Kabriid

Kabriid Kabriid is a new startup aiming to solve the complexity of publishing books and print products by co

02/04/2023
02/04/2023
02/04/2023
Goordhow ayuu billaabmayaa bandhigga labadan buug ee "100 xadiith oo ku saabsan akhlaaqda wanaagsan" iyo "Qaamuus - Fara...
02/04/2023

Goordhow ayuu billaabmayaa bandhigga labadan buug ee "100 xadiith oo ku saabsan akhlaaqda wanaagsan" iyo "Qaamuus - Faransiis > Soomaali".

Waxa uu ka qabsoomayaa Hoteelka Lotus ee magaalada Jijiga.

Bandhigga labada buug ee kala ah "100 Xadiith oo ku saabsan akhlaaqda waaagsan" iyo "Qaamuus - Faransiis > Soomaali" oo ...
01/04/2023

Bandhigga labada buug ee kala ah "100 Xadiith oo ku saabsan akhlaaqda waaagsan" iyo "Qaamuus - Faransiis > Soomaali" oo uu qoray Cabdiraxmaan Sheekh Biixi, soona saartay dhawaan shirkadda daabacaadda ee Kabriid ayaa ka qabsoomi doona maalinta berri ah (2 April, 2023) magaalada Jigjiga, gaar ahaan hoteelka Lotus abbaara 9:30am.

Ka soo qayb-gal wacan.

Dhawaan ayuu soo baxayaa buugga Dugaagii Dahsoonaa oo uu qoray Mustafe Cabdicasiis, soona saartay Kabriid.         .
21/02/2023

Dhawaan ayuu soo baxayaa buugga Dugaagii Dahsoonaa oo uu qoray Mustafe Cabdicasiis, soona saartay Kabriid.

.

Bisha labaad ayuu soo baxayaa buugga Hoggaamintii Mahathir oo uu qoray Cabdinaasir Sahal, soona saartay Kabriid .Cilmiga...
23/01/2023

Bisha labaad ayuu soo baxayaa buugga Hoggaamintii Mahathir oo uu qoray Cabdinaasir Sahal, soona saartay Kabriid .

Cilmigan hoggaaminta waa cilmi afaf badan lagu qoray haba ugu badnaado afka Ingiriisiga. Buugaagta ka hadlaysa cilmiga hoggaaminta ee afka Soomaaliga ku qoran waa fara ku tiris. Ogaalkeyga waxaa ugu caansan afar buug oo kala ah: Hoggaaminta Wanaagsan oo uu qoray Dr. Cabdi Shire Warsame, Xilkas: U Hoggaami Si Raadeyn Leh oo uu qoray Cabdikariim Cismaan Jaamac, Hoggaamiye Isbedel Horseeda oo uu qoray Saciid Cali Shire iyo Horumarka Turkiga iyo Hoggaaminta Erdogan oo uu qoray Sh. Maxamad Idiris Axmad.

Walise Af-Soomaali laguma qorin hoggaaminta siyaasadda (political leadership). In taariikh siyaasadeed hoggaamiye wax laga qoro, oo badka la soo dhigo ra’yi la miiray, cilmi cusub, kaas oo ku yimid akhris dheer, cilmi baadhis, hilaadin, deetana miiddii la murtiyeeyo iyadoo garaadka (natural intelligence) la tuujinayo, lana keenayo ra’yi wax dalooliya (insight), oo ka soo maaxday maskaxda, waa markii ugu horreysay ee arrintaa cidi u istaagto. Waa dhigane ka hawaale warramaya hoggaamin siyaasadeed maskaxda nadiifinaysa (refinement of the mind).

Dhiganahan waxa uu ka hadlayaa hoggaaminta siyaasaddii Tun Dr. Mahathir Maxamad, oo laba jeer ra’iisul wasaare ka noqday dalka Malaysiya (1981-2003 iyo 2018-2020), oo celcelis ahaan isku noqonaysa 25 sano, ama rubuc qarni.

- Cabdi Naasir Sahal

__________________

Kabriid waxa uu u taagan yahay haqabtirka iyo daboolidda baahiyaha qoraaga isagoo kaalmaysanaya tiknoolajiyadda.Kamid no...
22/11/2022

Kabriid waxa uu u taagan yahay haqabtirka iyo daboolidda baahiyaha qoraaga isagoo kaalmaysanaya tiknoolajiyadda.

Kamid noqo qoraayada ku baahiya buuggooda kabriid.com

Qormadeenan waxa aynu si kooban ugaga hadlaynaa suuqgeynta nafta, taas oo aan filaayo inay muhiim u tahay qof kasta inuu...
19/11/2022

Qormadeenan waxa aynu si kooban ugaga hadlaynaa suuqgeynta nafta, taas oo aan filaayo inay muhiim u tahay qof kasta inuu naftiisa barto, kabacdina iibin karo. Inuu qofku ogaal isu lahaadaana waa mar kasta oo uu si fudud nolosha ula falgelikaro, isaga oo fahmaaya xaalado kastoo nololeed.

