15/10/2023
Dhakhtarkiisii ayaa Basaasay!
Buugga: Dhaxalwareeggii Baqaad
Qore: Axmed Mansuur
Turjume: Cabdillaahi Beershiya
Magaalada al-Miqdaaddiyah ee ka tirsan gobolka Diyaalaha oo xad kala leh dalka Iiraan dhinaca waqooyi ayaan joogay maalin dhan, waxaanan halkaa kula kulmay dadka magaaladaas oo ku abtirsada asxaabigii weynaa ee al-Miqdaad Binu Camru (Ilaahay raali ha ka ahaadee). Waxa ay ka mid tahay magaaladani meelaha ay iskacaabbinta xooggani ka socoto, iyada iyo caasimadda gobolka Diyaalah ee Bacquuba, taas oo lagu dilay afar ka mid ah askarta Maraykanka 27kii July 2003, dadkii aan halkaa kula kulmay waxa ka mid ahaa nin gacansade ah oo gadhka iyo madaxaba cirro ku leh, haseyeeshee dhallinyarada kula shaqaynayey firfircoonaan, soo dhaweyn iyo kalgacayl. Aniga iyo isaga waxa na dhexmaray sheeko, waxaana uu iiga sheekeeyey in uu i garanayo oo uu igu bartay barnaamijkayga al-Jazeera ka baxa, inkasta oo suxuunta satalaytku ay xaaraan ahayd waqtigii nidaamkii h**e ee dalka ka talinayey, haddana si qarsoon ayaa uu u daawan jiray waxyaabaha dunida ka socda. Waxa la xidhay ninkaas dhawr jeer sannado badanna waxa uu ku qaatay jeelkii Saddaam Xuseen, waxaan ku idhi maalintii dalka laga riday Saddaam ma waxa ay kuu ahayd maalin wanaagsan? Waxa uu igu yidhi; “Waxa jira wax iiga wanaagsan arrintaas, waxaan kuu sheegayaa maalinta ugu wanaagsan noloshayda.” Waxaan weydiiyey aniga oo la dhacsan hadalkiisaas waa tee maalintaas? Waxa uu igu yidhi; “Maalintii aan helay faylkii lagu qori jiray arrimahayga muddo shan iyo labaatan sannadood ah oo uu gaadh iga hayey nidaamkii Saddaam.” Waxaan ku idhi oo sidee ayaad u heshay? Waxa uu yidhi; “Waxa kali ah ee werwerka i galiyey waxa uu ahaa sidii aan u heli lahaa faylkaas, markii uu nidaamku dhacay, waxaan ka soo baadhay xaruntii sirdoonka ee magaalada Bacquubah, haseyeeshee waxaan ogaaday in uu yaalo xarunta sirdoonka qaranke ee magaalada Baqdaad, waxaan la xidhiidhay dad aannu isgaranaynno oo halkaas joogay, waxa aan ku idhi ii soo hela faylkaygii, halkii ayaana ay ka dhex baadheen malaayiin faylal ah.” Dabadeed, waxa uu igu yidhi isaga oo dhoollacaddeynaya; “Dhammaan dadka reer Ciraaq faylal ayaa ay lahaayeen, waxa aannu ku dhex noolayn dawlad shaqadeeduba ay tahay sirdoonka, gebogebadii waa ay heleen faylkaygii, markii ay ii soo sheegeenna waxaan ku idhi, degdeg iigu soo dira, masaafada ay labada magaalo isku jiraanna sida aad arkayso waxa ay noqonaysaa in aan ka yarayn laba saacadood oo aad gaadhi saaran tahay ammaanka iyo khataruhuna aad ayey u badnaayeen bilowgii ciidammada Maraykanku soo galeen dalka, haseyeeshee waa ay ii soo direen, hawshii ugu horreysay ee aan qabtay markii la ii keenay waxa ay ahayd habeen iyo maalin ilaa aroortii kale igu qaadatay in aan akhriyey tiradiisa oo ka koobnayd in aan ka yarayn ilaa saddex boqol oo bog, haddana ma aan joojin in aan akhriyo ilaa aanka gebagebeeyey, haseyeeshee arrinta iga fajicisay waxa ay ahayd dhakhtarkii i dawayn jiray oo mar walba ii muujin jiray saaxiibtinnimo iyo daacadnimo inta badanna aannu ka sheekaysan jirnay siyaasad iyo dhibaatada fasahaadka ah ee uu maamuka Saddaam dhulka iyo dalka ku hayo, waxa uu ahaa ninkii ugu weynaa ee i basaasi jiray, warbixinihii ugu badnaa ee la iga qorayna isaga ayaa inta ugu badan qoray.”
Waxaan ku idhi ninkaas imminka ga’aan noocee ah ayaad ka qaadan? Wax uu igu yidhi; “Mar marka qaar waan ka shakiyi jiray, laakiin meeshaba ma aan soo dhigan in uu yahay ka mar walba waxan igu sameeya.” Waxaan ku idhi ma laga yaabaa inaad ka aargoosato? Waxa uu yidhi; “Ha ka yaabin Ilaahay ayaa ka aar-goosan doona dulmi badane kasta, kuwaas imminka waxa ay deydayeyaan meel ay ku dhuuntaan iyo cid magangalisa, waxaana ay dhadhamiyeen qadhaadhkii ay h**e u kasbadeen, imminka waxa aan dareensanahay oo aan moodayaa in aan ahay qof mar kale dib-u-dhashay, ma jirto cid i daba guraysa iyo meelo ammaan oo aan cabsi ka qabo, waxaan doonayo si xor ah ayaan u samaynayaa, waxaana igu filan in aan ka mid noqdo dadka imminka maamulaya magaaladan ee sugaya ammaankeeda, weliba jooga xaruntii dabagalka ku samayn jirtay.