Ceelbuur Media

Ceelbuur Media HAGAAG, Kuso dhawoow Warbaahinta Casriga iyo Caalamiga ee (Ceelbuur Media) Haqabtiraha Bulshada.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, ku qaabilay Madaxtooyada, ergayga gaarka ah ...
09/04/2023

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, ku qaabilay Madaxtooyada, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka daneynaya in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay dalkeeda ka qabsoomaan, maadaama ay h**eyba dalkeeda uga dhaceen kulamo h**e.

Dalka Hindiya madal looga diyaar garoobayey aroos iyo farxadda guri cusub, ayaa lagu soo warramayaa in ay mar qudha isu ...
08/04/2023

Dalka Hindiya madal looga diyaar garoobayey aroos iyo farxadda guri cusub, ayaa lagu soo warramayaa in ay mar qudha isu beddeshay geeri iyo dhimasho.

Ka dib markii ay sameecadii ku qaraxday caruuska iyo walaalkii oo hawsha arooska diyaarinayey.

Sameecadda qaraxa samaysay oo lagu xidhay saqafka sare ee guriga ayaa sababtay in meesha uu dab ka koco.

Balse ta yaabka leh ayaa ay in sameecadda uu hadyad ahaan u bixiyey wiil ay xidhiidh lahaan jireen gabadha aroosadda ah kaas oo ugu sheegay in ay tahay taageero iyo garab istaag uu u muujinayo saaxiibaddiisii h**e.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay ninkan oo lagu eedeyey in uu sameecadda ku sameeyey waxyaabo qarax sababay.

 : Wasiir ka tirsan  Dowlada xasan shiikh oo ilaaladiisa wax  dhaceen Waxaa saldhigga degmada Hodan lagu hayaa gaari uu ...
07/04/2023

: Wasiir ka tirsan Dowlada xasan shiikh oo ilaaladiisa wax dhaceen

Waxaa saldhigga degmada Hodan lagu hayaa gaari uu leeyahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee XFS Ilyaas Cali Xasan, kaas oo lagu dhacayay Qaad/Jaad.

Xogta aan helay waxa ay intaas ku daraysaa in gaarigga Wasiirka ay soo qaateen ciidamo isaga ilaalo u ah, kaddibna iyagoo wax dhacaya lagu qabtay.

Xigasho: Cali Aadan Muumin.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, hadalka uu ka dhawaajiyey ee ah Hub culus Xamar laguma dhex wadan karo waa u faa'iido ...
07/04/2023

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, hadalka uu ka dhawaajiyey ee ah Hub culus Xamar laguma dhex wadan karo waa u faa'iido shacabka iyo bilicda Magaalada intaba.

Laakiin war uu diiday Madaxweynuhu shalay isagoo Mucaarad ahaa, sidee isaga looga yeelayaa maanta? Tusaaleyn.

Markii uu ahaa Mucaaradka oo rabitaankiisu ahaa in ninkii kahorreeyey uu kursiga ka rito, wuxuu naftiisa ku ilaalinayey qoryo waaweyn oo xitaa DHASHIIKAHA ka culus. TAAW, ayuu watay Madaxweynuhu oo Xamar ayuu ku dhex socday.

Waa run shalay iyo maanta isku ammaan maahan Xamar, lamana dafiri karo in khawaariijta duurka looga adkaaday oo Muqdisho ay soo galeen, maxaase ku jaban haddii siyaasiga ama Sarkaalka ammaankiisa ilaalsanaya uu qaato hub Culus? Sidii Madaxweyne Xasan uu shalay sameynayey oo kale? Mise dad ka aragti duwan Madaxweynaha ayaa la rabaa in la beegsado? Oo warkani waa marmarsiyo?

Madaxweyne adoo ka fiirsaday ma tiri warka aad ku leedahay Muqdisho hub Culus laguma qaadan karo? Mise waad taraaraxday?

W/Q Cali Aadan Muumin

07/04/2023

Suuqyada laga furay Muqdisho.

Jubba Hypermarket
Hayat Market
Muqdisho Mall
Banaadir Mall
Rugsan Mall
Iyo kuwa lamid ah, maxaa laga faa’iday?

Qiimaha suuqa raqiis maka dhigeen?
Beeralayda, kallumeysatada iyo wax soo saarka dalka fursad ma siiyeen mise dhiirro geliyaan?
Wax cusub bulshada maku soo kordhiyeen?
Weligaa ma maqashay hal suuq oo ka farxiyay Agoonta iyo Danyarta?
Maxaan ka faa’idnay oo aan aheyn in sicirka suuqa qaali ka dhigeen?
Dharkii ay keeni jireen ganacsatada Xamar Weyne, Bakaaraha, Suuq Bacaad ama suuq kale mid ka qurxoon ma keeneen?

