MM Somali TV

MM Somali TV Maan Media (MMTV) is a media business owned, non-partisan and non-governmental
organization, estab
(1)

01/03/2025

Buugga Halgan Hooyo oo Gabiley lagu soo bandhigay.

Google Chrome ayaa digniin ka soo saarey 16 barnaamij oo nooca loo yaqaan Extentions-ka in ay halis ku yihiin amniga xog...
01/03/2025

Google Chrome ayaa digniin ka soo saarey 16 barnaamij oo nooca loo yaqaan Extentions-ka in ay halis ku yihiin amniga xogta isticmaaleyaasha.

Warbixin ay daabacday GitLab Threat Intelligence ayaa sheegtay in extentions-kani, oo ay horey u isticmaaleen 3.2 milyan oo qof, ay ku dhex jiraan kood basaasaaya qofka xogtiisa, kadibna u ogolaanaysa burdhcada internet-ka inay xadaan xogta isticmaaleyaasha iyo inay dhex marsadaan xayeysiisyo been abuur ah.

Extensions-ku waa barnaamij dheeri ah oo lala isticmaalo Google Chrome, kaas oo qofka u qabanaaya shaqooyin dheeri ah. Google ayaa horey uga saartay extentions-kan qaybteeda laga la soo d**o ee Chrome Web Store, hase yeeshee, dadka wali ku isticmaala extiontions-kan hoos ku qoran ayaa loo sheegay in ay si degdeg ah uga saaraan barowsarkooda. Khubarrada amniga ayaa sidoo kale ku taliyey in la isticmaalo barnaamijyada antivirus si loo hubiyo in aadan la kulmin wax weerar ah.

Waa kuwan Extentions-ka shirkadu ka digtey
Blipshot, Emojis (Emoji Keyboard), Color Changer for YouTube, Video Effects for YouTube and Audio Enhancer, Themes for Chrome and YouTube Picture in Picture, Mike Adblock für Chrome, Super Dark Mode, Emoji Keyboard Emojis for Chrome, Adblocker for Chrome (NoAds), Adblock for You, Adblock for Chrome, Nimble Capture, KProxy, Page Refresh, Wistia Video Downloader iyo WAToolkit

Telefishanka MMTV Uganda iyo Madasha Somali New Generation for Change Forum (SNCF) oo iskaashanaya ayaa qabtay tababar s...
01/03/2025

Telefishanka MMTV Uganda iyo Madasha Somali New Generation for Change Forum (SNCF) oo iskaashanaya ayaa qabtay tababar sare oo ku saabsan Dib-u-qaabaynta Warbaahinta iyo Saamaynta Dhijitaalka ee Anshaxa.

Tababarkan oo ay ka soo qayb galeen xirfadlayaal warbaahineed iyo dhalinyaro xiisaynaysa mihnadda saxaafadda, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fahmi lahaa doorka warbaahinta dhijitaalka ah ee ku aaddan kor u qaadista anshaxa iyo mas’uuliyadda bulshada.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la xoojiyo aqoonta ka qayb-galayaasha, si ay ugu adeegaan bulshada iyaga oo si mas’uuliyad leh u isticmaalaya baraha bulshada iyo warbaahinta casriga ah.

01/03/2025

Dood adag iyo buuq badan oo hareeyay kulankii maanta ee golaha shacabka Soomaaliya.

01/03/2025

Somaliland Iyo Rwanda oo kala saxeexday heshiis muhiim ah

01/03/2025

Alle ha u naxariiste Marxuum Xaashi Iimaan oo Hargeysa lagu Aasay

Ciidamada Dawladda Sucuudiga ayaa lagu eedeeyey in ay dileen boqolaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo ahaa tahriibayaal ka soo ...
01/03/2025

Ciidamada Dawladda Sucuudiga ayaa lagu eedeeyey in ay dileen boqolaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo ahaa tahriibayaal ka soo gudbayey xadka Sucuudiga iyo Yemen, una socday gudaha Sucuudiga.

01/03/2025

Shuruudaha Soonka ll Sheekh Dirir

01/03/2025

Maxay yihiin saddexda qodob Trump ku khasbayo Zelenskyy inuu aqbalo?

01/03/2025

Wakaaladda Biyaha Hargaysa oo war ka soo saartay dhamaystirka Biyo galinta Hargaysa

01/03/2025

Maalinta koobaad ee Ramadanta iyo dad weynaha Hargeysa.

Sida warbaahinta caalamku qorayso waxyaabaha madaxweyne Donald Trump ka xanaaqay ay ka mid tahay in Madaxweynaha Ukraine...
01/03/2025

Sida warbaahinta caalamku qorayso waxyaabaha madaxweyne Donald Trump ka xanaaqay ay ka mid tahay in Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy aanu suudh u soo gashan booqashadiisa aqalka cad balse uu xidhnaa dhar ciidan.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa wajahay su’aalo iyo dhaleecayn ku saabsan xidhashadiisa dharka militeriga intii uu ku sugnaa Aqalka Cad.

"Maxaad suudh u xidhan weyday? Waxaad joogtaa xafiiska ugu sarreeya dalka, balse waad diiday in aad suudh xidhato. Keliya waxaan rabaa in aan ogaado—suudh ma leedahay?" ayuu weydiiyay Brian Glenn, oo ah falanqeeye ka tirsan warbaahinta Real America’s Voice.

"Waxaan suudh xidhan doona marka dagaalku dhammaado " ayuu yidhi Madaxwayne Zelenskyy.

01/03/2025

Hoggaamiyayaasha Yurub oo taageero u muujiyay Madaxweynaha Ukraine.

01/03/2025

Qasaa'id ku saabsan Ramadanta || Maxamed BK ©MMTV

01/03/2025

Fadliga Bisha Ramadaan || Sheekh Dirir

01/03/2025

Sidee uga faa'idaysan karnaa Bisha Ramadan? || Mahamed Ilig

01/03/2025

Bahdilkii ugu waynaa oo ku dhacay madaxwaynaha Ukraine

Waddamada Maalinka berri ee Axadda soomi doona.
01/03/2025

Waddamada Maalinka berri ee Axadda soomi doona.

Address

Tima Cadde Stadium
London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MM Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MM Somali TV:

Videos

Share

Category