Nuurulquran

Nuurulquran welocme to my shorts
(1)

24/08/2021
24/08/2021

BARI ILAAHAY BAS

30/03/2021

Waxaan Dareemayaa in Salaadeyda Wax dhadhan ah ii laheeyn Hilmaan Ayaan Ku galaa Aniga Oo Maskaxiyan Meel Kale Ku Mashquulsan Waan Ka baxaa .... Maxaa Ugu Wacan .? Khushuuc mahayo.

Dadka Marka ay Salaadda Ku jiraan isku Arko Calaamadahaan Sida Adiga Oo Aan Ka Warqabin Waxa Aad Aqrineyso Maskaxda Oo iska baxdo Ayada Oo Meelo Kale isaga Mashquulsan

Dadka Noocaan ah Ma dareeman Macaanka Salaadda Waxaa Ku dhib ah inta Uu Taagan yahay Ama fadhiyo

Ma isku Aragtay Xanuunadan iyo Qaar Kale Haddii jawaabtu Tahay Haa Waxaa Lagu Hayaa Sidaad isaga Daaweeyn laheed Dib Ugu Soo Ceshan laheed Macaanka iyo Dhadhanka Salaaddaada.

Waxaan Ku dhaartay Rabbiga Koonkaan Abuuray Haddii Aad Raacdo Talaabooyiinka Aan Kuu Sheegi doono Mar dambe Salaada Hilmaam Kuma Tukaneysid iyo Qaflad Waxaadne Ka bixi doontaa Salaada adiga Oo Sii Rabo.

Marka H**e Waxaad Ogaataa in ay jiraan Dad Salaad Tukaday inta ay Nool yihiin Oo dhan 60sano Ama 70sano
Waxeey Maalinta Khiyaame tagi doonaan iyaga Oo Sacabo maran

Waxaa Ugu Wacan Waxeey Salaada Ku ilaalin jireen istaageeda Rukuucdeeda Sujuudeeda Lkn Salaaddaas Ma laheeyn Wax Khushuuc ah.

1= Marka H**e Waxaad badashaa Suuradaha gaa gaaban Aad Maalin Walba Sidaad U aqrineysay Carabka La qabsaday Maxaa yeelaay Maskaxda Wixii Lagu Cel Celiyo Si Automatic ah ayeey Ula qabsataa Hadhow dambe Markaad Salaad Xirato Oo Aad bilaawdo aqrinta Suuradihii Aad aqrin jirtay Maskaxda Waxeey Isku dayeysaa in ay Wax kale Oo Cusub Ku Mashquusho

2= Ka Hor intaadan Salaada Galin Sacad Ama Labo Saac Waxaad isku daydaa inaad Soo Xifdiso Labo Sadar Oo Quraan ah Ka dib isku day inaad Ku tukato
Waxaad Arki doontaa Maskaxda Oo Dareenkeedii Ugu badnaa Salaadaas isugu geeysay Meel kale Aadi meyso
Waayo Waxeey Heshay Wax Cusub ay Ku Mashquusho.

3= Waqtigaaga Firaaqada ah Ka Faaideyso inaad Ku shaqeysato Ama Wax Kheyr ah Ku qabato Shaydaanka Haka Ogolaan in Uu Kugu yiraahdo Waqti badan ayaad Haysataa Ee Waxaad aqrisataa Dhaman Musxafka Fikirkaas Lacnadan ka fogow Ee Waxaad aqrisaa Labo ama Sadax Ama Afax Sadar Aad Ku tukato Salaadada Soo Xigto Waxaad arki doontaa is badal Aad u ballaaran.

Maxaan Sameeyaa Faatixada Kuma Khushuuco Aniga Oo dhameey ayaan is arkaa .?

Taas Waxaa Kaaga filan Labo Qodob Oo Kala ah Kow inaad barato Macnaha Suuradda Al-faatixa Qodobka Labaad Waa inaad Niyada Ku qabato inaad Rabbigaa La Munaajooneyso Aad isu Jawaabeysaan Aad Hortaagan tahay.

Weeysada Ka daa boobsiiska Waxaad Ka dhigtaa Weysaqaadashada Midii Kugu dambeysay Nolohaada Camal Waxaad Ogaataa inaad La Kulmi doontid Markaad Masjidka tagtid Rabbigii Caalamka.

Waxaad Niyada Ku qabataa inad Hortaagan tahay Allah Caalamka Abuuray
Bal Suureyao Adiga Oo Imaam U ah Boqolal Musaliin ah Oo Salaad Kugu Xirtay Hal Khalad Hadii Uu Kaa dhaco Sida Loo Wada Qeeylinayo Kaliya Waxaad Ka tagtay Rukuuc Ama Sujuud

Markaad Sujuudo Haka gaabin inaad aqrisato Kalmado fudud Sida
"سبحان ربى الاعلى ....ثلاث مرات .
Ka dib Haka Hilmaamin Ducada Naftaada Waalidkaa Ehelkaaga Dadka Jiran Kuwa Muslimiinta ah Ee dhintay iyo Kuwa Nool.

Sidaa Haddii Aad Sameeyso Waxaad Tukatay Salaad Caaqibo leh Ajarkeedane Aad rabbi Ka Rajeeyneyso Macaankeeda iyo Dhadhankeeda Aad dareemi doonto

Allaah Ku bareekeyo Qoraalkan Haddaad Awoodo Ku faafi Shan Group Ugu yaraan
Ducadaada Ha iga Hilmaamin Jzkllh.

Sii garey wlal si ay u gaarto wlalaha kale.

Ya Allah! Convert our discomfort to comfort, our pains to gains, our minimum to maximum, our losses to profits, our tear...
09/03/2021

Ya Allah! Convert our discomfort to comfort, our pains to gains, our minimum to maximum, our losses to profits, our tears to smiles, our sorrows to pleasures, our bad wishers to well wishers, our debts to credits and our good dreams to realities. Ameen.

وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ
28/02/2021

وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ

ILAAHOOW KHAATUMO KHEER NA SII. Allaah SW, wuxuu yiri:- ﻭَﻣَﺎ ٱﻟْﺤَﻴَﻮٰﺓُ ٱﻟﺪُّﻧْﻴَﺎٓ ﺇِﻻَّ ﻟَﻌِﺐٌ ﻭَﻟَﻬْﻮٌ ۖ ﻭَﻟَﻠﺪَّاﺭ...
23/02/2021

ILAAHOOW KHAATUMO KHEER NA SII.

Allaah SW, wuxuu yiri:-

ﻭَﻣَﺎ ٱﻟْﺤَﻴَﻮٰﺓُ ٱﻟﺪُّﻧْﻴَﺎٓ ﺇِﻻَّ ﻟَﻌِﺐٌ ﻭَﻟَﻬْﻮٌ ۖ ﻭَﻟَﻠﺪَّاﺭُ ٱﻻْءَﺧِﺮَﺓُ ﺧَﻴْﺮٌ ﻟِّﻠَّﺬِﻳﻦَ ﻳَﺘَّﻘُﻮﻥَ ۗ ﺃَﻓَﻼَ ﺗَﻌْﻘِﻠُﻮﻥ.
Oo Macnaheedu yahay:- Nolosha Adduunyada ma aha Wax aan Ciyaar iyo Madadaalo aheyn, Guriga Aakharo ayaana u Kheyr badan kuwa Dhowrsan ee Miyeydaan wax kaseyin.

FIIRO GAAR AH.

Walaalka/Walaasha Muslimka ahow, mid Xasuusoow in dhamaadka Nolosha ay tahay Qubuur iyo soo saaris iyo soo Kulmin (Qiyaamada), laguuna Xisaabinaayo wax kasta aad Faafiso ama aad qorto. (Is xisaabi intaan lagu Xisaabin).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

SAXAABIGII GEERIDIISA CARSHIGA U GARIIRAY.Taariikhdii Saxaabigii Sacad ibnu Mucaad.Sacad ibnu Mucaad RC, wuxuu ahaa Saxa...
22/02/2021

SAXAABIGII GEERIDIISA CARSHIGA U GARIIRAY.

Taariikhdii Saxaabigii Sacad ibnu Mucaad.

Sacad ibnu Mucaad RC, wuxuu ahaa Saxaabadii ugu miizaaniyadda weyneyd Saxaabada Rasuulka CSW, wauxuuna ahaa Nin Ansaari ah gaar ahaan, wuxuu ka dhashay Qabiilka Reer Ows, jilibkiisu wuxuu ahaa Reer banii Cabdi Ash-hal..

Saxaabigan wuxuu ahaa Nin dheer, oo Xoog badan , aadna u Qurux badan, wuxuuna Madax u ahaa qabiilkiisa Reer Cabdi Ash-hal iyo guud ahaan Reer Awsba.

Saxaabigan hooyadiis waxa la oran jiray Kabsha bintu Raafic waxayna ahayd haweeney Muslimad ah, sidoo kale Zaaskiisa iyadana waxa la oran jiray Hinda bintu Samaaka, waxaana isaga ka hor qabay Walaalkii Aws ibnu Mucaad, gabadhana wey islaantay, Caruurna wey u dhashay Sacad ibnu Mucaad.

Sacad ibnu Mucaad RC, waxaa soo islaamiyey oo Sabab u ahaa islaamnimadiisa Safiirkii koowaad ee Islaamka Muscab ibnu Cumayr, ka dibna wuxuu Sacad u tagay Reerkiisii Reer bani Cabdil-Ash-hal, wuxuuna yiri: Hadalkaygu waa idinka Xaaraan hadeydaan Islaamin, isla markiiba Qabiilkiisii oo dhan wey wada islaameen.

Sacad wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar ee uu Allah guusha siiyey Muslimiinta isagoona Nabiga CSW Teendhadiisa Horteeda ka Dagaalamaayay.

Dagaalkii Uxudna waa ka qeyb galay, wuxuuna ahaa Isaga iyo Cumar Saxaabadii fadhiisatay markay maqleen in Nabigii Ilaahay ee Muxamed CSW, la dilay ka dibna waxaa soo maray Saxaabiga weynaa ee
Anas ibnu Nadar oo Seeftiisa Siibtay, kuna dhahay: Maxaad la fadhiisateen dagaalama.

Waxay dhaheen: Nabigii baa la dilay, wuxuu dhahay: hadduu dhintay Nabigu kaca oo ku Dhinta wuxuu ku dhintay Nabigii Ilaahey, ka dibna Anas binu Nadar waa dagaalamay oo wuu Shahaado qaatay.

Sacad ibnu Mucaad wuxuu kale oo ka qeyb galay dagaalkii Weynaa Axzaab oo gaaladii Qureesh oo ahayd Afar kun oo Nin iyo Carabtii Reer bani Qadafaan oo ahaa Lix kun oo ay duulaan ku soo qaadeen Magaalada Madiina si ay u qabsadaan, waxaana dhagartaas kala qeybgalay Yahuudii Reer bani Qureyda oo Ballantii ay muslimiinta la lahaayeen ka baxday.

Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa gaaladii u soo diray Dabayl, ka dibn Hilfaha ayey dabayshaasi u kala qaaday Colkii weynaa, wey kala firdhadeen, waxeyna ku laabteen meeshii ay ka yimaadee

20/02/2021

WAX KA BARO TUKASHADA SALAATU LEYL.

Salaatu leyl Waxaa la Dukadaa wixii ka dambeeya Cishaha illaa Salaadda Subax, Bisha Ramadaankana waxaa la Dukadaa Cishaha iyo Taraawiixda ka dib.

Waxaa ugu yar 3 Rakco oo ka kooban 2 Rakco oo Salaatu leyl ah iyo 1 Rakco oo ka dambeyso Labada Rakco taas oo ah Witir, Waxaadna Dukan kartaa Cishaha ka dib ama Todoba saac wixii ka dambeeya Habeenkii, waxaana wanaagsan inaadan boobsiinin oo si Khushuuc ah u Dukato, kuna Akhriso Qur'aanka intaa taqaano.

