Madasha Anuug

Madasha Anuug Ku soo dhawoow Madal Cilmiyeedka Anuug oo aad ka heli karto maqaallo iyo baadhitaano aqooneed

MQ.02Eebbe Wuu Ku Arkaa!Magacyada Raxmaan iyo Raxiim waxaad akhridaa 17 jeer maalintii. Ma dhugataa farqiga u dhaxeeya l...
08/04/2023

MQ.02

Eebbe Wuu Ku Arkaa!

Magacyada Raxmaan iyo Raxiim waxaad akhridaa 17 jeer maalintii. Ma dhugataa farqiga u dhaxeeya labadan magac? se' ma dareentaa raadka ay nafsad ahaan kugu leeyihiin?
Waxaynu naqaannaa in badan oo kamida magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo tilmaamihiisa, laakiin sidee ayeynu uga dhigi karnaa kuwo saameeya quluubteenna, dhaqannadeena, iyo dhammaan qeybaha nolosheenna?
Shan tallaabo ayaa kaa caawinaya arrinkan.
B: Garashada macnayaasha magacyadan.
T: Is-horkeenidda magacyadan dhacdo weliba.
J: Ku fekeridda magacyadan xilliga la maqlo.
X: In lagu baryo, laguna ammaano Alle SWT.
KH: In la isku qurxiyo macnayaasha ka dhasha magacyadan, sida Allaha deeqsiga ahi wuxuu jecelyahay deeqsiyiinta.

Dib u milicso dhacdooyinkii kugu dhacay toddobaadkan? siday noqon lahaayeen haddaad is hor keeni lahayd magacyada iyo tilmaamaha Eebbe?
Waxa kaa soo hor baxay muuqaal xun, intii aad ku jirtay baraha bulshada, kadib waxaad xasuusatay in uu Allaha aragga badan ku arkayo, kolkaa ayaad araggaaga laabtay.
Waxaad walaalkaaga Muslinka ah caloosha ugu qabatay xummaan, kadib waxaad xasuusatay in Alle yahay mid ogsoon waxa ku qarsoon laabaha, kolkaa ayaad uur samaatay.
Waxaad doontay in aad macsi u keliyaysato, kadib waxaad xasuusatay in Allaha Raqiibka ahi ku arkayo, kolkaa ayaad dhowrsatay.
Waxaad la xanshaashaqday dhegta saaxiibkaa, si' aad ugu sheegto xumaan, kadib waxaad xasuusatay in Allaha maqalka badani yahay ka maqla waxa qarsoon, kolkaa ayaad xishootay.
Waxaad ku xad-gudubtay mid itaal daran, kadib waxaad xasuusatay in Allaha awoodda badani yahay mid kaa awood badan, kadibna waa cabsatay.
Waxaad ag martay ruux sabool ah oo dawarsanaya, kadib waxaad xasuusatay in Allaha naxariista badan yahay mid jecel kuwa isku naxariista, kolkaasaad dabacday.
Waxaad ka gadoodday balaayo kugu dhacday, kadib waxaad xasuusatay in ay ka sugnaatay Allaha xikmadda iyo ogaalka badan, kolkaasaad sabirtay.
Ma u fiirsatay saamaynteeda? Haa, magacyada Eebbe markasta iyo dhacdo kastaba waa la jirkeenna. Magaca Eebbe ayeynu ku noolaanaynaa, magaca Eebbena weynu ku dhimanaynaa.

Isla wakhtigaa, waxa aad ka goosan doontaa midhaha arrinkaa; qalbigaaga iyo xubnahaaga. Sida in aad ka dhaxasho;
-Niyad badhax-tiran.
-Xasillooni nafsadeed.
-Badqad qalbiyeed.
-Ilaalin shakhsiyeed.
-Dhammeystirnaan addoonnimo; iyo
-Sarreyn anshax.

Arrinkaasi wuxuu u noqonayaa dadka;
-Kalgacayl iyo is uruurin.
-Nabad iyo degganaan.
-Is-taakuleyn wadareed.
Maxaa yeelay?! Alle dadka wuxuu ugu jecelyahay kuwa ugu waxtarka badan bulshada.
Waxa Alle agtiisa ah ayaa ugu weyn, sida jaceyl, danbi-dhaaf, iyo raalli-ahaansho.

Qofku wuxuu jeclaado wuu bartaa, wuxu bartana wuu xusaa, markuu xusana wuu badiyaa xuskiisa, wuxuuna ku tilmaannaada tilmaamaha shaygaa uu jeclaaday, waxaana ku raadooba gudaha iyo dubka qofka. Aynu ku jaan-goyno nolosheenna magacyada Alle.

