Markabley Tv

Markabley Tv halkan kala soco muuqaalada iyo wararkii ugu danbeeyay ee Radio Markabley

30/04/2024

Beesha Talxe oo Nabadoon kale oo Cusub ku Caleemo saaratey degmada Baardheere(Vedio)

Jifada Maxamed Abookar oo ka mid ah Beelweynta Talxe ee Degta Gobolka Gedo ayaa maanta xaflad Balaaran oo ka dhacdey gudaha degmada Baardheere ayaa waxay Nabadoon Cusub ee Beeshaasi u doorteen,Nabadoon Cali Sahal Guuleed.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,kuna aadanayd Caleemo saarka Nabadoonka Cusub ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Odoyaasha Dhaqanka Beelaha degan Baardheere,dhalinyaro ,Haween,Aqoon yahano,Culima'udiin iyo waxgarad kale.

Dhamaan xubnahii ka hadley xaflada ayaa waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Nabadoonka Cusub,waxayna qeybaha kale duwan ee Bulshada ay ugu baaqeen inay la shaqeeyaan Nabadoonka Cusub ee Beesha Maxamed Abuukar ee Talxe Cali Sahal Guuleed.

15/04/2024

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay Shirweyne Looga Hadlayo Xaalada Baladweyne.

Inaa Lilaahi Wainaa ileehi Ràjicuun Kulu nafsin Daaiqatul mood Allaah Ha unaxariisto iskuduwahii Caafimaadka Degmada B/d...
15/04/2024

Inaa Lilaahi Wainaa ileehi Ràjicuun Kulu nafsin Daaiqatul mood Allaah Ha unaxariisto iskuduwahii Caafimaadka Degmada B/dheere,Maxamuud Cabdi Xareed oo ku geeriyooday Shil gaari wadada u dhaxeysa Balcad ilaa Muqdisho.

Dhamaan Qoyska iyo Ehaladii uu ka baxay Maxamuud cabdi Xareed Samir iyo iimaan Allaah Haka siiyo Aamiin Aamiin.

14/04/2024
13/04/2024

Maamulka degmada Baardheere iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka degmada oo Heshiis kala dhex dhigay Labo Beelood oo wada dega Xaafada kurmaan/Waaberi oo Shaqaaqo Gacan ka hadal sababtey Dhaawacyo ay ku dhex martey khamiistii la soo dhaafey.

12/04/2024

12-ka April Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , iyo Hadal Jeedinta Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

12/04/2024

12-ka April Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , iyo Hadal Jeedinta Col; Cismaan Cali Saalax(Qul_Qul

12/04/2024

12-ka April Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , iyo Hadal Jeedinta Taliyaha Ciidamada Xoogq Dalka Soomaaloyeed ee Degmada Baardheere

*Magaalada Baardheere oo Maanta laga Xusey 12ka Abril oo ah Maalinta Ciidanka XDS.*Munaasabad balaaran oo si heer sare l...
12/04/2024

*Magaalada Baardheere oo Maanta laga Xusey 12ka Abril oo ah Maalinta Ciidanka XDS.*

Munaasabad balaaran oo si heer sare loo soo soo agaasimey,islamarkaana ku aadaneyd Xuska 12 Abriil oo ah Maalinta loo asteeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtey degmada Baardheere.

Munaasabadan oo Sanadkastaaba maanta oo kale lagu xuso guud Dalka Soomaaliya ayaa mida maanta ka dhacdey degmada Baardheere waxaa ka soo qeyb galey mas,uuliyiin ka kala tirsan Maamulka degmada Baardheere,Saraakiisha Ciidamada iyo Madax kale.

Ugu h**een Waxaa munaasabada ka Hadley,islamarkaana ka sheekeeyey Taariikhda XDS,Col.Cisman Cali Saalax oo ah Taliyaha Dugsiga Tababarka degmada oo sheegay Munaasabadan inay muhiim u tahay Ciidamada XDS.

Sidoo kale L/xidigle.Cali Cismaan (Cali Jiijile) oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Guutada 10aad ee degmada Baardheere ayaa dhamaan Ciidamada XDS ugu hambalyeeyey Xuska 12 Abril oo ah Sanad guurada 64aad ee Maalinti Dhidibada loo tagay Ciidanka XDS.