Waxaa kaloo la Dukadaa 11 Rakco iyo 13 Rakco.
11ka Rakco= 10 Rakco oo Laba Labo loo Dukanaayo iyo 1 Rakco oo Witir ah oo loogu dambeysiinaayo si ah loo dukanaayo.

13ka Rakco- 12 Rakco oo Laba labo loo dukanaayo iyo 1 Rakco oo Witir ah oo si gaar ah loo dukanaayo.

Ama 13 Rakco oo 8 ka mid ah Labo Labo loo dukanaayo iyo 5 Rakco oo witir ah oo leysku wada xeraayo Rakcada u dambeyso Bes la fariisanaayo Ataxiyaatka, ka dibna la Salaama naqsanaayo.

Witirka waxaa Dukan kartaa 1 ama 3 ama 5 ama 9, hal Ataxiyad ayaana loo fadhiisanaa Rakcada ugu dambeyso bes.

Ama Labo Labo inaa isugu Xerto, Hal ama Saddex waa u dambeysiin kartaa, waa Witirka.

FAA'IDOOYINKA SALAATU LEYL.

Faaiidooyinka salaatul leyka, lama soo koobi karo, waxaana ja mid ah:-

1- In Ajir fara badan aa ku heleyso.
2- In ilaah kuugu dembi dhaafayo.
3- In Qalbigaada iyo Wejigaada ay Nuurineyso.
4- In waxaad Rabigaada weydiisato uu ku siinayo.
5- iyo inuu Allaah kaa mid dhigaayo kuwa Daakiriinta ah oo Rabigooda xusa.

MAXAA KU SAACIDAAYO INAAD DUKATO ?.

Waxaa kugu saacidaya inaad Dukato waa:-

1- Inaad Allaah bariso inuu kugu duwo dhankeeda oo uu kaa mid dhigo dadka Dukado oo laga Aqbalo.

2- Inaad Maalintii ka fogaato Dunuubta, si Habeenkii aad u haleesho Wanaagga.

3- Inaad Allaah Xusto mar walba oo Dikrigiisa Afkaaga ka bixin.

4- Inaad Maalintii Duhuradii Seexato inyar, si Habeenkii aad u soo jeeddo Xilliga dambe.

5- Inaad Mobilka ku buuxsato Saacadda Xilligaa rabto inaad soo kacdo.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

19/02/2021

SIDEE SALAADDA KU JECLAAN KARTAA ?.

Ma dhacdaa inaad Salaadda boobsiis ku dukatid, ama intaad dukaneyso aad meelo kala ka Fikirtid oo aad is aragtid Adiga oo dhameeyay Salaadda.

Haddaba sababtu waa Khushuuc la'aan, khushuuca waa in Qalbiga soo xaadiro waqtiga Salaadda oo uu macaansado Dhadhanka Salaadda.

Haddaba Qodobadan waxay kaa saacidi doonaan in aad Beddesho qaabkaa Salaadda u dukan jirtay oo ku dhex Khushuucdo Salaadda, oo aad jeclaato, insha Allaah.

1- Salliga dhaq oo Nadiifi, Cadar aad jeceshahay mari oo Carfi meesha Sujuudda iyo dhamaantiis.

2- Dhig meel khaas u ah Salaadda oo nadiif ah, aadna u qurxisay, darbiyada ku dheji adkaar iyo warqado ku sawiran Xajka, si markaa istaagto meeshaa aad u dareento inaad ka soo baxday Aduunyo oo Allaah la kulmeyso.

3- Soo gado Dhar Salaadda u khaas ah, oo aad u Qurxoon, markaad xeratana lagu dhahaayo intee u socotaa Xaflad miyaa.

4- Markaad Aadanka maqasho soo xiro dharkii Salaadda ee qurxanaa, soona weyso qaado, adigoo aan boobsiineyn Weysada, oo ku fikiraaya in uu Dembigaada dhaqmaayo mar walboo Biyaha mariso korkaaga.

5- Salliga aad oo sii dooro Suuradaha aad ku dhex Akhrin doonto Salaadda.

6- Ogsoonow inaad maalin walba Moobilka saacado dul fadhiso adigoo aan ka daaleynin, Salaaddana ay tahay daqiiqado kooban.

7- Suuradaha lagu soo celceliyo maalin walba waxay sababaan in Carabka uu u barto oo adigoo maskaxdaada iska maqan tahay uu Carabka sii Akhriyo. Kala badal Suuradaha, oo baro kuwo cusub, kuna dhex Akhri Salaadda.

8- Xasuusnow inaad hor taagan tahay Allaah, oo markaad Sujuudeyso ay tahay marka aad Alle ugu dhawaanshaha badan tahay.

Ha boobsiinin oo ku dheerow Sujuudda, kana fogow inaad soo xasuusato Aduunyo iyo wax aad dib u dhigan kartid.

9- Markaad ka baxdo Salaadda dhaqso haka istaagin Salliga, xoogaa fadhi oo duceyso, Aayatul kursi iyo adkaartaa taqaano Akhriso, kitaabka soo qabso Akhriso 10 aayadba ha ahaato.

10- Haddaad aragto kitaabka qur'aanka ee guriga yaalla oo boor dusha ka saaran yahay ogow inaad ka Haajirtay Qur'aanka oo aad u baahan tahay inaad u soo laabato.

11- Haddaa aragto qof salaadda ku faro oo mar waliba xageeda kula jecel waxaa ogaataa inuu yahay qof aad kuu jecel, haka xumaan oo ha dhihin maxaa ka galay Salaadeyda, shukran dheh qofkaas waayo waa qof aan asagoo kale la heleyn.