Muse Max'ed Cismaan

Qoybta 1aad  Diyaarinta: Muse Max'ed Cismaan Qormadeenan waxa aynu si kooban ugaga hadlaynaa suuqgeynta nafta, taas oo aan filaayo inay muhiim u tahay qof kasta inuu naftiisa barto, kabacdina iibin karo. Inuu qofku ogaal isu lahaadaana waa mar kasta oo uu si fudud nolosha ula falgelikaro, isaga oo ...

15/11/2022

Buugtii ugu iibsiga badnayd Jigjiga International Book Fair ee ay daabacday shirkadda Kabriid.

14/11/2022

Telefeeshinka RTN Somali TV oo aan uga warbixinay adeegyada Kabriid

14/11/2022

Cabdisalan Hareri oo nagu soo booqday Bandhiga buuggaagta caalamiga ah ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair).


Kabriid

Maallinkii 3aad ee bandhiga buuggaagta caalamiga ah ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair). Kabriid
14/11/2022

Maallinkii 3aad ee bandhiga buuggaagta caalamiga ah ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair).

Kabriid

Waanu ku sugaynaa na soo booqo. Jigjiga International Book Fair .
12/11/2022

Waanu ku sugaynaa na soo booqo. Jigjiga International Book Fair .

Nagu soo booqo Bandhiga Buuggaagta Caalamiga ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair). Maallinkii kowaad ayaa si ras...
12/11/2022

Nagu soo booqo Bandhiga Buuggaagta Caalamiga ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair).

Maallinkii kowaad ayaa si rasmi ah inoogu bilaabmay.

Waxa aanu marti ku nahay Bandhiga Buuggaagta Caalamiga ah ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair). Waxa aad bandhig...
08/11/2022

Waxa aanu marti ku nahay Bandhiga Buuggaagta Caalamiga ah ee Jigjiga (Jigjiga International Book Fair). Waxa aad bandhiga ka heli kartaan adeegyada shirkadda Kabriid.

31/10/2022

Barnaamijka Ardaaga Hal-Abuurka ee xarunta HarHub

Kabriid & Technology-ga casriga ah ee ay u daah furtay qoraayada Soomaliyeed.

Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saaxiib kal furan weeye, Sunto fara ku hayntiisa, Weligaa ha sii deynin...
30/10/2022

Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saaxiib kal furan weeye, Sunto fara ku hayntiisa, Weligaa ha sii deynin.

- Hadraawi (AHUN): Sirta Nolosha.

Alxmadullilah, waxa xalay si qurux badan noogu qabsoomay barnaamijkii Ardaaga Qoraaga ee aan ugu talo galnay in aan ku s...
29/10/2022

Alxmadullilah, waxa xalay si qurux badan noogu qabsoomay barnaamijkii Ardaaga Qoraaga ee aan ugu talo galnay in aan ku soo casuuno qoraayada da'da yar ee qalinmaalka ah. Xalay waxa noo casuumnaa qoraaga buugga Xabsi Caashaq Qoraa Maxamed Siciid. Waxa aan u mahadcelinaynaa dhammaan dhallinyaradii ka soo qayb gashay barnaamijka.

.

📚ARDAAGA QORAAGA - KALKII 2AADNagala Soo Qaybgal Cawayska Qoraaga 📝. Ku guulayso buug bilaash ah. Kalkan waxa inoogu cas...
25/10/2022

📚ARDAAGA QORAAGA - KALKII 2AAD
Nagala Soo Qaybgal Cawayska Qoraaga 📝. Ku guulayso buug bilaash ah.

Kalkan waxa inoogu casuuman Qoraa Maxamed Siciid Ayaanle, oo ah qoraaga buugga Xabsi Caashaq. Mawduuca uu diiradda saari doonaana waa; Sidee ayuu xabsi ugu galay caashaq dartii?

Barnaamijku waxa uu qabsoomi doona 28 Oct 2022, jimcaha habeenka sabti soo galayso 7:00Pm. Waxa aanad kala socon doontaa link-ga hoos ku xusan.
Google Meeting Link:-
https://meet.google.com/jvq-ustw-zsm

Ku soo biir groups ka madasha Ardaaga Qoraaga si aad ula socoto si joogto ah barnaamijka.

Telegram Group Link:
https://t.me/ardaagaqoraaga

Whatsapp Group Link:-
https://chat.whatsapp.com/EJuTctEbShr6hqOLsozX2k.

Waad ku mahadsantahay ka soo qayb galkaaga, la wadaag asaxaabtaada xiisaysa akhriska iyo qoraalka.

Waxa soo gabgaboobay Bandhigii Buugta Nugaal. Waxa aan u mahadcelinaynaa dhammaanba maamulka bandhiga iyo cid kasta oo k...
22/10/2022

Waxa soo gabgaboobay Bandhigii Buugta Nugaal. Waxa aan u mahadcelinaynaa dhammaanba maamulka bandhiga iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay agaasinkiisa.

Kabriid & Kalmaddii ay ku lahayd Bandhiga Buugta Nugaal.
22/10/2022

Kabriid & Kalmaddii ay ku lahayd Bandhiga Buugta Nugaal.

Address

Xero Hadhuudh, Al Nour General Trading Building, Floor 4th
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kabriid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kabriid:

Videos

Share

Category


Other Publishers in Hargeisa

Show All

You may also like