sanno ahyd,

hadaba madaxweyne cirro xukumada uu soo dhisaayo jaantuska wadagayaashedu Qaabkee ayuu u ekaan doona?

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa u furay 15 saxafi tababar ku saabsan Anshaxa Mihnada iyo muuqaalada duubista.Xogh...
23/11/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa u furay 15 saxafi tababar ku saabsan Anshaxa Mihnada iyo muuqaalada duubista.

Xoghayaha MAP Nacimo Musse oo ka hadashay furitaanka

Ayaa sheegtay in hababka casriga ee muqaal duubista iyo dhowrista anshaxuba lagama maarmaan u yihiin saxafiyiinta islamarkaasina ururku mudnaan siin doono kobcinta aqoonta xubnihiisa.

Madaxweynaha la doortay ee  JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Iyo Kuxigeenkiisa Mudane Maxamed Cali Aw...
22/11/2024

Madaxweynaha la doortay ee JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Iyo Kuxigeenkiisa Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbi xaakimka WADDANI

Ayaa Xalay kulan mahad celin iyo bogaadin ah la yeeshay Qurbajoogta Xisbiga WADDANI kuwaas oo door mihiim ah ka qaatay guusha uu Xisbigu ka soo hooyey doorashooyinkii 13kii Bishan November 2024 ka dhacay dalka.

Kulankan ayaa waxa furay Xoghayaha Xidhiidhka Qurbajoogta ahna madaxa Xafiiska Xidhiidhka Qurbajoogta Mudane Axmed Xirsi Madar oo halkaas kasoo jeediyay doorkii ay qurbajoogtu ku lahayd guusha doorashooyinkii dalka ka dhacay 13 Nov 2024.

Qurbajoogta ayaa dhankooda duco iyo hambalyo usoo gudbiyay madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Xisbiga.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha JSL ayaa goobta ku gudoon siiyay shahaado sharaf Xoghaye Axmed Xirsi Madar.

Ururka Jaamacadaha Puntland ayaa kulan-aqooneed ku saabsan caqabadaha ardayda ka haysta suuqa shaqada ku qabtaya  Jaamac...
22/11/2024

Ururka Jaamacadaha Puntland ayaa kulan-aqooneed ku saabsan caqabadaha ardayda ka haysta suuqa shaqada ku qabtaya Jaamacadda PSU, Garoowe.

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Biixi ayaana ardayda u soo jeediyey sida ugu habboon ee ay aqoontooda shaqo ugu kasban lahaayeen.

Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, Ayaa maanta ka guddoomay natiijad...
20/11/2024

Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed,

Ayaa maanta ka guddoomay natiijadii hordhaca ah ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf.

Ugu horayn Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland mudane Muuse Xasan Yuusuf,

Ayaa xusay in ay sharaf weyn u tahay guddi ahaan in maanta ay usoo gudbiyaan Maxk**adda Sare ee Dastuuriga ah, natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Madaxweynaha, ku xigeenka Madaxweynaha iyo Axsaabta Qaranka.

19/11/2024

Caawa magalada Burco

19/11/2024

Jawiga Magalada
Hargeysa caawa

19/11/2024

Deg Deg:-Dab Ayaa Hada Ka Kacay Mid Ka Mid Ah See More.

gudida Doorashooyinka ayaa sheegay inay soo baxeen sadexdan xisbi Wadani Kaah Kulmiye
19/11/2024

gudida Doorashooyinka ayaa sheegay inay soo baxeen sadexdan xisbi

Wadani
Kaah
Kulmiye

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo fafiiskiisa  ku Qaabiley Wefdi   ka socodo  Dawladda Ethiopia oo uu hoggaaminayo...
18/11/2024

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo fafiiskiisa ku Qaabiley Wefdi ka socodo Dawladda Ethiopia oo uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaare ku xigeen Aadan Faarax iyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

18/11/2024

Aaska AHUN Madaxweyne Siilaanyo.

17/11/2024

War Deg Deg ah Xildhibaan Barkhad Batuun oo u jawaabay Fiqi

Address

One Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634272265

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tiigsan Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tiigsan Tv:

Videos

Share