12- Ogoow mar kasta, Salaadda iney tahay waxa ugu h**eeya ee qofka laga Xisaabiyo maalinta qiyaamaha, haddaad imtixaanka ugu h**eeyay oo Salaadda ahaa aad ku fashilanto, waxa kalena ha sugin inaad ku guuleysatid.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

18/02/2021

Markuu Nabigeenu محمــــدﷺ (SCW) ka Tagay Adduunyada Sayyid Bilaal Binu Rawaax (Allah Haka Raali Noqdee) Isna wuxuu Iskaga Tagay Madiina Wuxuuna Tagey Dhulka Shaam Maxaa Yeelay Muuna ku Noolaan karin Madiina, Isagoon Rasuulka محمــــدﷺ (SCW) Arkeynin.

Habeen Isagoo Hurda Ayuu ku Riyooday Nabiga suuban SCW Oo Leh” Bilaal Maxaad noo gooysay Nama soo booqaneysid miyaa?

Wuu Toosay Sayyid Bilaal Wuxuu Soo Fuulay Faras Dheereeya Wuxuu Yimid magaaladii Madiina.

Xassan Iyo Xuseen Owlaadii Rasuulka scw ayaa ka codsaday inuu aadaamo Markuu Aadaamay Maalintaas Sanado Badan kadib Reer Madiina Way soo Wada bexeen xataa gabdhihii guri kujirka ahaa ayaa soo baxay Nin kasta Iyo Haweenay kasta Baroor Iyo Oohin Ayay Isku Dareen Maalin kaga oohin badan reer madiino lama arag illaa Maalinkii Uu Rasuulkeena la oofsaday ma ahane..

Aadaanka Bilaal ayay ku xasuusteen Nabiga SCW waayo markasta oo Bilaal aadimo nabiga Scw wuu soo bixi jiray si dadka u tujiyo Salaada.

Markuu Gaaray 《Ashhadu Anna Muxammada Rasuuulullaah》Bilaal Ilintiisa Dhulkay ayay ku Dhacday Oo ku Daadatay Maxaa Yeelay? Muusan awoodin inuu dhamaystiro.

Ha Dhaafin Adigoon Dhihin محمــــدﷺ (SCW).

Fadlan Walaal Hadaad Dhameysay Akhrinta Qormadan Ku Sali Nebigenna محمــــدﷺ Siina Faafi Ajir Baad Ka Heli Doontaa insha allah

17/02/2021

Xilligii Cumar Binu Alkhadhaab RC ayaa waxaa u yimid Seddex Nin oo gacanta ka haaya Nin dhalinyaro ah waxayna dheheen" Amiirkii Mu'miniintow waxaan kaa rabnaa inaad noo Qisaasto Ninkaan wuxuu dilay Aabaheen.

Cumar ayaa weydiiyay Ninkii Maxaad u dishay?

Ninkii ayaa yiri " waxaan ahay Geel jire mid ka mid ah Geeleyga ayaa cunay geed ku yaalla dhulka Aabahood , markaasuu Dhagax ku dilay wuuna u dhintay Neefkeygii anigana isla dhagaxii ayaan qabsaday oo aan ku dilay isagii".

Cumar ayaa yiri hadaba waxaan kugu fulinayaa Xad Dil ah.

Ninkii ayaa yiri waayahay ee Seddex maalin fursad isii waayo.Aabaheey oo dhintay ayaa nooga tagay Sanduuq Dahab uu ku jiro Aniga iyo Walaalkeey oo aad u Da' yar , haddii aad i disho Walaalkey meel kuma oga Sanduuqa Isaguna sidaas ayuu ku dayacmaa maadaama uu yahay Cunug yar.

Cumar ayaa yiri yaa ku damiinanaayo.

Ninkii ayaa eegay wajiyada dadkii meesha joogay markaasu yiri Ninkaan.

Cumar ayaa yiri Abuu Dari ma adigaa damaanad qaadaya Ninkaan???.

Abuu Dar ayaa yiri Haa Amiirkii Mu'miniintow.

Cumar ayaa yiri ma taqaanid Ninkaan haddii uu baxsado adigaa ayaa xadkiisa laguugu fulinaa.

Abuu Dar ayaa yiri aniga Damaanad ka ah midaas.

Ninkii ayaa baxay , maalintii koowaad ayaa soo wareegtay , hadana 2aad hadana 3aad , dadkii oo dhan waxa ay ka walwalsan yihiin in Abuu Dar lagu qaado Xadka , inta aan la gaarin Salaada Maqrib ayaa waxaa yimid Ninkii oo daal daran uu ka muuqdo isagoo soo hor istaagay Amiirkii Mu'miniinta Cumar bin Alkhadhaab markaasuu yiri " Dahabkii iyo Walaalkeyba waxaan ku soo wareejiyay Abtiyaasheey Hadda Xadka waad igu fulin kartaa".

Cumar ayaa la yaabay wuxuuna weydiiyay maxaa ku soo celiyay waad baxsan kartaye?.

Ninkii ayaa yiri waxaan ka Cabsaday in dadku dhahaan Ballan oofintii ayaa dhamaatay.

Cumar ayaa weydiiyay Abuu Darri Maxaad u damiinatay?

Abuu Darri ayaa yiri waxaan ka cabsaday in la yiraahdo Kheyrkii ayaa ka dhamaaday dadka.

Waxaa saameeyay raggii Aabahood la dilay iyaguna Arrinta meesha ka socota waxayna dheheen waanu cafinay dilaaga.

Cumar ayaa weydiiyay Sababta ay u cafiyeen?

Iyaguna waxay dheheen waxaan ka Cabsanay in la yiraahdo Cafiskii ayaa dadka ka dhamaaday.

Aniģana waxaan idiin soo gaarsiiyay inaan la dhihin Faafinta Kheyrka ayaa Dadkii ka dhamaaday.

Hadaad dhameysatay Akhriska ku Salli Nabigeena NNKH.

16/02/2021

Qofka Salaada subax ku tukadaa Jameeco oo waliba sii fadhiya meeshuu ku tukaday ilaa qoraxdu kasoo baxdo waxaa loo qoraa ajarka qof xajiyay oo waliba cimreestay.

