29/06/2022
Maalinta Khamiista ee nagu soo aadan 30 June 2022 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee Xurmada u leh.
Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
wuxuuna yiri : (وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ )
Nabigeena Muxamed SCW wuxuu yiri: ma jiro maalmo uu ilaahey ka jecel yahay Acmaal la sameeyo tobanka Maamlmood ee ugu h**eysa bisha Dul-Hijjah.
Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu h**eyso Bisha Dul-Hijjah.
1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.
2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.
3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zakariya CS, Qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.
4) Maalinta 4-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise CS, Qofkii Sooma ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.
5) Maalinta 5-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabta Qabriga.
6) Maalinta 6-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.
7) Maalinta 7-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.
Maalinta 8-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.
9) Maalinta 9-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii h**e iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur'aanka ee (اليوم أكملت لكم دينكم).
10) Maalinta 10-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qurbaan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.
Allah ina waafajiyo dhamaan maalmahan qeerka badan insha'Allah. ❤❤❤❤