Turxaan Bixiye

Turxaan Bixiye Turxaan Bixiye Media Inc

https://linktr.ee/Turxaanbixiye

Xulka Argentina oo ku guuleystay markii seddexaad koobka adduunka 2022, iyo Messi oo xulkii kula guuleystay koobkii ugu ...
18/12/2022

Xulka Argentina oo ku guuleystay markii seddexaad koobka adduunka 2022, iyo Messi oo xulkii kula guuleystay koobkii ugu horreeyay ee adduun.

Messi oo asigana qabtay hawshiisii ugu dambeysey ee kubada cagta

Gebi ahaanba maamulayaasha shirkadaha teknooloojiyadda ee daafaha dunida ayaa ku dhacay hal khalad oo ay ka simanyihiin:...
11/11/2022

Gebi ahaanba maamulayaasha shirkadaha teknooloojiyadda ee daafaha dunida ayaa ku dhacay hal khalad oo ay ka simanyihiin: Waxay u malaynayeen in ay si waari doonto baraaraha / barwaaqada dhaqaalo ee uu keenay fayraskii Covid-19. Haddase khaladkaas shaqaalaha shirkadahooda ayaa ciqaabtiisa dhabarka u ritay.

Si kooban:

Maamulaha Meta mudane Mark Zuckerberg ayaa dusha iska saaray masuuliyadda khaladka horseeday in 11,000 shaqaale shaqo joojin lagu sameeyo.
Khaladka ayaa ah in: Maalmaha wacan ee shirkadaha teknooloojiyadda; ahna waayaha-xanuunka safmarka ah inay waari doonto waqti dheer.
Shirkado kale oo badan ayaa isla khaladkaas ku dhacay, balse waxba la iskuma hallayn karo dunidaan, gaar ahaan suuqa teknooloojiyadda.

Shirkadda Amazon oo noqoneysa shirkaddii ugu horreysay oo si caam ah saamigeeda loogu kala gato suuqaqa saamiga oo dhumi...
10/11/2022

Shirkadda Amazon oo noqoneysa shirkaddii ugu horreysay oo si caam ah saamigeeda loogu kala gato suuqaqa saamiga oo dhumisay qiime suuqeed oo dhan $ 1 tirilyan oo dollarka mareykanka ah.

Qiimaha saamiga Amazon ayaa hoos udhacay ilaa 4%, iyadoo halkii saami lagu beycinayo qadar ka hooseeya $86.14, taas oo qiimaha guud ee shirkadda u riday ilaa $879 Bilyan oo dollar.

Qiimaha shirkadda Amazon ayaa h**ey u ahaa mid ka sarreeya $1.9 trilyan oo dollar bishii July ee 2022.

Apple ayaa h**ey usoo shaac bixisay eedayn xatooyo sir ganacsiyeed; taas oo ku aaddan mid ka mid injineerada xeesha dhee...
06/11/2022

Apple ayaa h**ey usoo shaac bixisay eedayn xatooyo sir ganacsiyeed; taas oo ku aaddan mid ka mid injineerada xeesha dheer ee u qaabilsan dhisida micmaariyadda aaladaheeda.

Apple ayaa hishiis maxk**adeed la gaartay Simon Lancaster, shaqaale naqshadeeye h**e, kaas oo ay shirkaddu ku eedaysay xatooyada naqshado ganacsiyeed qarsoodi ah oo shirkaddu lahayd uuna la wadaago saxafiyiin shirkadda ka baxsan. Eedayntan ayay shirkaddu u rartoay maxk**adda bishii Maarso ee sanadkaan 2021, halka uu xaakimkuna asbuucaan u xukumay eedaysanaha.

Hogaamiyaha Iran - ایران ayaa ku dhaawaqay in la gaadhay dhimashadii Mareykanka.Ayatulahi Khameni ayaa sheegay in la gaa...
05/11/2022

Hogaamiyaha Iran - ایران ayaa ku dhaawaqay in la gaadhay dhimashadii Mareykanka.

Ayatulahi Khameni ayaa sheegay in la gaadhay dhimashadii Mareykanka, Ingiriiska iyo Gaalada waa sida uu hadalka u dhigee.

Maxaad ka ogtahay go'aanka Elon Musk ee ku aaddan shaqaalaha Tiwtter.
04/11/2022

Maxaad ka ogtahay go'aanka Elon Musk ee ku aaddan shaqaalaha Tiwtter.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa deeq qeyb ah Gurmadka Qaraxyadii Zoobe ka...
03/11/2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa deeq qeyb ah Gurmadka Qaraxyadii Zoobe kala wareegey Dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotey Dowladaha ka qeyb qaatey Gurmadka masiibadii ka dhalatey Qaraxyadii AS ay ka geysteen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 29-kii October iyagoona keeney diyaarad sidey Cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiro noocya kala duwan.

  DegRaysul Wasaarihii h**e ee Pakistan, Imran Khan oo la toogtayRa'iisal wasaarihii h**e ee dalka Pakistan, Imran Khan ...
03/11/2022

Deg

Raysul Wasaarihii h**e ee Pakistan, Imran Khan oo la toogtay

Ra'iisal wasaarihii h**e ee dalka Pakistan, Imran Khan ayaa lagu toogtay meel ay ka socdeen dibad-baxyo oo ku taalla bari magaalada Lah**e, ee dalka Pakistan.