Labada rakcadood ee sunaha ah ee Salaada subax ka h**eeya Rasuulku S.C.W kamuu tegi jirin oo aad ayuu u illaaalin jiray waxa uuna yidhi" Labada rakcadood ee salaada subax ka h**eeya ayaa ka khayr badan aduunyada iyo waxa korkeeda yaala oo dhan"

Allow khayrka nawaafaji adaa qaadiree 🤲🤲

15/02/2021

MU'MINIINTA YAA UGU IMAAN WANAAGSAN?.

Rasuulka CSW, ayaa Asxaabta weydiiyay Su'aal ah:- Mu'miniinta midkee ayaa ugu iimaan Wanaagsan?.

1- Kolkaas ayey ku jawaabeen "Malaa'igta".
Markaas ayuu yiri Rasuulka CSW, waa Gar mar haddey Boqorka ag joogaan.

2- Mar kale ayuu ku celiyay Su'aashii, waxeyna ku jawaabeen "Anbiyada".
Markaas ayuu yiri Rasuulka CSW, waa Gar mar haddii Waxyigii lagu soo Dejiyay.

3- Mar Saddexaad ayuu weydiiyay Su'aashii, waxeyna ku jawaabeen "Asxaabta".
Markaas ayuu yiri Rasuulka CSW, waa Gar mar haddii Waxyigu iigu soo degaayo Anigana aan idin dhex joogo.

Markaas ayuu Rasuulka CSW, ka jawaabay wuxuuna yiri:- Mu'miniinta waxaa ugu iimaan Wanaagsan Qolo imaan doonta oo Mu'miniinta ka mid ah, oo heli doonta Waraaqo, oo Diinta ay ku qoran tahay Qur'aan iyo Xadiisba, dabadeedna Rumeynaaya oo raacaaya, kuwaas ayaan la Dhacsanahay iimaankooda, iyagoo Malag iyo Nabi arkin.

Runtii Walaalaha Muslimiinta ahoow, Ammaan weyn ayey noo tahay haddeynu nahay Umaddii Rasuulka CSW, sidaasi darteed Waa in aan ku Dhegnaa Qur'aanka Kariimka iyo Sunnadii Rasuulka CSW.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

14/02/2021

ALLOOW NOO AQBAL DUCADEENA.

Rabbiyow naga Farxi Sidaad uga Farxisay Nabi Zakariye markaad u Hibeeysay Nabi Yaxye.

Rabbiyow naga Saar Ciriiriga iyo Kurbada sidaad Nabi Yuunis Caloosha Kalluunkii Cunay uga soo saartay.

Rabbiyow Samir & Dulqaad nagu ilhaami marka uu Dhib yimaado sidaad ugu ilhaamisay Nabi Ayuub markii Balaayada ku dhacday oo Xanuun dartiis loo Deyriyay.

Rabbiyow Waddada Hanuunka noo Dhambal sidaas Nabi Muuse ugu Dhambashay Badda.

Rabbiyow Naarta Adduun iyo midda Aakhiro Nooga yeel mid Qabow oo Nabadgelyo leh sidaad Nabi Ibraahiim uga yeeshay markii Dabka lagu riday.

Rabbiyow nagu Arzaaq jaceylkaaga, sidaas Nabi Muxammad CSW, ugu Arzaaqday jaceylka Umaddiisa.

Rabbiyoow F***j Kheyr leh noo Fur, sidaas Nabi Yuusuf F***jka ugu furtay markey Ceelka ku tuureen Walaalihiisa.

(Alloow Aqbal nooga yeel Ducadeena).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

13/02/2021

FADLIGA U LEEYAHAY SALLIGA NABIGA CSW.

Nin ayaa Geeriyooday, markii la Aasay, ayaa Hurdada (Riyo) lagu arkay, Waxa la weydiiyay Bal kawaran maxaad kula kulantay Qabriga?

Wuxuu yiri: Waxa ii yimid Labada Malak ee Munkar iyo Nakiir, waxey i Waydiiyeen Su'aalo, Su'aalihii ayaa igu Adkaaday oo aan ka Jawaabi waayay, ayagana wey igu Boobsiinayaan, oo waxey i leeyihiin Dhaqso ka jawaab Su'aalaha Iyo Canaan ayey isugu key Dareen.

Mar aan yaabanahay oo Wax aan sameeyo Garan la'ahay, ayaa Anigii iyo Labadii Malak Waxa Nakala Dhex Galay Qof aad u Qurxoon, oo iiga Shafeecay.

Qofkii ayaan la Hadlay oon ku Iri: Qof Fiican ayaa tahaye, Qof kee ahayd?

Wuxuy iigu jawaabay: Waxaan ahay Qof laga sameeyay Salliga Rasuulka CSW, aad Akhrin jirtay, marka sidaa qyaan kuugu Shafeecay.

Wlhi Shaki iigama jiro meel kastoo la joogaba inuu Badbaado yahay Salliga Rasuulka CSW,
we Fadlan Walaalka/Walaasha Muslimka ahoow ku Dadaal inaad Badiso Akhrinta Salliga Rasuulka CSW, wuxuu kuu noqonaa Badbaado Adduun iyo mid Aakhiroba.

Ilaahoow Rasuulka CSW, Adduunka waan ku arki weynaye, ilaahoow Aakhiro Miciisaa naga yeel (yaa Rabbi, yaa Allaah).

(اللهم صلي وسلم وبارك على نبينا محمد).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

12/02/2021

TUKASHADA SALAATUL ISTIKHAARAH.

Marka h**e Qofka Muslimka ah ee Aduunkan ku nool waxaa soo Wajahaayo Mowjado Dhibaatooyiin ah Haba sii kala darnaadaane kuwaas oo Mararka qaar ka yaabiya, sidoo kale wuxuu rabaa inuu Howl qabto Howshaas uusan Ogeyn waxa ka dhalan karo. Marka waxaa Qasab ah Adoonkan inuu Rabbigiisa u Cararo isagane Magan galo. Isagoo Gacmahisa Kor ugu taagaya Weydiisanaya inuu ka Ajiibo Ducada isagoo Rajeeynaya inuu helo waxa uu doonayo Sawaabkeeda si Howlahaasu ugu guto si Xasilooni iyo Raaxo leh.

