30/10/2022
Waan kuu nuglaa
Waana ku naawili jiray
Waxaad ahayd naziipkayga
Waxaadse ii nuglaysay nacabko
Waxaad iga dhigtay naafo
Weli kaama helin naxariisoo
Waayadan ku jeclaa iyo
Wakhtigan kuu ilmaynayey
Waajahay ciqaab aduunoo
Wakhti baase i seegay
Masax ilmadaydoo
Marnaba ka go' i wayday qalbigaygee
Majaajilo ha moodin kalgacalke
Muxibadan kuu qabiyo
Iilka anoo lay dhigo mooyee
ku ilaawi maayee
Mar uun iiso dabac macaan