Tiigsan Tv

Tiigsan Tv Tiigsan Tv Waa Warbaahin Madax Banan
kala soco Warar Sugan marwalba Channel News

28/10/2024

Boorama iyo maanta Xisbigii Kulmiye Party

27/10/2024

Boorama waxay Muujisay Cudeeda waxaan Fagaaraha khayriyada Kala hadlay Bulhjada Awdal ee is Badal doonka Musharaxa madaxwayne ee isbiga wadani Mudane C/raxmaan Cirro oo Bulshada u balan qaaday balan qaadyo waa wayne

KDQ Jamuuriyada Soomaaliland,oo go'aan  ka soo saray sooray Ceel-afweyn oo la  xidhiidha Dhanka Compaign. Degmadaasi.
24/10/2024

KDQ Jamuuriyada Soomaaliland,oo go'aan ka soo saray sooray Ceel-afweyn oo la xidhiidha Dhanka Compaign. Degmadaasi.

Shirweynaha Beel-weynta Axamad Cigaal Ee "Talosame" Oo lasoo gabogabeeyey  Caawa Magalada Boorama Iyo Wasiir Buuxane oob...
02/10/2024

Shirweynaha Beel-weynta Axamad Cigaal Ee "Talosame" Oo lasoo gabogabeeyey Caawa Magalada Boorama Iyo Wasiir Buuxane oob shirkaasi ka soo qayb galay Cawaa

Wixiin kala soco Halkan Tiigsan Tv

Gudida diwaan galinta Ururada Siyaasada iyo anshaxa xisbiyada Qaranka Somaliland Ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay 7-da...
11/09/2024

Gudida diwaan galinta Ururada Siyaasada iyo anshaxa xisbiyada Qaranka Somaliland

Ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay 7-da urur ee ka qayb gali doona doorashadda dalka ka dhici doonta sannadkan 2024-ka,

Tirada ururada siyaasada ayaa markii h**e ahaa 10 urur, waxaana ka hadhay Waaberi, Mideeye iyo Ogaal.

Todoba urur iyo saddexda xisbi qaran ayay maanta u gudbiyeen gudiga ururada siyaasadu komishanka doorashooyinka Somaliland,

Doorashada sanadkan ayaa waxa ka dhiman wax ka yar 60 cisho taasi loo astyeeyay in isa-saar lagu galo doorashooyinka sanadkan loo qorsheeyay in ay dhacaan.

Tiigso Media

Xukuumada Somaliland ayaa xidhay Library ay dowlada Masar ku lahayd Magaalada Hargeysa.  Wasaaradda Arimaha Dibada,Aaa S...
11/09/2024

Xukuumada Somaliland ayaa xidhay Library ay dowlada Masar ku lahayd Magaalada Hargeysa. Wasaaradda Arimaha Dibada,

Aaa Sidoo kale ugu baaqday dhamaan Wakiiladii iyo Shaqaalihii masar in 72 sacadood gudahood ay kaga baxaan Soomaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo,Ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha G...
09/09/2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo,

Ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil,

Ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Madaxa Hay'adda UNICEF Tadle Damte.

Tiigso Media

Boqor Buurmadow iyo soo dhawayntiisa Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa goobta ku sugnaa isaguna.
09/09/2024

Boqor Buurmadow iyo soo dhawayntiisa Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa goobta ku sugnaa isaguna.

Xildhibaan Maxamed Abiib yuusuf Sharci uma xidhna ee koox gaara ayuu u xidhanyahay, Xildhibaan ka markii la qabanayay ba...
08/09/2024

Xildhibaan Maxamed Abiib yuusuf
Sharci uma xidhna ee koox gaara ayuu u xidhanyahay, Xildhibaan ka markii la qabanayay bac madow baa madaxa loo galiyay ,

Taasi waa wax aan waligeed Dhicin hadii aanu Madaxwaynaha sharciga ilaalin anaguna Sharci ilaalin mayno

Hadii xildhibaan Maxamed abiib degdeg loo soo dayn waayo ninwalba Xiniinyihiisa ayuu fuulidoona muuse biixina wuxuu ka helo isagaa ogaan doona.

Xildhibaan Cabdikariin Aadan cumar (Cambe) oo ah Xildhibaanada Reer awdal ah
Tiigso Media

Roobab dabaylo wata oo xalay ka da'ay magalada saylac ayaa bur-buriyay qaybo kamida guryihii ku yaalay magalada saylac.W...
05/09/2024

Roobab dabaylo wata oo xalay ka da'ay magalada saylac ayaa bur-buriyay qaybo kamida guryihii ku yaalay magalada saylac.

Waxaana arintaa ii xaqiijiyay Dad aan la xidhiidhay
Sheegayna inay Guryo badan Dumeen

Lakiin waxkale oo qasaara ah Naf ah iima ay sheegin Hantidaa Burburtay moyaaneee

Ilahay ha u gargaaro dadkaasi Hantidu kaga burburtay.