Adoonka waa daciif Ujeedka uu leeyahay ma gaari karo Kelmadda Allah la'aanteeda, markuu doonayo in uu sameysto Ganacsi , ama Wax soo iibsanayo, ama Guursan rabo, amaba Safar u bixi Rabo, waa inuu Allaah Magan galaa, Amuurihiisana u Wakiishaa si loo Xalliyo.

SIDEE LOO DUKADAA SALAATU ISTIKHAARAH ?.

1- Ugu h**eyn sida Caadiga ah u soo Weyso qaado.

2- Marka Xiga Niyada la imaaw: Ogoow Niyada waa lagama maarmaan Salaaddan markaad Dukan rabtid

3- Waxaad Dukaneysaa Labo Rakcadood.

4- Salaadda markaad ka baxdo waxaad Kor u taageysaa Labadaada Gacmood Adigoo Allah isku Dulleynaya, Niyadana ku soo Xaadirinaaya Weyninka Allaah iyo Awoodihiisa Maamulka Koonkaan iyo yaqiinsanaan inuu Ducada kaa Ajiibi doono.

5- Ducada waxaad ku Mahadisaa Allaah, Adigoo ku dhax Amaanaya Ducada gudaheeda.

6- Ka dib Nabiga ku Salli waxaa ugu Fadli Salliga ibraahiimiyada, taas oo lagu Aqriyo Ataxiyaadka Dambe.

« اللّهُمَّ صَلّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحمَّدٍ كمَا صَلَّيْتَ عَلَى إبراهيم وَعَلَى آلِ إبْرَاهيمَ وَبَارِكْ عَلَى مُحمَّدٍ وعَلَى آلِ مُحمَّدٍ كمَا بَارَكْتَ عَلَى إبْرَاهيمَ وَعَلَى آلِ إبْرَاهيمَ في العالمينَ إنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ » .

Ka dib waxaad u Gudbeysaa Xaajadaada iyo Baahiaada gaarka kuu ah, Ducadaan ayaad ku dhex Xuseyaa, Ducadana waa sidan:-

اللَّهُمَّ إنِّي أَسْتَخِيرُكَ بِعِلْمِكَ , وَأَسْتَقْدِرُكَ بِقُدْرَتِكَ , وَأَسْأَلُكَ مِنْ فَضْلِكَ الْعَظِيمِ فَإِنَّكَ تَقْدِرُ وَلا أَقْدِرُ , وَتَعْلَمُ وَلا أَعْلَمُ , وَأَنْتَ عَلامُ الْغُيُوبِ , اللَّهُمَّ إنْ كُنْتَ تَعْلَمُ أَنَّ هَذَا الأَمْرَ (هنا تسمي حاجتك) خَيْرٌ لِي فِي دِينِي وَمَعَاشِي وَعَاقِبَةِ أَمْرِي أَوْ قَالَ : عَاجِلِ أَمْرِي وَآجِلِهِ , فَاقْدُرْهُ لِي وَيَسِّرْهُ لِي ثُمَّ بَارِكْ لِي فِيهِ , اللَّهُمَّ وَإِنْ كُنْتَ تَعْلَمُ أَنَّ هَذَا الأَمْرَ (هنا تسمي حاجتك) شَرٌّ لِي فِي دِينِي وَمَعَاشِي وَعَاقِبَةِ أَمْرِي أَوْ قَالَ : عَاجِلِ أَمْرِي وَآجِلِهِ , فَاصْرِفْهُ عَنِّي وَاصْرِفْنِي عَنْهُ وَاقْدُرْ لِي الْخَيْرَ حَيْثُ كَانَ ثُمَّ ارْضِنِي بِهِ . وَيُسَمِّي حَاجَته.

Ka dib sidii H**e oo kale waxaad ku Sallineysaa Nabiga Salliga Ibraahiimiyadda.

Ogoow Salaadan waxaala jideeyay in la Dukado Intaad Howsha aad Rabto aadan ku dhaqaaqin.

Waqtiga ugu fiican ee la Dukado waxaa la Sheegay Labada Habeenimo ilaa Salaadda Fajarka ka hor.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad

11/02/2021

Qiso yar oo Dhexmartay Nabi Maxamed Scw iyo Saxaabi... Ahmiyada ay leedahay in Nabi Maxamed Scw lagu saliyo

Nin saxaabi ah ayaa hadda ka hor u yimid Rasuulka scw. Kadibna wuxuu ku yiri

“Rasuul Allow markan duceysanaayo oo ilaahey barinaayo, ducadeeyda markan 4 u qeybiyo ayan salligaaga qeyb ka dhigayaa. ee ka waran rasuul allow”

Nabi Maxamed ayaa ugu jawaabay. “Waa qeer lakin hadaad kasii siyaadiso ayaa kasii qeer badan”

Saxaabigii ayaa hadana dhahay “Rasuul allow waayahay. Ducadeeyda oo aan 4 qeyb u qeybiyay ayan salligaaga ka dhigayaa 2 qeyb”

Nabi Maxamed Maxamed wuxuu ugu jawaabay. “Waa qeer lakin hadaad kasii badiso ayaa kaaga sii qeer badan”

Markii dambe saxaabigii intuu yaabay wuxuu yiri “Rasuul allow ducadeeyda inta meel iska dhigo ayan saligaaga ku bilaabi, kadibna saligaaga ku dhameynayaa”

Nabiga Scw wuxuu saxaabiga ku yiri “Idan, Hadii aad gacmaha kor u taagtay oo aad saligeeyga ku bilowday, kadibna saligeeyga ku dhameysay. Wax Allaale wixii aad hami iyo muraad lahayd waa laguu qabtay. Dambigaagana alle wuu dhaafay”

Subxaanallah. Walaalyaal Qisadaan waxaa kaaga cad in saliga nabi maxamed scw uu ahmiyad weyn leeyahay, Sii faafi qisadaan qiimaha badan.

