xog ogaal

xog ogaal kusoo dhawaada xog ogaal

DEGDEG: Maxamed Axmed Cabtoobo ayaa ku guuleystay xilka Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubadda Cagta Soomaal...
22/02/2023

DEGDEG: Maxamed Axmed Cabtoobo ayaa ku guuleystay xilka Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya.

Cantoobo oo ah Bulshaawi shaqo yaqaan ah, arrimaha dadweynahana ka shaqaynayey ku dhowaad 15 sano ayaa xilkan ku guuleystay taasoo muujinaysa, in qofkii mudnaa uu helay xilkaas.

xog ogaal

22/02/2023

DEG DEG: Xasan Xaaji Yabaroow Wiish ayaa loo doortay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, doorasho ka dhacday Muqdisho.

xog ogaal

21/02/2023

DEGDEG “ Upload “ Gaashaanle Fanax Taliyihii Ciidmada Boliska sida Gaarka u taba baran ee Harmacad ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarka Al shabab Ay ku qaadeen guri yaala Dagmada Abdiaziz oo Ay dagan yihiin Masuuliyin ka tirsan Dowladda Somalia .

Gaashaanle Fanax oo hogaaminayay ciidankan ayaa la shegay in dhaawaciisa uu yahay mid fudud .

Wali kooxdii weerarki qaaday ayaa ka dhax dagaalameso laba Guri mid ka mida dhaawacyadi Hiiraan laga keenay lagu baxnaaninayay.

Wixii soo kordha halkan kala socda.

xog ogaal

21/02/2023

Kooxada Al shabaab ayaa weerar qaraxayo ku biloowday ku qaaday guri ku yaal Dagamada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir wixii fahfaahin ah goordhaw la soco.

xog ogaal

Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Cii...
21/02/2023

Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa gordhaweyd ka badbaaday Qarax Miino oo lagula eegtay wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad ee Degmada Hodan.

Waxaana ku nafwaayay askari ka mid ahaa ilaalada Taliyaha iyo qof shacab ah goobta marayay, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray labo askari oo kale iyaguna ilaalo u ahaa Taliyaha.

Waa markii 3-aad oo sidaan oo kale ay khawaarijtu iskugu daydo in ay disho Taliye Maxamed Daahir.

xog ogaal

20/02/2023

Xero Guulwade ayaa la wareeray, is rasaasayn ayaana ka dhex socota.

xog ogaal

  Cali Cumar Axmed ayaa Muuse Cali Nuur u isticmaalay Dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo mar hooyadii qabi jiray.Waxa uu...
20/02/2023

Cali Cumar Axmed ayaa Muuse Cali Nuur u isticmaalay Dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo mar hooyadii qabi jiray.

Waxa uu Cali Marxuumka kula dooday in Dhaxal ka dhexeeyo laakiin reerahaa si hoose u xaliyay oo murankaas waxba k**a jiraanka ah meesha ka saaray.

Cali iyo Muuse ayaa u baxay October 19 keedii sanadkii tegay Dilka marxuumka, waxa ay ka qaateen $17,300 ka hor inta aysan nolosha ku dhaafin beertiisa oo Number 50 ku taal.

15 kii bishan February ayay Maxk**adayntooda soo dhamaatay, waxaana maanta lagu xukumay Cali Cumar Axmed & Muuse Cali Nuur Dil toogasha ah oo ah Qasaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, Sida warbaahinta uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxk**adda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Labada xukunsane ayaa ka tirsanaa ciidamada xoogga.
xog ogaal

19/02/2023

Degdeg:- israaasayn ayaa hadda ka socota Isgoyska Fagax .

Waxay u dhaxaysaa ciidan kamid ah kuwii Ereteria laga keenay ee hadda wiilka bajaajlaha ku diley Muqdisho & kuwa saldhiga Hurwaa.

Saddex kamid ah ciidamadaas ayaa gacanta lagu dhigay kadibna waxaa u yimid gurmad ciidan oo xoogan iyagoo raba inay dib u wataan saddexda askari ee laga qabtay.

19/02/2023

DEGDEG: Wiil aad u da’yar oo bajaaj saarnaa ayaa hadda lagu diley Isgoyska Baar Ubax.

Waxaan arkay muuqaal hadda laga duubay wallaahi waan qaracmay waayo qaybta dambe ee bajaajta ayaa la dhigay maydkiisa oo dhiigu ka hoorayo sidii biyihii.

