10/10/2022
Walaal xasuuso bilawgi guurkiina sidi ay xaaskaaga u qurux badneyd iyo sidi uu jirkeeda isku haystay.
Sidi ay u dhuubneyd u dhex yareyd.
🍁
Maanta oo ay caruur kuu dhashay oo ay naf qiimo badan kuu hibeysay miyaad ka sheeganeysaa isbadalka jirkeeda ku dhacay!
🍁
Si ay canugaada quruxda badan ee caafimaadka qabo u dhasho ayey u hurtay quruxdeedi iyo dhuubnideedi iyo caafimaadkeedi.
🍁
Ha noqon mid ka xumaada muuqaalkeeda isbadalay iyo caloosheeda xarxariiqa yeelatay, haka xumaan caloosheeda weynaatay, iyo jirkeeda cayilay.
🍁
Ha u maleyn iney ayadaba sidaan raali ka tahay lkn naxariista hooyonimo ayaa ka dhigeysa mid muhiimadda saarta caruurteeda oo ilowdo nafteeda.
🍁
Ha moogaan in calooshan weyn ay hooy u aheyd caruurtaada muddo 9 bilood ah waxaana usii dheeraa culeys iyo xanuunki foosha.
Garab istaag xaaskaaga walaal oo dareensii iney weli tahay mid aad u qurux badan oo ku garab istaag korinta caruurta si ay waqti ugu hesho nafteeda 💝