Safaari Media Production

Safaari Media Production always Be Available

Wareegto Madaxweyne 21.04.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxwey...
21/04/2024

Wareegto Madaxweyne 21.04.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Bandhiga Buuga Suul-DhabaaleIyo Habeenka Sabtidu Soo Galayso
18/04/2024

Bandhiga Buuga Suul-Dhabaale
Iyo Habeenka Sabtidu Soo Galayso

"Sannadku waa 365 Maalmood, 364 kamid ah Ra'yigeena & Doodeenu wey qaybsanaan kartaa laakiin Hal maalin oo ah Maalinta Q...
18/05/2023

"Sannadku waa 365 Maalmood, 364 kamid ah Ra'yigeena & Doodeenu wey qaybsanaan kartaa laakiin Hal maalin oo ah Maalinta Qarankeena ma kala qaybsanaan karno."

Murashax Madaxweyne
Dr. Cabdiraxmaan Cirro.

Saaka waxa xuska 18 May ee la soo wareegtay sanad guurada 32aad ee maalintii dib ula soo noqoshadii qarankii lumay ee So...
18/05/2023

Saaka waxa xuska 18 May ee la soo wareegtay sanad guurada 32aad ee maalintii dib ula soo noqoshadii qarankii lumay ee Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco waxa qayb ka ahayd diyaaradaha aanu duuliyuhu wadin ee Droneska loo yaqaan.

“Cadawgu ka talin maayo doorashada yada, beesha caalamkuna k**a talinayso oo ma fara galin karto doorashadayada, ninka t...
18/05/2023

“Cadawgu ka talin maayo doorashada yada, beesha caalamkuna k**a talinayso oo ma fara galin karto doorashadayada, ninka tolkii aamini waayay ee beel caalam aaninayaa waa nacas” Madaxwayne Biixi

"Ragga dheel-dheelayoow dagaalku wuu soconayaa ilaa inta taako Somaliland ah uu cadowgu haysto" Muuse Bixii Cabdi, Madax...
18/05/2023

"Ragga dheel-dheelayoow dagaalku wuu soconayaa ilaa inta taako Somaliland ah uu cadowgu haysto" Muuse Bixii Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay xuska 18 May.

Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka oo Sheegay in Dagaalka Laascaanood lagu soo qaaday ay qayb ka yihiin kooxo is bahayst...
01/03/2023

Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka oo Sheegay in Dagaalka Laascaanood lagu soo qaaday ay qayb ka yihiin kooxo is bahaystay oo AS Qayb Ka Tahay.

18/05/2022

Waxaan Madaxweynahana kula talinayaa inaanu talada ka qaadan in talo xumaan ah ee uu ka qaato inta maalinta uu khaldan yahayna tidhaahda waar fadhiiso, marka uu saxan yahayna garnaqsan karta oo aragtidiisa gole gayn karta oo iibin karta.
Madaxda xisbiyadana waxaan leeyahay ceeb iyo gunimo maaha in qofku u danqaato danta guud".."

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

“ waxaa lagu heshiiyey in khilaafka siyaasiga ah la dhameeyo wixii ka danbeeya xuska maalinta 18 may, sidoo kale xukuuma...
16/05/2022

“ waxaa lagu heshiiyey in khilaafka siyaasiga ah la dhameeyo wixii ka danbeeya xuska maalinta 18 may, sidoo kale xukuumadu waxa ay ogolaatay in xisbiyada mucaaridku habeenimada ay xafladooda 18 may ay gaar u qabsadaan iyo in xuska weyn ee maalintiina shacabka somaliland ay si wadajira u xusaan “. Ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse oo u hadlay xisbiyada mucaaridka somaliland .

Hoggaanka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha waxa ay is Af-garad weyn ka gaadheen arrimihii 18MAY ee lagu muransanaa.Kul...
16/05/2022

Hoggaanka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha waxa ay is Af-garad weyn ka gaadheen arrimihii 18MAY ee lagu muransanaa.
Kulanka qyqq kusoo beegmaya xili ay xisbiyada mucaraadku ah aya h**e u sheegeen in aanay ag fadhiisanayn madaxweynaha maalinta 18 may waxaanay ku dhawaaqeen gudi kale oo qabanqaabo.
Wasirka arimaha gudaha ayaa isna maanta wareegto soo saaray in aanay xisbiyada mucaaradku aanay si gaara u xusi karin 18 may .

"Sannadkan waxa isku soo beegmay wakhtigii xisbiyada oo dhammaanaya bisha December ee sannadkan   iyo doorashadii Madaxt...
09/05/2022

"Sannadkan waxa isku soo beegmay wakhtigii xisbiyada oo dhammaanaya bisha December ee sannadkan iyo doorashadii Madaxtooyada oo ku eg November labadaba waa inaynu maareynaa"

Madaxweynaha JSL.

“Waxa dhammaad ku dhaw Waddada Burco – Ceerigaabo, waxaana hadhsan 10 KM oo keliya. Iyadoo ay dhammaadeen 262 KM oo inno...
09/05/2022

“Waxa dhammaad ku dhaw Waddada Burco – Ceerigaabo, waxaana hadhsan 10 KM oo keliya. Iyadoo ay dhammaadeen 262 KM oo innoogu kacay qiime lacageed oo gaadhaya 54,484,000 Doollar, oo dhammaanteed laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka” Madaxweynaha Somaliland.

