30/09/2023
TAARIIQDA BEESHA WARDEY:
Aadanaha maanta dunida ku nool waxay soo mareen taariikho soo taxane ahaa oo la isu soo gudbiyay jiilba jiilka ka danbeeyay, ayadoo la soo maray waqtiyo adag oo badiwinimo ah sida xiligii la qaawnaa, hilibka ceeyriinka lagu cuni jiray, godadka lagu hoyan jiray, dhagaxa wax lagu qoran jiray oo loo isticmaali jiray maacuunta iyo aalada lagu ugaarto la iskaga dhiciyo duunyada dilaaga ah, xiliga birta lahelay, xiligii maarta la soosaaray, farta qoraalka lasoo saaray, halkan laguma soo koobi karo. Hadii wax laga tilmaamo xataa taariikhda soomaaliya malaha raad-raac sugan oo la isku waafaqsan yahay, nasiib daro ma jirin taariikh qoran ee ah badmareenada qoreen ama wax ku aqoonsi jireen, mana jirin magaca maanta loo yaqaano soomalia. Waxaa lagu magacaawi jiray ganacsatadii iyo badmareenadii dalkeena soo boqan jiray. Qaar waxay dalka soomaliya u yiqiineen dalkii punt,dalka Ophir IWM.
Waxaa soomaliya booqasho ku yimid dad kala duwanaa sida carab, shine, Hindi, Talyaani iyo kuwa kale. Badmareenadaasi waxaa ka mid ahaa Ibnu Batuta, Vasco Da Gama, Vittorio Buttego, Antonio Checchi, Cench Hu, Al-mascuudi iyo kuwa kale.
Badmareenada barkooda xeebaha badda ayay ku ekaayeen halka kuwa kale aay u gudbeen gudaha. Inkastoo si wanaagsan aanay wax oga qorin dhaqamadii iyo taariikhda dhabta aha, hadana wax bay ka qoreen. Illa hadda lama oga halka somaali kasoo gashay iyo waqtiga aay soo gashay. Dadkii kunoolaa somaaliya ayada oo lagu kala duwnaa aragtida iyo tilmaamaha ay bixiyeen yahiniinta iyo kuwa cabira joqoraafiga.
Aan u soo daagdegno ujeedada qoraalkan, Beesha Wardeey waxay ka mid tahay beelaha soomaliyeed kuna nool deeganada jubada hoose iyo jubada dhexe ahna beesha loogu wada yidmid Gobolodaasi, beeshani waa beel Illaahey ku manaystay Gobol hodan ku ah xaga xoolaha, daaqsiinta, beeraha iyo kaluumaysiga. Waxaay ku noolaayeen dhul babad iyo barwaaqo Alle ku manaystay mana ahayn dad leh dhaqdhaqaaq reer guuraanimo leh waxaana u sabab aha barwaaqada iyo nabada. Joqoraafi ahaan waxaay degnaayeen halka la yiraahdo webi yaroow(W/Shabeelle) illa xeebta ka xigta koonfur, deg baraawe, Garasweeyne, Garas Boorame illa xuduudka dalka Kenya.
Hantida ugu weeyn ee beeshan waxay ahayd Xoolo sida Lo’, Ari iyo ilkahaha maroodiga waxaa loo isticmaali jiray sharaxaad deerka guriga xiliyada ciidaha iyo Aroosyada mana jirin dadkale oo ku baraxnaa beesha gudaheeda, waxay ahaayeen dad leh dhaqan iyo hido lagu faani karo.
Beesha wardeey waxay ahayd beel nabada jecel oo soo dhaweeysa cid kasta oo soo booqata, kumana tashan jirin marna in dhulkan laga qabsani doono oo weerar lagu ekayni doono. Nasiib darro waxaa beesha u yimid dad kala duwan oo wata afkaaro kala duwan, kuwaasi oo kala ahaa qaar sahan u socday, qaar nolol doon ahaa oo abaaro ka soo hayaamay. Dadkii waa la soo dhabeeyey waxaana la siiyay shaqo iyo wixii aay qaban karaan oo waxay noqdeen qowsaaro iyo qaar bulshada iskala noolaado. Xiligaasi waxay ahayd 1850-kii waxaana beesha wardeey boqor u ahaa boqor HARO BANTO, dadkii la soo dhabeeyay markii ay joogeen in mudo ah oo ay arkeen barwaaqada iyo degnaanta, ayey waxaay ku tashadeen in ay dib ugu noqdaan meelihi ayka kala sahan tageen, waxayna warbixinta gaarsiiyeen reerahooda waxa ay ku sugan tahay beesha wardeey. Dadkaasi sahanka ahaa waxay ahaayeen isbaheeysi la magac baxay EJI. Sanooyin kaddib1865-kii waxaa beesha Wardeey soo wajahay xoogan weerar dhinaca waqooy galbeed oo ay soo qaaden beelihi EJI, dagaalkaasi gaadmada iyo dhagarta ahaa dad badan ayaa ku dhintay labada dhinacba, hase yeeshee Beesha Wardeey waxay dib ugu guratay nawaaxiga jilib oo garbo siman ah, badda iyo wabiga jubba iyo halka uu ku dhamaado webi shabeelle, dagaalkiina wuu istaagay, mudo dheer kadib waxaa weerar culus soo qaaday isbahaysiga oo soo batay soona xoogaystay. Waxay weerarka ka soo qaadeen seddex dhinac: W/Galbeed, dhinaca badda iyo dhinaca webiga jubba. Weerarkan waxuu ahaa mid ay soo qorsheesteen Isbahaysigaas si ay u heelaan dhul ballaarsi, daaq, xeebo ay kula xiriiraan badmareenada. Dagaalkan wuu ka duwanaa kii h**e waxay soo adeegsadeen qoryo oo ay rasaasta ka dhacdo halka beesha wardeey uu ahaa Warmo, yagoor iyo fallaaro kaliya. Dagaalka waqti badan ayuu qaatay waana looga taag roonaaday beesha wardeey. Boqorkii wagtigaas ee beesha wardeey wuxuu ahaa Boqor Waamo Iidow, wuxuu ahaa boqor geesi ah inkasta oo laga hub fiicnaa hadana fudeed laguma maquuninin. Waa la isku daalay kadib waxaa daladii boqornimada la wareegay Boqor Aadey Jilo oo aad iyo aad u dadaal badnaa.
Beesha Wardeey wey is difaacday laakiin dagaalka ayaa ku dheeraaday oo waxaa soo batay duulaanka dhul qabsiga iyo nafci doonka ah. Waxaana dhacdey bililiqo xoog leh. Waxaa la dhacay lo’dii iyo hantidii beesha wardeey lahayd iyadoo waliba dadkii dhaawaca iyo nolol lagu qabsaday la gumaystay. Oo loola dhaqmay si waxshinimo ah oo ilaa hadda aan la tilmaami Karin.
Dhulka dadkii lahaa baa udan beeyni doono I.a