Gebagebadii Munaasabada xuska 12ka abril ayaa waxaa ka Hadley Maxamed Yuusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere,waxuuna dhambaal hambalyo ah u direy dhamaan Ciidamada XDS iyo Qoysaskooda,waxuuna farey Ciidamada inay u istaagaan difaaca dalkooda iyo diintooda

11/04/2024

Madaxtooyada Soomaliya oo Faah faahisay safarka Madaxweyne Xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga ku...
10/04/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga kulan dhiirigelin ah la qaatay caawa qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska SSC-KHAATUMO Oo Kaashanaya Taliska Qaybta G.sool Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane X...
10/04/2024

Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska SSC-KHAATUMO Oo Kaashanaya Taliska Qaybta G.sool Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Xuseen Maxamuud Xuseen Kaas Oo Abaara 4:30Am Dil Ugu Gaystay Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi Gudaha Magaalada Laascaanood.

Ciidanka Oo Ka Warhelay Markii Dilkaasi Dhacay Ayaa Howlgal Ay Sameeyeen Waxay Gacanta Kusoo Dhigeen Gacan Kudhiiglihii Geystay Dilkaasi Isagoona Hada Kujira Gacanta Ciidanka Booliska Isla Markaana Waxaa La Horgayn Doonaa Sharciga.

07/04/2024

Sidee Culumadu gacan uga gaysan karaan in dhaliyarada ku jirta Khawaarijta laga soosaaro ?

07/04/2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada XJFS.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali.

07/04/2024

Dhamaadka Wareegii 2aad Tartanka Bisha Ramadaan Ee Xaafadaha Degmada
Baardheere.
Caawa Tartanka wuxuu u dhexeeyay Xaafadaha Kurmaan Waabari iyo Buulo_Geediyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka ...
04/04/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

04/04/2024

Tartanka Quraan Aqriska oo Ohio lagu soo afmeeray.
Wariye Deeqa Soona Ohio

03/04/2024

Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta iyo wariyaasha Caabud_Waaq oo Ciid siiyay Caruurtii AUN wariye Cabdikariin axmed bulxan.

Mahad Bashiir Xilif

03/04/2024

Sidee Dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey uga soo bixi karaan safka Khawaarijta.?
Wariye Khadar Maxamed Siraad.
Fallow & Shere

03/04/2024

Gudoomiye Madaale oo soo saaray Amaro la xiriira Maandooriyaha soo saaray

03/04/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Affur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

02/04/2024

Wareegii 2aad Tartanka Bisha Ramadaan Ee Xaafadaha Degmada
Baardheere.
Caawa Tartanka wuxuu u dhexeeyay Xaafadaha Masawa iyo Buulo Ceesaan.

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Gedo waxuu ka Codsanayaa Maamulka degmada Luuq in Xoriyadiisa loo soo celiyo Wariye Maxamuud...
02/04/2024

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Gedo waxuu ka Codsanayaa Maamulka degmada Luuq in Xoriyadiisa loo soo celiyo Wariye Maxamuud Bood Boode oo Maanta ay xireen Ciidamada Amaanka Degmada luuq.

Dugsiga hoose dhexe iyo sare eeSHEEQ  MOHAMUUD (WAABERI) oo laga dareemayo horumaro  dheeraad ah oo dhanka wax barashada...
31/03/2024

Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee
SHEEQ MOHAMUUD (WAABERI) oo laga dareemayo horumaro dheeraad ah oo dhanka wax barashada ah.

Dugsigan oo ka mid ah dugsiyada ugu waaweyen uguna ardayda badan guud ahaan gobolka Gedo ayaaa sanadihii u dambeyay waxaa uu sameynayay horumaro dhanka waxbarashada ah iyadoona ay ardayda soomaaliyeed ee ku sugan degmada Baladxaawo ka daaboolay baahiyo ay ka mid ahaayeen in ardayda ay wax barasho u raadsadaan degmaoyinka dariska ah oo dhib badan ay ku qabeen.

31/03/2024

10kii Dambe ee Bisha Ramadaan maalmaha cafiska iyo Dembi dhaafka dowllada Somalia oo Ka duuleysay qiimaha maalmahn ayaa dhalinyarada Ku jira safka khawaariijta, u fidisay, fursad cafis ah.

Dadkaaga Kamid Noqo






28/03/2024

Suuqyada Khudaarta magaalada baardheere oo hoos u dhac laga dareemayo iyo dib u bilaabashada tabcashada beeraha kadib daadadkii Elnino.
Yaxye Soofe

28/03/2024

Tartanka Bisha Ramadaan Ee Xaafadaha Degmada
Baardheere.
Caawa Tartanka wuxuu u dhexeeyay Xaafadaha Ceelwaaq. Iyo Kurmaan.

25/03/2024

Tartanka Bisha Ramadaan Ee Xaafadaha Degmada

Baardheere.
Caawa Tartanka wuxuu u dhexeeyay Xaafadaha Buulo Ceesaan iyo Horseed.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Markabley Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Markabley Tv:

Videos

Share

Nearby media companies