W/Q: Wuduux.
W/T: Madasha Anuug

MQ: 01Gaadhista Farxadda.Farxadda iyo badhaadhuhu waa jannada riyooyinka iyo gebegebada yididiilooyinka. Aadanaha oo dha...
19/01/2023

MQ: 01
Gaadhista Farxadda.

Farxadda iyo badhaadhuhu waa jannada riyooyinka iyo gebegebada yididiilooyinka. Aadanaha oo dhammi waa goobayaa, yaraa se' inta hanata ee heshaa. Si' kasta oo uu u jiro kala duwanaanshiyo qofeed, nololeed, yooleed, afeed, jinsiyadeed, darka ay ka dhaansadaan, iyo halka ay u socdaanba, haddana waxa ay isku waafaqsan yihiin doonista farxadda, si' ay uga dheydo dhibaatooyinka nolosha iyo xanuunadeeda.

Helidda farxaddu waa deeq Rabbi uu siiyo cidda uu doono addoomihiisa, oo qaybtood ay ku raaxeystaan heliddeeda, qaybta kalena ay la nooshahay kaliya doonisteeda, ka la waafajiyey se' waa ka ku hanuuna dariiqeeda ee raaca, u shaqaysta ee ka dheeraada wax kasta oo ka hor istaagaya, una keenaya murugo (urugo). Dad badani waxa ay maleeyeen in farxaddu ay tahay helidda xoolaha iyo hantida, dar kalena waxa ay is-moodsiiyeen in ay ku jirto xilalka iyo jaaha, halka qaar kalena ay ka dayeen dabbaalashada xaaraanta. Noolaha oo dhammi waxa uu dedaal dheer ugu jraa heliddeeda, waxay se' ku ururtay mid helay iyo mid ay hareer martay oo moodey meel aanay ahayn, diintiisina ku baddashay adduunyo, hawadiisana aakhiro ku doorsadey, dabadeed dhaxlay cidhiidhi iyo ciqaab nololeed.

Farxadda lagu heli maayo ilaa cabsida Alle, raacidda dariiqa ergeygiisii [NNKH] iyo ka dheeraanshaha xumaanta. Alle waxa uu yidhi “kuwa Eebbe rumeeyoow dhawrsada oo wanaajiya hadalladiinna, Eebbe wuu hagaajin camalladiinna, wuuna dhaafi gefafkiinna, ruuxii Eebbe iyo Rasuul adeeecaana wuu liibaanay liibaan weyn,” caalimkii weynaa Ibnu Taymiya-na waxa uu ku daray “Rumaynta Alle iyo Rasuulkiisa [NNKH] ayaa ah halka ay guusha oo dhammi ku soo uruurto.” Nolosha oo dhan iyo waxa badhaadhe dhex yaalla wax macaan ah ka gaadhi mayno cabsida Alle la’aanteed.

Abwaan ayaa ku maansooday.
“Farxad uma arkaayuun
Hantidoo la urursado,
Kan cabsada addoomaha
Ilaahiis addeecaa
Guulaysta abidkii,
Cabsiduna intay tahay
Iyadaa u wacan sahay,
Rabbigeen agtiisana
Abaal buu ku leeyahay
Qof addeecay hadalkii.”

Dhabbada Badhaadhaha.
Ma jirto waddo loo maro farxadda oo aan ka ahayn adeecidda Alle. Qofka badiya camallada hagaagsan, kana dheeraada gefefka, wuxu ku noolaadaa nolol reyn-reyn leh. Eebbe wuxuu yidhi: “Ruuxa wanaag sameeya ku dooni ha ahaado; lab iyo dheddig, waannu ku nooleyn nolol wanaagsan.”
Ibnu Kathiir wuxuu yidhi: “Nolosha wanaagsan waxay koobsatay qaab kasta oo xasillooni ah, farxadduna wey badataa kol kasta oo addoonku ka dhabeeyo keliyeynta Alle, laabtiisuna u furnaato askumaha, arrinkiisana uu u irkado Rabbigii.”
Ibnul Qayim wuxuu yidhi: “Rumeynta Alle waxay addoonka u furtaa irridaha badhaadhaha iyo wanaagga. Badhaadhuhu wuxu ku dhammeystirmaa wanaajinta Eebbe iyo joogteynta adeecidda Alleh.”
Ibnu Taymiya wuxuu yidhi: "Rayn-rayntu waa wanaajinta Alle, in aad Eebbe rajeyso, kaalmeysato, ka dheeraato gefefka, adigoo u khushuucaya Eebbe.”

Ruuxa dhadhansada macaanka iimaanku, wuxuu dhadhamiyay macaankii farxadda, wuxuu noolaan isagoo laab furan oo qalbi xasilloon. Ibnul Qayim wuxuu yidhi: “Waxaan Ibnu Taymiya ka maqlay: Adduunyadu jannay leedahay, ruuxa aan gelin jannada adduunyada ma galo jannada aakhiro!”