Awood Maaaha Walaal Waan Ku Faraxsanahay Inaad Igula Saliso Rasuulka SCW

salli Nabigaaga Muxamed SCW.

10/02/2021

DARDAARANKII NABIGA CSW.

Saxaabiga Abu Dar Al-Qafari RC, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Jundub Binu Junaada ayaa yiri Rasuulka Allah CSW, oo ahaa Saaxiib aan jeclaa ayaa wuxuu igula dardaarmay Toddoba arimood oo kala ah:

1- Wuxuu i faray inaan jeclaado Masaakiinta iyo inaan ka mid noqdo.

2- Wuxuu i faray inaan eego qofka iga Hooseeya, oo aanan eegin qofka iga Sareeya.

3- Wuxuu i faray inaan qofna Wax weydiisan

4- Wuxuu i faray inaan Xiriiiriyo Qaraabada

5- Wuxuu i faray inaan ku hadlo Xaqa, qaraarba ha noqdee.

6- Wuxuu i amray inaan Allah dartii uga baqan mid wax Canaananaya, Canaantiisa weliba kuwa Madaxda ah.

7- Wuxuu i faray inaan badiyo Qowlka: Laa Xowla Walaa Quwata Illaa Billaah.

Abu dar RC, Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyaga ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan Hanti.

Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray Lacag gaaraysa 300 diinaar, wuxuuna ku yiri “Lacagtan danahaaga ku qabso”. Jawaabtii Abuu Dar RC, waxey aheyd inuu Lacagtii ku celiyay Amiirkii, isagoo yiri :” Amiirka Shaam ma wuxuu ka waayay qof Aniga iga tabar daran?.

Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas Wanaagsan ee uu siiyay kii ugu kheyrka badnaa Khalqiga ee Nabi Maxamad CSW.

Abuu Dar Al-Qafaari RC, wuxuu sannadkii 32aad ee hijriga ku dhintay tuullada Al-Rabada oo cidla aheyd, wuxuu ahaa keligii, sidii uu h**e ugu yiri Rasuulka CSW, “Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo keligiis ah, wuxuu Dhiman doonaa keligiis, waxaana la soo saari doonaa keligiis Qiyaamaha".

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

09/02/2021

"naarta ma galayo qof tukaday qoraxda inta eysan soo bixin (waa salaadda subax) iyo inta eynan dhicin (waa salaadda casir) qofkaasi naar ma galayo"

sidaas waxaa yiri nebi muxammed naxariis iyo nabad galyo kor kiisa Allaha yeelo 😍

ku salli xabiibka hadaad calaf u yeelatay aqrinta qoraalkan scw ❤

09/02/2021

Rasuulka CSW ayaa isaga oo Cali Ibnu Abii Daalib la dardaarmaya ku dhahay
( Caliyoow ha seexan habeenkii adiga oo aan 5 arrimood samayn)..
1. Adiga oo aan quraanka dhammaystirin.
2. Adiga oo aan 4000 oo dirham sadaqo ula bixin.
3. Adiga oo aan kacbada booqan.
4. Adiga oo aan xafidin meesha aad jannada kadegayso iyo
5. Adiga oo aan qancin kuwa ka soo horjeeda.Wuxuu ku dhahay
(Sidee ayay u suuragalaysa Rasuulkii ilaahayoow?)
Markaa wuxuu ku yidhi Rasuulku CSW:
1. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻹﺧﻼﺹ ) waxaad dhammaysay quraankii.
2. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻟﻔﺎﺗﺤﺔ ) waxaad sadaqaysatay 4000 oo dirham.
3. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﻻ ﺍﻟﻪ ﺍﻻ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺣﺪﻩ ﻻ ﺷﺮﻳﻚ ﺍﻟﻠﻪ، ﻟﻪ ﺍﻟﻤﻠﻚ ﻭﻟﻪ ﺍﻟﺤﻤﺪ،ﻳﺤﻲ ﻭﻳﻤﻴﺖ ﻭﻫﻮ ﻋﻠﺊ ﻛﻞ ﺍﻟﺸﺊ ﺍﻟﻘﺪﻳﺮ ) waxaad booqatay kacbada.
4. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﻻ ﺣﻮﻝ ﻭﻻ ﻗﻮﺓ ﺇﻻ ﺑﺎﻟﻠﻪ ﺍﻟﻌﻠﻲ ﺍﻟﻌﻈﻴﻢ ) waxaad xafiday/ilaalisay meesha aad jannadaka degi lahayd.
5. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﺃﺳﺘﻐﻔﺮ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﻌﻈﻴﻢ , ﺃﻟﺬﻱ ﻻ ﺁﻟﻪ ﺇﻟﺊ ﻫﻮ ﺍﻟﺤﻲ ﺍﻟﻘﻴﻮﻡﻭﺃﺗﻮﺏ ﺍﻟﻴﻪ ) Waxaad qancisay kuwii ka soo horjeeday...
jazaakallaah kheyr
Zultan Abdi Mousa

09/02/2021

Labada rakcadood ee salaada subax ka h**eeya ayaa ka khayr badan aduunyada iyo waxa korkeeda yaalla oo dhan.

Rasuulkeena SCW ayaa sidaasi yidhi

07/02/2021

Xikmadda Haweeney Xilligii Cabdilmalik Bin Marwaan.

Waxaa la soo weriyey in Xajaaj bin Yusuf Al-Thaqafi uu amar ku bixiyey in la soo xiro saddex qof oo eedo loo soo jeediyey, isla markaana Xabsi loo taxaabo, Kadid ayuu hadana Amar ku bixiyay in qoorta laga gooyo

Markii uu qorta ka jari rabay Seeflaha...

Xajaaj ayaa wuxuu arkay haweenay qurux badan oo Oyneysa....

Wuxuu yiri: iikeena

Markii loo keenay ayuu weydiiyay : waxa ka oohisay?.