Kala soco wixii wararkale ka soo kordha

Tiigso Media

"Waxaa jira Xildhibaano kale oo lagu hayo kiis Qaran Dumis ah oo iyaguna la kiis ah Xildhibaan Maxamed Abiib balse aan w...
04/09/2024

"Waxaa jira Xildhibaano kale oo lagu hayo kiis Qaran Dumis ah oo iyaguna la kiis ah Xildhibaan Maxamed Abiib balse aan weli la soo xidhin iyagana sharciga ayaanu dhakhso umarin Doonaa...."

Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland.

Cabdijibaar Maxamed

Golaha wakiillada oo laalay Dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib xeer ilaalintu ka soo Gudbisay.Golaha wakiilada Somalilan...
03/09/2024

Golaha wakiillada oo laalay Dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib xeer ilaalintu ka soo Gudbisay.

Golaha wakiilada Somaliland oo maanta laga hor akhriyey Dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta Somaliland kasoo Gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib

Ayaa waxay isku raaceen in aan xilka laga qaadin amaba Maamuus ka xayuubin lagu sameyn

57 Xildhibaan oo fadhigan kasoo xaadiray ayaa waxa ogolaadey soo jeedinta xeer ilaaliyaha Guud ee Maamuus ka xayuubinta 3 Xildhibaan,

Waxaana Diiday 51 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan,

sidaasina waxa Lagaga soo Horjeestay Dacwadii xildhibaan Maxamed Abiib laga soo Gudbiyey .

Tiigso Media

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib lagu hayo Xabsiga Mandheera.Sidoo kale s...
02/09/2024

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib lagu hayo Xabsiga Mandheera.

Sidoo kale shirguddoonka ayaa sheegay in xadhiga xildhibaanku ka hor imanayo Dastuurka isla markaana si deg deg ah loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Tiigso Media

"Muuse Biixi waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay tahay sharci jabin iyo ku tumasho dastuur , Maxamed Abiib waxaa Xildhib...
02/09/2024

"Muuse Biixi waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay tahay sharci jabin iyo ku tumasho dastuur ,

Maxamed Abiib waxaa Xildhibaan xasanad leh , Muuse Biixi , Xeer Ilaaliyaha iyo Maxk**ada sare midna k**a qaadi karto oo Dastuurka,

Ayaa siiyey,Reer Awdal waxaan ugu baqayaa inay ogaadan in Maxamed Abiib yahay xildhibaan Qaran oo aanu aheyn xildhibaan gobol oo kaliya” Musharrax Madaxweyne C/raxmaan Cirro

Tiigso Media

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ahaa shakhsiyaadka sida wayn u dhal...
01/09/2024

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ahaa shakhsiyaadka sida wayn u dhaliila Madaxweynaha.

Boorama  Soo dhawaynta  Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ee soo gaadhay Magalada Boorama Ee Xarunta  Gobolka Awdal
31/08/2024

Boorama Soo dhawaynta Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ee soo gaadhay Magalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal

Halkan waa Khayriyada Boorama, waaana goobta uu Madaxwaynaha  Soomaaliland Muuse Biixi ugu khudbadayn doono,  bari
30/08/2024

Halkan waa Khayriyada Boorama, waaana goobta uu Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi ugu khudbadayn doono, bari

  Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa, goor dhaw ayaa ka hadlay xaalka ...
30/08/2024

Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa, goor dhaw ayaa ka hadlay xaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo hadlayay 18 daqiiqo ayuu soo qaaday 4 qodob.

- Xogta wada hadalka Ankara iyo Nairobi, ayuu sheegay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen xal, balse sababaha loo heshiin wayay ay kamid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaarinayeen oo ay abuurayeen wax aan meeshaba oolin.

- ⁠Madaxda DFS Iyo xubnaha wada hadalka loo diray ayuu kusifeeyey kuwa aan dawladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dawladnimo shaqo ku laheyn oo ay madaxdu yihiin kuwa Activistayaal ah.

- ⁠Itoobiya ayuu sheegay in ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig loo dhintay, lacag & hub si nabada & dawladnimada loo saldhigo, laakiin ay Muqdisho ay abaal celin sameyn weyday, madaxduna u dhaqmayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegeyn.

- ⁠Argagixisada Soomaaliya, ayuu kusifeeyey in ay noqotay Kooxaha ugu taajirsan ee Caalamka joogta, wuxuu sheegay in Itoobiya ay si adag ula dagaalantay oo ay ka shaqeysay in meesha laga saaro, laakiin madaxda Soomaalidu aysan daacad ka aheyn la dagaalankooda oo ay mar kasta ka shaqeeyaan wax aan Argagixisada soo afjareyn.

- ⁠Imaanshaha Masar ayuu sheegay in aysan maslaxo iyo dan midna u aheyn Soomaaliya iyo Gobalka Geeska Afrikaba,

Ethiopia ayuu sheegay in ay indhaha kuhayso dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in aysan caafimaad qabin, oo aysana gacmaha ka laaban doonin.

Address

One Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634272265

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tiigsan Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tiigsan Tv:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Broadcasting & media production in Mogadishu

Show All