Isbaarada Farxadda!
Xumaantu waa in la raaco rabitaanka nafta, lana sameeyo macaasida iyo danbiyada. Dhaldhalaalka adduun ee xaaraanta ahi waa kuwo waxyeello ka buuxaan, waana sababta dhibka adduun iyo aakhiroba.
Alle waxa uu yidhi:
“ Cidda ka jeedsata xuskeyga waxa u sugnaatey nolol cidhiidhi ah.” Suuratu Daaha. Aayadda 124.

Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya waxa uu yidhi: "Shar kasta oo adduunka ka dhacaa wuxuu gaar u yahay Addoonka, waxaana sababa khilaafidda Rasuulka [NNKH] iyo aqoon la'aan diineed.” Farxadda addoomadu ee noloshoodan(Adduunyada) iyo mustaqbalkooda (Aakhiradu), waxay ku jirtaa in ay raacaan diinta Islaamka.
Rafaadka oo laga cararo, badhaadhahana loo cararaa waxay keensaneysaa in Alle loo toobad keeno oo loo laabto. Sheekh Ibnul Qayyim wuxuu yidhi: " Albaabbada sharka waxa xidha toobadkeen iyo danbi dhaaf Alle la weydiisto."

Garaac albaabada tawbadda, iskana awd kuwa macaasida iyo danbiyada, si' aad u dhadhamiso macaanka badhaadhaha, badqabka qalbiguna waxa uu ku jiraa in laga tago danbiyada, haddii aan laga tagin qalbiga waxa ay u la mid tahay sun, haddayna dilinna wey daciifisaa. Ruuxii uga taga dullinnimada macsida adeecidda Alle, Alle waa hodmiyaa hanti la'aan, waana weheliyaa wehel la’aan, Waxaana ayaan daran ruuxii ka jeedsada addeecidda Alle, falayna wuxuu Eebbe ka reebay.

Helista Farxadda.
Dhab ahaan cidda kulansata saddexdan arrin ayaa farxadda heshay.
1- Ka mahad-celinta nimcooyinka.
2- Ku samridda nusqaanta iyo
3- Ka soo noqoshada gefefka[Istiqfaar].
Ibnul Qayyim wuxuu yidhi: “Haddii uu helo dheeraad wuu ku mahadnaqi, haddii la imtixaanana wuu ku samri, haddii uu gefana wuu ka soo laaban, saddexdani waa cinwaanka guusha addoonka iyo caddaynta guushiisa adduun iyo aakhiraba, yaanu ka tegin addoonna middaas.”

Haddii aad u fiirsato si' qotodheer adiga oo xisaab gelinaya naftaada, weyneynaya gefefkeeda, oo ka cabsanaya dhac-dhaceeda, cabsi aad ka qabto abuuraheeda, is dhaafinaya oo is illawsiinaya wanaagyada ay fashay adiga oo ku ajar dalbaya, tani waa astaanta nafta doonaysa nolol farxad iyo guul leh.
Ibnul Qayyim wuxuu yidhi: ”Astaanta guushu waa in addoonka wanaagyadiisu ay dhabarkiisa ahaadaan oo uu is illawsiiyo, xumaantiisuna indhihiisa ay hortaallo, Astaanta guuldaraduna waa in addoonka uu wanaaggiisu horyaallo, xumaantiisuna ay daba taallo.”

Qofka farxadda gaadhay waa kan ka cabsada ka abuuray [Alle], wanaag kula dhaqmaya uunka, ka mahad celinaya dheeraadka, waxii sanna uga faa’ideystey, kaga hor tagay dhibaatooyinka samir iyo ku ajar dalbid, laabtana u ballaadhiyey oo aaminay in Alle kaga masaxayo gefef, korna ugu qaadayo darejo, Allena dambi dhaaf weydiistay oo ka qoomameeyay camalkiisa xun.
Buugga: خطوات إلي السعادة
W/Q: Sh. Cabdul-muxsin Maxamed.
W/T: Madasha Anuug

https://islamonline.net/%D8%A3%D9%8A%D9%86-%D8%A3%D8%AC%D8%AF-%D8%A7%D9%84%D8%B3%D8%B9%D8%A7%D8%AF%D8%A9-%D8%9F/

Madal aqooneedka Anuug waxa ay kaaga mahadcelinaysaa ku soo biiristaada, waxa ayna kuu ballan qaadaysaa in aad ka dhaxli...
13/01/2023

Madal aqooneedka Anuug waxa ay kaaga mahadcelinaysaa ku soo biiristaada, waxa ayna kuu ballan qaadaysaa in aad ka dhaxli doonto aqoon iyo waayo-aragnimo inta aad ku xidhan tahay.

Address

Hargeisa

Telephone

+905526056946

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Anuug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madasha Anuug:

Share

Category


Other Publishers in Hargeisa

Show All