Aniga waxaan ogahay qiimaha hal sheey oo yaalla suuqyadaan waa qiimaha laba sheey oo aad ka keensato Bakaaro, Xamar weyne ama Suuq Bacaad waana isku tayo iyo qurux ee aan dhiirri gelinno kuwa noo naxariistay ee danyarta ah weligoodna nala joogay si ganacsigooda usii jiro.

Kaliya magaalada ayey qurxiyeen si ay kaaga qaadaan lacag saa’id ah!

Imaam Waliid Oo La Abaal Mariyey.Ka Dib Markii Muuqaalkiisu Uu Noqday Mid Hadal Hayn Badan Abuuray Iyada Oo Ay Naxariist...
07/04/2023

Imaam Waliid Oo La Abaal Mariyey.
Ka Dib Markii Muuqaalkiisu Uu Noqday Mid Hadal Hayn Badan Abuuray Iyada Oo Ay Naxariista Qaariga Ka Fal Celiyeen Dad Aan Xataa Haysan Diinta Islaamka Kuwaas Oo Ku Ammaanay Sida Uu Sheekhu Ugu Naxariistay Bisaddii Ilaa Garbihiisa Socotay.

DEG DEG--General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Golaha Wasiirrad...
06/04/2023

DEG DEG--General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho, Abril 06 2023---Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo h**ey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah; Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Degmada ...
05/04/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho Afur kula qaatay, Maamulka Degmada, Odiyaasha, Waxgaradka, Cuqaasha iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Munaasabada Afurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.

Allaha u naxariisto waxaa goordhaw dalka Turkiga ku geeriyooday Wasiirkii h**e ee Arrimaha Dibada Sooomaliya, Prof, Isma...
05/04/2023

Allaha u naxariisto waxaa goordhaw dalka Turkiga ku geeriyooday Wasiirkii h**e ee Arrimaha Dibada Sooomaliya, Prof, Ismaaciil Maxamuud Hurre buuba.

Guddiga Difaaca iyo Guddiga Amniga ee Golaha shacabka  Baarlamaanka Soomaliyeed oo maanta la kulmay dhiggooda baarlamaan...
04/04/2023

Guddiga Difaaca iyo Guddiga Amniga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliyeed oo maanta la kulmay dhiggooda baarlamaanka Midow Yurub ayeey si Qoto dheer uga wada hadleen Xaaladda guud ee wadanka gaar ahaan Dagaalka khawaariijta wejigiisi koowaad iyo Bilowga wejigiisa labaad, fursadaha na horyaalla, caqabadaha taagan iyo sidii wadajir Xal loogu heli lahaa.

Guddigu wuxuu ka war bixiyey faaiidada mashaariicda midowga yurub ugu Deeqo laamaha Amniga iyo Difaaca hormuudna ay u yihiin, EUCAP, EUTM, EUNVFOR, tayaynta, qalabaynta ciidanka Xooga Dalka iyo booliska labadiisa heer. Taageeridda hufnaanta Wasaaradaha iyo Sare u qaadida doorka kor joogteyntood ee Guddiyada Difaaca iyo Amniga.

Ugu dambeyn Guddiga Difaaca iyo Guddiga Amnigu waxay dhiggooda Midowga Yurub u soo jeediyeen qodobbada hoos ku xusan

1. in ay dowladda ka taageeraan qaadidda xayiraadda cuna qabataynta hubka oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka khawaariijta
2. In ay Qayb laxaad leh ka qaataan u diyaargarowga xiliga kala Guurka
3. In ay kordhiyaan kaalmada ciidanka Xooga Dalka, gaar ahaan dhanka hubka, dhisidda xeryo ciidan iyo goobo caafimaad
4. In ay si toos ah isugu xirmaan labada Guddi Kana Wada shaqeeyaan dhammaan kor joogtaynta mashaariicda kaalmada si ay u hubiyaan hufnaanta deeqahaasi in ay gaareen meelihii loogu talo galay.

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa Dr Cali Xaaji Maxamed u magacaabay Maareeye ku xigeenka ...
04/04/2023

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa Dr Cali Xaaji Maxamed u magacaabay Maareeye ku xigeenka Dekedda Xamar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka...
04/04/2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona dalkeenna Mr. Christopher Thornely.

Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan.

"In dawladda Canada ay Danjire u soo dirsato dalkeenna waxay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labadeenna dal." Ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Madaxweynihii h**e ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, ha...
03/04/2023

Madaxweynihii h**e ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.

Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump, oo ah madaxweyne h**e oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada hortagaya maxk**adda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka.

Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada.

Sarkaal ka tirsan maxk**adda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxk**adda hor iman doono 2:15pm Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada.

Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxk**adda Dambiyada ee Manhattan.

Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar u noqon doonaan.

“Saraakiisha waxaa la geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York.