Sidaan xal ma aha , war dhalinyarada yaan la laynin.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa saaka Kormeeray Xarunta CID ee Ciidanka ...
19/02/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa saaka Kormeeray Xarunta CID ee Ciidanka Boliiska oo horay uu Ummadda Soomaaliyeed ugu balanqaaday kormeer joogto ah oo la xariira adeega Bulshada inuu ku sameyn doono.

Taliyaha ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dad Shacabka ah.
xog ogaal

19/02/2023

Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda, isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Qaasim Ducaalle Cabdi oo h**e u Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna dilay Cali...
18/02/2023

Qaasim Ducaalle Cabdi oo h**e u Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna dilay Cali Taliye Cariif ayaa laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee ay ku xukuntay Maxk**adda Ciidamada.

Labadooda ayaa maalin qura dilal degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne ugu geystay wiil Bajaajle ahaa iyo nin dukaan yar ka raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

xog ogaal

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Amb.Andre: “Laascaanood waxa ku diriraya Somaliland iyo dadka deegaanka. Waqtigeeda a...
16/02/2023

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Amb.Andre: “Laascaanood waxa ku diriraya Somaliland iyo dadka deegaanka. Waqtigeeda ayaa la soo bandhigi doonaa cidda weerarka qaadday, ku horreysay, cidda galaysa dembiyo gaar ah oo ka dhan ah rayidk, maalmahan dhan iyada ayaan ku mashquulsanahay."
xog ogaal

Ciidmada Boliska Dagmada Hilwaa Ayaa kala fur furay Miino nuuca dhulka lagu aaso ee soo boodooyda ah taas oo Ay rabeen A...
15/02/2023

Ciidmada Boliska Dagmada Hilwaa Ayaa kala fur furay Miino nuuca dhulka lagu aaso ee soo boodooyda ah taas oo Ay rabeen AS in ay dhibaata ku geestaan.

Dad ka mida kuwa degaanka ayaa shegay sidaasna Waxaa ku fashilmay dhagartii Ay maleegeen AS.

Hadii Shacabka Ay la shaqeyaan Boliska waxaa bad baadi doono dad badan oo ku bixi lahaa gacanta AS balse sidee lagu heli karaa bulshada la shaqeyso booliska iyo Boolis aamin ah oo ilaalin karo xogta Shaqsiga soo sheego dhagarta Argagaxisada?

xog ogaal

15/02/2023

DEGDEG “ laba Qarax oo aad u weyn ayaa Hada ka dhacay degaanka Celasha biyaha ee duleedka Muqdisho .

xog ogaal

Askari ku labisan dharka ciidamada dowladda ayaa ku dilay darawal Mooto Bajaaj degmada Xamar Jajab gaar ahaan agaagaarka...
15/02/2023

Askari ku labisan dharka ciidamada dowladda ayaa ku dilay darawal Mooto Bajaaj degmada Xamar Jajab gaar ahaan agaagaarka Shaneeno Afrika.

Falka kadib askarigii dilka geystay oo saarnaa Mootada laba lugaaleyda ah ee loo yaqaan Fakon, ayaa goobta iskaga baxsaday.

xog ogaal

15/02/2023
Dowlada Turkiga ayaa bilaawday adeegsiga Dooloyaal tababaran si loo Samatabixiyo dadka Wali ku go'doonsan dhismayaasha b...
13/02/2023

Dowlada Turkiga ayaa bilaawday adeegsiga Dooloyaal tababaran si loo Samatabixiyo dadka Wali ku go'doonsan dhismayaasha burburay hoostooda.

Dooliyashaan ayaa waxaa ku rakiban GBS, sensor iyo camerooyon.

Marka laga soo tago k**arad cabbirkeedu sareeyo, waxaa kaloo ku rakiban makarafoon aad xasaasi u ah, iyo sameecad u oggolaan kara kooxda samatabbixinta inay la xiriiraan cid kasta oo ku hoos jirta burburka.
waxa lagu dhex Deen doonaa dhismayaasha burburay madaama kooxa wax badbaadinya aysan suuro gal u aheyn in ay galaan meelaha ciriiriga ah iyo dhismayaasha burburay hoostooda.

08/02/2023

Ya allah 😓🤲

08/02/2023

Kusoo dhawaada bage keena cusub waxaa ka heli doontan war degdeg ah o xaqiiqda ku saleysan insha allah

Address

Digfer Road
Mogadishu

Telephone

+252616266564

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when xog ogaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to xog ogaal:

Videos

Share

Category


Other Newspapers in Mogadishu

Show All