Waxay ku jawaabtay: Kuwaan aad amartay in qoorta laga wada gooyo waxay kala yihiin Ninkayga, walaalkay, iyo wiilkayga, ee sidee baan ugu ooyeynin?.

Xajaaj ayaa go’aansaday in uu cafiyo mid ka mid ah iyadoo lagu sharfayo iyada , isagoona ku yiri sheego qofka laguu saamaxayo wuxuu u maleeynayey in ay dooraneyso Wiilkeeda.

Aamusnaan ayaa goobta ka soo hartay iyadoo indhaha oo dhami eegayeen haweeneyda lagana sugayo xulashadeeda si loo cafiyo qofkaas.

Way aamustay, kadib waxay tiri: Waxaan dooranayaa "walaalkay."

Xajaaj ayaa la-yaabay jawaabteeda wuxuuna waydiiyay sirta ku jirta xulashada walaalkeed.

Waxay ku jawaabtay: Ninka wuu joogaa

Calashaan, waad guursan kartaa qof kale."

Wiilkana wuu dhalanaa, "taas oo ah, guurka kadib, waxaad yeelan kartaa wiil."

Walaalkase lama helayo maxaa yeelay "Aabe iyo hooyo ma joogaan."

Hadalkeedu wuxuu noqday tusaale iyo xikmad, Xajaaj ayaana la dhacay caqligeeda iyo maskaxdeeda isagoo go'aansaday in uu wada cafiyo.

💦

Fadlan Xigo ha Xadin.

🤳 Share.

✍ Mohamed Ahmed Jimale

06/02/2021

Muslim ayaa ka wariyay Jundub in uu Nabigu (scw) ka sheekeeyay nin yiri: (wallaahi in aan Alle u dhaafayn hebel, Ilaahayna wuxuu yiri: (waa kuma kan igu dhaartay in aanan hebel u dhaafayn, waan u dhaafay hebel, adigana camalkaagii waan buriyay).

Abuu Daawuud ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabiga (scw) waxaan ka maqlay: (Labo nin oo reer Banii Israa’iil ah ayaa walaalo ahaa, midkood waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali jiray. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray kan kale oo dambi ku jira, wuxuuna ku oran jiray: ka joog. Markaas ayuu helay maalin isaga oo dambi ku jira, markaas ayuu yiri: ka joog, markaas ayuu ku yiri: isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay?.

Markaas ayuu yiri: wallaahi in aan Ilaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn. (Alle) ayaa labadoodii nafta ka qaaday, markaas ayay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas ayuu (Alle) ku yiri kii dadaali jiray: ma aniga ayaad I ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa (in aad diidid)?. Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri: orod oo jannada ku gal naxariistayda, kii kalena wuxuu ku yiri: naarta geeya!.

Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.

05/02/2021

JACEYLKA RASUULKA AYAA DARAJO LAGU GAARAA.

Thowbaan RC, Waa Saxaabi ka mid ah Saxaabada Rasuulka CSW, wuxuuna ahaa Khaadimka Rasuulka CSW, jaceyl uu Rasuulka u qabay dartiis ayuu la Xanuunsaday.

Midabkiisii ayaa Casaan noqday, jirkiisana wuu is Dhimay, Indhihiisana illin Maxabbo ayaa ka hoortay muddo badan.

Nabiga CSW, ayaa Maalin weydiiyay oo ku yiri:- Thowbanow Aad baad u Murugeysan tahay, tiiranyada kaa Muuqato waa maxay?, miyaad Xanuunsatay?.

Wuxuu ugu jawaabay:- Maya, Wllhi Rasuul Allow ma Xanuunsanin, Jirkeygana wuu Fiyow yahay, balse waxaan ka Fikiraa Xaalkeyga iyo Xaalkaaga.

Rasuulka CSW, wuxuu ku yiri:- Waa maxay Xaalkaaga iyo Xaalkeyga yaa Thowbaan.?

Wuxuu yiri:- Hadda waan kuu Adeega, marna Ma jecli in aan Arageyga kaa laabo Jaceyl iyo Maxabo aan kuu qabo darteed, laakin maalinta Qiyaame waxaad isku Boos noqoneysaan Ambiyada kale, oo Dadka aad uga Darajo sareyso, Anigane Adoomanka ayaan isku meel ka degeynaa.

Maalintaas sidee noqon doonaa Araga iyo Qalbiga iyo Jirka aan hadda kugu arkaayo.? Aniga Jannatul Firdowsa ma Damaacin kari. Waayo Camalka aan ku gaari lahaa halkaas ma heysto, balse waxaan jeclahay inaan Adiga Jannada kugula Rafiiqo, xitaa aan kuu Adeegee, si aan u waayin Aragtidaada aan Qalbiga ku Doogsanayo, Qalbigeygan Adiga ayuu Habeen iyo Maalin ku daawadaa. (Intaas ka dib Thowban wuu Ooyay).

Intaas ka dib intuusan Nabiga jawaabin, waxaa soo degay Malakul Jibril CS, Isagoo wado go'aankii Xagga Allaah looga soo dhiibay, taasoo Thowban RC, loogu Bishaareynaayo inuu Rasuulka CSW, la jirkiisa ahaan doono Jannooyinka midda ugu Sareyso.

Qof kasto oo jecel Nabiga CSW, isla markaasna jidkii Rasuulka ku dhaqma, Darajadaas ayuu Thowban la gelayaa, taasina waa ilaahey Fadligiisa.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Midkiin Camalkiisa Janno kuma galo, Zaxaabadii waxey yiraahdeen "Adiga xitaa miyaa Rasuul Allow camalkaaga janno kuma galeysid miya.?. Haa buu yiri Aniga xitaa illaa uu ilaahey Raxmadiisa igu daboolo maahee].

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Follow my instagramka👇

https://www.instagram.com/bile_mehbub/

Welcome back to Instagram. Sign in to check out what your friends, family & interests have been capturing & sharing around the world.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuurulquran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nuurulquran:

Videos

Share

Nearby media companies



You may also like