Kahor inta aan dacwadda lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016.

Daniels ayaa sheegtay in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray.

Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024.

Dacwadda Trump ayaa ka dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga.

Trump ayaa sheegay inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo siyaasado ay dhiiri-geliyeen.

LAYAAB!Amisom ayaa is Qarxisay sidii Shabaabkii, sidee Qaraxa uga dhexdhacay Baabuurta Amisom?Gaadiidka qafilan oo Amiso...
03/04/2023

LAYAAB!

Amisom ayaa is Qarxisay sidii Shabaabkii, sidee Qaraxa uga dhexdhacay Baabuurta Amisom?

Gaadiidka qafilan oo Amisom leedahay, laguna siday walxaha laga sameeyo Qaraxyadda ayaa fiilooyin si qaldan isku taabtay waxay Sababeen Qaraxa ka dhacay Muqdisho-KM4. Warkan Saraakiisha Ammaanka ayaa xaqiijisay.

Gaarigooda markii ay Qarxiyeen kadib waxay jiho kasta u rideen Xabado, waxaana ku dhaawacmay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka ag dhowaa.

Haddii Amisom-Atmis Qaraxyo gudbinayso, sidee Khawaariijta looga adkaanayaa?

Xigasho: Cali Aadan Muumin

Ra'iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Ra'iisul Wasa...
02/04/2023

Ra'iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.

Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.

Ra'iisul Wasaaaha ayaa tilmaamay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.

Ra'iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla.

Mudane Xamse ayaa sheegay in 5 kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAY GAAR AH OO  U QAABILSAN XASILLINTA IYO ILAALINTA ARRIMAHA RAYIDKAMadaxweynah...
01/04/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAY GAAR AH OO U QAABILSAN XASILLINTA IYO ILAALINTA ARRIMAHA RAYIDKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA ARIMAHA  SOMALILAND Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan...
01/04/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA ARIMAHA SOMALILAND

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go'an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

Safiirka JFS ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa ku qaabilay Safaaradda maanta Wasiirka Horumarinta da...
30/03/2023

Safiirka JFS ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa ku qaabilay Safaaradda maanta Wasiirka Horumarinta dalka Serbia Mudane Edin Đjerlek

Inta uu socday kulanka Danjiraha iyo Wasiirka ayaa la isku dhaafsaday fikrado muhiim ah, waxaana ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka istiraatijiyadeed & iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah, xiriir kaasi oo ku qotoma wax wada-qabsi, iyo is ixtiraam labadda Dowladood iyo shacbiga labada dal. 🇷🇸🤝🇸🇴

29/03/2023

Shacabka Muqdisho oo aad u soo dhaweeyey tallaabadii la iskugu furay wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saakay kormeeray qeybta Faraha ee hoggaanka baar...
29/03/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saakay kormeeray qeybta Faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da.

Taliyaha ayaa u kuur galay hanaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna howsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adegayay.

Taliye Sulub ayaa Saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehantahay loogu adeego shacabka u soo adeeg doonto CID-da.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugt...
28/03/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada Muqdisho.

Kulankan lagu saxiiyay heshiiskan is afgaradka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubno ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Geeljire u sharraxan abaal-gudka East AfricaCom AwardsAxmed Yuusuf (Mascuud ) oo  ah Madax Fulinta shirkadda Isgaarsiint...
28/03/2023

Geeljire u sharraxan abaal-gudka East AfricaCom Awards

Axmed Yuusuf (Mascuud ) oo ah Madax Fulinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku soo baxay liiska dadka u Tartamay abaalmarinta 2023 ee hogaamiye dhiirrigeliye ah ee abaal-gudka East AfricaCom Awards.

geeljire h**e Axmed Yuusuf oo ka mid Maamulka ugu sareeya ee Shirkada Hormuud Telcom oo ah shaqo-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaatay unkida
habka ugu caansan ee lacagaha moobilada la isgu diro dalka ee EVC Plus.

Shirkadda Hormuud ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay xulashadiisa, isla markaana uu mudan yahay in lagu aqoonsado kaalintii uu ka gaystay yagleelida Soomaaliya oo xasilloon iyo doorka Hormarinta Tiknolajiyada ee Dalka,waxaan dadka internet ka isticmaala ka codsatay inay u codeeyaan.

Wasirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Chaina.Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalam...
27/03/2023

Wasirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Chaina.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Abshir Jaamac Haruuse ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhiggiida dalka Chaina Danjire Fei Shengchao.

Wasiir Haruuse ayaa dhiggisa dalka Chaina kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Diblumaasiyadda, Waxbarashada, iyo Gargaarka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kormeeray Ciidan tababar Cusboona...
27/03/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kormeeray Ciidan tababar Cusboonaysiin ah ugu jiray Akademiyada Boliska ee Sareeye Guuto Kaahiye.