Imran Khan ayaa waxa la sheegay in toogashadaasi uu dhaawac ka soo gaaray mana cadda in halka uu dhaawaca ka soo gaaray.

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad usoo diray Soomaaliya si qeyb uga noqdaan dadaalada lagu sam...
03/11/2022

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad usoo diray Soomaaliya si qeyb uga noqdaan dadaalada lagu samatabixinayo dhaawacyada qaraxyadii Soobe ee 29-kii October kuwaasoo dilay 120 qof kuna dhaawacmeen 300 kale.

Deeqda Jabuuti waxaa guddoomay wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka ah, halka mucaawinada Addis Ababa ay la wareegideeda kasoo muuqdeen Taliyaha NISA, Mahad Salaad, iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibada, Cali Balcad.

Elon Musk ayaa tilmaamay in aan dib loo soo celin doonin akoonkii Twitter-ka ee madaxweynihii h**e ee Mareykanka Donald ...
03/11/2022

Elon Musk ayaa tilmaamay in aan dib loo soo celin doonin akoonkii Twitter-ka ee madaxweynihii h**e ee Mareykanka Donald J. Trump ka hor doorashada xilliga dhexe ee Ameerika. " dib uma ogolaan doonto qof kasta oo bartan looga saaray inuu ku xad-gudbay xeerarka shirkadda," ayuu xusay.

Hadalkan ayaa niyad-jab ku ah jamaahiirta jamhuuriyiinta.

03/11/2022

Ganacsade Liibaan Maxamed oo u hanjabay Maraykanka waxba k**a jiraana ku tilmaamay Bayaan uu soo saaray Maraykanka oo lagu eedeyay shirkadiisa.

Wareysi : BBC

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni kadib weerarkii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee loo...
02/11/2022

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni kadib weerarkii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana ay sheegtay in "si dhow loola socoto xaaladda amni ee caasimadda si gaar ah Garoonka Diyaaradaha," iyadoo intaa ku dartay "in argagixisadu ay geysan karaan afduub, qaraxyo iyo weerarada kale oo toos ah".

Maroodigii caanka ahaa ee Kenya oo ku dhintay da’daugu weyn ee maroodiyaasha duur-joogta ah.
02/11/2022

Maroodigii caanka ahaa ee Kenya oo ku dhintay da’daugu weyn ee maroodiyaasha duur-joogta ah.

Maroodi Kenyaan ah oo loo malaynayo in ay ahayd tan ugu weyn Afrika ee dhedigta ah ayaa ku dhimatay da' weyn, sida ay sheegeen saraakiisha duur joogta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud  ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-...
01/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka .

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Omar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Elmi M. Nur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir M...
01/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday Xarunta KMG ee ...
31/10/2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday Xarunta KMG ee Guddiga Gurmadka Degdega ee Maamulka Gobolka Banaadir, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay Guddiga Gurmadka oo uga warbixiyay Guddoomiyaha howlaha u qabsoomay iyo inta hortabinta u leh ee weli dadaaladooda socda.

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Guddiga kaalinta adag oo ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii Khawaarijta ay la beegsadeen Shacabka Muqdisho Maalintii 29 October, Asigoona kula dardaarmay in sii laba jibaaraan u gurmashada dadka dhaawacyada qaba ee ku jira xarumaha Caafimaadka iyo qoysaska eheladooda ku waayay weerarka in iyagana si gaar ah looga warqabo.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale u Mahadceliyay Bulshada ku dhaqan Caasimada kaalinta ay ka qaadanayaan Gurmadka, asigoona xusay in isku tashiga iyo is-gargaarida ay tahay mid looga bartay Soomaalida, halkaasina ay kasii wadaan howsha Gurmadka.

Guddiga Gurmadka ee Gobolka Banaadir ayaa Habeen iyo Maalin ku shaqeenaya xarunta KMG ee Guddiga, iyagoona door wanaagsan iyo kaalin muhiim ah ka qaadanaya sidii loogu gurman lahaa dadka ay dhibaatada soo gaareen, waxa ayna sii wadi doonaan Howsha Gurmadka iyagoo kaashana Bulshada qeybahooda kala gedisan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xuku...
31/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Madaxtooyada Qaranka ku beeray 9 geed oo qeyb ka ah Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noqonoqday ay aafeeyeen, saameyn xooggan ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababatay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

"Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socodaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarummaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka oo ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka rajeeyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.

31/10/2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lasoo gabagabeeyay. War-murtiyeedka laga soo saarey waxaa kamid ahaa arrimaha ku jira dardargelinta dhameystirka dastuurka iyo in dalka laga qabto doorasho hufan oo ku saleysan cod-bixiyeyaal diiwaan-gishan kana kooban heer federaal iyo mid dowlad goboleed.