“Waxa Alle mahaddii ah in Quwadaha Dunidu xilli ay hirdamayaan ay arkeen muhiimadda juquraafiyadeed iyo istaraatijiyadee...
09/05/2022

“Waxa Alle mahaddii ah in Quwadaha Dunidu xilli ay hirdamayaan ay arkeen muhiimadda juquraafiyadeed iyo istaraatijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay doonayaan in ay maanta wax la qabtsadaan Somaliland” Madaxweynaha Somaliland”

1. “Waxa laga cabsi qabaa in bad-xidhan dhaco, dawlad ahaan waxaanu qaadaynaa tallaabooyinkan:1) Dhiirri-gelinta wax-soo...
09/05/2022

1. “Waxa laga cabsi qabaa in bad-xidhan dhaco, dawlad ahaan waxaanu qaadaynaa tallaabooyinkan:
1) Dhiirri-gelinta wax-soo-saarka;
2) Isku-xidhka aqoonyahanka iyo Maal-qabeenka;
3) Dhiirri-gelinta in jaamacadaha dalku sameeyaan hal-abuur iyo daraasado wax-ka-tari kara xalka dhibaatooyinka inna horyaala.
4) Samaynta Kaydka Raashinka intii awoodeena ah.”

“Doorashooyinku Baalixoofto maaha Hanjabaad baraha bulshada laysu mariyaana geesinimo maaha siyaasadana guul lagagama ga...
09/05/2022

“Doorashooyinku Baalixoofto maaha Hanjabaad baraha bulshada laysu mariyaana geesinimo maaha siyaasadana guul lagagama gaadho hadii Aad shax ciyaarayso oo ay kaasoo oodanto lagaana badiyo waxa lagaaga baahanyay inaad aayar faraha boodhka ka tumato hadaanad taas yeelayn haysku soo gelin Doorashada.”

Md.Muse Biixi

Agaasimaha Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaa uu maanta daahfuray Tababarka Tababarayaasha (TOT's) kaasoo s...
16/04/2022

Agaasimaha Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaa uu maanta daahfuray Tababarka Tababarayaasha (TOT's) kaasoo socon doona muddo 3 maalmood ah, waxaana la bari doona sidii ay u tababari lahayeen shaqaalaha ka shaqayn doona goobaha diwaangelinta.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waaxa xafiiska maanta boqosho ugu yimi wafti uu hogaaminayo Safiirka Sweden u qaabilsa...
05/04/2022

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waaxa xafiiska maanta boqosho ugu yimi wafti uu hogaaminayo Safiirka Sweden u qaabilsan arrimaha Somaliland Ambassador Per Lingarde, waxaa kale oo socdaalka ku wehelinayey la taliyihiisa arrimaha nabadgelyada & dib u heeshiisinta Mr. Johan Svensson.

Waftiga & Komishanku waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Doorashooyinka & Horumarinta Dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxay kaloo ka wada hadleen habsami u socodka & u diyaargarawga Diwaangelinta Codbixiyeyaasha dhici doonta bisha May, 2022 ee fooda inagu soo haysa.

Dawladda Somaliland , waxa ay sheegtay in illaa laba bilyan oo Dollar lagu qiyaasay khasaaraha  ka dhashay dabkii xalay ...
02/04/2022

Dawladda Somaliland , waxa ay sheegtay in illaa laba bilyan oo Dollar lagu qiyaasay khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen..

Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge , oo ka mida guddida qiimaynta ee uu Madaxweynuhu magacaabay, ayaa hadalkan sheegay caawa

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo maanta u soo gebogabeeyey imtixaan laga qaadaayey shaqaalihii soo codsaday shaq...
27/03/2022

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo maanta u soo gebogabeeyey imtixaan laga qaadaayey shaqaalihii soo codsaday shaqooyinka ka banaanaa 3 gobol ee Galbeedka JS L(Awdal, Maroodi-Jeex & Saaxil).

Dadweynaha magaalada hargeysa oo jidadka magaalada u taagan soo dhaweynata waftiga madaxweynaha jsl muuse biixi cabdi
26/03/2022

Dadweynaha magaalada hargeysa oo jidadka magaalada u taagan soo dhaweynata waftiga madaxweynaha jsl muuse biixi cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyey Machadka Washington Institute for Near East PolicyWashinhto...
23/03/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Khudbad Ka Jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy

Washinhton-D.C-23-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku guda jira safarkoodii shaqo ee dalka Maraykanka oo galay maalintii koob iyo tobnaad ayaa khudbad ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy oo madaxweynaha ku martiqaaday xarunta machadkaasi ku leeyahay Washington DC.

14/03/2022

Khudbadii madaxweynaha somaliland muuse biixi cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland & Weftigii uu hogaaminayay oo gaadhay Washington DC.
13/03/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland & Weftigii uu hogaaminayay oo gaadhay Washington DC.