Waxaa ciidankaas baraarujin Diini ah iyo wacyi gelin u sameyay Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane, isagoo ciidamada kula dar daarmay dhaqanka Diinteena Suuban iyo iney ka fogaadaan wax walba oo maskaxdooda doorin kara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddo...
26/03/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa Afur wadareed la qaatay Odayaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur Wadareedka ayaa ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Amniga iyo Bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha Amni iyo Arrimo Bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid Bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

26/03/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh "Khawaarijtu meelaha ay ku harsan tahay waa meelaha dadkoodu kici waayeen, deegaanada dadkoodu kacay hal Khawaarij ma joogi karo".

Ra'iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta DalkaRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder...
25/03/2023

Ra'iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Ra'iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa'iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.

Mudane Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu horumarinaayo dalka.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.

Wefti ka duulay Muqdisho oo metelaya Beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle oo u socda inay waan waan ka dhex bilaabaan dhin...
25/03/2023

Wefti ka duulay Muqdisho oo metelaya Beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle oo u socda inay waan waan ka dhex bilaabaan dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ayaa gaaray Garoowe.

 :- ciidamo deegaanka ah  ayaa goordhaw La-wareegay degaano hoostaga Degmada jalalqasi gobolka hiiraan kadib howlgal qor...
25/03/2023

:- ciidamo deegaanka ah ayaa goordhaw La-wareegay degaano hoostaga Degmada jalalqasi gobolka hiiraan kadib howlgal qorsheeysan oo aay saakay ku qaadeen.

Degaanada ay la wareegen ciidanka Waxaa kamid ah qurcaleey jabileey iyo degaan kale oo hoostaga Degmada jalalqasi gobolka hiiraan, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa Garowe kusoo dhaweeyay xubno kamid ah Isimada SSC oo soo gaara...
24/03/2023

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa Garowe kusoo dhaweeyay xubno kamid ah Isimada SSC oo soo gaaray maanta caasimada dowlada Puntland.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uun...
24/03/2023

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, waxaana la horgayn doonaa sharciga, iyadoo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uu go’aamiyey in laga ruqseeyo kamid ahaan-shihiisa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Ciidanka Boliisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, hadii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Boliiska 991."

Taliyaha qeybta Galbeed ee Boliiska Gobolka Banaadir Col Mooshin oo shalay loo magacaabay xilka ayaa maanta la wareegay ...
23/03/2023

Taliyaha qeybta Galbeed ee Boliiska Gobolka Banaadir Col Mooshin oo shalay loo magacaabay xilka ayaa maanta la wareegay waxaana xilka wareejiyay Col: Yasin Ganey oo muddo sanad ah haayay xilkaan.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in ay baaris ku wadaan shirkado sameeya documents been abuur ah si a...
23/03/2023

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in ay baaris ku wadaan shirkado sameeya documents been abuur ah si ay uga qeybgalaan adeegga Tartanka Xajka.

Jubbaland oo gaadiidkii ugu badnaa kala wareegtay Dowladda imaaraadka carabta, waana gaadiid dagaal.
22/03/2023

Jubbaland oo gaadiidkii ugu badnaa kala wareegtay Dowladda imaaraadka carabta, waana gaadiid dagaal.

RA’IISUL WASAARE XAMSE OO SOO XIRAY KOOBKA DEGMOOYINKA IYO DEEGAANNADA GOBOLKA BANAADIRRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed...
22/03/2023

RA’IISUL WASAARE XAMSE OO SOO XIRAY KOOBKA DEGMOOYINKA IYO DEEGAANNADA GOBOLKA BANAADIR

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey Xulka deegaanka Gubadleey oo ku guuleystay Koobka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho, isagoona guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey Xulka Degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray ciyaarta k**a danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Waxaan rajeynayaa in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan.
Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Decumenti la helay ayaa muujinaya in Khilaaf xoogan uu xilligan ka dhax jiro wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaa...
22/03/2023

Decumenti la helay ayaa muujinaya in Khilaaf xoogan uu xilligan ka dhax jiro wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka guud ee Dowladda De Cilmi.

Warqado labada dhinac ay is dhaafasadeen ayaa muujinaya in dhinac walba oo sheeganayo sharciyadda diuaarinta sharciyadaha.

Hoos ka akhriso.

21/03/2023

Hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda.

21/03/2023

Sheekh Bashiir Axmed Salaad" Madaxda waxa ugu muhiimsan ee looga baahan yahay waa in la dhiso Kalsoonida Shacabka".

Bandhigga Waxqabadka lixda bilood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ( Dan-qaran).
21/03/2023

Bandhigga Waxqabadka lixda bilood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ( Dan-qaran).

Address

Makka Almukarrama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ceelbuur Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All