08/06/2023
War Degdeg
Waxaanu Argagaxisada Ka Qabanay 39-Maxbuus Iyo Laba Gaadhi Oo Tikniko Ah"Taliye Mahad Canbaashe
WARSAAFADEED:
"Subaxnimadii saaka abbaaro 10:30 Pm waxa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Ciidammada Qaranka Somaliland Qaybta 7aad ee galbeedka magaalada Laascaanood kooxaha huwanta ah ee argagixisada, malleeshiyaadka nabad-diidka ah iyo maamulka Puntland. Ciidammada Qaranku iyagoo u diyaar ah dhagaraha cadowgu u maleegayo waxay iska difaaceen weerarkaas, waxa aynu ku dhufteen dhirbaaxo kulul oo cadowga saransarqaysiisay. CQJSL waxa ay cadowga la ciyaareen kaarto waxayna sameeyeen dib u gurasho xeel dagaal, iyaga oo cadowgu soo galay xeryihii ciidanku u baneeyey intaa kadib waxay cadowgu isku sawireen gaadiid iskaraab ah oo xerada yaallay.
Waxa kale oo ay sameeyeen inay xidhaan dirays u eeg ka CQ oo kale, iyaga oo intay xidheen video-yo iska duubay iyaga oo ka dhigaya maxaabiis Ciidammada Qaranka ay ka qabteen. Intaa kadib CQJSl waxa uu qaaday weerarka, isaga oo cadowga ka qabtay 39 maxbuus, 5 gaadhi oo tikniko ah iyo guud ahaan magaalada Laascaanood, marka laga reebo dacalka sayladda oo ay ku sii hadheen. Bal imminka ha soo duubaan dhulkii ay lahaayeen waa qabsannay iyo magaalada dhexdeeda.
Mar kale ayaan fursad siinayaa shacabka la khalday ee argagixisada iyo dadka danaha leh xaabada ka dhigteen waxad haysataan fursad aad CQJSL isugu soo dhiibtaan ee ha khasaarina. Waxaan u sheegayaa shacabka reer Sool iyo SL ba in aannu dhaqso uga sifaynayno magaalada kooxaha huwanta ah ee ku bushaaraysta."
Taliyaha Q7aad ee CQJSL Sarreeye Guuto Mahad Canbaashe.
-Wa bilaahi towfiiq-