Maxamed Saxafi

Maxamed Saxafi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maxamed Saxafi, Media/News Company, Maxamed Saxafi, Mogadishu.

04/06/2022

Waxa uu ahaa wiil faqiir ( sabool) ah waxa uuna iibin jiray ( gadi jiray) badeecooyin yar yar xiliga uu u sii socdo iskuulka si’ uu halkaa ugahelo noolal maalmeed yar .

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday wiilkii faqiirka ahaa inuu dareemo baahi aad u darran isga oo u sii socda iskuulkii uu dhigan jiray, islamarkaana lacag oo dhan waxa uu ka haystay hal shillin oo aan waxba lagu iibsan karin.

Si’ kastaba ha’ ahaatee waxa uu go’aansaday guriga ugu soo horeeya ee uu arko in uu waydiisto wax uu cuno.
Nasiib wanaag gurigii ugu horeeyay ee uu arkay waxaa albaabka ka furtay qof dumar ah oo da’ yar misana aad u naxariis badnayd, waxaase dhacday Wiilkii faqiirka ahaa halkii uu ka waydiisan lahaa wax uu cuno waxuu waydiistay biyo uu cabo waayo waxuu la wareeray baahidii haysay .

Balse qofkii dumarka ahayd waxa ay aragtay wiilkan inuu aad u gaajaysan yahay sidaa awgeed waxa ay u keentay koob wayn oo caano ka buuxa halkii ay uga keeni lahayd biyo uu cabo.

Wiilkii faqiirka ahaa caanihii ayuu si daggan u cabay kadibna waxa uu waydiiyay qofkii dumarka ahayd ee caanaha siisay

”Imisa ( meeqo ) ayaad igaaga baahan tahay koobkan caanaha ee aad i siisay ?

Kadib waxa ay ugu jawaabtay .

” Ma jirto wax aan kugu leeyahay waayo Hooyo waxa ay na bartay in aan marnaba aqbalin in aan iibsano naxariis aad qof ugashay.”

intaa kadib wiilkii maskiinka ahaa waxa uu ku yiri .

” Hadaba iga gudoon mahadnaq kaaga yimid xagga niyada ”.

Muddo Sanooyin ah kadib waxaa dhacday hawayneedii dhalinyarada ahayd inuu ku dhacay xanuun aad u darran , Nasiib darro dhakhaatiirtii joogtay magaaladii ay degganeeyd waxa ay ku guul daraysteen in ay daawo u helaan cudurkii hayay , Ugu dambayntiina waxa ay go’aan sadeen in ay u gudbiyaan magaalo wayn oo ay ku sheegeen inuu joogay dhakhtar si qaas ah ugu takhasusay cudurkii hayay qofkii dumarka ahayd .

Dadaal badan kadib Allah (SWT) waxa uu qadaray in lagu guulaysto in la badbaadiyo qofkii dumarka ahayd .

Ugu dambayntii xafiiskii maalgalinayay qarashkii ku baxay daawayntii waxa ay waraaqda lacagta lagu bixiyo ( Jeega ) u direen dhaqtarkii sida qaaska ah loogu qabtay gabadhii xanuunsanayd si’ uu u ansixiyo ( u aqbalo ) qarashka uu qaadan lahaa.

Dhakhtarkii marki uu arkay warqadii, si wanaagsan ayuu u eegay ( fiiriyay) kadibna dhanka kale ayuu u gadiyay qoraal yar ayuu ku kor qoray warqadii kadibna waxuu dib ugu celiyay xafiiskii usoo diray.

Dhanka kale qofkii dumarka ahayd waxaa iyadana loo diray qarashkii ku baxay daaweynteedii. Run ahaantii aad ayay uga welwelsanayd in ay furto warqada waayo waxa ay ahayd qof aan waxba haysan sidaa awgeed waxa ay dareemaysay qarashkii ku baxay inuu ahaa mid aad u badan oo laga yaabo in ay bixiso noolasheeda inta kadhiman.

Ugu dambayntii waxa ay go aansatay in ay furto warqadii balse waxaa dareenkeeda si’ wayn u soo jiitay qoraal yar oo ku kor qornaa warqada dhankeeda kale. waxuuna u qornaa sidan .. .

” Si’ dhamaystiran ayaa loo bixiyay qarashkii kugu baxay, waxaana lagu bixiyay Hal Koob oo Caano Ah ”

Waxaana warqada ku saxiixnaa Dr : Hassan Amiin . oo ahaa wiilkii maskiinka ahaa oo ay sanooyin kahor siisay koob caano ah isagoo baahi la liita .

Marki ay intaa aragtay indhaheeda ilmo ayaa ka soo daatay waayo marnaba ma aysan filanayn naxariistii yarayd ee ay samaysay in ay mar un badbaadin doonto iyadoo u baahan caawinaad.

DHAMMAAD:

19/08/2021
11/08/2021

kala qabsadey tuke iyo abeeso kusoobiir page Maxamed saxafi and mahadsanadiin

11/08/2021

Hadaba maxaa kalaqabsaday tuke iyo abeeso
Hadii aad kaheshay video like and follow and share page

10/08/2021

Hordhaca muuqaalada ka bixi doona maxamed saxafi channel please | FOLLOW | SHARE | LIKE

Address

Maxamed Saxafi
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamed Saxafi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share


Other Mogadishu media companies

Show All