Madaxweyne Biixi, oo shalay socdaal ugu baxay Maraykanka ayaa la kulmi doona mas’uulliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka...
13/03/2022

Madaxweyne Biixi, oo shalay socdaal ugu baxay Maraykanka ayaa la kulmi doona mas’uulliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, Xildhibaano ka tirsan golaha Koongarayska, Tijaarta waddankaasi iyo weliba Bulshada Rayidka ah.

Xogtan waxa shaaciyay xoghaya gaarka ah ee madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar shaqo ugu ambo baxay dalka MaraykankaHargeysa:1...
12/03/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar shaqo ugu ambo baxay dalka Maraykanka
Hargeysa:12/03/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Mudane Jaamac Muuse Jaamac oo ka socda Bulshada rayidka ah, ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.

Wa-bilaahi tawfiiq

Xaflada Daahfurka iyo Tijaabada Hanaanka Hubinta Xogta Codbixiyaha (Biometeric Voter Verification System).Hanaankaas oo ...
20/02/2022

Xaflada Daahfurka iyo Tijaabada Hanaanka Hubinta Xogta Codbixiyaha (Biometeric Voter Verification System).
Hanaankaas oo kor u qaadi doona geedi socodka Doorashooyinka JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha WakiilladaHargeysa-13-02...
13/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha Wakiillada

Hargeysa-13-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha golaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.

Kulankan hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku sharfay xubnaha golaha wakiillada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxk**adda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, mudaneyaasha golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhardaar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi, “Weynu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha casuumadda, golaha wakiilladuna waa golihii shacabku doortay oo shacabkay wakiil ka yihiin, dhammaan hay’adaha dawladda ee halkan fadhiyana waxa isku xidha oo oday u ah madaxweynaha oo ah odaygii guud ee qaranka, sida uu xil uga saaran yahay xukuumadda, buu golahana xil uga saaran yahay golaha Baarlamaanka oo isku dhan, sidaas oo kale buu golaha garsoorkana xil uga saaran yahay, waana odaygii guud ee isku xidhayey intaas oo dhan.”

Guddoomiyaha maxk**adda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha golaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo golahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu casuumaddan sameeyey, ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo, waxana uu yidhi,

“Maanta arrinteennu waa qado-sharaf, waana hal farriin oo kali ah oo ah goleyaasha qaranka ugu sarreeya, xeer-dejinta oo labadii shirguddoonba joogaan, maxk**addii oo uu joogo guddoomiyihii maxk**adda sare iyo fulintii oo badankoodii jooga, aynu Ilaahay kaga codsanayno inaynnu noqonno dawlad danta qaranka ka shaqaysa, doodda oo marka ay doodaanna halka codku u bato isku raaca, qaabka ay u shaqaynayaanna uu yahay mid ixtiraam ku dhisan.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Asma cadaalad ha Hesho!!!Asma Jaamac Cabdilaahi waa gabadh yar oo agoon ah waxay Indhaheedii ku wayday daawo indhaha oo ...
31/01/2022

Asma cadaalad ha Hesho!!!

Asma Jaamac Cabdilaahi waa gabadh yar oo agoon ah waxay Indhaheedii ku wayday daawo indhaha oo khaldan oo uu dhakhtar siiyay iyadoo jirta 5 bilood Jirta.

Hooyadeed waxay ku tidhi dhakhtarkaas Maalinta qiyaame ee la qaawan yahay ee la qatan yahay ayay inoo tahay, hadalkeeda Hooyadu waxay ku dartay awoodna uma hayo Itaalna uma hayo calankayga iyo Soomalidayda ayaan dhex jooga iyadoo qalbiga xanuunka ay ka dareeneyso aad ka arkayso Ilmada wejigeeda ka burqanaysa ayay sidaasi ku tiraabtay.

Dhakhtarka dhibkaas gaadhsiyay Ilmahaas Agoonta ah loogama qaadin magdhow sharcigana lalama tiigsan oo cadaalad may helin Asma Yar.

Hadaba waxaynu dareemi karnaa dareenka xanuunka iyo mugdiga leh ee laxaadkii ilmahaas qaybihiisa ugu muhiimsanaa uu masuuliyad darro iyo hubsiimo la'aan dhakhtarkaasi u sababay inay waydo.

Asma Cadaalad Ha Hesho oo sharciga ha la horgeeyo Dhakhtarkii masuuliyadaas leh.

Sii Faafi Qoraalka Si ay u gaadho laamaha dawlada ee ku shaqo leh.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland...
25/01/2022

Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.

25/01/2022

..

Magaalada waxa ay hadda yeelatay Cisbitaal Labaad oo casri ah, si waafi ahna loo qalabeeyay.
Waa Qaybtii 4-aad ee barnaamijkii iTus OO iTaabsii.

Magaalada waxa ay hadda yeelatay Cisbitaal Labaad oo casri ah, si waafi ahna loo qalabeeyay.
Waa Qaybtii 4-aad ee barnaamijkii iTus OO iTaabsii.

Address

Hargeysa
2522

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Safaari Media Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Safaari Media Production:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Hargeysa media companies

Show All