Koonfur Galbeed ayaa muddo hal sano ah ka dhaafeysa lacagaha diiwaangelinta dhammaan hay'adaha gargaarka, laga bilaabo O...
31/10/2022

Koonfur Galbeed ayaa muddo hal sano ah ka dhaafeysa lacagaha diiwaangelinta dhammaan hay'adaha gargaarka, laga bilaabo October 29, sanadkan 2022, sidda ku cad qoraal kasoo baxay xafiiska madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen kuna taariikheysan October, 28, 2022.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in la fududeeyo shaqada hay'adaha ee gurmadka abaaraha. Dawladda federaalka iyo maamuladda ayaa la sheegay in $1,000 diiwaan-gelin ah ka qaadaan hay'adaha caalamiga ah, halka $500 ka qaadaan NGO-yada maxalliga ah.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri: "Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,d...
31/10/2022

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri: "Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista, waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan,qaraxyadana si fudud. Xisaabtan dhab ah waa in uu jiraa".

Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay Nuur Wayne, Xasan Boy, iyo Keerow kuwaas oo sanadkan 2019-k...
31/10/2022

Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay Nuur Wayne, Xasan Boy, iyo Keerow kuwaas oo sanadkan 2019-kii loo xukumay in ay xubin ka ahaayeen Shabaab iyo in ay maleegeen dhowr qarax oo la sheegay in ay galaafteen nolosha mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo tobanan shacab ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo ...
30/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaariijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraabanaya.

Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waayey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

30/10/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh “Illaahay idin kii Oktoober kale ma dhicidoonto. Dalka dagaal buu ku jiraa,saacadan aan idin la hadlayo dagaal baa socda, geesiyaasha Ciidama Qalabka Sida ayaa daba jooga Khawaarijta”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada ...
30/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Wasiiradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowladda federaalka iyo maamuladda oo war-murtiyeed kasoo saarey shir shan maalm...
29/10/2022

Wasiiradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowladda federaalka iyo maamuladda oo war-murtiyeed kasoo saarey shir shan maalmood uga socdey Muqdisho ayaa sheegay "in ay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo" Shabaab. "Qarash-bixiyaha iyo Qarax-waduhu waa isku mid," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Dowlad...
29/10/2022

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Algeria Mudane Kamel Rezig, kulankaas ayaa ka dhacay Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dedaalka Dowladda ee dib-u-u-habeynta Maaliyadda, Barnaamijka Dayn-cafinta iyo wadaagga fursadaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo Algeria.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxt...
27/10/2022

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Al-cusmaan, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Al-cusmaan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Carabta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria, halkaas oo u...
27/10/2022

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.

Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, sid...
26/10/2022

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, sidda ay baahisay wakaaladda wararka xukuumadda Dooxa. Balse ma bixin tafaasiil ku saabsan qodobada ay kawada hadleen. Wadaxaajoodkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay dagaal ba'an kula jirto maleyshiyaadka AS ayna taageero u goobeyso gulufkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cisma...
26/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan "Juurile" in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan "Juurile" ayaa h**ey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

Madaxwayne H.E Said Abdullahi Deni ayaa Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire wuxuu u maagcaabay Taliyaha Booliska dowladda P...
26/10/2022

Madaxwayne H.E Said Abdullahi Deni ayaa Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire wuxuu u maagcaabay Taliyaha Booliska dowladda Puntland, sidda ku xusan wareegto lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda. Muumin ayaa ahaa Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

Madaxwayne Laftagareen ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa caasim...
26/10/2022

Madaxwayne Laftagareen ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa caasimada Soomaaliya uga qeybgalaya Shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Maamuladda oo la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Shirkadaha waawayn ee teknooloojiyadda muddo intee dhan ayay ku gaarayn qiimayn suuqeed oo 1 trilyan dollar ah ?        ...
26/10/2022

Shirkadaha waawayn ee teknooloojiyadda muddo intee dhan ayay ku gaarayn qiimayn suuqeed oo 1 trilyan dollar ah ?

Fikirkaaga nala wadaag?
26/10/2022

Fikirkaaga nala wadaag?

26/10/2022

Tartanka Kubadda Cagta Xaafadaha Kismaayo iyo Tuulooyinka ku xeeran oo lasoo gabagabeeyay, waxaana tartankan maalgelisay Mashruuca TIS3- .

Raga soomaaliyed ayaa kaalinta koowaad u galay Ragga ugu qurxoon qaarada Africa.1. Somalia 🇸🇴2. Angola 🇦🇴3. Nigeria 🇳🇬4....
26/10/2022

Raga soomaaliyed ayaa kaalinta koowaad u galay Ragga ugu qurxoon qaarada Africa.
1. Somalia 🇸🇴
2. Angola 🇦🇴
3. Nigeria 🇳🇬
4. Ethiopia 🇪🇹
5. Eritrea 🇪🇷
6. Morroco 🇲🇦
7. Rwanda 🇷🇼
8. Kenya 🇰🇪
9. South Africa 🇿🇦
10. Tunisia 🇹🇳

Qiimayntan waxaa sameeyey bogga "afrogistmedia.com" oo laga leeyahay dalka Ghana.

Faalo ku darso.

Address

Airport Road Madino Wadajir
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Turxaan Bixiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Turxaan Bixiye:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like